12/04/2023
"Update halka xaalku caawa marayo & Bustahayga"
_______________________________________________
Khilaaf weyn oo dhibaca Siyaasada ee Laas-caanood lagu hagi doono ah ayaa soo kala dhex galay Huwantii kala ujeedada ahayd.
Shir ka dhacay Minisoota oo ah xarunta ugu wayn ee Dagaalka Laas-caanood laga maamulayo ee dhaqaalaha ugu badani ka yimaado oo ay ku sheegeen guud ahaan Magaca Daarood ayaa go,aankiisu noqday in dariiq kale oo aan Puntland ahayn oo furani in aanu jirin oo quus laga taagan yahay maamul Goboleedkii Khaatumo ee lagu riyoonayey.
Shirka Minisoota waxaa lagu sameeyey Sanduuq lacageed oo Darood ka dhaxeeya oo lacagtiisu ay Dawlada Puntland ku dhaci doonto.
Sidoo kale Axmed Karaash & Deni ayaa saamayn wayn ku yeeshay Garaadada & Ciidamada Dagaalka ku jira, kuwaas oo ayaguna hada sameeyey sanduuq dhaqaale oo Laas-caanood leedahay oo 350,000 $ oo kuwii ugu h**eeyey ah ay hada ku shubeen, taas oo la rabo in lacagaha oo dhami ay ku soo dhacaan Sanduuqaa ay Puntland maamuli doonto.
Garaad Jaamac ama Mr Gala Dagaalka ayaa arintaa Puntland laga mid noqonayo & lacagtaa ay Puntland maamuli doonto aad uga biyo diiday ama ka soo hor jeestay because Garaad Jaamac toos ayuu isagu ugu xidhnaa Farmaajo oo ay Mr Deni Siyaasada ku kala duwan yihiin
Garaad Jaamac Dadkiisa wuxuu ku dagaal geliyey in Farmaajo Dawlada Ethiopia uu u hayo oo ayaga la socoto oo Somaliland loo qaban doono, arintaas oo noqotay Barkuma-taal & xisaab khaldan oo la isku dhufsaday laguna khasaaray.
Ina Garaad Cali ayey aad ugu adkaatay ka mid noqoshada Puntland & inuu ku balan furo saaxiibkii Farmaajo oo tacab badan Dagaalka galiyey ahaana Ninka ay shurkada ku ahaayeen Dagaalka Laas-caanood laga riday.
33kii Oday ee Jigjiga lagu soo sameeyey ayaa caawa arintan ka fadhiistay, waxaana ku adkaatay labada kooxood ee Farmaajo & Deni kii ay xiligan raaci lahaayeen, waxayse aad ugu eegtay in Farmaajo laga guulaystay oo meeshu ay Deni & Axmed Karaash hada u siraadantay.
Dhinaca kale Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isaguna maqifkiisu yahay waxaa nagu dagaal galiseen inaynu Maamul Madax banaan noqon doono ee iskumaynaan ogayn in Puntland la hoos tegayo because maamulkaanu ka soo hor jeesanay ayaaba ka xoog waynaa kan aad nagu wadaane miyeynu khasaarnay mise waynu faa,iidnay.
Shirkii 33ka Oday ee la rabay inuu arinahaa xaliyaa wuxuu ku soo dhamaaday horta Weerarka aynu galno oo ka dib aynu isu nimaadno, runtii waxaa weli huursan Khilaaf Siyaasi ah oo xumad jebin looga dhigayo weerar hada la qaado kaas oo loo arko in lagu midoobi karo hadii kale la kala yaaci doono.
Taladii waxay ku soo ururtay weerar Khamiista ama jimcaha midkood dhici doona in horta la galo.
La soco wixii ka soo kordha Busataha & xogaha hoose ee ay Suti_gaashaan ka helayso dhinaca Huwanta.