Fahmi Media

Fahmi Media ●War suggan.
●War-bixino nollosha bulshadda taabanaya.
●Bar-naamijyo qaybaha nollosha la xidhiidha.

Eebbe ha u naxariistee waxa aas qaran maanta loogu sameeyey Magaaladda Sheekh Xildhibaan h**e Oday Nabadeed Maxamed Faar...
12/10/2023

Eebbe ha u naxariistee waxa aas qaran maanta loogu sameeyey Magaaladda Sheekh Xildhibaan h**e Oday Nabadeed Maxamed Faarrax Qabiille oo Shalay ku geeriyooday Magaaladda Burco.

Eebbe weyne ha u naxariisto,qoyska,ehelka,saaxiibada iyo Ummaddana Samir Buuxa ha ka siiyo.Amiin..

Sawirkan waa burburka Dhismayaasha dhulka reer Fallastiin ee yuhuuddu bur-burisay.😭😭Eebbe weyne ha guulleeyo Muslimiinta...
12/10/2023

Sawirkan waa burburka Dhismayaasha dhulka reer Fallastiin ee yuhuuddu bur-burisay.😭😭

Eebbe weyne ha guulleeyo Muslimiinta.

Waa qaybo ka mid ah Muwaadiniinta laga raray Xaafadda Laynka-Booliska ee badhtamaha Hargaysa,kaadhadhka qoorta Sudhana l...
11/10/2023

Waa qaybo ka mid ah Muwaadiniinta laga raray Xaafadda Laynka-Booliska ee badhtamaha Hargaysa,kaadhadhka qoorta Sudhana lagu sheegay In ay caddayn u tahay lahaanshaha Hanti ay gaar u leeyihiin oo la dejiyey iyo lacago la siiyey.

Darreen noocee ah ayaa wajiyadooda ka muuqdda?

 ; 6 Qof ayaa ku dhaawacmay Shil Gaadhi oo goor dhawayd ka dhacay inta u dhaxayaysa Degmooyinka War-iddaad iyo Xayirra o...
11/10/2023

; 6 Qof ayaa ku dhaawacmay Shil Gaadhi oo goor dhawayd ka dhacay inta u dhaxayaysa Degmooyinka War-iddaad iyo Xayirra oo ka tirsan Gobolka Togdheer .

Alle ha u booga dhayo.

Naxariistii Janno Eebbe ha ka waraabiyee waxa goor dhawayd ku geeriyooday Magaaladda Burco Maxamed Faarrax Qabiille oo k...
11/10/2023

Naxariistii Janno Eebbe ha ka waraabiyee waxa goor dhawayd ku geeriyooday Magaaladda Burco Maxamed Faarrax Qabiille oo ka mid ahaa Gollihi h**e ee Wakiilladda Somaliland.

Marxuum Qabiille ayaa ka mid ahaa Odayaasha Nabbadda ee Somaliland,muddooyinkii u danbeeyeyna ka shaqaynaayey daminta Collaadda Cali-Saahid.

Eebbe weyne ha u naxariisto,qoyska,ehelka iyo Bulshaddana Samir buuxa ha ka siiyo.Amiin..

Ururka Xammaas ee Fallastiiniyiinta ayaa goor dhawyd Gantaallo ku Garaacay Caasimadda Yuhuudda ee Tel Aviv, iyo goobo ka...
10/10/2023

Ururka Xammaas ee Fallastiiniyiinta ayaa goor dhawyd Gantaallo ku Garaacay Caasimadda Yuhuudda ee Tel Aviv, iyo goobo kale oo ay ku suggan yihiin Yuhuuddu sidda ay sheegeen War-baahin kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Yuhuuddu.

Eebbe ha guulleeyo Fallastiin.

Waa Sawiraddii u danbeeyey ee duqaynta Yuhuuddu u gaysteen Gaza,Wararka Maxalligga ayaa sheegay in dhimashaddu marayso t...
10/10/2023

Waa Sawiraddii u danbeeyey ee duqaynta Yuhuuddu u gaysteen Gaza,Wararka Maxalligga ayaa sheegay in dhimashaddu marayso tiro ka badan 700 Qof.

Alle weyne ha u gargaaro Muslimiinta reer Fallastiin.Amiin..

Waa Caawa iyo Magaaladda Qaza oo Yuhuuddu Maddaafiic ku garaacayso.😭Eebbe weyne ha u gar-gaaro Fallastiin.Amiin..
09/10/2023

Waa Caawa iyo Magaaladda Qaza oo Yuhuuddu Maddaafiic ku garaacayso.😭

Eebbe weyne ha u gar-gaaro Fallastiin.Amiin..

"Askariga Jiidda jooga iyo Askariga Gaadhka Hargaysa kaga jira ee Gurigii uu degenaa qasabka lagaga rarayaa muxuu dufaac...
09/10/2023

"Askariga Jiidda jooga iyo Askariga Gaadhka Hargaysa kaga jira ee Gurigii uu degenaa qasabka lagaga rarayaa muxuu dufaacayaa? Dhulka Line-ka Booliska Cabbirkiisu waa 35,393 meter square, waxa Degen 152 Qoys, qiimaha la kal siistay sida aanu xog ku hellay waa $18 Million, hadda waxa la sii shubay 6 Million, Ganacsatada iib satay waa laba nin. Dadka waxa loo rarayaa Kaantaroolka Garabis iyo Kaantaroolka Halleeya, waxa loo dhisayaa 3 Maqsin oo Jiingad ah oo aan wadan adeegyada aasaasiga ah, Dahabshiil markii uu iibsaday Line-kqa Booliska wuxuu siiyay qoyskii kasta $50,000 hadda waxa lagu baayacay Dadka la raraayo $10,000 ama 3 qol oo Jiingada ah.".

Maxamed Siddiiq Dhamme Xog-hayaha Arrimaha Bulshadda Xisbigga Waddani.

Xildhibaan Khadar-Guun oo ka mid ah Gollaha Wakiilladda Somaliland ayaa siddan yidhi “ Eebbow ka bad-baadi xaraashka dan...
09/10/2023

Xildhibaan Khadar-Guun oo ka mid ah Gollaha Wakiilladda Somaliland ayaa siddan yidhi “ Eebbow ka bad-baadi xaraashka danta guud Dhakhtarka Wayn, Garoonka Kubbadda Cagta,Beerta Xorriyadda, iyo Masjid Jaamaca Hargeysa"..

09/10/2023

Bannaan-bax ka socda Xaafadda Laynka Billayska ee Magaaladda Hargaysa iyo Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay..😭

08/10/2023

Sooyaalka Jaamacadda Shifa University iyo Weedha Guddoomiyaha Jaamacadda Dr Maxamed Cabdi Faarrax.

Waa Masaajid ku yaalla Koonfurta Qasa oo ay duqayn ku burburiyeen Ciiddanka Yuhuuddu.Sawiradda ayaa muujinaaya dadkii ku...
08/10/2023

Waa Masaajid ku yaalla Koonfurta Qasa oo ay duqayn ku burburiyeen Ciiddanka Yuhuuddu.
Sawiradda ayaa muujinaaya dadkii ku tukanaayey Masaajidka oo uu ku dumay iyo dad ka ururinaaya Kitaabka Qur'aanka Karriimka Burburka Dhismaha Masaajidka.

Rabbi ha u guulleeyo Ummadda Islaamka ah.

Haweeney Xabsi ku jirta ayaa ku guulleysatay billadda Nabbadda ee Nobel Prize ee 2023.Biladda Nabadda ee Nobel Prize wax...
06/10/2023

Haweeney Xabsi ku jirta ayaa ku guulleysatay billadda Nabbadda ee Nobel Prize ee 2023.

Biladda Nabadda ee Nobel Prize waxaa sannadkan 2023-ka ku guuleysatay haweeneyu dhalatay dalka Iiraan oo lagu magacaabo Narges Mohammadi, taas oo u ololeysa xuquuqda haweenka oo haatan ku xiran xabsi ku yaala magaalada Texraan.

Guddiga ayaa sheegay in la gudoonsiiyay biladdan nabadda maadaama ay u dagaalameysay xuquuqda haweenka reer Iraan iyo halganka ay u gashay inay helaan xuquuqdooda iyo xoriyaddooda.

Biladda ay ku guuleysatay ayaa imaneysa iyadoo in ka badan muddo hal sano ah oo ay ka soo wareegtay dibedbaxyo hareeyay dalkaas oo ay hogaaminayeen haween.

In ka badan 350 qof ayaa u tartameysay abaalmarintan nabadda, kuwaas oo u badan kooxaha u olololeeya xuquuqda haweenka, isbedelka cimilada iyo kuwa kale.

Biladdaas ayaa la gudoonsiin doonaa bisha Diisembar.

BBC

06/10/2023

Maddal kulmisay Masuuliyiin iyo Hal-door Somaliland ah oo Jaamacadda Togdheer University u qabatay ducfaddii 10aad ee ka baxday.

5 Oktoober,Dharaarta Baraha ee Adduunka.❤️Halkan ka xus Bare door ku lahaa kobboca Aqoontaada..
05/10/2023

5 Oktoober,Dharaarta Baraha ee Adduunka.❤️

Halkan ka xus Bare door ku lahaa kobboca Aqoontaada..

 ; Dufcaddii 10aad ee ka Qallin-baddalatay Jaamacadda Togdheer Kulliyadaheedda  kala duwan..
05/10/2023

; Dufcaddii 10aad ee ka Qallin-baddalatay Jaamacadda Togdheer Kulliyadaheedda kala duwan..

04/10/2023

Siddan ayey sameeyeen Munnaasibaddii Meherka Saaxiibkood!

Maddasha loo asteeyey Munnaasibadda Qallin-baddalashada ducfadda 10aad ee Arddaydda Jaamacadda Togdheer University  iyo ...
04/10/2023

Maddasha loo asteeyey Munnaasibadda Qallin-baddalashada ducfadda 10aad ee Arddaydda Jaamacadda Togdheer University iyo Maalin-nimadda Berri.❤️

Hambalyo.

04/10/2023

Salleebaan Ibraahim oo ka mid ah Ardayda maalinta Beri ah ka Qallin-badalanaaya, Togdheer University,gaar ahaan Kulliyadda Social Work.

Somaliland Maxay ku sheegtay Saadaasha Roobab ka di'i doona Goboladda qaar?
04/10/2023

Somaliland Maxay ku sheegtay Saadaasha Roobab ka di'i doona Goboladda qaar?

02/10/2023

Intaan Qorri Qaatay ayaan Niman Hawiye ah ula galay,si aan ugu Aarro aabbahay ninkii dillay!

Kullan Maanta ay ku yeesheen Magaaladda Hargaysa Madaxda dhaqanka iyo Muddanka Beellaha Gar-xajis iyo Arab ayaa ku soo d...
02/10/2023

Kullan Maanta ay ku yeesheen Magaaladda Hargaysa Madaxda dhaqanka iyo Muddanka Beellaha Gar-xajis iyo Arab ayaa ku soo dhammaaday Is-afgarad,sidda uu sheegay Sulddaan Axmed Cismaan Caddo-Gudde;

"Is-afgarad iyo wada-jir ayaanu islla qaadanay beesha Arab".

“Madaxwaynaha inkaartayddii ayaa ku dhacday, shir 22 madax-dhaqameed fadhiyeen ayuu iga saaray isagga iyo maxamed kaahin...
02/10/2023

“Madaxwaynaha inkaartayddii ayaa ku dhacday, shir 22 madax-dhaqameed fadhiyeen ayuu iga saaray isagga iyo maxamed kaahin..."

Boqor Axmed Iimaan Warsame.

“Horena waa aan uga hadlay,haddanna waan ku celinayaa;Haddii Gabadh wacadkii kaga baxdo wiil xidhiidh uu kala dhaxeeyay ...
01/10/2023

“Horena waa aan uga hadlay,haddanna waan ku celinayaa;Haddii Gabadh wacadkii kaga baxdo wiil xidhiidh uu kala dhaxeeyay ama haasawayeen, Dhammaan wixii lacag ah ee gabadha la siiyay waa laga rabaa inay dib u celiso”.

“Waa lagugu leeyahay lacagtaas. Waayo lacagtaas wuxuu kuu siiyay siddii uu kuu heli lahaa, illeen maad ahayn miskiin uu caawinayee. Haddii markaas aad adigu kaga baxday wacadkii, lacagtaas iska celi ama iga saamax ku dheh”

Sheekh Maxamed Cumar Dirrir.

01/10/2023

Ninka Qorigga dhigi waaya Ciiddamadu waxay amar ku qabaan in ay ku dillaan..Guddida Nabadgalyadda Togdheer

Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro iyo Marwo Roodda Cabdi!
01/10/2023

Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro iyo Marwo Roodda Cabdi!

01/10/2023

Xildhibbaanada Gollaha Guurtidda oo war cusub ka soo saaray tallaabo ay qaadeen beellaha ku diriray Deegaanka Cali Saahid ee G.Togdheer.

30/09/2023

War ka soo kordhay dirirtii Hawdka Gobolka Togdheer iyo Xabbad-joojin deg-deg ah oo..

 !Hallis ku soo waajahan Soomaalida.Bisha October  Toddobaadyada Soo socda  waxa laga cabsi qabaa in ay waddamada Geeska...
27/09/2023

!

Hallis ku soo waajahan Soomaalida.

Bisha October Toddobaadyada Soo socda waxa laga cabsi qabaa in ay waddamada Geeska Africa ku dhufato Duufaanta loo yaqaanno El niño oo ah Duufaan aad u xoog badan isla markaana ku caan ah inay galaafato dad badan iyo hanti badan , Dabcan waa Duufaantii dhawaan uun ku dhufatay dalka Libia iyo South Africa oo ay hadda ka socoto taas oo galaafatay Magaalooyin dhan haddeerna waxa la soo sheegayaa inay ku Soo Wajahantahay Somalia.

Haayadda Ka hor tagga Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa digniin ka soo saartay Duufaantan waxaanay si guud ugu digtay Shacab weynaha soomaaliyeed si gaar ahna waxa ay carrabka ku dhufatay Deegaannada Labada Webi iyo Buuralayda Waqooyi ee Silsiladda Gulles.

Weli wax digniin ah lagama hayo Hay'adda ka hor tagga Masiibooyinka Somaliland iyadoo haayadihii Caalamiga ahaa ay aad uga qaylinayaan duufaantan.
Somaliland waxa h**e ugu dhufatay Duufaantii SAGAR 2018 taas oo wax yeello ka geysatay deegaannada Xeebaha Galbeed iyo qaybo ka mida Gobolka Sanaag iyo Degmada Sallaxley ha se ahaatee Duufaantan El niño ayaa la sheegay in ay 3 jeer ka awood badantahay tii sannadkii 2018 ee SAGAR.

Dhawaan bay ahayd markii Xukuumadda Somaliland shaacisay in bilaha soo socda ay Somaliland ka di'i doonaan roobab aad u xaddi badan oo aan dalka ka di'in muddo 24 sanno ah.

Dawladdu waa in ay qorshe degdeg ah ka yeelataa meelaha u nugul duufaannada sida deegaannada Xeebaha , deegaannada Buuralayda ah iyo kuwa dooxooyinku ku badanyihiin ee Low landka ah , sidoo kale waa in Dawladaha Hoose ee Magaalooyinku yeeshaan qorshe degdeg ah oo lagu yaraynayo khataraha ka dhici kara gudaha magaalooyinka sida halista Korontada , fatahaadaha dooxyada iyo guryaha duugga ah ee u nugul inay dumaan oo shacabka looga digo.

Xigasho..

27/09/2023

Siyaad Barre ayeynu ka garanaynaa qof kasta oo afka taaga oo isla weyn,Xubinta Waddani Komishanka ma badalayno.Xog-haye Gallaydh

27/09/2023

Xuska Dhallashada Rasuulkeenii Maxamed N.N.K.H iyo Culimadda Qaaddiriyadda.❤️

26/09/2023

Khillaafka ayeynu dhammaynaynaa,si aan Caddowgu jaanis inooga hellin..Siyaasi Jamaal

26/09/2023

Dhibka Hawdka Burco inaggaa wadna,Ciiddagalle iyo Sacad Muuse,Isaxaaq iyo Aadan Ciise inaga oon..Oday Kayd

26/09/2023

Gacan Bir ah ayaan idinku qabanaynaa..Beellaha Habar-jeclo iyo Arab-Bari

Caawa iyo dusha sare ee Xammar-caddey!❤️
25/09/2023

Caawa iyo dusha sare ee Xammar-caddey!❤️

Waa Baabuurkii ay wateen Shaqaalihii Waqal Studio oo Caawa Shil ku gallay Dulleedka Magaaladda Sheekh.😭Eebbe ha u naxari...
25/09/2023

Waa Baabuurkii ay wateen Shaqaalihii Waqal Studio oo Caawa Shil ku gallay Dulleedka Magaaladda Sheekh.😭

Eebbe ha u naxariisto intii geeriyootay,kuwa dhaawaca ahna ha u booga-dhayo.Amiin.

 ; Alle ha u naxariitee Labba Qof ayaa ku geeriyooday,Labba kalena way ku dhaawacmeen Shil Baabuur oo caawa ka dhacay Du...
25/09/2023

; Alle ha u naxariitee Labba Qof ayaa ku geeriyooday,Labba kalena way ku dhaawacmeen Shil Baabuur oo caawa ka dhacay Dulleedka Degmadda Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Sidda sawirka ka muuqata Baabuurka ayaa Dab qabsadday markii uu dhacay,waxaana dhimashadda iyo dhaawacaba la gaadhsiiyey Cisbitaalka Degmadda Sheekh.

Isha-warka:Qaasim Media

Halis dhaqaalle Bur-bur oo ku soo waajahan Somaliland iyo Aqoon-yahan Ismaaciil Axmed oo ka diggay;"Baanka Dhexe qoraal ...
25/09/2023

Halis dhaqaalle Bur-bur oo ku soo waajahan Somaliland iyo Aqoon-yahan Ismaaciil Axmed oo ka diggay;

"Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”

Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.

Iyada oo maanta Baanka Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego.

Soddonkii sano ee shilinka SL jirayba waxa aan wax ka qori jiray qiima-dhaca lacagteenna ku imanaysay, taas oo markii la soo daabacay 50-ka shilin lagu sarrifi jiray $1. Aniga oo ka soo horjeeda sida qaldan ee loo maamuli jiray iyo dhibaatada danyarta ka soo gaadha ayaan sidan oo kale uga talo bixin jiray had iyo goor. Waa markii u horreysay ee 30-kaa sano la igu eedeeyo in aan waddanka iyo dhaqaalaha cadow ku ahay.

Waxa aan mar kale ku talinayaa in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado. Ma aha in aynu la sugno inta arrinku meel xun oo aan laga soo kaban karin gaadhayo."

Eebbe weyne naxariisto janno ha ka waraabiyo Cabdiwahaab Cawaalle oo u geeriyooday Xannuunka Kansarka oo in muddo ah la ...
23/09/2023

Eebbe weyne naxariisto janno ha ka waraabiyo Cabdiwahaab Cawaalle oo u geeriyooday Xannuunka Kansarka oo in muddo ah la tacaalaayey..😭

Eebbe weyne ha u naxariisto,qoyska,ehelka iyo saaxiibadiina samir buuxa ha ka siiyo.Amiin..

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fahmi Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fahmi Media:

Share


Other Media/News Companies in Hargeisa

Show All

You may also like