Gallaydh Media

Gallaydh Media Gallaydh Media

13/11/2023

: Xidhitaanka Xafladii Fursadaha iyo Caqabadaha Wax soo saarka Beeraha Somaliland.

Shirkii lagu gorfaynayo caqabadaha iyo fursadaha Beeraha Somaliland oo muddo laba maalmood ah Hargeysa ka socday ayaa la...
12/11/2023

Shirkii lagu gorfaynayo caqabadaha iyo fursadaha Beeraha Somaliland oo muddo laba maalmood ah Hargeysa ka socday ayaa la soo gabogabeeyay.

Shirka lagu gorfaynayo caqabadaha iyo fursadaha Beeraha Somaliland ayaa maalintii labaad Hargeysa ka socda.
12/11/2023

Shirka lagu gorfaynayo caqabadaha iyo fursadaha Beeraha Somaliland ayaa maalintii labaad Hargeysa ka socda.

11/11/2023

Muuqaalka Guud ee Munaasibada Fursadaha iyo Caqabadaha Wax soo saarka Beeraha Somaliland.

  1-aad : Fursadaha iyo Caqabadaha Wax soo saarka Beeraha  Somaliland.
11/11/2023

1-aad : Fursadaha iyo Caqabadaha Wax soo saarka Beeraha Somaliland.

07/11/2023

Halku Maraya Dhismaha Jaamacada Ugu Wayn ee Barashada Quraanka Kariimka

Dr Bala Raja oo ah dhakhtar ku takhasusay Qaliimada neerfaha iyo xangulaha ayaa yimid magaaladda Hargeysa waxaana uu ka ...
04/11/2023

Dr Bala Raja oo ah dhakhtar ku takhasusay Qaliimada neerfaha iyo xangulaha ayaa yimid magaaladda Hargeysa waxaana uu ka hawl-gali doonaa Cisbitaalka AMAL GRAND HOSPITAL

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gargaar iyo Dhakhaatiir u diri doonto Qasa haddii loo ogolaado in ay ka gudbaan marinka R...
29/10/2023

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gargaar iyo Dhakhaatiir u diri doonto Qasa haddii loo ogolaado in ay ka gudbaan marinka Rafax.

Taliyaha cusub ee Hay'adda Sirdoonka Somaliland (NIA) Mustafe Maxamed Xasan, ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Har...
26/10/2023

Taliyaha cusub ee Hay'adda Sirdoonka Somaliland (NIA) Mustafe Maxamed Xasan, ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa kusoo dhaweeyay askar ka tirsan Hay'adda Sirdoonka iyo Ey tababaran, kuwaas oo hordhac u ah cutub ay yeelan doonto NIA. Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatey Ciidanka, sida lagu baahiyay Barta Twitterka.

“ Farmaajo waa noo jawaabi waayey, Xasan Shiikh waa noo jawaabey oo na aqoonsaday, nooma sinna, sharaf iyo karaamo ayaan...
22/10/2023

“ Farmaajo waa noo jawaabi waayey, Xasan Shiikh waa noo jawaabey oo na aqoonsaday, nooma sinna, sharaf iyo karaamo ayaan u haynaa Xasan iyo xukuumaddiisa." garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

11 jir dil iyo kufsi laysugu daray.
22/10/2023

11 jir dil iyo kufsi laysugu daray.

"Hadalka wasiir Fiqi,  shalay kasoo yeedhay, wuxuu soo dadajinayaa sidii aannu xuduuudahayaga u gaadhi lahayn..," Gudoom...
20/10/2023

"Hadalka wasiir Fiqi, shalay kasoo yeedhay, wuxuu soo dadajinayaa sidii aannu xuduuudahayaga u gaadhi lahayn..," Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Somaliland ayaa si kulul u canbaareysay aqoonsiga ay dawlada Somaliya maanta siisay maamulka Khatumo .Qoraal ka soo baxa...
19/10/2023

Somaliland ayaa si kulul u canbaareysay aqoonsiga ay dawlada Somaliya maanta siisay maamulka Khatumo .

Qoraal ka soo baxay wasaraada arimaha Dibada kuna qornaa afka English-ka ayaa lagu yidhi .

“ Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo Malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood.

Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar badheedh ah oo lagu soo qaaday Qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960.

Waa wax laga naxo oo khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.

Somaliland waxay haysataa madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood billowgiiba.

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso maleeshiyo beeleedka. Waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay cambaareeyaan aqoonsigan “

Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii Daad-madheedh iyo Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.
18/10/2023

Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii Daad-madheedh iyo Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.

18/10/2023

Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dawladaha cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday falastiin.

17/10/2023

Ganacsatada reer wajaale waa in la caawiyaa

17/10/2023

“ Xil Maxamed Abiib, waxa aan leeyahay guuxaaga ayaad ka dheeraynaysaa” Xil Guruuje.

16/10/2023

Eriteria ayaa ka jawaabtay hadalka Dr Abiy ee Dekeddaha la xidhiidha.

Xil Maxamed Abiib oo isna u sacab tumay arrinta Saylac.

16/10/2023

Dhammaan khubaradani waxa ay wax ka dhigayaan jaamacadda Garadag ee Sanaag.

Xildhibaan Maxamed ayaa sidan yidhi.“Waan soo dhawaynayaa in Itoobiya maalgashato Dekedda Saylac”
16/10/2023

Xildhibaan Maxamed ayaa sidan yidhi.
“Waan soo dhawaynayaa in Itoobiya maalgashato Dekedda Saylac”

14/10/2023

Madaxweyne Biixi, oo hanjabay.

Munaasibad Fooladayn ah ayaa loo Arday ka baxday Jaamacadda Beder ee magaaladda Hargeysa.
11/10/2023

Munaasibad Fooladayn ah ayaa loo Arday ka baxday Jaamacadda Beder ee magaaladda Hargeysa.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in ay soo bandhiggi doonaan ganacsatada iibsatay dhulka danta guud...
10/10/2023

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in ay soo bandhiggi doonaan ganacsatada iibsatay dhulka danta guud ee Hargeysa oo aad u badan.

Afhayeenka Waddani Maxamed Faarax, ayaa sheegay in xisbi ahaan haddii ay talada ku guullaystaan aanay ganacsatadaasi u ogolaan doonin dhulkaasi maadama oo ay iibsadeen xilli kala guur ah, si daahfurana aanay u iibsan.
Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in maalmo dhaw uu shaacin doono magacyada ganacsatada dhulka danta guud ka iibsanaya xukuumadda madaxweyne Biixi.

Xukuumadda madaxweyne Biixi, ayaa lagu eedaynayaa in ay iibisay dhul danguud ah oo aad u badan kuwaas oo uu ugu dambeeyay dhulka Laynka Booliska ee Hargeysa.

07/10/2023

" beeshii bariga Burco qodobo inoosoo saartay.." Axmed yaasiin sheekh cali ayaanle, Gudoomiye kuxigeenkii h**e ee golaha wakiilada

" In waraaq lagu fasaxo Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland waa qayrul sharci, mana waafaqsana xeer hoosaadka gola...
06/10/2023

" In waraaq lagu fasaxo Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland waa qayrul sharci, mana waafaqsana xeer hoosaadka golaha.
Iyada oo golaha shaqooyin culus oo islaxisaabtan iyo qiimayn qaran ahi u taallay in golaha fasax la geliyaa; waa ka dhuumasho masuuliyadeed oo shirguddoonku kow ka yahay."
Xil. Xasan Dhuxul Laabsaalax

05/10/2023

Dhalinyaro Araga Naafo ka ah oo bulshadda Soomaaliyeed ka codsaday in la isku dhiso.

01/10/2023

Qaabkii ay u dhacday xafladii qalinjabinta Jaamacadda Rift Valley.

Ardayda maanta ka qalinjabiyay jaamacadda Rift Valley.
30/09/2023

Ardayda maanta ka qalinjabiyay jaamacadda Rift Valley.

30/09/2023

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland oo la dardaarmay Ardayda Jaamacadda Rift Valley

30/09/2023

" Xukuumadi ma kafaalo qaadin inay caruurtu bilaash wax ku barato laakiin waalidka ayaa la dadaala" Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay Xafladaynta Jaamacadda Rift Valley.

30/09/2023

Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibada Somaliland muxuu ka yidhi qalin-jabinta Jaamacadda Rift Valley.

30/09/2023

Maamulka Jaamacadda Rift Valley oo sheekaysay Faa'idooyinka waxbarasho ee Jaamacadda

 : Fooladaynta Ardayda ka baxaysa Jaamacadda Rift Valley ee magaaladda Hargeysa.  .
30/09/2023

: Fooladaynta Ardayda ka baxaysa Jaamacadda Rift Valley ee magaaladda Hargeysa.

.

 : Fooladaynta Ardayda ka baxaysa Jaamacadda Rift Valley ee magaaladda Hargeysa.
30/09/2023

: Fooladaynta Ardayda ka baxaysa Jaamacadda Rift Valley ee magaaladda Hargeysa.

 : Fooladaynta Ardayda ka baxaysa Jaamacadda Rift Valley ee magaaladda Hargeysa.
30/09/2023

: Fooladaynta Ardayda ka baxaysa Jaamacadda Rift Valley ee magaaladda Hargeysa.

Maalinta sabtida ee todobaadka dambe ayaa Golaha Wakiillada Somaliland la horkeeni doonaa xeerka iswaafajintii doorashoo...
26/09/2023

Maalinta sabtida ee todobaadka dambe ayaa Golaha Wakiillada Somaliland la horkeeni doonaa xeerka iswaafajintii doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyada iyo ururrada.

“ Waxba hanjabaaddaasi k**a beddelin go’aankaygii” Dr Ismaaciil Axmed.Shirkadda De La Rue ee Bangiga Dhexe siiyay qandar...
26/09/2023

“ Waxba hanjabaaddaasi k**a beddelin go’aankaygii” Dr Ismaaciil Axmed.

Shirkadda De La Rue ee Bangiga Dhexe siiyay qandaraaska qiimihiisu dhan yahay $9.6 milyan, waxa h**e loogu soo jeediyay eedaymo faro badan oo la xidhiidha musuqmaasuq. Xafiiska Serious Fraud Office, oo Ingiriiska u qaabilsan baadhista dembiyada musuqa iyo laaluushka, ayaa tiraba laba jeer baadhis geliyay shirkaddan. Ta h**e waxay ahayd musuqmaasuq lacago Koonfurta Suudan loo soo daabacay, ta kalena shaqaalaha De La Rue oo sameeyey wax is-daba marin iyo khiyaamo.

Xafiiska dambi baadhista dalka Indiya ayaa isagu na dacwad ku oogay wasiirkii h**e ee maaliyadda kadib markii uu qandaraas shirkaddan si khiyaamo ah ku siiyay. Sidoo kale, xafiiska baadha qandaraasyada dalka Kiiniya ayaa isaguna h**e u joojiyay qandaraas ay shirkaddan siiyeen markii ay caddaatay in 15% ay ka qaalisanayd shirkadaha kale ee la tartamay ee ay qandaraaska ka heshay.

Haddaba, dhammaan arrimahani waxay keenayaan isweydiinta ah sababta iyo cidda ku talisay in la soo daabaco lacago cusub oo shilin ah wakhtigan, kuwaas oo u dhigma $38 milyan. Lacagtani waxay qiyaas ahaan labanlaab ka dhigaysaa lacagta imika wareegeysa. Waxa kale oo isweydiin leh, sababta loo oggolaaday kharashka xad dhaafka ah ee lagu soo daabacayo oo dhan 25% qiimaha shilinka la soo daabacayo, marka sarrifka maanta la isticmaalo.

Dhanka kale, digniinaha shakhsiga ah ee Radio Hargeysa iyo baraha bulshada laga sii daayay aniga iguma cusba. H**e ayaa UNDP oo aan ka shaqaynayay iigu gooddiyeen in aan ku shaqobeeli doono haddii aanan ka aamusin qaladaadka aan arkayey. Waxba hanjabaaddaasi k**a beddelin go’aankaygii wakhtigaasi, imikana ka beddeli mayso. Ugu dambayn, waxa aan leeyahay haddii aan arrinkan hay’adaha guduhu si degdeg ah wax uga qaban, waxa qasab noqon doonta in SL debeddeeda xal laga raadiyo.

1. https://www.theguardian.com/.../serious-office...
2. https://www.thisismoney.co.uk/.../De-La-Rue-faces-Indian...
3. https://www.theguardian.com/.../de-la-rue-serious-fraud...
4. https://www.ft.com/.../8805cc34-f489-11e7-88f7-5465a6ce1a00

Qore Dr Ismaaciil Axmed, Aasaasaha World Remit.

Address

Road No 1
Hargeisa
252

Telephone

+252634248682

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gallaydh Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other Media/News Companies in Hargeisa

Show All