Guutale Media

Guutale Media ᴋᴀʟᴀ sᴏᴄᴏ ᴡᴀʀᴀʀ ɪʏᴏ ᴡᴀʀʙɪxɪɴᴏ xɪɪsᴏ ʟᴇʜ.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa xilalkii u kala wareejiyay Gudoomiyahii H**e e...
27/12/2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa xilalkii u kala wareejiyay Gudoomiyahii H**e ee Degmada Mahadaay iyo Gudoomiyaha cusub ahna Duqa Degmada mahadaay.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Police ka Hirshabelle ayaa xilalkii u kala wareejiyay Taliyihii h**e ee police ka Degmada Mahadaay iyo Taliyaha Cusub ee Police ka Degmada mahadaay .

Ugu danbeyn wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle mudane Abdi Dahir Guure Karoore ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay Nabadoonadii iyo Gudoomiyayaasha Dhalinyarada iyo Haweenka Degmada ee sida hagar la.aanta ah uga shaqeeyay ineey miro dhasho Dhismihii Golaha Deegaanka Degmada Mahadaay .

27/12/2024

Gudoomiyaha Degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabelaha Dhexe Yuusuf Xurshow Xasan, ayaa Ka Warbixiyay Dilkii loo geestay Ciidankii dowlada ee safarka ku socday,
Waxa uu sheegay in falkaas ay geesteen maleesho Deegaanka ah ayna ku daba jiraan sidii loo soo qaban lahaa.

27/12/2024

Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabelle Col. Hassan Dhicisow ayaa ka tacsiyey geerida askartii CXDS ee lagu layay Degmada Ceelbaraf,

Waxa uuna sheegay in DG.Hirshabelle tilaaba adag ka qaadi doonta dadka ka danbeyay Falkaas.

Ayadoo La fulinaayo amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi  ayaa Qeybta Guud ee ...
26/12/2024

Ayadoo La fulinaayo amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi ayaa Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir waxey Gacanta Kusoo dhigeen Eedeysana Hoos idin ka muuqda Kaas oo Ku eedeysan Anshax xumo oo uu kula Kacay Gabar Xanuunsan oo dhanka Dhimirka ah.

26/12/2024

Munaasabad lagu caleema saarayay maamulka cusub ee degmada mahadaay oo lagu qabtay degmadaas.

Abdurahman Guutale Mohamoud

24/12/2024

Warbixin Muhiim ah oo ka hadleysa Waxqabdka Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle ee Sandkaan sii dhamanaya 2024.

Abdishakuur Mohamed Hassan

23/12/2024

Wasaaradda Haweenka Iyo Xuquuqul insaanka Hirshabelle ayaa Magaalada Jowhar ku qabatay kulan la tashi ah oo ku saabsanaa xeerka dadka Naafada ah.

Hambalyo Xasan Maxamed dhegey,oo maanta ka mid noqday Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Degmda Mahadaay.
22/12/2024

Hambalyo Xasan Maxamed dhegey,oo maanta ka mid noqday Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Degmda Mahadaay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-sha...
22/12/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle, Mudane Amin Muqtar Axmed, ayaa kulan muhi...
21/12/2024

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle, Mudane Amin Muqtar Axmed, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Lataliyaha Sare ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Waxbarashada iyo Caafimaadka Mrs Emily Walls, Kulankan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,
Waxaana looga hadlay mashruuca “Integrated Learning for Education Youth Somalia” (ILEYS).

Mashruuca ILEYS waa barnaamij muhiim ah oo loogu talagalay in waxbarasho loo helo carruur ka badan 11,000, kuwaas oo da’doodu ka weyntahay heerka waxbarashada dugsiyada hoose, kuna nool deegaanada dhawaan laga xoreeyay cadowga.
Qodobada Muhiimka ah ee shirka laga hadlay waxaa ka mid ahaa:

Sidii loo hirgelin lahaa mashruuca ILEYS si ay carruurta u helaan fursado waxbarasho oo waxtar leh, Kabista adeegyada waxbarashada ee deegaanada la xoreeyay, Xoojinta iskaashiga Dowladda Hirshabeelle iyo Dowladda Mareykanka si loo gaaro himilooyinka mashruucani.

Mashruucan waxaa looga talagalay Dhisidda aqoonta carruurta da’doodu ka weyntahay waxbarashada aasaasiga ah, Horumarinta tayada waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanada Hirshabeelle, Dib-u-soo celinta kalsoonida bulshada ee dhinaca adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada.

18/12/2024

Muuqaal qurxoon oo ka yimid Gabdhaha ubax u ah Degmada Biyo-Cadde, iyo Soo dhoweyn halkaasi Loogu sameyay Walashen Fartuun Maxamed Jeele oo Timid Dalka Dibaddiisa💚🌴🙏.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose...
17/12/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeyb galaya Munaasabad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Kusoo dhowaada   oo ah Shirkad aad ka heli karto Adeegyo Dalxiis oo dhameestiran,Si gaar goobaha Loo dalxiis tago ee ku ...
16/12/2024

Kusoo dhowaada oo ah Shirkad aad ka heli karto Adeegyo Dalxiis oo dhameestiran,
Si gaar goobaha Loo dalxiis tago ee ku yaala Dalkeyna Hooyo
Nagala Soo Xiriir _Tel:252-613269520

Horay Ugaar Leyli Tourism Co.

Hodan Yusuf Leyli
>Maamulaha Shirkadda Leyli Tourism>

Madaxweynaha Dowladda  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Dowladda Hirs...
15/12/2024

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar kadib safarro shaqo oo uu ugu maqnaa gudaha Dalka iyo Dibadiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Gudoonka Baarlamaanka, Wasirro Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmada Jowhar, Saraakiisha Hay'adaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

13/12/2024

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarshada hirshabelle Xildhiban Yusuf Sheikh Hassn M.jeele ayaa kormeer shaqo ku tagay isguulka Deegaanka Jiiro -cissaley ee Degmada Warsheekh Gobolka Sh.dhexe,

Jiiro Cisaley: 12-12-2024,Wasiiru dowlaha wasaradda waxbarshada Dowladda hirshabelle Xil.Yuusuf Sh.Xasan M.jeele ayaa ma...
12/12/2024

Jiiro Cisaley: 12-12-2024,

Wasiiru dowlaha wasaradda waxbarshada Dowladda hirshabelle Xil.Yuusuf Sh.Xasan M.jeele ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku tagay iskuulka Deegaanka Jiiro-Cissaley ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh.dhexe,

Wafdiga wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweyay Gudoomiyaha Degmada Warsheekh ahna duqa Magaalada Maxmed Xasan Mataan, ku xigeenadisa, iyo Xoghayaha Degmada Warsheekh Cali Yare Cali, odyaasha Dhaqanka, Waalidiin iyo Mas,uuliyiin kale oo ka socotay Bahda waxbarshada.

Ujeedka kormeerka Wasiirka ayaa ahaa Dhiir-galinta Ardayda Deegaanka iyo bulshada jiiro cisley oo isu xilqamay una istaagay sidii ay ku hormari lahaayeen Waxbarshada Deegaanka,

Mudane Maxmed Xasan Mataan, Guddoomiyaha Degmada Warsheekh, ayaa wasaaradda waxbarshada Hirshabelle ka codsaday in Deegaanka jiiro lagadhiso goobo waxbarsho si ubadaka deegaanka loogu caawiyo ayna ku hali lahaayeen adeegyada Wasaaradda waxbrashada.

Gabogabadii Wasiiro Dowlaha wasaradda waxbarshada Xildhiban: Yuusuf Xasan Macalin jeele,ayaa sheegay in si deg deg wasaradda waxbarshada Hirshabelle ay Deeganka Jiiro Cislaey ay geyn doonto Manhajka waxbarshada islamarkana dadka deegankaan si Deg Deg ah loo soo gaarsiin doono adeega Waxbrashada.

-DHAMAAD-

12/12/2024

Welcome back Md. Madaxweyne Ali Gudlawe Hussein.

Jubaland ayaa Maanta soo bandhigtay Maxabis ay ku qabteen Dagaalkii Raaskambooni, iyo Hub culus oo dhawaan dowladu ka da...
12/12/2024

Jubaland ayaa Maanta soo bandhigtay Maxabis ay ku qabteen Dagaalkii Raaskambooni, iyo Hub culus oo dhawaan dowladu ka dajisay halkaas.

Address

Jowhar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guutale Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Guutale Media:

Share