Dad-same tv

Dad-same tv Deegaanka somalida Ethiopia.

DEG-DEG: Xog muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Af...
05/10/2022

DEG-DEG: Xog muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 4:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada dhexe.

Dowladda Uganda oo ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay wiilka Madaxwayne Museveni.Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qora...
04/10/2022

Dowladda Uganda oo ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay wiilka Madaxwayne Museveni.

Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka madaxweynaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yeelaysohadal kasoo baxay Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, kaasoo ahwiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duulaan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka.

"Waxaan aad u qadarineynaa xidhiidhka adag ee labada dal ee aan la leenahay , wadanka dariska ee aan walaalaha nahay ee Kenya " ayaa lagu sheegtay qoraal maanta oo Talaado ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Uganda, iyadoo maamulka dowladda uu quud dareynayo in wax walba ay sidoodii h**e ahaadaan.

Wasaaradda ayaa cadeysay inaanay ku raacsaneyn hadalada kaftanka macna-darrada ah, ee uu soo saarey curadka madaxweyne Yoweri Museveni, Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, in kasta oo dadka qaar ay sheegeen in loo diyaarinayo inuu beddelo aabbihii, oo 78 jirka ah.

Madaxa Xafiiska Arim. Haweenka iyo Dhalaanka DDS ahna Xubin Gudi-fulin ah Heer-qaran ee Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Par...
02/10/2022

Madaxa Xafiiska Arim. Haweenka iyo Dhalaanka DDS ahna Xubin Gudi-fulin ah Heer-qaran ee Xisbiga Barwaaqo
(Prosperity Party - ብልፅግና)
Marwo Xaliimo Xasan, waxay ka mid tahay 4-ta qof ee Deegaanka Soomaalida kaga jirta Gudiga-fulin Heer-Qaran ee Xisbiga-PP.

marka maxay tahay sababta ay ugu biiri-la'dahay Presidium Committee-ga Deegaanka soomaalida (shanta qof ee Deegaanka soomaalida ugu saraysa ama maamushaba (Golaha sare ee fulinta DDS), hadii kale waa in xafiis Heer-federaal ah la geeyo ama waa in Xafiis-wayn oo miisaaniyad fiican laga geeyo DDS.

Marwo Xaliimo- waxay la meeqaam tahay sedexdaan shaqsi markii la eego nidaamka Xisbiga-PP oo ay la simantahay👇
1. Aaden Faraax oo ah Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga-PP ahna madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga-PP Itoobiya.
2. MW. Mustafe oo ah Madaxweynaha DDS
3. Ahmed shide oo ah Wasiir Maaliyadda Heer-federaal Itoobiya.

Hadaba ma gabadhnimada baa lagu liidayaa boos uqalma maa la geeyo mise awood-qaybsiga beelaha Bay ku wayday
Sida Nidaamka Darood iyo Irir-ka ee waayadaan dambe Deegaanka Soomaalida aad uga xoogaystay?.

Akhriste maxay tahay sababta Xaliimo laagu igbaaray boos Cabinet-ah kaliya oo ah Xafiiska Haweenka DDS.

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah...
02/10/2022

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 01-10-2022.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab.

Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye.

Horjoogahan oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA.

Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la ciqaabo dembiileyaasha kale ee ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladdu waxay u umahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo wadashaqayntoodu ay fududaysay dilka horjoogahaan cadawga ku ahaa ummadda Soomaaliyeed.

02/10/2022

Sh. Hassan dahir aways.

Cabsida soo wajahday Israel.
29/09/2022

Cabsida soo wajahday Israel.

29/09/2022

Daawo: Sababihii Fashiliyay Shirweynihii Dib Loo Dhigay Iyo Siraaje Aadan Oo Ka Hadlay Arrinkaasi.

Warbaahinta Maraykanka ayaa qaadaa-dhigaya Madaxweynaha waddankaasi oo Haweenay Aqal Kongarayska ka tirsanaan jirtay bal...
29/09/2022

Warbaahinta Maraykanka ayaa qaadaa-dhigaya Madaxweynaha waddankaasi oo Haweenay Aqal Kongarayska ka tirsanaan jirtay balse xilli h**e dhimatay codsaday in loogu yeedho.

Biden, ayaa illaaway in Xildhibaanadani h**e u dhimatay. muddooyinkii dambe waxa soo baxaya wararka la xidhiidha in madaxweyne Biden, xusuustu ka xumaatay.

Waxaa caawa 8:00 fiidnimo lasoo bandhigay Taleefonka iPhone 14 nuucyadiisa kala duwan iyo Apple Watch iyo AirPods Pro, M...
07/09/2022

Waxaa caawa 8:00 fiidnimo lasoo bandhigay Taleefonka iPhone 14 nuucyadiisa kala duwan iyo Apple Watch iyo AirPods Pro, Maxaa ka cusub oo kusoo kordhiyeen, Waxaa mesha laga saaray taleefonkii h**e ee mini ga ahaa oo lagu badalay iPhone Plus iyo waxaa kaloo lagu soo kordhiyay saacada Ultra Watch.

Qiimaha

iPhone 14

iPhone 14 pro max 128GB²=1099$, 256GB²=1199$, 512GB²=1399$, 1TB²=1599$

iPhone 14 Pro 128GB²=999$, 256GB²=1099$, 512GB²=1299$, 1TB²=1499$

iPhone 14 Plus 128GB²=899$, 256GB²=999$, 512GB²=1199$

iPhone 14 128GB²=799$, 256GB²=899$, 512GB²=1099$.

Apple Watchs

Apple Watch Ultra 799$
Apple Watch Series
Apple Watch SE

AirPods Pro (2nd generation) 249$

Diego’s son Giovanni Simeone got a tattoo of the Champions League logo when he was 13 years. 😲Today, he scored his first...
07/09/2022

Diego’s son Giovanni Simeone got a tattoo of the Champions League logo when he was 13 years. 😲

Today, he scored his first goal on his 🆑 debut.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo caawa Wareysi siiyay Telefeshinka CNN ayaa sheegay in ay horay usoo wad...
07/09/2022

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo caawa Wareysi siiyay Telefeshinka CNN ayaa sheegay in ay horay usoo wada shaqeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud haddana uu kala shaqeyn doono isaga oo kaashanaya Beesha Caalamka Sidii loo xallin lahaa dhibaatada ka jirta dalka ayna Soomaaliya u hanan laheyd ammaankeeda Qaran.

Robert Lewandowski ayaa noqday xiddigii ugu h**eeyay taariikhda Champions League saddexley u dhaliya saddex kooxood oo k...
07/09/2022

Robert Lewandowski ayaa noqday xiddigii ugu h**eeyay taariikhda Champions League saddexley u dhaliya saddex kooxood oo kale duwan kuwaasi oo kale ah Borussia Dortmund, Bayern Munich iyo Barcelona.


Maxaay yiraahdeen maxaabiista argagaxisada TPLF ee laqabtay? ******************* • Kooxda argagixisada TPLF ayaa katalaa...
05/09/2022

Maxaay yiraahdeen maxaabiista argagaxisada TPLF ee laqabtay?

*******************

• Kooxda argagixisada TPLF ayaa katalaabsatay habraacii wadahadalka nabada, waxayna bilaabeen dagaal cusub, waxayna garbaha uga taagan yihiin shacabka Tigray si ay cimriga xukunkooda usiidheeraystaan.

Kooxda argagaxisada dagaalkii ay ku bilaabeen sheeka beeneenka ayay dhalinyarada tigray kushubayaan dabkii ay shideen, Kooxda ayaa deegaanka tigray doonayso inay kadhigta mid aan lahayn jiil dambe, ayagoo dhalinyarada kufushanaya fal dambiyeed kooda.

" Anagoo diidan Koodxda Gafafka ay ugaysanayso shacabka tigray ayaan iskaga soobaxnay dagaalkii aan galnay anagoo Propaganda nalagu khayaanay waxaana isu dhiibnay ciidanka geesiyaasha ah ee difaaca qaranka".

"Saraaynta tigray waxaa lagu xaqiijinayaa Qabuuraha Itoobiya" Hadafka dhahaya ee kooxda inaan udagaalana maadaama ay khasaara tahay waxaan Ku khasbanaanay inaan isdhiibno.

Maxaabiistan ayaa dambiyadii ay gaysteen ayagoo kudagmay propaganda beenta ah ee kooxda argagaxisada tplf ayaa waxay cafis waydiisteen dhamaan shacabka itoobiya ayagoo dhanka kalena dhalinyarada deegaanka tigray ugu baaqay inay sidooda oo kale isasoodhiibaan.

05/09/2022

Kulmiyoow cibaaro ku qaata raggaa Waddani ee bidaartu u gashay siday xukunka u qaban lahaayeen

XOGHAYA GUUD EE GOLAHA SHACABKA OO LOO DOORTAY  XUBIN KA MID AH GUDDIGA FULINTA  BAARLAMAANKA AFRIKA.Shirkii xoghayeyaas...
05/09/2022

XOGHAYA GUUD EE GOLAHA SHACABKA OO LOO DOORTAY XUBIN KA MID AH GUDDIGA FULINTA BAARLAMAANKA AFRIKA.

Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 - 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.

Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqaneeysa markii ugu h**eysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto.

Dhammaad

05/09/2022

Fasahaadka xaafadda islii yaalla. Iyo hablaheenii oo jareer gaala ah iska haysato. Sheekh Cabdirisaaq oo kasheekaynaya sheeko naxdin badan

Suurto gal noqon mayso in Hargaysi noqoto Hargaysa cagaaran inta lagu dhex dhaqanayo Xoolaha noocyadooda kala duwan.waxa...
05/09/2022

Suurto gal noqon mayso in Hargaysi noqoto Hargaysa cagaaran inta lagu dhex dhaqanayo Xoolaha noocyadooda kala duwan.

waxaanu maanta gudaha Caasimadda ka soo qabanay Adhi gaadhaya 600 oo neef.

Adhigaagu waxay dhibaato ku hayaan qofka muwaadinka ah ee beertay geed si uu caasimadda u cagaariyo, waxaana beerista geedka ka gala qarash kala duwan, waxaana uu xaq noogu leeyahay in aanu geedkiisa uga ilaAlino dhib kasta oo soo gaadhaya.

Waxaanu Dadka degan Degmooyinka ku amraynaa in ay adhigooda kala baxaan Caasimadda Hargeysa ka hor intaan la soo gaadhin.

04/09/2022

Waxaa lahelay Cadaymo Muujinayo in Raashinkii gargaarka iyo Cuntooyinkii Nafaqada ee loogu talagalay Shacabka tigraay ay isticmaalayso kooxda Argagixisada tplf ee dagaalka sooqaaday.

Nin kan oo u dhashay dalka France ayaa yidhi "nimanka Soomaalidda faa'iiddo badan ayay ku qabaan xidhashada Macaawista, ...
04/09/2022

Nin kan oo u dhashay dalka France ayaa yidhi
"nimanka Soomaalidda faa'iiddo badan ayay ku qabaan xidhashada Macaawista, anigaa tijaabiyay oo waxaan ka helay faa'iiddo badan"

laakiin, ma aqaano buu yidhi "sida saxda ah ee loo xidho" hadda waxaan soo iibsaday buu yidhi "20 xabbo" waxan rabaa buu yidhi "booskii Surwaalka inaan Macaawista kubeddesho oo shaqada ku aado"

Maxaad kula talin lahayd adigu?

BARO 11-KA GOBOL IYO 95-KA DEGMO EE U KA KOOBAAN YAHAY DAWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA.1) GOBOLKA DAAWA. (4 DEGMO)1) Mooyale...
03/09/2022

BARO 11-KA GOBOL IYO 95-KA DEGMO EE U KA KOOBAAN YAHAY DAWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA.

1) GOBOLKA DAAWA. (4 DEGMO)

1) Mooyale
2) Qadhadhumo.
3) Hudet.
4) Mubarak.

2) GOBOLKA DOOLO. (7 DEGMO)

1: Wardheer
2: Daraatole
3: Danood.
4: Galxumur
5: Galaadi
6: Bookh
7: lehel-yucub.

3) GOBOLKA NOGOB. (7 DEGMO)

1: Ceelwayne.
2: Garbo
3: Xaraarey
4: Cayuun
5: Horoshagax
6: Segeg
7: dhuxun.

4) GOBOLKA LIIBAAN. (7 DEGMO)

1: Filtu
2: Dollo Adow
3:Qarsadula
4: Gura-dhamoole
5: Goora-Baqaqsa
6: Boqol maayo
7: Dekasuftu.

5) GOBOLKA ERER. (8 DEGMO)

1: Fiiq
2: Xamaro
3: Waangay
4: lagahida
5: Yoxob
6: Salaxaad
7: Mayu-Muuqdheer.
8 Qubi.

6) GOBOLKA AFDHEER. (9 DEGMO)

1) Hargelle
2) Jarati
3) Baarey
4) Iimey galbeed
5) Raaso
6) Dollow Bay
7) Ceelkari
8) Qooxle
9) Godgod.

7) GOBOLKA SHABEELE. (10 DEGMO)

1) Godey
2) Dhanan
3) Qalafe
4) Beer caano
5) Feerfer
6) Iimey bari
7) mustaxiil.
8) Elele
9) Cadaadle
10) abaaqarow.

8) GOBOLKA QORAXAY (10 DEGMO)

1: Qabridahar
2: Shilaabo-
3: Dhobaweyn
4: Shaygoosh
5: Marsin
6: Ceel-ogaden
7: Las-dharkeynle
8: Boodaley
9: Higlooley
10: Goglo/kudunbuur.

9) GOBOLKA FAAFAN. (11 DEGMO)

1: Tuliguuled
2: Goljano
3: Harooreys
4: shabeleey
5: Harawo
6: mula
7: Qabribayax
8: xarshin
9: Gursum
10: Babili
11: Awbare.

10) GOBOLKA JARAR. (11 DEGMO)

1) Dhagax-buur
2) Daroor
3) Awaare
4) Dhagax-madow
5) Gunagado
6) Gashamo
7) Birqod
8) Dig
9) Bilcil buur
10) Araarso
11) Yoocaale

11) GOBOLKA SITTI. (11 DEGMO)

1: Shiniile
2: Ayshaca
3: Mieso
4: Dambal
5: Erar
6: Afdem
7: Haadhagala
8: Biki
9: Geblalu
10: Dhuunyar
11: Daymeed.

Wasiirkii caafiimaadka Portugal oo xilkii iska casishay ka dib Geerida Haweeney Xaamilo ahayd.Wasiirka caafimaadka dalka...
03/09/2022

Wasiirkii caafiimaadka Portugal oo xilkii iska casishay ka dib Geerida Haweeney Xaamilo ahayd.

Wasiirka caafimaadka dalka Portugal Haweeneyda lagu magacaabo Dr. Marta Temido, ayaa xilka iska casishay saacado uun kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay geeriyootay Haweeney xaamilo ahayd oo dalkaasi dalxiis u joogtay kaddib markii laga soo celiyay qeybta Haweenka ku umulaan ee Cusbitaal ku yaalla Magaalada Lisbon.

Haweeneydan oo 34 sano jir ahayd una dhalatay dalka Hindiya ayaa sida la sheegay Wadnuhu uu istaagay, xilli marba la geynayey mid ka mid ah Cusbitaallada ku yaal Magaalada Lisbon.

Arrintan ayaa timid xilli ay soo baxayeen dhacdooyin is-xigxigay oo ka dhacayay Cusbitaallada dalkaasi, kuwaa oo loo aaneynayo shaqaale la’aanta ka jirta qaybaha Haweenka ku umulaan ee guud ahaan Cusibitaalalda dalka Portugal.

Dr. Marta Temido ayaa Wasaaraddan caafimaadka madax ka ahayd tan iyo 2018-kii, waxaana lagu amaanaa sidii ay u maareysay Masiibada cudurka Covid-19.

BBC.

BUNKA (GREEN GOLD)* waa geedka ay ethiopia dakhliga farabadan kasoo xarayso iyadoo dibada u dhoofisa..* oramaduna ay u t...
03/09/2022

BUNKA (GREEN GOLD)

* waa geedka ay ethiopia dakhliga farabadan kasoo xarayso iyadoo dibada u dhoofisa..

* oramaduna ay u taqaano dheemanta cagaaran

Address

Hargeisa
7404

Telephone

+2524259034

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dad-same tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dad-same tv:

Videos

Share

Category



You may also like