02/01/2026
Sharcinimada Go’aankii ay Dawlada Israel ku aqoonsatay Jamhuuriyada Somaliland:
Sharci-ahaan marka dawladi siinayso Ictiraaf Caalami ah Dawlad kale/aqoonsanayso waxa Go’aan ka gaadhista iyo ku dhawaaqista aqoonsiga awood u leh Waaxda Fulinta (Executive) sababta oo ah Arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah waa masuuliyadda waaxda fulinta ee dalkaas, waxana ku matala Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas ayaa matasha Iyaga ayaana si rasmi ah u dira ama u qaabila waraaqaha ictiraafka (diplomatic recognition) isla markaana waraaqaha aqoonsiga ka gudooma Safiirada dalalka dibeda, marka Dal aqoonsanayo dal kale ama dowlad cusub Go’aankaas waa mid fulineed, ee ma aha mid sharci-dejin ama Garsoor lanadaa waaxoodna wax door ah kuma laha, waxa jira shuruudo caalami ah oo laga rabo dalka la aqoonsanayo/Conditions for State Recognition
(Montevideo Convention on the Rights and Duties of States, 1933) A state should have:
1. A Permanent Population
2. A Defined Territory
3. A Government
4. Capacity to Enter into Relations with Other States.
Shuruudahaas oo marka loo eego Jamhuriyada Somaliland ay dhamaantood buuxisay, marka la barbar dhigo Dawlada Somalia aanayba 3 sadex ka mid ah maanta hadii la qiimeeyo aanay buuxinayn.
Ugu dambayn Goaanada ku dhawaaqista iyo bixinta ictiraafkaba waxa iska leh waaxda Fulinta Baarlamaankuna wax door ah kuma laha garsoorna hadalkiisa daa, aduunka lama arag Dawlad Baarlamaan dawlad kale aqoonsaday iyadoo waaxdii fulintu joogto, goaanka Ictiraafkuna Badanaa waa mid joogto ah oo aan laga laaban.
2026 Somaliland inay dawlad la aqoonsanyahay noqoto iska daaye waxay noqotay dawladii ugu saamaynta Badnayd Africa iyo Caalamkaba kana saamayn badan kuwo 40 sano aqoonsi haystay.
Garyaqaan Hibo Axmed.
La Taliyaha Sharciga Ee Golaha Wakiilada Somaliland .