30/10/2024
ISBEDDELKA CIMILADA: SABABAHA, SAAMAYNTA, IYO XALKA.
Waa Maxay Isbeddelka Cimilada?
Isbeddelka cimiladu waa isbeddelka muddo dheer ka dhaca nidaamka cimilada dunida, gaar ahaan heer kulka aduunka oo si aan caadi ahayn sare ugu kaca. Qodobka ugu muhiimsan ee keena isbeddelkan waa kordhinta gaasaska hawada wasakheeya ee loo yaqaano Greenhouse gase emissions, sida CO2, methane, nitrous oxide, F-gases, iyo walxaha lamidka ah. Gaasaskan marka ay hawada galaan waxay qabtaan ama celiyaan kuleylka qorraxda oo caadi ahaan dib ugu noqon lahaa bannaanka ama hawada sare, taas oo keenta in heerkulka dhulku si aan caadi ahayn u kordho. In kastoo isbeddelka cimiladu ahaa arrin si dabiici ah dhulka uga dhacaysay mudo dheer haddana cilmi-baarayaashu waxay cadeeyeen in falalka bini’aadamka sameeyeen ay si weyn uga qaybqaateen isbadalka xawliga ku socda ee hadda jira.
Isbeddelka cimilada waxa uu soo ifbaxay qarnigii 19-aad markii saynisyahanno ay bilaabeen inay dareemaan in noocyada gaasaska ka yimaada warshadaha iyo walxaha la warshadeeyay ee lagusii daayo hawada ay kordhinayaan heerkulka dhulka. Cilmi baarayaal kala duwan oo mudo sanado ah daraasaad xiriir ah waday waxa ay si dheer diiradda u saareen xiriirka ka dhexeeya kaarboon laba ogsaydhka (CO2) iyo isbedelka cimilada. Waxaana ay sheegeen in sii kordhinta CO2 hawada lagu sii daynayaa ay keeni karto in heerkulka dhulku uu kordho, taas oo runtii la arkay inay dhab noqotay bartamihii qarnigii 20-aad. Mar kale waxaa la ogaaday inay jiraan noocyo kale oo gases ah oo gaysanaya saamayn ka badan midda Kaarboonka.
Sidoo kale, xog laga helay dayax-gacmeedyada iyo iyo xarumaha la socdka ama kaydiya rekoorada isbadalada heer kulka dhulka ayaa caddeeyay in isbeddelka cimiladu tahay xaqiiqo. Dayax-gacmeedyadu iyo xarumaha la socodku waxay diiwaangeliyaan isbeddelka ku dhacaya barafka cidhifyada dunida oo dhalaalaya, kulaylka badda oo kordhaya, iyo roobka u da’aya sida aan la saadaalin karin . Xogtan waxay si cad u muujinaysaa in isbeddelka cimilada uu ka socdo meelo badan oo dunida ah, iyadoo saameyn ku leh badaha, dhulka, iyo bini’aadamka.
Maxaa Sababay Isbeddelka Cimilada?
Sababta ugu weyn ee keentay isbeddelka cimilada waa gubista shidaalka fosilka ah sida saliidda, gaaska dabiiciga ah, iyo dhuxusha, kuwaas oo hawada u sii daaya gaasaska wasakhaysan sida Kaarboonka. Sidoo kale, waxyaabaha kale ee shidaaliya isbeddelka cimilada waxaa ka mid ah jarista dhirta, oo yareysa awoodda deegaanka ee qabashada kaarboonka, sababtoo ah dhirtu waxa ay si dabiici ah u qabtaan kaarboonka, balse marka la jaro dhirta waxaa dhacda in kaarboon badan oo ay qaban lahaayeen ay aadaan hawada. Waxa sidoo kale qayb muhiim ah ka qaadatay Isbadalka Cimilada wasakhowga ka dhasha warshadaha iyo gaadiidka. Dhaqdhaqaaqyada bini’aadamka ee ku saabsan wershadaha, gaadiidka, iyo dhismaha magaalooyinka waa kuwa ugu muhiimsan ee kordhiya sii deynta gaasaskan.
Sidoo kale, beeraha iyo hawlaha la xiriira xoolaha ayaa qayb ka qaata sii deynta methane, kaasi oo ah gaaska labaad ee ugu muhiimsan ee saameeya cimilada. Methane waa gaas aad ugu sii jira hawada muddo gaaban laakiin wuxuu leeyahay awood aad u weyn oo uu ku celiyo kuleylkii hawada sare u bixi lahaa kaasi oo kusii jiraya hawadeena, kadibna na dareensiinaya kuleyl iyo isbadal dhanka cimilada ah. Sidoo kale xoolaha, gaar ahaan lo’da iyo riyaha, waxay sii daayaan methane inta ay daaqayaan iyo inta ay dheefshiidka sameynayaan.
Adeegsiga noocyada kaladuwan ee tignoolajiyada cusub sida: baabuurta, aaladaha kale, qaboojiyayaasha, tallaajadaha, bacrimiyayaasha kiimikada ah iyo kuwa la hal maal ee loo isticmaalo baahiyaha kala duwan ayaa kordhiya qiiqa lagusii daayo hawada, warshadaha (dharka, birta, shamiitada/sibidhka, kiimikada, warshadaha cun- tada i.w.m.) waxa ay sidoo akle hawada ku sii daayaan xaddi badan oo ah Greenhouse gases.
Maxaa Ka Dhashay Isbeddelka Cimilada?
Isbeddelka cimilada wuxuu sababayaa xaalado qatar ah oo ka muuqda daafaha caalamka. Fatahaado, abaaro, dabaylo xoogan, iyo biyo yaraan ayaa noqday kuwo soo noqnoqday oo saameeyay nolosha malaayiin qof. Soomaaliya, tusaale ahaan, waxay si daran u la daalaa-dhacdaa abaaro soo noqnoqda iyo nabaad-guur ballaaran oo sababay barakac iyo cunno yaraan baahsan. Xaaladaha noocan oo kale ah waxay sii kordhiyeen dhibaatada bani’aadanimo ee wadamo badan oo sabool ah.
Deegaanka, isbeddelka cimiladu wuxuu sababay in qaar ka mid ah noocyada noolaha ay halis ugu jiraan dabar-go’, halka qaar kalena ay dhibaato kala kulmaan isbeddelka xaaladaha deegaankooda. Waxaa sidoo kale la arkay in coral reefs-ka badda ay noqdeen kuwa dhibaato soo gaartay, taasoo yareynaysa kaluunka iyo noocyada kale ee ku nool badaha.
Si gaar ah, Isbadalka cimiladu waxa uu si weyn u saameeyay Soomaalida, taas oo cawaaqib xumo weyn ku leh dadka, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha lama filaanka ah, iyo kororka heerkulka ayaa keenay cunto yari baahsan, barakac, iyo yaraansho ama naaqus ku socda xoolaha Soomaalida. Waxsoosaarka beeraha, oo awalba yaraa hayeeshee ahaa isha ugu muhiimsan ee nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaalida ayaa wajahayaa cadaadis xoogan oo ka imaanaya musiibooyinka ka dhalanaya isbadaladaan cimilada.
Maxaa Dhacaya Hadii Aan Waxba Laga Qaban Isbadalka Cimilada?
Khubaradu waxa ay rumaysan yihiin in haddii aan tallaabo degdeg ah loo qaadin wax ka qabashada isbeddelka cimilada, dunida ay wajahdo dhibaatooyin halis ah oo saameyn weyn ku yeesha nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Heerkulka dhulka ayaa si joogto ah kor ugu kici kara, taasoo keenta dhalaalidda barafka ceegaaga cirifyada aduunka, badda oo masaaxo ahaan kororta, iyo dalal iyo magaalooyin xeebaha ku yaalla ama jaziirado ah oo halis ugu jira inay baddu ka dul marto. Waxaa sidoo kale la filayaa in abaaro iyo fatahaado ay sii kordhaan, iyadoo wadamada saboolka ah, sida Soomaaliya, ay si gaar ah ugu nugul yihiin masiibooyinkan dabiiciga ah.
Saameyntu waxay gaari kartaa xoolaha, dhirta, iyo beeraha, iyadoo wax-soosaarka dalagyada uu si weyn u hoos u dhici karo, dalalka ayaa awood u yeelan kari waaya inay soo saaraan cunto ku filan, taas oo dhalinaysa cunno-yari iyo koror sicirka cuntada. Dhibaatooyinkaasi waxay sababi karaan barakac iyo muran ka dhasha khayraadka sida biyaha iyo dhul beereedka, gaar ahaan marka khayraadkaasi yaraadaan. Tani oo si wayn u hurin karta colaado iyo dagaalo ka dhex badan bini’aadanka.
Waxaa laga cabsanayaa in haddii tallaabooyin lagama maarmaan ah aan la qaadin, isbeddelka cimilada uu gaadhi karo heer aan laga soo noqon karin, taas oo sababi karta burbur dhaqaale, deegaameed, iyo mid bulsho oo aan h**ey loo arag. Shirarka caalamiga ah ee cimilada sida COP, ayaa isku dayaya inay dowladaha caalamka ku qanciyaan muhiimadda tallaabooyinka degdega ah ee lagama maarmaanka ah si loo xakameeyo xaaladda ka sii daraysa.
Xal u Raadinta Isbeddelka Cimilada
Waxaa jira dadaallo caalami ah oo loogu talagalay in xal waara loo helo isbeddelka cimilada. Dadaalladan waxaa ka mid ah heshiisyada caalamiga ah sida Heshiiskii Paris, oo waddamada ka qayb galay ay ku heshiiyeen in la yareeyo sii deynta gaasaska hawada lagusii daayo (Greenhouse gases) iyo in la horumariyo tamarta nadiifka ah. Heshiisyada noocan oo kale ah waxay sidoo kale ka hadlaan sidii loo dhisi lahaa adkeysiga bulshooyinka nugul iyo sidii dhaqaalaha loo bixin lahaa si loogu taageero waddamada saboolka ah si ay ula qabsadaan Isbadalka cimilada.
Waxaa kale oo jira isku dayo lagu hormarinayo tiknoolojiyada tamarta nadiifka ah sida tamarta qoraxda iyo dabaysha, kuwaas oo yareynaya baahida loo qabo shidaalka fosilka ah ee keena wasakhowga hawada. Wadamada qaar waxay qaadeen tallaabooyin gudaha ah oo lagu yareynayo sii deynta gaaska iyadoo la adeegsanayo shuruuc adag oo lagu xakameynayo warshadaha iyo isticmaalka shidaalka.
Khilaafaadka iyo Doodaha Ku Saabsan Isbeddelka Cimilada
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xal u raadinta isbeddelka cimilada waa khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladaha. Wadamada hodanka ah sida Mareykanka iyo kuwa Yurub waxay qayb weyn ku leeyihiin sii deynta gaaska hawada wasakheeya ee keenay Isbadalka cimilo, halka wadamada saboolka ah ee soo koraya ay ku doodaan in iyaga aysan masuul ka ahayn dhibaatada, balse ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada la kulma.
Waddamada saboolka ah waxay codsanayaan in waddamada hodanka ah ay qaataan masuuliyad buuxda ayna bixiyaan dhaqaale badan oo loogu talagalay wax ka qabashada cawaaqibta isbeddelka. Cadadka lacagaha ay bixin karaan dalalka horumaray ayaa ah arin had iyo jeer doodi ka taagan tahay, iyada oo shirka Isbadalka Cimilada ee sanadkan 2024 oo ka dhacaya Baku, Azerbaijan maalmo kamid ah laga doodi doono arimaha dhaqaalaha ee Isbadalka Cimilada (Climate Finance).
Heshiisyo caalami ah sida Heshiiskii Paris ee 2015 ayaa isku dayay in la mideeyo dadaallada caalamiga ah, iyadoo waddamada ka qayb galay ay ku heshiiyeen in la yareeyo sii deynta gaasaska hawada wasakheeya ee loo yaqaano Greenhouse gases, si loo yareeyo heerkulka aduunka. Si kastaba ha ahaatee, waddamo badan oo warshadoodu ama dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay shidaalka ayaa weli ka caga jiidaya fulinta ballanqaadyadooda, taasoo keentay in isfaham la’aan weyn ay jirto.
Shirarka COP iyo Kaalintooda.
Shirarka COP waa fagaare caalami ah oo dowladaha iyo daneeyayaasha kale uga wada hadlaan sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagula tacaalayo isbeddelka cimilada. Shirarkaan, oo sanadle ah, waxay fursad u siiyaan in waddamada ay isla meel dhigaan qorshayaal iyo heshiisyo la xidhiidha cimilada, taas oo kor u qaadaysa wada shaqeynta caalamiga ah. Shirkii COP21 ee Paris lagu qabtay 2015 ayaa noqday mid taariikhi ah, iyadoo la isku raacay qorshe la hiigsanayo oo lagu yareynayo sii-deynta gaasaska hawada .
Shirar kale sida COP26 iyo COP28 oo sanadkii h**e dhacay ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo sii adkeyn lahaa fulinta ahdaaftaasi. Shirarkan caalamiga ah ayaa waxaa ka qayb gala dowladaha caalamka, ururrada aan dowliga ahayn, iyo ganacsiyada waaweyn, kuwaas oo dhammaantood isku dayaya in ay isku waafaqaan tallaabooyin caalami ah oo lagu xakameynayo isbeddelka cimilada.
Ugu dambayntii, Isbeddelka cimiladu waa caqabad caalami ah oo u baahan tallaabooyin degdeg ah. Haddii aan la qaadin tallaabooyin waaweyn, waxa uu si weyn u saameyn doonaa aadanaha iyo noolaha kale ee dunida. Waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo heshiisyada caalamiga ah iyo dadaallada gudaha si loo yareeyo saamaynta isbeddelkan oo si ba’an u sii kordhaya. Taasi waa dariiqa kaliya ee lagu heli karo mustaqbal cimilo deggan oo nolosha aadanaha iyo noolaha kale la badbaadiyo.
Keise Ali Mohamed
Source: Green media initiative-GMI.