Khilaaf ba'an oo ka dhex qarxay Geraadada Gobolka Sool
Maayarkii hore iyo maayarka cusub ee magaalada Burco oo maanta xilkii la kala wareegay
Taariikhdii Heellada iyo heesaha casriga ah oo ay innooga waramayaan qaar ka mid ah tiirarkii iyo xeel-dheerayaasha dhanka fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood oo war-bixin siiyey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi oo maanta soo kormeeray qaybo ka mid ah keydadka biyaha caasimada Hargeysa.
Suugaantii iyo aftahamadii berisamaad laga marin jiray amminta Aroosyada la joogo
"Xoorkii laga dhamay Xagaagii iyo
Xasuus baa geela lagu xer geeyaa"
Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) oo arrimo caafimaad u jooga Dalka Imaaraadka Carabta ayaa xasuus iyo berisamaad xasuustay ka dib markii uu maqlay heeskii "Waxba iilamaad Hadhin" oo uu alifay sannadkii 1988-kii, kaas oo ay qaado fannaanadii codka toolmoonayd ee Khadra Daahir Cige Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee.
Abwaanka oo ay Cabdi Yuusuf Aar ku kulmeen magaalada Dubai ayaa maqlay heeskan oo ka baxaya gaadhigii ay wateen. Taasina waxay keentay in uu dib u celiyo xasuustiisa iyo waayihii keenay in uu heeskan alifo....
Hana-qaadkii fanka Xasan Aadan Samatar
Maraaxilkii uu soo maray Ciidanka Booliska Somaliland
Suugaantu waa dhaxale, bal aynu xasuusta dib ugu celino sannadkii 1977-kii iyo Heeskii "Xariirtii Jannada" oo uu ereyadeeda alifay hal-abuurkii midhaha cuddoonaa Alle ha u Raxmee, Maxamed Cali Kaariye laxankeedana uu lahaa, al-fannaan Maxamed Nuur Jaangow, isla markaana ay Codadkooda dahabiga ah innagu soo gaadhsiiyeen, labada fannaan ee muddakarka ah ee Xasan Aadan Samatar iyo Shanka-roon Axmed Sagal.
Heeskan waxa uu ka mid ahaa, Riwaayadii la odhan jiray "Ha Waalaado Jacaylkuye Aynu Weerarka Aadno".
Riwaayadaa oo sannadkii 1977-kii laga dhigay guud ahaan 18 gobol ee ay ka koobnayd dawladii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuquraadigga Soomaaliya.
Fiiro Gaar ah!!! Muuqaalkan hada waxa uu ka mid ahaa bandhig fanneed ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada hillaadii dhawr iyo sagaashameedyadii, ka dib burburkii dawladii Soomaaliya.
Kormeerkii Kulliyadda Macallimiinta Qaranka uu ku tegay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Dr.Axmed Aadan Buuxane
Doorashadii lagu doortay madaxweynihii 2-aad ee JSL Alle ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal sannadkii 1993-kii (Boorama)
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr Amed Aadan Buuxane ayaa soo kormeeray dugsiga sare ee 26-june ee magaaladda Hargeysa.
Taariikh ahaan Heestan " Aan maalno Hasheena Maandeeq" kamay mid ahayn suugaantii tirada badnayd ee abwaanada reer Somaliland kaga qayb galeen soo dhawayntii calanka. Way ka horeysay heesihii habeenkii xornimada la saaray! Waxay ku jirtay ruwaayad AUN Jabiye alifay sannad ama laba ka hor habeenka calanka. Heestii habeenkii munaasibadda calan saarka uu Saxardiid kaga qayb galay waxa ay ahayd heestii AUN Maxamed Yuusuf Cabdi qaadayey ee " Kadabaa dhaha". ! Balse cilmiga Ilaahay tan uunbaa noqotay ta ugu caansan ee 26 June lagu xuso.!
Xigasho: Mohamed Iman
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr Axmed Aadan Buuxane ayaa saaka kormeer ku tegay Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargaysa
Macnaha ereyga Suugaan iyo qaybaha ay u qaybsanto. Waxa si mug iyo miisaan leh innoogu sharaxaya Eebbe ha u naxariistee Abwaankii Cabqariga ahaa ee Maxamed Xaashi Dhammac (Gaariye)
Habkii iyo hannaankii uu ula tacaalay sixir bararkii sannadkii 1995-kii dalka dhacay madaxweynihii hore ee JSL Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Rabbi naxariistii janno ha ugu deeqo Nabadoon Xaji Cabdikariim Xuseen.
Xasuustii wasiirkii hore ee arrimaha dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale (1993)
Waraysi xiiso badan oo laga qaaday Fannaanada weyn ee Qamar Cabdilaahi Harawo
Shirkad nooceedu ku cusub yahay geyiga Somaliland oo laga daah'furay magaalo madaxda gobolka Gabiley
Suldaanka midnimada iyo wada jirka Qaranka Somaliland Suldaan Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan oo hadal qiimo badan ka jeediyey madal lagu dhiirigelinayey Cumar Cilmi
Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco oo maanta hogaan cusub doortay
MAANSADII SHAREERO
Qormadaydan waxan ku soo qaadanayaa beydad ka mid ah, Maansadii Shareero ee uu Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Ganey) curiyey hillaadihii 1994-kii.
Hadda ba marka aad maansadan dhuuxdo ee aad u fiirsato waxad is odhanaysaa, malaha Abwaanku wakhtigan aan ku jirno ayuu tiriyey.
Bal is barbar dhig waxay iska sawaabiyaan waayaha iyo duruufaha dalku ku jiro hadda iyo marxalladii uu wakhtigaa ku sugnaa (1994).
Anniga malahayga iyo garashadayda gaaban, arrintu maanta ayey ka culus tahay, waayo waxa jira hadda duullaano qorshaysan oo shisheeye ku soo qaaday Somaliland iyo innaga oo tafaraaruq iyo wada jirkii dhexdeena dhaawac weyni gaadhay. Inta aan sidaa nahayna cadaw innaga adag.
Maansada shareero waxay farta innoogu fiiqaysaa, dhalliilaha jira iyo cidda masuuliyadahooda iska leh iyo sida bulshada loogu baahan yahay, in ay lahaato garasho iyo garaad ku fillan oo ay kala xulato siyaasigga ay ku aamini karaan berito ayaaha iyo mustaqbalka dalkooda, si aanay wixii hore dhacay innoogu soo noqon.
Inkastoo aanan maansada soo wada qorin oo aan qayb ka soo qaatay, bal haddana ila dhugo nuxurka iyo miisaanka balaadhan ee ay xambaarsan yihiin beydadkan kooban ee maansada Shareero ka soo qaatay:-
Shuglaha geel lagu daraa,
Dharaaro shaf saaridiyo
Awrtoo loo dhibi shaxdiyo
Ku sheeminta wuu yaqaan
Cayuun shaashlena ma dhalo
Sheekada waxa taa la mida
Dan aan sheekheedii dhaman
Ayaa Shiikh loo maxlalay
Shifana waa laga rabaa
Shirkana waxa loo diraa
Dareen shaasheeye iyo
Intaan shawrkeedu go'in
Tallada kii shubi og iyo
Aqoontii laga shaxeex
Shicibka tiih baa ku dhacay
Shakina wuu kala dhex yaal
Shaydaan baa lagu darsaday
Askarta shaadhkaa ku dhegay
Shaqaalihii wuu bakhtiyey
Shan goor oo lagu adimay
Cidbaan wax u sheegi karin
Shibtiisuu galay waddani
Nimaanaan weli sharibbin
Qorkiyo shilinta ba ka gurin
Sheedaanu ka caashaqnaa
Cishaba kay ku shugriyaan
Bulshadu shuumshuumiyaan
Ninkay sharafta huwiyaan
Ayaa sharadooda gala
Shaabuug iyo nadi la dhaca
Shuf goor
Dhab ahaantii, codku waa mid ka mid ah, deeqaha iyo hibooyinka Eebbe bixiyo. Bal u fiirso heeskan iyo codkii macaanaa ee boqorkii codka Alle ha u naxariistee Al-fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec.
Maayar Mooge oo saaka kormeer ku tegay xaafada cusub ee Iidaan ee magaalada Hargaysa
Alle ha u naxariisto Abwaan Singub
Ummadda Soomaalidu waxay lahayd, sharci iyo xeerar loo maro marka ay arrin isku qabtaan laba qof ama wixii ka badan.
Haddii dhib dhaco ama wax la isku qabto waxay xeerbeegtidii soomaalidu ugu gar-soori jireen, hannaan sharci oo dhammays-tiran oo ay Soomaalidu lahayd.
Gar-yaqaannadda garta naqa ama dadka u garsoorana waxa la odhan jiray ama loo yaqaan "Xeer-beegti ama guurti".
Sidoo kale, sida sharciga faranjiguba u leeyahay ereyo ama magacyo u gaar ah dhanka qawaanniinta iyo sharciga, waxay Soomaaliduna lahayd ereryo loo yaqaanay magacyada garta noocyadeeda kala duwan.
Ereyadii ama magacyadii ay xeer-beegtida Soomaalidu u yaqaaneen qaybaha kala duwan ee ay u kala baxaan xeerarka garta iyo shuruucdii Somaalida (Somali Legal Terms) waxa Alle ha u naxariistee si farshaxannimo iyo aqooni ku dheehan tahay, innoogu sharaxaya Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Layaabkii igu soo maray xafiiska imtixaanaadka waxa ka mid ahaa; (Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax)
Barnaamij Xiiso leh: Su'aalihii Dugsiga Sare ee Cabdisalaan Berbera & Jawaabihii Gud/ Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax