Saleebaan awdaacad

Saleebaan awdaacad Halkan waxan ku soo gudbiyaa aragtidayda ee igu ixtiraam. https://youtube.com/channel/UC9ompmluLv1KbNzO1OJdGyw

14/12/2023

Waxan arkayay kuwo reer Hargeysa ah oo leh lacagta daynta Somalia laga cafiyay waan ku faraxsanahay, hadda lacagtaasi waa tii Maxamed Siyaad Barre ku soo gatay hubkii shacabka Hargeysa lagu duqeeyay 1988kii.!

09/12/2023

Muuqaalka todobaadka ugu saamaynta badan Tiktok: Maamo
Deeqa Maxamuud kabadhe.

Hambalyo waxan halkan hambalyo uga dirayaa Boqor Cabdirisaaq Jabane  oo lagu caleemo saaray magaalada Sabawanaag ee gobo...
08/12/2023

Hambalyo waxan halkan hambalyo uga dirayaa Boqor Cabdirisaaq Jabane oo lagu caleemo saaray magaalada Sabawanaag ee gobolka Sool. Allah xilka hakugu astur walaal.

Xayiraad ka qaadista hubka Somalia, maxaa la gudboon Somaliland?Mar hadii xayiraadii hubka laga qaaday somalia taa macna...
03/12/2023

Xayiraad ka qaadista hubka Somalia, maxaa la gudboon Somaliland?
Mar hadii xayiraadii hubka laga qaaday somalia taa macnaheedu maaha Somaliland kuma jirto. Maadaama hubka la soo iibsan karo deked kasta oo somalia ahna uu ka soo degi karo waxa Somaliland la guboon dhawr qodob;
1: waa in Somaliland ay soo iibsato Sadex ilaa Afar markab oo kuwa badda ilaaliya ah si xeebta dheer ee Saylac ilaa Ceelaayo teedsan ay u ilaaliyaan, lana tayeeyo ciidanka badda ee Somaliland dhankasta. Taa waxan uga goleeyahay hubka ugu badan meesha ka soo geli karo Somaliland waa dhanka xeebta Yaman.
2: waa in la sameeyo xeerar lagu xakamaynayo hubka dadka shacabka ah haystaan.
3: waa in Somaliland tartan gasho ayna Somalia kaga hub badan meelkasta oo hub casri ah oo tayo leh yaalana ay tagto.
Maxay kula tahay oo aad ku darsanlahayd.

28/11/2023

Deegaankaaga difaaco ma ceebaa?
Habar jecloโค

HADDAA GURIGIINU BA'AY.๐Ÿคฃ๐Ÿ‘‡
20/11/2023

HADDAA GURIGIINU BA'AY.๐Ÿคฃ๐Ÿ‘‡

13/11/2023

Waa arin cajiib ah. May Ticket soo goosato.๐Ÿ˜†

๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ฒ๐๐ข๐ข ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐€๐๐๐ข๐ฌ ๐š๐›๐š๐›๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ฌ๐จ ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ:Sanadki ina so dhaafay oon marti ku aha safaarada...
30/10/2023

๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ฒ๐๐ข๐ข ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐€๐๐๐ข๐ฌ ๐š๐›๐š๐›๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ฌ๐จ ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ:

Sanadki ina so dhaafay oon marti ku aha safaarada SL ee Addis Abab wxn kuso arkay:

Wxa joogay marka laga reebo safiirka iyo amniga ilaalada oo aha Ethiopian, koob-iyo-toban โ€œ11โ€ qof oo shaqaale ah!

Dhamaan dadkas wxa magacawday wasarada arrimaha dibadda ee SL.

2-3 qof mahine, badanka dadka an halka kula kulmay ma ay lahyn aqoon dhaafsiisan secondary level!

Badanka shaqaalaha wxa iga muuqatay inaanay โ€œprofessionalโ€ ahayn, khibrad laโ€™aan xaga shaqaduna ay ka muuqatay ood marka ad isha ku dhufataba ad dareemaysay!!

Marka ad ka gudaha u gasho safarada, wxy ishydu qabnysay dad sidi maqaaydaha isaga sheekeysanaya, hablo iyo wiilal aad moodaba inay suuqii Hargeisa fadhiyan!

Wxn arkay dad sugaya in hawlo lo dhameeyo oo an xata la tixgalinayn, dadki u shaqyn lahaana ay ka sheekeysnayan arrimo private ah oo an ku haboonayn inay dhagaahagu maqlan mesha la joogo markad eegto!

Marka laga reebo โ€œConsular Sectionโ€ ka oo masuul ka aha Visa ha dalku galka inay process garyan, wxa an qaybtas kula kulmay maamo wayn oo aad masuul u ah oo aad u shaqa badan, af gaaban oo ad markiiba is odhanyso inta kale way ka duwantahay! Wxay ahyd qof ad is odhanyso wxa lo igmaday way fahansantahay!!

Wxan kuso arkay in safaradaha SL ee geeska africa aanay isku xidhnayn xaga Visa bixinta oo hadad ka waydo safarada Ethiopia ad si fudud uga heli karto Visaha tan Djibouti. Arrinkas oo xaga amniga halis ah!! Sida saxda ahina tahay in mar hadi Vise safaarad dalka u adeegta ku diido, safaarad kale aanad ka heli karan! Wxay itustay in halis amni halkas ka iman karaysay!!

Wxn kuso arkay inaanay safaradu lahyn โ€œParkingโ€ u khaas ah oo ay kugu kalifayso inad gaadhigaaga meel fog kaga timaado od so lugayso ama Taxi so uso qadato si albaabka uso gaadhid!!

Wxan kuso arkay, in amniga muwadinka SLander ka ah ee albaabka ka gala safaarada xogtiisa shakhsiga ah ee telefanku inaanay sugnayn oo markaaba telefanadaada ay la waregayan ethiopian! Inkasto an haba yaraate la iga qaadin ani telefankayga oo an la i baadhin madaama safiirka martidiisa an aha si wngsana laygu so dhaweeyay! Balse muwadinka cadiga ah u dhibkas la kulmayo, aan safiirkana ku adkeeyay in security ga safarada ugu yaraan qof muwadin SLander ah lagu daro xabashida albaabka jogta!!

Ugu danbayn wxn jeclan laha in safiirka cusub uu wxas badalo, kana shaqeyyo inu tayada shaqalaha safarada kor u qaado kana dalbado wasarada arrimaha dibadu inay dad shaqada kaso bixi kara kuso badasha oo SL wx tar kuso kordhin kara!!

Wxan uso jeedin laha safiirka inu ka shaqeeyo isku xidhka xogta safaaradaha SL ee geeska, gaar ahan qaybaha Visaha oo an so arkay in ay ashkhaas ajanabi ah oo Nigerian iyo west african u badan ay safaaradas vise ka dalbanayeen iyago ay so casumeen dad SL gudaheeda joga oo shiki badan ka muuqday sababta lo casuumay ajanabigasna ay cadayn!! Qaarkod na ii suurta gashay inan waraystaba, oo an uga shikiyay inay โ€œmoney laundryingโ€ lacagta la maydho ee dollar ka ah ka fulaniyeen dalka!! Wxn tuhunkas u gudbiyay safaarada waqtigas an booqday!!

Wxan kalon kuso arkay in heerka xidhiidhka isu socodka labada dal ee ethiopia iyo Somaliland aad u sareeyay oo immigration ka ethiopia dadka Somaliland u dhashay aad u tixgalinyeen ! Passaport ka Somaliland โ€œvisa on arrivalโ€ uu aha halka pssaporada Somalia ad u baahantahay vise aadna laguugu dhibaayay baadhitaanada airport ka iyo kastamada laga galo ethiopia! Qofka wata passport Maraykan ah, iyo dhamaan Europe iyagana ad sido kale e-visa ad u baahantahay! Wxn sido kale kuso arkay in muwadinka SLander ka ah watana passport SL ah si fudud lo siinaayay โ€œresidencyโ€ ga ama iqaamada dalka Ethiopia! Taas oo ii muujisay xidhiidhka wanagsan ee Ethiopia iyo Somaliland ka dhaxeeyay xaga isu socodka dadka!

Wxan u rajaynaya safiirka cusub ee Addis Ababa Mr Omer inu halkas kor uga sii qaado hawlahas!
W/Q Abdifatah kohi

Markabka ka soo dhaqaaqa  magaalada xarunta u ah wadanka Brazil ee Rio de Janeiro, waxa uu soo soo jeexayaa koonfurta ba...
23/10/2023

Markabka ka soo dhaqaaqa magaalada xarunta u ah wadanka Brazil ee Rio de Janeiro, waxa uu soo soo jeexayaa koonfurta badwaynta Atlaantiga, wuxuu ka soo wareegayaa koonfurta gacanka rajada ee Afrika (South Africa), halkaas kuma joogsanayee wuxuu dhinaca hoose ka soo galayaa badwaynta Hindiya, haddii uu toos Berbera u imanayo wuxuu la soo wareegayaa liidka dheer wadamada Mozambique, Tanzania, Kenya illaa uu Somalia soo gaadho isagoo biyaha caalamiga ah ku soo safraya, waa haddaanu meelna ku soo xidhan.

Ma taqanaanaa inta ay ku qaadanayo safarkaas?โ€” Magaalooyinka Berbera iyo Rio de Janeiro waxa u dhexeeya masaafo gaadhaysa 10,662km marka aan la eegin bad iyo dhul toona ee dusha laga cabiro, balse haddii loo eego masaafada jidka uu markabku soo marayo waxay isu jiraan 13,357km, hadaba haddaan mawduuca ku soo dhawaado, markabka sonkorta ka soo qaaday Brazil ee Somaliland keenayaa wakhtiga ay ku qaadanayso inuu ku soo gaadho berbera waa 25 maalmood, oo waliba aanu markabkaasi deked qudha ku soo xidhan oo uu badwayn uun soo jibaaxayay. Hadaba sidee ayey macquul ku tahay in iyadoo maanta bishu ay tahay 23 October, ay sonkorta Brazil soo saartay isla bishan October ay Berbera ku oolli kartaa?

Ka waran haddii Dubai la soo mariyay sonkorta? Markabka ka soo dhaqaaqaya dekedda Santos ee gobolka Sa Paulo, ee wadanka Brazil, wuxuu sidii aynu markii h**e soo sheegnay isaga dab qaadaya labada badwayn ee Atlaantiga iyo Hindiya illaa uu ugu danbayn soo gaadhayo dekedda Jabal Cali ee magaalada Dubai, masaafadda intaas leeg waxay ku qaadanaysaa markabkaasi inuu ku yimaaddo muddo 35 maalmood ah. Waa haddii uu jiraba markab halkaas u kala gooshaaye, waxaad ku dartaa 35ka maalmood 7 maalmood oo ah masaafada ugu yar ee markab ka yimi Dubai uu ku soo gaadhi karo Berbera, waa 42 maalmood!

Hadaba sidee Sonkorta Brazil ay soo saartay Bishan October, isla October oo aan wali dhamaan ay Berbera ku soo gaadhi kartaa?

FG: Gaadiid cirka ah haddii la isticmaalay waa arin kale, waana in cadaynteeda la keenaa.
W/Q. Aamiin Timocade

Dad soomaaliyeed Caqliga macmalka.
10/10/2023

Dad soomaaliyeed Caqliga macmalka.

07/10/2023

Ninkani heestan wuu fahansanyahay. hadana hawshiisuu wataa.

29/09/2023

Dhacdadii Masaajidka: Sheekhii ciidanka qaranka u duceeyey ee huwanta habaaray..........................

= Sheekh khudbad ka jeediyey masaajidka Furqaan ee ku yaala dhinaca waqooyi ee Hargaysa gaar ahaan waddadada if iyo aakhiro, ayaa markii uu khudbaddii dhammeeyey u duceeyey in ciidanka qaranka Ilaahay guuleeyo, oo huwanta jebiyo.

= dadkii masaajidka fadhiyey ayaa qaarkood aamiin yidhaaheen, halka kuwa kalena ay ka aamuseen. Dadkii waxa ay u kala jabeen kuwa leh sheekhu wuu saxsan yahay oo masaajidada Laascaanood waa laga habaari jiray ciidanka qaranka. Maxaad ku haysataan sheekha? . Iyo kuwa kale oo ku doodaya sheekhu wuu khaldan yahay oo guriga Ilaahay inuu dad muslim ah ka habaaro may ahayn.
~ALI COMAY

16/09/2023

Meesha Tiktok waa duni kale, wax kasta waa lagu soo waydiinayaa๐Ÿ˜

14/09/2023

Kubadii Hargeisa.

13/09/2023

laba wiil oo ka soo kala jeeda Hargaysa iyo Laascaanood dood dhexmartay sanad ka hor, cirka iyo dhulku intay isu jiraan ayay isu jiraan.

10/09/2023

Bal arka sida dalkeena loo loo bililiqaysanayo.
Tani waa macdanta Lithium oo aad u qiimo badan waxana laga sameeyaa', baytariyada, talefannada gacanta, Laptop-yada, kamaradaha dhijitaalka ah iyo baabuurta korontada ku shaqaysa iyo dhammaan qalabka elecroniga ah!
Wasaaradda Macdantu war maka haysaa?

Aragtidayda ku aaddan Somaliland iyo mustaqbalka Khaatumo. Maadaama oo ciidanka Somaliland laga soo saaray aagga Laascaa...
09/09/2023

Aragtidayda ku aaddan Somaliland iyo mustaqbalka Khaatumo.

Maadaama oo ciidanka Somaliland laga soo saaray aagga Laascaanood oo uu hadda ku sugan yahay magaallada Oog, Waa in aanu wax weerara qaadin taa bedelkeeda uu sameeyo in uu isku kala bixiyo jiida u dhaxaysa labada reer (daarood iyo Isaaq).
Ciidanka hadda magaalada Oog ku urursan waa in lagu baahiyo dhamaan Tuulooyinka Sida Dararwayne, Bohol, God-heeli, Oog, ilaa Hawdka sida Qorilugud iyo Coodanle.

Intaa ka dib waa in loo qalab qaataa idhaafsiga maxaabiista, isku socodka ganacsiga iyo iskaashiga amniga iyo wada noolaashasha bulshooyinka.

Mustaqbalka Khaatumo sadex midkood ayuu ku dhammaan doonaa midka
koobaad: waa iyaga oo la midooba maamulka Puntland, maadaama maamulkaasi aad u dhex galay gobolka Sool iyo dadkiisa lug wayna ku leeyahay waxyaabihii ka dhacay gobolkaasi.
Midka labaad: waa iyaga oo la midooba beesha Warsangeli ee degta Sanaagta bari si ay halkaa uga helaan daked ay waxkala soo degaan.
Midka sadexaad: waa ka ugu liita waa iyaga oo is cajebiya oo dhaha annaga oo aan labadaa midna ku biirin ayaan dhisanaynaa maamul cagihiisa ku istaaga taasina waa arinta ay h**e ugusoo fashilmeen.

Adigu sidee u aragtaa xalka ay Somaliland ku wajihi lahayd gobolka Sool?

02/09/2023

Maalinkasta oo la dhaho berri dagaal ayaa la qaadayaa wuxu dhihi jiray Oof ayaa ihaysa, waxa la sheegay in aanu dagaaladii SNM qaaday hal maalin dagaal gelin! Iminkana nac-nac daasuu hayaa!

Address

M. H. Dhamac Gaariye
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saleebaan awdaacad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share