Radio Hargaysa

Radio Hargaysa Radio Hargeisa was established in 1942. This is the official page of Radio Hargeisa.

Hay'adda shaqaalaha dawlada waxay fasaxday shaqaalaha dawlada munaasibada maalinta shaqaalaha aduunka oo ku beegan maali...
30/04/2025

Hay'adda shaqaalaha dawlada waxay fasaxday shaqaalaha dawlada munaasibada maalinta shaqaalaha aduunka oo ku beegan maalinta berri ah oo ku beegan 01 may 2025.

30/04/2025

Berbera : Ciidamada kala duwan ee gobolka Saaxil ayaa soo bandhigay dhoola-tuska munaasibada 18 May 2025ka.

30/04/2025

| Wararka subaxnimo ee Radio Hargeysa.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Abdiraxmaan Daahir Aadan oo maanta kulan ado sharafa ku maamuusay qaybo ka mida Salaa...
29/04/2025

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Abdiraxmaan Daahir Aadan oo maanta kulan ado sharafa ku maamuusay qaybo ka mida Salaadiinta, Cuqaasha,Dhalinyarada iyo Waxgaradka gobolka Awdal
kulankaasi oo Ka qabsoomay Hotel Safaari ee magaalada Boorama.

"Waxaan si ballaadhan u soo dhaweynayaa isbeddelka iyo xoojinta ay isku sameeyeen kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska oo...
29/04/2025

"Waxaan si ballaadhan u soo dhaweynayaa isbeddelka iyo xoojinta ay isku sameeyeen kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee fanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan kooxda xidigaha Geeska ku bogaadinayaa dib u habeynta ay isku sameeyeen iyo jiilka cusub ay ku soo kordhiyeen kooxdooda.Tallaabadaasi oo sii quwayn doonta wax-soo-saarkooda faneed iyo kaalinta muuqata ee ay ugu jiraan JSL.

Wasaaradda warfaafinta waxa ka go'an madaxdeeeda inay si dhow ula shaqeyn doonaan kooxdan iyo koox faneedyada kale ee ka jira dalka.

Wasaaradda warfaafintu iyadoo dhaqanka iyo fanka uga wakiil ah xukuumadda "Wadajir iyo Waxqabad" waxa ay u heellan tahay inay taageerto oo ay taabogeliso kooxaha fanka.

Waxaan ku boorinayaa kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska iyo dhammaanba kooxaha fanka ee dalku, inay kor u sii qaadaan baraarujinta waddaniyadda iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

"Sidaas darteed, waxaan mar kale fanaaniinta dalka ku ammaanayaa doorka weyn ee ay mar walba ka qaataan geddi-socodka iyo marxaladaha dalku marayo. Waana inay joogteeyaan kaalinta mugga leh ee ay ka qaataan dhiirigelinta xasiloonida iyo wadajirka bulshada."

Agaasimaha guud ee warfaafinta, dhawanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdisalan Maxamuud Ducaale (Ilkacase).

29/04/2025

Madaxweynaha JSL oo furay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga  Mudane Cabdalle Maxmed Carab Ayaa Amar kasoo Saaray Dadka Ajaaniibta Ah Ee Aan Hays...
29/04/2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxmed Carab Ayaa Amar kasoo Saaray Dadka Ajaaniibta Ah Ee Aan Haysan Sharciga Dalka JSL.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Jsl Sh. Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle oo hadhimo sharafeed ku m...
29/04/2025

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Jsl Sh. Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle oo hadhimo sharafeed ku maamuusay Bahda Warbaahinta G. Awdal.

Kulankan oo ujeedkiisu daarnaa Xogogaal unoqshada Waayaha Warbaahinta Gobolka ayaa lagaga wada hadlay sidii danta Guud Wadajir loogu adeegi lahaa.

29/04/2025

"Guddida dhaqaalaha ee golaha wasiiraddu waxay baryahanba ku howlanaayeen sidii dhaqaalaha dalka loo horumarin lahaa..." Wasiirka Maaliyada JSL

29/04/2025

Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo faahfaahiyey Furitaanka Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar Iyo Dhexe .

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta ka qayb ga...
29/04/2025

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe ee Somaliland. Shir-weynahan oo lagu qabtay Huteel Ambassador waxa soo agaasimay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
Ujeeddada guud ee Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe waxa uu ahaa:
1. In Qaran ahaan si cad la isula garto muhiimadda uu koboca dhaqaale ee dadkeena ay u leeyihiin horumarinta ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
2. In si cilmiyeysan loo derso caqabadaha kala duwan ee haysta ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
3. In la isku xidho dadka hal abuur ganacsi la yimaadda, hay'adaha wax la taliya, iyo hay'adaha wax maal-galiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-weynaha ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka goโ€™an tahay in ay dadaal dheeraad ah geliso xoojinta dhaqaalaha dalka, iyo in uu horumarku noqdo mid ay dhammaan dhinacyada dhaqaaluhu isla jaan-qaadayaan.
Madaxweynaha JSL mar uu ka hadlayay muhiimadda ay Qaranka u leeyihiin Ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe waxa uu yidhi:
"Ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe ee dalku, horumar la taaban karo ayuu sameeyey muddadii uu Qarankani jiray. Waxaanu maanta yahay laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. Waxa ay saami muuqda ku leeyihiin ilaha ay ka soo baxdo Miisaaniyada guud ee Qaranka JSL, iyo Miisaaniyadda degmooyinkaba."
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tilmaamay in ay jiraan caqabado badan oo aan la dhayalsan karin oo hor yaalla ganacsatada dabaqadda dhexe iyo kuwa hoose ee dalka. Caqabadahaa waxa ka mid ah helitaanka fursadaha maalgelinta iyo deymaha oo ku adag, nidaamka maamulka ganacsiga iyo shuruucda oo mararka qaarkood xakame ku noqda ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan caqabadahaasi wax laga qaban doono, waxana uu yidhi:
"Waxa aanu aaminsannahay in ganacsigu uu yahay jidka loo maro horumarka iyo badhaadhaha dalka, sidaas awgeed waxa aanu dib u eegis ku samayn doonnaa, meeshana ka saaraynaa caqabad kasta oo dib u dhigi karta abuurista ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe."
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in uu rajaynayo in Shir-weynahan Qaran ay ka soo bixi doonto natiijo ka turjumaysa hal-ku-dhigga loo dooray Madashan oo ah in la helo afkaarta lagu curinayo siyaasadda, aqoonta iyo maaliyadda lagu xoojinayo ganacsiyada yaryar iyo dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland si looga hor qaado caqabadaha hor yaalla.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha JSL, waxa uu faray Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Hay'adaha kale ee arrimaha ganacsiga la xidhiidhaba in ay kordhiyaan wacyigelinta bulshada taasoo muwaadiniinta lagu baraarujinayo in ay ficil ahaan iyo farsamo ahaanba yeeshaan dhaqan maalgashi iyo hal-abuur ganacsi.
๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

29/04/2025

โ€œ Waxaanu sii wadi doona qorshayaasha aanu ku xoojineyno nabada guud , gaar ahaan bariga Gobalka SOOL , Waxaanu mudnaanta koowaad siin doona sii deynta Maxaabiista iyo sidii dib la iskugu furi lahaa isku socodka Bulshada iyo Ganacsiga โ€œ
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ

Gudida Nabada Qaranka JSL oo booqasho aqooneed ku yimid Maktabadda Qaranka Gabiley
29/04/2025

Gudida Nabada Qaranka JSL oo booqasho aqooneed ku yimid Maktabadda Qaranka Gabiley

29/04/2025

Wasiirka Wasarada Arimaha dibada Somaliland ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Awdal ka degmada iyo laamaha Amniga gobolka.

Address

Idaacada
Hargeysa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Hargaysa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share