25/10/2024
Laascaanood: Togga Geeda Qarsey oo La Hagaajiyay si Biyuhu Si Fiican Ugu Maraan Xaafadaha MagaaladaTogga Geeda Qarsey ee ku yaalla magaalada Laascaanood ayaa hadda laga dareemayaa shaqooyin muhiim ah oo ay Dowladda Hoose Caasimada SSC-Khaatumo ka qabatay, iyadoo dib u habeyn ku samaysay marinnada biyaha si looga hortago in fatahaado ay saameyn taban ku yeeshaan xaafadaha magaalada.Dowladda Hoose ayaa dhawaan qaadday tallaabooyin ay ku hagaajinayso togga iyo kaabayaasha biyaha, si biyuhu si habsami leh uga gudbaan magaalada, taas oo hoos u dhigtay khatarta fatahaadaha, gaar ahaan xaafadaha ku dhow togga. Dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka biyaha oo ay ku tilmaameen guul weyn oo lagu badbaadinayo xaafadaha toga u dhow Dadaallada lagu xoojinayo kaabayaasha biyaha ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee Dowladda Hoose ee Caasimada SSC-Khaatumo, oo la doonayo in looga hortago dhibaatooyinka fatahaadaha roobabka isla markaana loo sugo badqabka bulshada magaalada. Maamulka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan horumarinta marinnada biyaha si loogu diyaargaroobo roobabka mustaqbalka.