Sayruuq News

Sayruuq News the latest news from horn of Africa. Sayruuq.com kala soco wararka Somaliland, gayiga Soomaalida Geeska Afrika & guud ahaan caalamka.

warar xaqiiq ah, warbixino taabanaya arrimaha dhaqan dhaqaale ee Geeska Afrika. fadlan ku xidhnow markasta iyo meel kasta.

26/12/2024

Guurtida Beelaha Dir Oo Dagaal Ku Baaqday,
#

Xukuumadda Somaliland shalay waxay  sheegtay in arrinta dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay deegaanka dacawaley ay kal...
26/12/2024

Xukuumadda Somaliland shalay waxay sheegtay in arrinta dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay deegaanka dacawaley ay kala xaajoon doonto madaxda sare ee dawladda federaalka Ethiopia iyo in ay ku kulmi doonaan xadka labada dal ee somaliland iyo Ethiopia

Midna run ma noqon ee waxay jigjiga ugu tageen kii dhibaatada gaystay bixiyey amarka ay ciidamada liyuu ku xasuuqeen shacabka!

Xukuumaddu marna ma sheegin in Jigjiga ay Wasiiro degaanka kula kulmayaa arrintan waxay muujinaysaa in dubaaladoodu hoosayso

Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maan...
26/12/2024

Wareegto Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-017/122024 uu ku magacaabay Ergayga Gaarka ah (Special Envoy) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynuhu u leeyahay hawlaha gaarka ah loo xilsaaro;

Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Ergayga Gaarka ah (Special Envoy) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

_____________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweyne Cirro oo Magacaabay Lataliyayaal. 1 Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Ar...
26/12/2024

Madaxweyne Cirro oo Magacaabay Lataliyayaal.
1 Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.

2 Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha.

3 Cali Maxamed Yuusuf (Guray) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

4 Baar Siciid Xaaji Faarax La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Haweenka.

5 Xamse Cali Bulbul Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta.

ALLAA MAHAD LEH

_____________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

“Madaxdii Somaliland ka tagay waxa ay Jigjiga kula kulmeen Dibjirtii shalay shacabka Xasuuqday oo meel walba kusoo qoray...
26/12/2024

“Madaxdii Somaliland ka tagay waxa ay Jigjiga kula kulmeen Dibjirtii shalay shacabka Xasuuqday oo meel walba kusoo qoraya waxaanu Madaxtooyada kusoo dhawaynay Madaxdii Maamulka Somaliland,

Dadka reer Dacawalay way gobannimo dagaalameed dhaawacayaddii Liyuu Booliska ayey Faleenbooyin ku xidheen oo biyo siiyeen una soo gudbiyeen Magaalooyinka si daryeel caafimaad loogu fuliyo” Guddoomiye Suxufi Axmed Heelo

26/12/2024

Dr. Edna Adan Ismail spoke about the ongoing massacre in Dacawaley. She sent a message to the international community and the. World Health Organization (WHO)UNHCR, the UN Refugee Agency United Nations OCHA American Red Cross American Red Cross.
Media

Wefti ka socday xukumadda Somaliland oo magaalada Jigjiga u tagay xalka xaalada  .Wasiirada xukumadda Somaliland u dirty...
26/12/2024

Wefti ka socday xukumadda Somaliland oo magaalada Jigjiga u tagay xalka xaalada .

Wasiirada xukumadda Somaliland u dirty magaalada Jigjiga ee colaada iyo xasuuqa ku haya shacabka ayaa waxa ka mid ah wasiirka Ammniga, wasiirka madaxtooyadda, taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidanka booliska iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Somaliland ee Jigjiga saaka u socdaalay xog dhamasytiran kamą hayaan sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha nafateed ee ay gaysteen maamulka Cagjar.

Saaka oo Khamiis ah 26 Dec 2024 waxaa magaalada Baligubadle lagu wada aasay dad maati ah oo kor u dhaafay 30 qof, halka kuwo kale ilaa hada meydkoodii lagu raad joogo. Dhishada shacabka Dacawaley ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad boqol qof.

Dadka reer Dacawaley oo aan duulaan qaadin ayaa lagu gubay guriyihii ay deganaayeen hadh cad.

DACAWALEY: Dulmiga horaa loo eeday!Deegaanka DAWACALEY waxa kasocdaa waa dulmi, odayaal cuqaal ah oo nabad ka shaqeynaya...
25/12/2024

DACAWALEY: Dulmiga horaa loo eeday!

Deegaanka DAWACALEY waxa kasocdaa waa dulmi, odayaal cuqaal ah oo nabad ka shaqeynayay, deegaan gubid & dad rayid ah oo aan waxba galabsan dilkooda, haddii baraare'e lagu gaarayo Muuse Biixi ayaa kursiga ku joogi lahaa, kuna haysan lahaa Laascaanood, sawirada aan ku arkay Warbaahinta ee odayaal baabuur dusha laga saaray oo la dhibaateeyey iyagoo ergo nabadeed ah, waa wax ka baxsan dhaqan kasta oo bini aadam leeyahay, oo ay tahay in la suuliyo lana cambaareeyo.

Dadku waa Soomaaliya, waana ehel & Gacal wada dhashay, oo aan is huri doonin.

Waxaan u tacsiyeynayaa Haykal Muxumed Cabdi, oo aabihiis oo 50 sanno halkaas daganaa saaka lagu dilay isagoo nabad ka shaqeynaya, HAYKAL waxaan xasuustaa sida uga hadlay 1dii Janaayo 2023-kii dulmigii Muuse Biixi ee Laascaanood.

25/12/2024

Wararka laga helayo deegaanka Dacawalay ee ku yaalla xadka u dhaxeeya Somalilnd iyo Itoobiya ayaa muujinaya in xaalad colaadeed oo culus ay halkaasi ka jirto. 30 askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa isku dhiibay dadka deegaanka Dacawalay, kadib markii jab culus oo dagaal uu ka soo gaadhay ciidamadaasi.

WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-25-12-2024()- Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ...
25/12/2024

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-25-12-2024()- Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.

Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.

Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL.

25/12/2024

Taliyihii Ciidanka Liyuu Booliska ee Yoocaale ayaa la keenay magaalada Baligubadle, halkaas oo lagu hayo maxaabiis Liyuu Boolis ah oo ay soo qabteen geeljirayaal. Waxaa jira saraakiil la tuhunsan yahay inay ku dhex dhuumanayaan maxaabiistaas.

Wasiir kii h**e ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta  Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa maanta loo magacaabay Agaasim...
25/12/2024

Wasiir kii h**e ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa maanta loo magacaabay Agaasimha Hay'adda Sirdoonka Somaliland.

Warbixin Ku Saabsan Weerarka Liyuu Booliiska ee DacawalaySaaka waxaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Dacawalay mal...
25/12/2024

Warbixin Ku Saabsan Weerarka Liyuu Booliiska ee Dacawalay

Saaka waxaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Dacawalay maleeshiyada Liyuu Booliiska, kuwaas oo la sheegay inay fuliyeen falal amni darro iyo qas abuur. Maleeshiyadan ayaa weerarka ku beegsaday dadka deegaankaoo xasuuq u gaystay bulshadii Deeganka ee maxasta ahaa , iyadoo ay jiraan khasaare aan weli si rasmi ah loo xaqiijin labadda dhinac.

Koox geel jire ah oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa si geesinimo leh u daba galay maleeshiyadan, iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan oo ka hortagaan saameynta ay leeyihiin. Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in maleeshiyadii weerarka geysatay loo eryaday dhinaca deegaanka Yoocaale.

Hadda, xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana socota daba-galka iyo xaqiijinta xogta ku saabsan khasaaraha iyo sababaha dhabta ah ee ka dambeeya weerarkan. Dowladda iyo mas’uuliyiinta deegaanka ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrinta si looga hortago falalka noocan oo kale ah mustaqbalka.

Wixii warar dheeraad ah ee soo kordha waan idinla wadaagi doonaa.

Maxaa ka Run badan Maahmaahda?Maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda: "Ogadeen intuu nabad kugu yeelo colaad kuguma yeelo,...
25/12/2024

Maxaa ka Run badan Maahmaahda?

Maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda: "Ogadeen intuu nabad kugu yeelo colaad kuguma yeelo," waa mid soo jireen ah oo ku salaysan aragtiyo iyo waayo-aragnimo h**e. Waxay tilmaamaysaa dareen ka turjumaya xiriirka bulsho iyo dhaqan ee taariikhiga ah, laakiin sidoo kale waxaa muhiim ah in loo fahmo iyada oo lagu eegayo xaalada waayaha casriga ah iyo qaabka wada noolaanshaha.

Cumaamada iyo Aragtiyada Kala Duwan

Waxaa la sheegay in odeyga Isaaq ee cumaamada sita uu yahay mid nabad doon ah, halka odeyga Daarood ee cumaamada sida laga yaabo inuu yahay mid dagaal u diyaarsan oo ciidanka hoggaaminaya. Aragtiyahan waxay noqon karaan kuwo si gaar ah loogu xariirinayo xaalado gaar ah, laakiin waa muhiim in la ogaado in xukun guud lagu salayn karin koox ama qowmiyad oo dhan. Xiriirka bulsho wuxuu ku fiican yahay nabad, wada hadal, iyo is ixtiraam.

Lakala Miirmiirmo iyo Kibir Jabinta

Tilmaanta ah "Ilaa lakala miirmiirmo oo lays kibir jabiyo" waxay muujinaysaa in colaadda ama khilaafka aysan mar walba xal noqon, balse marka la wada fahmo midba midka kale kartidiisa, waxaa soo bixi kara xal nabadeed oo waara. Nabad waarta waxay u baahan tahay isku kalsooni iyo isku tanaasul.

Haddii Nabad la Rabayo, Dagaal Isu Diyaari

Hal-ku-dhigga ah "Haddaan nabad rabto dagaal isu diyaari," (If you want peace, prepare for war) wuxuu xambaarsan yahay xikmad odhanaysa in amni lagu gaadho adigoo diyaar u ah inaad isku difaacdo. Si kastaba ha ahaatee, muhiimadda ugu weyn ee arrintan waa in tabar iyo awood lagu xoojiyo nabadda, halkii loo isticmaali lahaa dagaal abuurid.

Gunaanad

Dhammaan aragtiyahan waxay u baahan yihiin in loo wajahdo si miisaan leh, iyada oo laga fogaanayo xukun guud oo koox ama shaqsi lagu tilmaamayo. Haddii bulshadu rabto nabad, waa in la dhiirrigeliyaa wada noolaanshaha, ixtiraamka, iyo isku xirnaanta. Maskax furan iyo wada shaqayn waa furaha horumarinta nabad waarta.

25/12/2024

"Salaadiintii Isaaq: Wax Dhintay iyo Wax La Qafaashayay" – Suldaan Aadan Suldaan Aamiin

War Cusub: Dagaalka Dacawalay oo Weli Sii SocdaDadka deegaanka Dacawalay ayaa si geesinimo leh uga jawaabay weerar gaadm...
25/12/2024

War Cusub: Dagaalka Dacawalay oo Weli Sii Socda

Dadka deegaanka Dacawalay ayaa si geesinimo leh uga jawaabay weerar gaadmo ah oo ay saaka ku soo qaadeen ciidamada Liyuu Booliiska, kuwaas oo ku labisnaa dharka shacabka si ay u marin habaabiyaan ilaalada deegaanka. Dadka deegaanka, oo si degdeg ah isku abaabulay, ayaa iska caabiyey weerarka, una suurtagashay inay dib u qabsadaan qeybo badan oo ka mid ah deegaanka.

Inkasta oo ay dadka deegaanka guulo muhiim ah ka gaareen difaaca deegaanka, haddana dagaalka weli wuu socdaa, waxaana laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah. Ciidamada Liyuu Booliiska ayaa weli isku dayaya inay dib ugu soo laabtaan, halka dadka deegaanka ay si xoogan isaga caabinayaan si ay u ilaashadaan xorriyadooda.

Mas'uuliyiinta deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah la siiyo si loo xoojiyo difaaca, loogana hortago waxyeello dheeraad ah oo ka dhalan karta dagaalka. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogaysto.

Wararka ku soo kordha ayaannu si joogto ah idiinla socodsiin doonnaa.

25/12/2024

Warbixin Degdeg ah: Dagaal ka Socda Deegaanka Dacawalay

Deegaanka Dacawalay ayaa saaka subaxnimadii h**e lagu soo qaaday weerar culus oo ay fuliyeen ciidamada Liyuu Booliiska, xilli dadka deegaanka ay ku jireen salaadda subax. Weerarkan lama filaanka ah ayaa sababay khasaare iyo dagaal sii xoogaysanaya oo wali socda.

Wararka ka imanaya Dacawalay ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay si geesinimo leh ugu jawaabeen weerarka, iyaga oo dib u riixay ciidamada soo weeraray. Ciidamada deegaanka ayaa si xooggan ula dagaallamaya, waxaana muuqata in iska caabbinta dadku ay tahay mid aan sahlanayn.

Weli ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, laakiin waxaa la xaqiijiyay in xaaladdu aad u kacsan tahay, iyada oo laga cabsi qabo in ay sii xumaato haddii xal degdeg ah la waayo. Dadka deegaanka ayaa ku baaqaya in loo soo gurmado si loo difaaco nabadda iyo amniga deegaanka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda, waan idiin soo gudbin doonnaa.

W.Qoray:Garyaqaan- Xuseen Shabeel Cabdilaahi.Garyaqaan Xuseen qaabkan uu u dhigay in Nidaamka shaqo xafiiseed ee Xarumah...
24/12/2024

W.Qoray:Garyaqaan- Xuseen Shabeel Cabdilaahi.

Garyaqaan Xuseen qaabkan uu u dhigay in Nidaamka shaqo xafiiseed ee Xarumaha Dawlada Somaliland, waa mid uu ka eegay Xog'ogaalnimada uu u leeyahay, Xaaladaha dhabta ah ee Dhaqan dhaqaale ee dalkeena Somaliland ka jira, wuxuuna 100%100,ka macquulsanyahay go'aanka xukuumada ee Golihii Fulinta sida xog'ogaal la'aanta ah usoo saareen iyagoon Wasiirada Cusubi wali duruufta shaqaalahooda si shabba u Darsin.

Si shaqada dawlada 8 saacadood ee xeerku dhigayo looga shaqeeyo bulshada ree Somaliland u hesho adeega haayadaha dawladu u hayaan saacadihii shaqada oo dhan, loona xaliyo caqabadaha taagan hada ee MUSHARKA YAR iyo XILIGAN YAR ee shaqada dawlada lagaga rawaxayo xafiisyada ee marka la eedaamo salaada duhurba albaabada la isugu dhufanayo xafiisyada dawlada waxa aan soo jeedinayaa :

In sidan loo qorsheeyo shaqaalahan dawlada ee haayad kasta , wasaarad kasta ay ku qoranyihiin shaqaalaha xad dhaafkii ( OVERSTAFFING ) .

Tusaale :

Wasaarada ay ku qoranyihiin 500 oo qof oo shaqaale ah waxa loo kala jabinayaa labo qaybooda.

1. Qaybta kowaad waxa ay shaqada soo galaysaa 8:00am subaxnimo waxaanay ka baxaysaa 12:00am duhurnimo , waxa ay shaqaynayaanba 4 saacadood ( Parttime Job).

2. Qoybta labaadna waxay soo galaysaa 1:00pm waxaanay baxaysaa 5:00pm , waxay shaqaynayaan shiftiga danbe.

■ Qorshahani waxa uu xalinayaa MUSHAHARKII laga cabanayay ee la lahaa kuma filna qof ka shaqaalaha inuu ku shaqeeyo 8 saacadood oo xidhiidha , mar hadii aan loo kordhin karin mushaharkii hal shifti ha ku shaqeeyo isla mushaharkiisan uu hada qaato oo markaa noqonaya qiimo sare oo qofkana lagula xisaabtami karo.

■ Waxa kale oo uu xalinayaa arinkan ( WAKHTIGII) in la helo 8 dii saacadood ee shaqada in laga shaqaysiiyo haayadaha dawlada iyada oo laga faa'iidaysanayo risooskan shaqaale ee la haysto ee cidlada ku khasaaroobayay ee loo la'aa xafiisyo qaadaba ee keenaysay inaanay in badan oo ka midi wasaaradaha iyo haayadaha ay ku qoranyihiin imanba shaqo cayiman oo ay ka shaqeeyaana aanay jirin.

■ Waxa kale oo laga faa'iidi lahaa in laga wada shaqaysiiyo dhamaan shaqaalahan xad dhaafkaa ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada ku qoran .

■ Waxa kale oo laga faa'iidi lahaa in isla xisaabtan dhaba la helo oo shaqaalaha iyo xil gudashadooda saacadaha shaqadaa la helo oo qof kasta loo sameeyo shaqo cayiman oo warbixin biloodle ah uu ka soo sameeyo laguna kormeero.

■ Umadaha aduunka ee horu maray cid uunbaa u fikirta si ay horu mar u gaadho oo duruufahooda u gaarkaa iyo risooskeeda isu waafajisa, horumar kuma gaadhaan qorshe iyo nidaam cid kale dajistay oo aanay isku duruufba ahayn ay kaga daydaan, tusaale: 8 saacadood ee xidhiidhkaa waxa dajistay dad mushaharkooda ay bixinayaan iyo shaqaalaha ay u baahan yihiin iyo shaqada ay qabanayaan is waafajistay oo sidani ay iyaga sax ku tahay.

Adiguna adoo buuxinaya 8 saacadood samayso sida ugu haboon ee aad goolkaa/hadafkaa aad ku gaadhi karto adoo duruuftaada iyo risooska aad haysato is waafajisanaya.

Fikir kasta aduunka cid ayuunbuu ka yimaadaa cidina way fulisaa oo ka faa'iidaystaa, qaadashada fikirkan waxaan u hibeeyay cid kasta oo qaadata oo fulisa oo madaxda qarankayga Somaaliland ah.

Wabilaahi tawfiiq.

Address

Gaariye Street
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sayruuq News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sayruuq News:

Videos

Share

Our Story

Mareeg ku suntan qaada-dhigga siyaasadda Mandaqada geeska Afrika, arrimaha bulshada iyo dhamaan ilwareedyada khuseeya somaliland, Somalia, Jabuuti, DDSI, NFD iyo meelaha kale ee Soomaalidu degto. .