27/12/2025
πππ«-πππ±ππππππππ
Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA waxa uu hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland munaasabadda guusha taariikhiga ah ee aqoonsiga Somaliland. Guushani waa mid ka dhalatay halgan dheer, adkaysi, bisayl siyaasadeed iyo midnimo qaran oo ay wada yeesheen shacabka iyo hayβadaha kala duwan ee dalka.
Ururka SOLJA waxa uu si gaar ah u bogaadinayaa saxaafadda Somaliland doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca qadiyadda Somaliland, muujinta nabadda iyo dimuqraadiyadda, iyo gaadhsiinta codka shacabka beesha caalamka. Warbaahintu waxa ay ahayd tiir-dhexaadka wacyigelinta bulshada, ilaalinta danaha qaranka, iyo dhismaha sawir togan oo Somaliland kaga dhex muuqato caalamka.
Iyadoo laga duulayo marxaladdan cusub, ururka SOLJA waxa uu saxaafadda ugu baaqyaa:
1. Ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, iyada oo laga fogaanayo warar kicin kara khilaaf, naceyb ama kala qaybin bulsho.
2. Xoojinta midnimada, wada jirka iyo isku duubnida bulshada, lana dhiirrigeliyo wada noolaanshaha iyo isu-tanaasulka.
3. Ku dhaqanka anshaxa saxaafadda iyo masβuuliyadda xirfadeed, iyada oo la hubinayo saxnaanta, dheelitirka iyo xaqiiqada wararka la baahinayo.
4. La dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, gaar ahaan xilliyada xasaasiga ah ee guusha iyo isbeddelka.
5. Kor u qaadista wacyiga dadweynaha, si bulshada loo fahamsiiyo fursadaha, waajibaadka iyo masuuliyadda ka dhalanaysa aqoonsiga.
6. Ka shaqaynta danaha qaranka iyo sumcadda Somaliland, lana ilaaliyo sawirka togan ee dalka kaga dhex muuqda gobolka iyo caalamka.
Ugu dambayn, Ururka SOLJA waxa uu ku boorinayaa dhammaan bahda saxaafadda in ay sii laban-laabaan doorkooda hoggaamineed ee wacyigelinta bulshada, una adeegaan nabadda, horumarka iyo mustaqbalka mideysan ee Somaliland.
Shaafici Maxamed Ibraahim
Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Jsl