Cumar Axmed Cali Magan

Cumar Axmed Cali Magan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cumar Axmed Cali Magan, Book & Magazine Distributor, Hargeisa.

Maayir mooge waxa lagu haystaa 5-arrimood oo markii uu  bulshada reer Hargaysa codkooda waydiisanayay  kula balamay.1: M...
01/12/2024

Maayir mooge waxa lagu haystaa 5-arrimood oo markii uu bulshada reer Hargaysa codkooda waydiisanayay kula balamay.

1: Maayir Mooge waxa uu bulshada reer Hargaysa kula balamay, in midnimada iyo wadajirka shacabka reer Hargaysa uu yahay yoolkiisa iyo aragtidiisa koobaad ee uu xambaarsan yahay, wax kastoo taa lid ku ahna, aanuu shuqul iyo shaqo midna ku darsan doonin.

2: Maayir Mooge waxa uu bulshada reer Hargeisa kula balamay, in uu u cadaalad-samayn doono dagmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargaysa, hadday tahay xil, iyo hadday horumar tahayba.

3:Maayir Mooge waxa uu bulshada reer Hargasa kula balamay, in cashuurta yar ee laga qaado uu u ilaalin doono, haddii ay xisaab celin u baahdaana, uu mar walba diyaar u ahaan doono.

4: Maayir Mooge waxa uu bulshada reer Hargaysa kula balamay, in aanuu ku milmi-doonin loolanada siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada s/land, haddii ay taasi dhacdana, uu xilka maayirnimo ee magaalada Hargaysa iska wareejin doono.

5: Maayir Mooge waxa uu bulshada reer Hargaysa kula balamay, inuu ahaan doono maayir u dhaga-nugul tabashadooda, mar kasta oo ay u baahdaanna uu diyaar u ahaan doono.

Hadaba shantaa arrimood ee maayir Mooge kula balamay maalintii uu codkooda doonayay bulshada reer Hargaysa, maanta waa lays-waynayaa halka ay ku denbeeyeen.

Tallaabada ugu horaysa ee uu M/weyne C/raxmaan Cirro qaadi doonaa  waa magacaabista golihiisa wasiirada.Hadaba, tallaaba...
24/11/2024

Tallaabada ugu horaysa ee uu M/weyne C/raxmaan Cirro qaadi doonaa waa magacaabista golihiisa wasiirada.

Hadaba, tallaabadaasi waxay ifa-faale iyo tusaale u noqon doontaa, jidka iyo jahada ay qaban doonto hogaaminta M/weyne Cirro 5sano ee soo socota.

Haddii golihiisa wasiiradu ay noqdaan, kuwo tiro yar oo tayo badan, islamarkaana shaqsi walba loo magacaabo meesha uu ku haboon yahay, iyadoo loo eegayo karti iyo hufnaan, xubin kasta oo xil loo dhiibayo, taasi waxay rajo iyo idi-diilo ku abuuri doontaa shacabka Somaliland oo isha ku haya, hogaaminta Cirro halka ay u jahaysato.

Haddii se golihiisa wasiiradu ay noqdaan kuwo ku dhisan abaal celin iyo yaa wax itaray, islamarkaana laga buuxiyo kuwo aan gudan karin masuuliyadda iyo xilka ummadeed ee loo dhiibayo, iyana waxay iftiimin doontaa in 5sano ee M/weyne C/raxman Cirro yihiin kuwo koritaanka dowladnimo loo war-warayo.

Gobolnimo buuxda oo ay  Gabiley hesho caqabadaha  ugu waa weyn  ee hortaagan waxa ka mid ah, bar-bar yaaca kaga imanaya ...
20/09/2024

Gobolnimo buuxda oo ay Gabiley hesho caqabadaha ugu waa weyn ee hortaagan waxa ka mid ah, bar-bar yaaca kaga imanaya gobolada kala ah Hawd, Daadmadheedh iyo Saraar oo marka ay maqlaan Gabiley baa gobolnimo buuxda raadinaysa, iyana xaska ka soo baxa iyagoo kankoonsan, oo waliba ku eegaya indho qabiil.

Taa soo ugu danbeyna galaafataa dhaqdhaqaaqyadii ay dadka reer Gabiley ku raadinayeen in gobolnimo buuxda loo aqoonsado.

Hadaba, waxaan doonayaa in aan wax yar oo isbar-bardhiga ku sameeyo sida ay u kala durugsan yihiin bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo Aqoon ahaanba, Gabiley iyo gobolada kale ee garab yaacayaa.

Hawd, Daadmadheedh iyo Saraar oo laysku daray waxay bulsho ahaan leeg yihiin ama wax yar ka badan yihiin gobolka Gabiley oo kaliya.

Dhaqaale ahaanna seddexdaa gobol oo laysku geeyay 10% percent k**a noqon karaan dakhliga ka soo xarooda Gabiley oo kaliya.

Sidoo kale, Gabiley waa halbowlaha seddexaad ee qarankani ku tiirsan yahay dhaqaale ahaan, waxaana ka horeeya oo kaliya Berbera iyo Hargeisa.

Aqoonta oo iyana ah kaabayaasha dhaqaale kuwooda ugu mihiimsan, bal aynu eegno iyana:-

Tirada u fadhiisatay fasalada afraad ee dugsiyada sare itixaan sanadeedkii 2023-2024 sida ay sheegtay gudida itixaanaadka qaranka Somaliland.
Gabiley-----------1,196 arday.
Daadmadheedh----53 arday.
Saraar --------------138 arday.
Hawd -----------------95 arday.
Qabyaaddu indho adagaa!!!.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634244802

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cumar Axmed Cali Magan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cumar Axmed Cali Magan:

Share