Bidhan qurux

Bidhan qurux Make a decision.

Mogadishu, Somalia
18/03/2023

Mogadishu, Somalia

Wiilkaas Kitaabka haysta  Waa xaafidul quraan igu sawir k**a ahan kitaabka masha allah dheh❤💯
17/10/2022

Wiilkaas Kitaabka haysta Waa xaafidul quraan igu sawir k**a ahan kitaabka masha allah dheh❤💯

Mention dheh gabdhii aad raacin lahayd
24/09/2022

Mention dheh gabdhii aad raacin lahayd

😂😂😂😂
18/09/2022

😂😂😂😂

Dhismaha masjidka waxaa burburiyay qaraxii hotel Xayaat balse kitaabkan iyo birta saaran dhulka kuma dhici sida uu soo w...
22/08/2022

Dhismaha masjidka waxaa burburiyay qaraxii hotel Xayaat balse
kitaabkan iyo birta saaran dhulka kuma dhici sida uu soo wariyay
Huzni Omar.

Hooyo hadii ay kuu nooshahay Soo qor alx❤😥
19/08/2022

Hooyo hadii ay kuu nooshahay Soo qor alx❤😥

19/08/2022

علامات الساعة 😳😥😥

19/08/2022

Calaamadihii qiyaamaha oo la arkay😳😳

19/08/2022

Calaamadihii qiyaamaha oo la arkay

💔💐 Cajiib Bal Waxyar Akhri🙏😱✔️1-Wey adag tahay sidad ku ilowi laheed qof aad jeceshahay misne qof kaLe kaa door biday😢✔️...
18/08/2022

💔💐 Cajiib Bal Waxyar Akhri🙏😱

✔️1-Wey adag tahay sidad ku ilowi laheed qof aad jeceshahay misne qof kaLe kaa door biday😢

✔️2-dunidan wey wajiyo badan tahay mana dareemi karno gortay thy dhamadkeda ama bilowgeda🙂

✔️3-ficnan laheda hadii aan ogan laha wax walbo dhamadkod waayo maba sameyeen bilowgood😨

✔️4-damirkeyga ima uusan siin inan qofna farxadisa hor istaagi ducaan kugu sagootinaya🤲

✔️4-aniga ma aqaan sida loogu tago ruux jaceyl aan u qaaday waayo maba rabi inuu darteyda la murugodo😭

✔️5-qofkad calmatay kula cawey farxad iyo reyn reyn lana nolow nolol mideda ugu qurxoon🎈

✔️6-lkn waxad weyn doontaa ruux inyar xita aniga iga shabaHa

✔️7-nolashada wad u tahay xur lkn ma ogid nolol kale inad saartay quful aan furaba laheen🙃

✔️8-xaqiiqatan qofk hadii uu mar dhawacmo weligis ma sameyn doono jaceyl taas ayaan aaminsanahay😭

✔️9-ku nolow nolol mideda ugu sareysa iska qosol iskana farax lkn ha ilobin inuu ruux darta mugdi u galay💔

✔️10-jaceylkaba hadii uu ahaan laha qof cidna manta ma dhibtodeen😢

Ilaahoow u naxariiso Abwaan Hadraawi.Waxaa bulshada Soomaaliyeed ka baxay qof aad u muhiim ah. Alle SWT qabrigiisa ha u ...
18/08/2022

Ilaahoow u naxariiso Abwaan Hadraawi.

Waxaa bulshada Soomaaliyeed ka baxay qof aad u muhiim ah. Alle SWT qabrigiisa ha u waasiciyo, Jannada Firdowsana ha geeyo.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

--Janaasadii ugu dadka badneyd taariikhda--Dalka baakistaan haweeney  Nebiga aflagaadeysay  ayey dowladdu ku xukuntay xa...
17/08/2022

--Janaasadii ugu dadka badneyd taariikhda--

Dalka baakistaan haweeney Nebiga aflagaadeysay ayey dowladdu ku xukuntay xabsi.

Wasiir kamid ah xukuumadda baakistaan ayaa damcay inuu difaaco haweeneyda Nebiga af-lagaadeysay isagoo isku dayaya inuu beddelo Xeerka sheegaya In ay dambi tahay Af-lagaadeynta Nebiga (SCW) qofkii ku kacana uu xabsi muteysan doono.

Arintii waxaa u dul-qaadan waayey Waardiyaha (Ilaaliyaha) khaaska ah ee wasiirka, Waardiyihii ayaa meeshii ku dilay Wasiirka kadib markuu 20 xabadood ku dhuftay.

Dowladda ayaa ilaaliyihii xabsiga u taxaabtay waxaana lagu xukumay dil tooshasho ah, kadibna xukunka ayaa lagu fuliyey.

Shacabka reer baakistaan ayaa isugu soo baxay si ay uga qeyb galaan janaasada halyeygaas Nebiga (NNKH) naftiisa u huray.

Waxaa janaasada ja qeyb galay 5 malyan oo qof oo ay ku jiraan cutubyo katirsan Milateriga iyo booliiska.

W/Q: Mustaf Awil Hassan

17/08/2022
16/08/2022

Salow: waa qaylo iyo cod sare oo dhiillo weheliso.

Seeri: meel, anbo oo aaf cidlo ah oo aan waxba joogin.

Sooyaan: didmo, isu-soo-bax, mururug dadku sameeyo ama wax la isku kacsho oo duulaya.

Saddexdaas erayba iyaga oo isku-tolan baan waxaan macnahooda ka heli karnaa hees kamid ah heesaha geela oo saddex meeris kaliya ah.

Waa hees loogu heeso geela markii uu guul-oommanka yahay, waxbax-tarraar looga baqayo ama si kale in uu isaga mirto oo dunuuniciisu isu baxo. Sidoo kale ama markuu inta hadammo muto cadow iyo bahal in ay cidlada ku haadsadaan laga yaabayo.

Heestu waxa ay leedahay:-

*Bilay salowdoo
*Seeriga cidlaa
*Raggu sooyaan.

Af-soomaaliga miiddiisa heesaha geela ayaa loogu tagayaa.

Wadeeca Allah.

16/08/2022

Kee baa saxan, maxaa sababa in sidaa la kala yiraagdo adiguse sidee ugu dhawaaqdaa erayadaan iyo magacyadaan.

1: Garbaduub mise Gardaduub ?

2: Gacmo mise Gamco ?

3: Dawaco mise Dacawo ?

4: Raxanreeb mise Xanxareeb ?

5: Maqlid mise Malqid ?

6: Ciraancir mise Ricaanric ?

7: Macalgad mise Malgacad ?

8: Raydab mise Raybad ?

9: Kitaab mise Tikaab ?

Car wakaase afkeenna af aan ahayn oo leh keena.

Wadeeca Allah.

16/08/2022

Afsoomaaligu in uu afka dunida ugu fiicanyahay waxaa kuu caddaynaya, erayada iyo oraahaha samaanta iyo xumaanta loo kala adeegsado ama tilmaama waxaa labo jeer jibbaar badan kuwa samaanta loo adeegsado, halka ay suuroowdo afafka kale in ay simanyihiin ama isu-dhowyihiin.

Tusaale-dhig: bal hal xaraf sida [N] oo kale aan soo qaadanno, annaga oo labadaas u kala qaybinayna erayada ku wada bilowda waxa ay kala sitaan.

1: WANAAG:
--------------------
Nabad.
Naxariis.
Naruuro
Naq.
Nadiif.
Naallo.
Niyad.
Nur.
Nuxur.
Nagaansho.
Narsi.
Nafaqo.
Nolol.
Naf.
Naawilaad.
Neecoow.
Nasniino.
Naas.

2: XUN.
------------
Nacas.
Nacab.
Naafo
Nabar
Naxdin.
Nitaaqo.
Naxli.
Naqnaq.
Nuunaas.

Bal fiiriya labo jeer bay kala badanyihiin, erayada kale kulligoodna waa sidaa. Halkaa waxaa ka cad in wanaagga iyo samaanta afkeenna.

Wadeeca Allah.

16/08/2022

Labo dhalinyaro ah oo dagaallamaysa ayaan meel ugu imid, markaasaan inta kala dhacshay waxaan waydiiyay bal waxa isu geeyay. Labadooda midkii eed-sheeganayay baa igu yiri "waxa uu igu sheegay Lax", markaasaan Kii kale waydiiyay eedayntaas waxa ka jira iyo inuu falay waana uu qirtay.

Anigii intaan is-xanaajiyay baan ku iri gabood-falihii "war waxyahow xoolaha ah maxaad ninka Lax ugu sheegtay, haddiise aad caydiisa ka maarmi wayday maad xitaa "neefyahow" tiraahdid wa adiga lax ku tilmaamayee?", markaasuu dhibbanihii inta soo booday wuxuu yiri "haa wallaahi saaxiib neef k**a xanaaqeen hadduu sidaa i oran lahaa, laakiin maxay tahay "lax" hooyadi waxaa ku sameeyaha xunka ahi waa ila bartay hadalkaas". Waxaan ku iri "bees hadda waxaasi way dhammaadeene ka heshiiya, gacmahana waan isu saaray anoo waliba kula sii dardaarmay in ay cayda iska daayaan illeen wax fiican maahane.

Ugu dambayntii sidii baan wiilashii uga tagay, iyaga oo labadooda midina XOOLO ku qanacsanyahay, kan kalana uu NEEF oggolyahay in la yiraahdo balse LAX uu ka xanaaqo oo cay u yaqaan.

Ilaahoow akhlaaqda iyo edabta noo hagaaji adaa Qaadiree.

Wadeeca Allah.

16/08/2022

Haldoorka kaalintooda hormuudnimo ay iska caddahay oo la isku raacsanyahay.

1: Ajuuraan: boqortooyadii ugu xilliga dheerayd ee Soomaaliyeed.

2: Sayid Maxammad C/dille Xasan: halgamaagii ugu waynaa gumaysi la dirirka iyo gobanimo doonka.

3: Aadan Cadde: madaxwaynihii ugu waddanisanaa uguna dhibta yaraa ee dalka soomara.

4: Sayid Maxammad: ninka ugu maansooyinka badan hal-abuurka Soomaaliyeed.

5: Cismaan Yuusuf Keenadiid: ninka ugu xikmadda iyo murtida badan gabyaaga Soomaaliyeed.

6: Qamaan Bulxan: ninka ay ugu hal-qabsiga iyo tusaalooyinka badanyihiin gabayadiisu Soomaalida oo dhan.

7: C/llaahi Suldaan Timacadde: gabyaaga ugu badan oo qabyaalad ka maansooda isaga oo Soomaali dumaya.

8: Maxammad Saleebaan Tubeec: hoobalka ugu codka qurxoon/macaan fannaanta Soomaaliyeed oo dhan.

9: Saado Cali Warsame: fannaanaddii ugu quruxda badnayd hablihii Soomaaliyeed ee fanka.

10: Jiim Shiikh Muumin: kabanaystaha ugu badiya garaacista Cuudka Soomaali oo dhan uguna gacanta macaan.

11: Jeenaraal Maxammad Faarax Caydiid: sargaalka kaliya oo inta ciidammo gaalo iyo dawlado waawayn waddanka gudihiisa kula dira haddana ka adkaaday.

12: Xoolaha nool: hantida ugu qaalisan uguna qiimaha badan ee aynu leennahay la'aanteedna aynaan noolaaneen haddaan Soomaali nahay.

13: Geel: midka ugu qiimaha iyo nacfiga badan xoolaha aynu dhaqanno idilkood.

14: Sanaag: gobolka ugu buuraha, macdanta iyo bilicda badan deegaannada Soomaalida oo dhan.

15: Xamar/Muqdisho: magaalada ugu baaxadda wayn dalkeenna oo dhan.

16: Gobaysane: guga ugu magaca dheer uguna barwaaqada badnaa dhan walba ee taariikhda dhow ku xusan inta la ogyahay.

17: Goodirka Hawd: madaxwaynaha maamulka xoolodhaqatada Soomaaliyeed oo dhan.

Alloow yaa ogaada dad baa ka murmi doona xaqiiqooyinkaa biyo-k**a-dhibcaanka wada ah.

Wadeeca Allah.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bidhan qurux posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category