01/09/2024
Taxanaha Sooyaalkii Culumada Soomaaliyeed:
Sheekh cali cabdiraxmaan xasan (Adeegihii qur'aanka) 1890-1991
A) shiikhu waxa uu dhashay Abaaro 1890 sida laga helay Baasaboorkiisi, kudhashay Agagaarka Magaalada Fiiq Ee Soomaaligalbeed, qoska uu kadhashay waxa uu ahaa reer-guuraa xoolodhaqato ah.
Yaraan ayuu kubilaabay barashada qur'aanka kuna xafiday, waxaana qur'aanka udhigay macalin Cali oo bare ka ahaa deegaankaas.
markii uu 15 jirsaday ayuu Aabihii kula taliyay in uu usafro muqdisho Abaaro 1905 si uu cilmi uraadsado.
Culimadiisii waxaa kamid ah: Sh.Aadan-cawlyahan yuusuf, Sh. Muxyidiin macalin mukarram, Sh. Qaasim Baraawe Ikk. Mudo 20 sano ah oo uu muqdisho joogay.
Naanaysta "suufi" waagaas ayaa ay raacday, waxaana u bixiyay Sheekhiisii Aadan-cawlyahan, sida ay ku timidna waxa ay ahayd; wakhtigaa uu Sh. Cali-suufi xerta ahaa ee uu Xamar joogay qoys kasta oo lagu jilo haddii gurigooda uu gabadhba ku arko kuma noqon jirin. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sh. Aadan-cawlyahan arkay Sh. Cali oo baahiyi ka muuqato, oo reerkii lagu jilay aan dhawr caaanamaal u tegin. Sheekhu cilladda ayaa uu gartay ka dibna inta uu masaajidka ka kacaya ayaa uu yidhi:
Ninkan xerowga ah ee Cali, suufi waaye, guri bilcaan joogto haddii uu arko ma tegaayo, waar yaa loo duceeyaa oo guri aan bilcaan joogin geynaayo..." halkaas ayaana Sheekha ay naanaysta suufi ka raacday.
Abbaaro 1925-kii Sh. Cali-suufi waxa uu go'aansaday in uu dalka yaman u xeraysto, boosaaso ayuuna karaacay doon katalaabisay Bada Cas oo gaysay magaalada Cadan, wuxuuna uga sii gudbay xarun-cilmiyeedkii Ribaad-tariin. Mudo kadibna dhulka Xijaas ayuu aaday.
Sh. Cali-suufi markii uu cilmi aad u badan weeleeyay, sannado badanna uu culimada Xaramka hoos fadhiyay dalka ayaa uu dib ugu soo laabtay, waxaana uu ku soo horreeyay magaalada Harar oo xilligaa ahayd caasimadda saqaafadda Islaamka ee geeska Afrika. Isla markii uu Sheekhu saldhigtay waxa uu abuuray kacdoon cilmiyeed, si gaar ahna waxa uu xoogga u saaray in uu da'yarta ka haqabtiro Qur'aanka iyo culuumtiisa. Waxa uu aasaasay dugsi Qur'aanka lagu barto.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sh. Cali-suufi waxa uu ka warhelay in Boqor Xayle Salaase uu dugsigiîsa si gaar ah foolka ugu soo hayo, ka dib Sheekhu ardaydiisii waxa uu kula sii dardaarmay in marka Boqorku u soo galo ay ku akhriyaan aayadaha ugu dambeeya suuradda Yuunus.
Boqor Xayle Salaase arrintaa aad ayaa uu uga cadhooday, dugsigiina albaabbada ayaa uu isugu laabay oo waa uu xidhay.
Sheekhu markii uu u adkaysan waayay culayskii iyo cabudhintii ay boqortooyada xabashidu dacwad-faafintiisa ku haysay waxa uu u hayaamay magaalada Muqdisho.
Masaajidka Marwaas ayaa uu xalqado cilmi ah ka bilaabay 1947-dii. Sheekha waxa mar walba muhimadda koowaad u ahayd Qur'aanka iyo culuumtiisa in uu dadka baro, oo ay ugu mudan yihiin tafsiirka, tajwiidka iyo cilmiga qiraa'aadka.
Masaajidka Marwaas waxa uu ka mid yahay masaajidda faca weyn ee ku yalla magalada Muqdisho, xaafadda Xamarweyne. Waxa la dhisay qarnigii 14-aad ee Hijrada, iyada oo loogu magacdaray Sheekh Saalim Ibnu Axmed Ibnu Marwaas.
Muddo ka dib, abbaaro 1955-tii mar kale ayaa uu Sheekhu deegaanka Soomaaligalbeed dib ugu laabtay oo uu magaalada Dhagax- buur degay, kana dhisay dugsi lagu barto Qur'aanka kariimka ah iyo culuumtiisa. Sh. Maxamuud-suufi oo ka mid ahaa ardaydii dugsiga Qur'aanka ee Dhagaxbuur tajwiidka ka baratay waxa uu sheegay tirada ardaydu in ay gaadhay 380 arday.
Sh. Cali-suufi 1968-dii, oo ay dadu ku soo aartay ayaa uu Muqdisho ku laabtay. Waxa uu dhisay masaajidka caanka ah ee imminka loo yaqaanno masaajidka Sheekh Cali-suufi.
Sheekha oo xajka ka soo laabtay oo madaarka Aadan Cadde ka soo degay ayaa ay Maxamed Siyaad kulmeen, Sheekhu waxa uu isku deyay in uu duceeyo isaga oo ku yidhi:
Waar adeerow, dhegayso! Xajka qofka ka yimid duco ayaa lage dalbaa, ee waan kuu ducaynayaa e, aamiin dbeh!
Sheekh Cali-suufiyou, hadalkaa waxa aad uga jeeddaa in aan anigu umaddan naar geynayo...
Dadkii uu sheekha wax baray
Sh. Cali-suufi waxa uu soo saaray culimo ka dhaxashay culuum- tii Qur'aanka oo uu ugu horreeyo Sh. Mukhtaar Maxamuud Cali, Sh. Shariif-ibraahin Cabdullaahi Al-sarmaanii, Sh. Cabdiraxmaan Macallin-xuseen Xasan, Sh. Maxamuud Aw-suufi, Sh. Axmed Xaaji Qaasim, Sh. Cabdirashiid Sh. Cali-suufi iyo c oo daafaha dunida ku kala sugan.
Sidoo kale waxaa jiro kutub uu Sheekhu ka qoray culuumta Qur'aanka iyo luuqada carabiga, balse inama ay soo gaadhin oo waa in ay lumeen.
Geeridii Sheekha
Alle ha u naxariisto e, Sh. Cali-suufi sannadkii 1983-dii ayaa dhiig kaga furmay madaxa, waxaana haleelay cudurka faaligga, kaas oo uu u jiifay muddo gaadhaysa 9 sano, isaga oo ugu dambayn bishii Juun, sannadkii 1991-dii, uu Rabbigii oofsaday oo xaqii ku haleelay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaas ayaana lagu aasay.
Sheekhu noloshiisa waxa uu guursaday 4 xaas, Ilaahayna waxa uu ku arsaaqay 21 carruur ah oo kala ahaa 10 wiil iyo 11 gabdhood, waxaana ka mid ah ubadka Sheekha oo cilmigii iyo Qur'aankiiba ka dhaxlay Sh. Cabdirashiid Sh. Cali-suufi, oo ka mid ah culimada ugu caansan dunida islaamka.
Dhiganaha, Shamac