
01/10/2024
Xisbiga Kulmiye 50% ayuu u diyaarsan yahay ilaa hadda ku guulaysashada markale, ee taladda dalka, Kulmiye waa Xisbi guun ah 14kii sanno ee u dambeeyayna ariminaayay, waana mid keenaysaa wax lagu saluugo iyo wax lagu caashaqo labadaba.
Haddaba waxa jira fursado ka duwan kuwii 2017kii ee Mr. Biixi lagu doortay, iyo kuwo kale oo jaanis u ah in uu ku dhaco, ama ku soo baxo.
sidoo kale waxa jira dhaliilo ku xeeran oo in uu dhaco keeni kara, taasi badelkeed wuxuu haystaa jaanisyo uu mar labaad ku soo noqon karro.
Tartanku waa mid adag waxaana la odhan karaa, waa doorashadii ugu adkayd ee abid soo marta Somaliland, inta qabsoontay, ama qorshaysan, se mid soo socota mooji.
Doorashadani waa mid ay danaynayaan guud ahaan beesha caalamku, iyo dalalka jaarka taasi oo uu keenay heshiiskii is af-garad ee Ethiopia iyo Somaliland " Red sea MoU"
Dhaliilaha ku xeeran Kulmiye:
1- ma jiraan maanta fursadihii 2017kii ee ahayd jeeganta, Habar Awal iyo Habar Jeclo sida badheedhka ah ay ugu doortaan Mr. Biixi; waayo HJ wey celisay abaalkii, Sacad Muusana kursigii wuu gaadhay, sidaasi darteed ma jirto qabiilo u ooman dhisida Mr. Biix, sida dhigiisa Mr. Cirro Garxajis ugu heelan yahay kursiga madaxnimo.
2- Madaxweyne Biixi mudaddii uu talinaayay ee 7sanno ahayd waxa jira dhaliilo waa weyn oo ku xeeran waxaana ka mid ah:
* Dagaalkii Laascaanood iyo jabkii goojacadde.
* Waxa jira siyaasiyiin, ganacsato, wadaaddo, fanaaniin, aqoon yahan, badan oo ay isa seegeen intii uu talada hayay kuna hawlan sidii ay u ridi lahaayeen.
* Waxa jira baahiyo dhanka arimaha bulshada, ah sida; caafimaadk, waxbarashada, dhaqaalaha, amniga oo dhamaantood lagula xisaabtamk karro.
3- Nidaamka Ololle ee Madaxweyne Biixi waa mid saluug weyn laga qabo maadaama oo stylekiisu yahay mid xidhxidhan "centralized" go'aamaduna yihiin kuwo shaqsi ah "single decision" waxaana aad moodaa in wax kastaa ku xidhan yihiin Madaxweyne Biixi, lagana sugaayo.
a) dhaqaaluhu waa mid xidhxidhan
b) la kulanka Madaxweyne Biixi iyo balamihiisuna waa kuwo adag
c) Siyaasiyiinta Kulmiye maaha kuwo go'aamo masiiri ah gaadhi karra, ama cid cusub oo waxtar le keeni karra. Waa " canaanka yaab reer ma doojo".
d) habsan dhanka dhismaha gudiyadda olollaha doorashada ah oo ilaa hadda aan la dhamaystirin.
Fursadaha guusha Madaxweyne Biixi ee mar kale:
1- Somaliland waxa ay baahi weyn u qabtaa in ay noqoto dal jira oo la aqoonsanyahay, mudnaanta koowaad u ah, sidaasi darteed heshiiska Itoobiya waa mid saamayntiisa leh, waana guusha ugu weyn ee madaxweyne Biixi gaadhay intii uu talinaayay, waa mid lagu qiimayn karro sida uu ugu dhiiraday, waa mid lagu dooran karro mar kale, Sababta oo ah:
* heshiisku wuxuu muunad u yeelay sumcada jiritaan ee dawladnimadda Somaliland.
* Waxuu kor u kacday heerka duplamaasiyadeedd ee Somaliland caalamka ka joogto maanta.
* Waxa xoogaystay saaxiibadda Somalilad.
* Waxa dhismay doodo sharci oo suuro galin kara hab sharci lagu helo aqoonsi caalami ah.
* Waxa muuqday in Somaliland gali karto heshiisyo waa weyn oo dhaqaale iyo amni layskuna halayn karro.
* Somaliland waxay ka mid noqotay waddamada soo galay ajandayaasha qaramadda midoobay. Sidaa darteed MoUgu waa fursad guul waarta keeni kara madaxweyne Biixi, waa haddi la iib geeyo loona hagar baxo.
2- Madaxweyne Biixi waxa uu haystaa fursad dawladeed oo uu isku dhisi karo, waxa la yidhi " Isu haye iskama hagrado" dawladnimad iyo Xisbi is kaashaday hadii laga faa'ideeyo maaha kuwo la loodin karro, waxaana ag yaala jaani dahabiya oo aanay haysan dhigiisu, waxa ku xeeran xoog dadeedd, waxa ku xeeran fursad dhaqaale, iyo mid farsamo intaba, wana hadba sidii loo isticmaalo. Xiliyadda doorashada waxa ugu weyn ee ay isticmaalaan Xisbi Xaakimku waa dawladnimadda.
3- Madaxweyne Biixi intiiu uu taladda hayay waxa jirra meelo uu wax badan qabtay kuna faani karro, taasina waxa ugu weyn baahiyaha dhanka Biyaha dalka waxa uu ka hirgaliyay dhaamam waa weyn, sidoo kale wax aad looga shaqeeyay dhanka jidadka, dhiiri galinta wax soo saarka, taladda oo ku urursan gacantiisa.
4- Mr. Biixi waa askari dhaqan yaqaan ah, jabhad ah, si weyna u yaqaana dadka iyo debeecada deegaan, dhaqaale ee shacabka reer Somaliland, waa reer hawd yaqaana dhaqanka raacatada iyo beeralayda sidaasi oo ay tahay haddii uu hagar baxo, jeebka furo, kulanada furo, dadka uu diranaayana kalsooni dhankasta ah siiyo shaki la'aan waa mid guul keeni karta.
Ugu dambayn Mr. Biixi haddii uu dhaco waxa uu noqanayaa Haad geed waayay, wuxuu noqonayaa Maroodi jabay oo habar dugaag ka dhergo. Wuxuu u jabayaa Xassan Sheekha Xamar, Geelaha Djabuuti, Masar, kooxihii ku dagaalamay Laascaanood.
Haddiii uu guulaystana wuxuu noqonayaa boqor geeska Africa ka arimiya, geesi aan la loodin, iyo in uu noqdo shaqsi keena aqoonsiga Somaliland, wuxuuna kaa dhayaa guul taariikhiya oo ku sugnaata soyaalka siyaasadda geeska Afrika.