Seeko Media

Seeko Media Warar ''RUN'' ah, dhexdhexaadnimo iyo warbixino xiiso leh, kala soco bartan oo nagu soo biir.

15/01/2025
14/01/2025

Diyaaraddii Seeko Media oo dul-martay xaafadda Xawaadle.

14/01/2025
14/01/2025

Laba nin oo ku daba laabay diyaarad.

13/01/2025

Habeenkii aan ogaaday inaynu Carabta ka doqonsannahay! Dubai waxay ahayd magaalo wayn tii iigu horraysay ee aan noloshadayda tago.

13/01/2025
13/01/2025
12/01/2025

Dadkii gacantu ka horraysay oo xal loo helay.

12/01/2025
Tolow muxuu u sheegay?
12/01/2025

Tolow muxuu u sheegay?

12/01/2025

Berbera: Badda ayaa liqday hal qof, mid kalena waa laga soo badbaadiyay.

Madaxwayne Cirro oo Galaal u magacaabay wakiilka Somaliland ee Taiwan.
12/01/2025

Madaxwayne Cirro oo Galaal u magacaabay wakiilka Somaliland ee Taiwan.

12/01/2025
11/01/2025
Hablo iyo islaamo cadcad oo shaaha ''dhako-jabiye'' ku cabaya Somaliland iyagoo faraxsan.
11/01/2025

Hablo iyo islaamo cadcad oo shaaha ''dhako-jabiye'' ku cabaya Somaliland iyagoo faraxsan.

11/01/2025
Waxaa qoray Maareeye Maxamed Cali Daarood:“KALA ARAGTI DUWANAANTII AAMUSIISEY BARTAYDAN FACEBOOK EE AAN BULSHADA KALA XI...
11/01/2025

Waxaa qoray Maareeye Maxamed Cali Daarood:

“KALA ARAGTI DUWANAANTII AAMUSIISEY BARTAYDAN FACEBOOK EE AAN BULSHADA KALA XIDHIIDHO.

Muddo bil iyo dheeraad ah waxa gebi ahaanba hawada laga saaray boggan aan bulshada kala xidhiidho iyo ciwaankayga shakhsiga ah ee Facebook.

SIDAY WAX U DHACEEN?

Waxay ahayd galabnimadii 23 Nov, 2024, markii aan ku baraarugay in Shirkadda Meta Group hawada ka saartay guud ahaanba ciwaankii aan ku lahaa, iyadoo ii sheegtay in ciwaankani uu ka hor imanayo Facebook Community Guidelines, sidaa darteedna la xayiray ciwaannadaydii. Sidaan markii dambe ka warhelnay, ciwaankayga shakhsiga ah in la jabsado waxaa loo adeegsadey niman Eeshiyaan ah.

Waxa aan hal mar waayey diwaanka dhacdooyinkii shaqada ee qaranka muhiimka u ahaa ee soo taxnaa muddadii sideedda sanno ahayd ee aan ummadda u adeegayay, waxa ayna igu ahayd lamafilaan in sidaa fudud xog iyo xidhiidho aniga iyo qarankaba muhiim u ahaa lagu waayo.

BAADIGOOBKII IYO DEDAALKII SOO-CELINTA BOGGAN IYO CIWAANKANBA

In ciwaankaygii iyo boggaygiiba hawada laga saaraa, waxay meesha ka saartay tixraacyadii ama summadihii aqoonsiga ahaa ee aan u baahnaa si aan uga dacwoodo xayiraadda la i saaray. Taasi waxay igu adkaysay jidkii loo mari lahaa soo-celinta ciwaannadan iga maqan.

Alle mahaddii, ka dib markii ay ka hawlgaleen khubaro, waxaan ugu horrayn dib u soo helnay sumaddii aqoonsiga ciwaankayga shakhsiga ah u gaarka ahayd (Facebook ID), taas oo noqotay barbilawga tallaabooyinkii soo-celinta ciwaankayga shakhsiga ah.
Xidhiidhadii u horreeyay ee aan la samayno shirkadda Meta Group, waxay jawaabahoodu noqdeen diidmo ay shirkaddu ku sababaysay in ciwaankan lagu calaamadiyey ‘Dangerous groups and organizations’ oo macnaheedu yahay “Kooxo iyo ururro halis ah.”

Ka dib markii, aanu la doodnay Meta Group, waxa la noo oggolaaday in aanu aragno dacwadaha la ii haystaa waxa ay yihiin iyo xilliga ay bilaabmeen. Dacwadahaasi waxay bilaabmeen xilligii ololaha doorashooyinka Somaliland xamaasaddiisu figta u sarraysa mareysey. Aniguna waxaan ka tirsanaa raggii sida weyn ugu halgamayey dib-u-doorashada madaxweynihii h**e ee JSL, mudane Muuse Biixi Cabdi oo aan la soo shaqeeyey muddo-xileedkii xukuumaddiisa oo dhan.

Eedahan waxaa gudbiyey kooxo abaabulan oo ka soo horjeedey aragtiyihii aan taageerayey iyo farriimihii aan bulshada u gudbinayay. Kooxahaasi waxay gabbood ka dhigteen inay igu dacweeyaan qodobkan: “False information about COVID 19,”oo la macne ah inaan xogo been-abuur ah ka faafinayey caabuqii COVID19.

Post ama warbixin kasta oo aan bulshada la wadaago laga bilaabo 28 October, 2024 waxay ka gudbinayeen farriin isku mid ah oo odhanaysa in aan faafinayo xog been ah oo ku saabsan COVID19, waxaanay abaabulkaas wadeen ilaa 21 November, 2024.

UGU DAMBAYN

Waxa aan dib ugu guulaystay 25 December, 2024 inay shirkadda Meta Group aqbasho dooddii, dacwadihii iyo warbixinihii aan u gudbiyey, raalli-galinna ka bixisay khaladka dhacay. Waxaanay dib u soo celisay ciwaannadii aan bulshada kala xidhiidhayey.

TALO SOO-JEEDIN

Bahda saxaafadda, Mas’uuliyiinta iyo guud ahaanba ashkhaasta aadka u isticmaala baraha bulshada waxa aan u soo jeedinayaa in ay ilaaliyaan sugnaasha xogtooda, talana ka qaataan khubarada cilmiga IT-ga ee ay ku kalsoon yihiin haddii ay u arkaan in ay u baahan yihiin.

MAHADNAQ

Waxa aan u mahadnaqayaa Barkhad Cabdiraxmaan Xaashi oo ah Agaasimaha IT-ga Wakaaladda, Muna Cabdalla Axmed Ismaaciil oo ah Agaasimaha Xarunta Maaraynta Biyaha Hoose iyo Biyo-xidheennada ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Rashiid Maxamed Cabdi iyo khubaro kale oo dhammaantood ka shaqeeyay in ciwaannadan aan bulshada kala xidhiidhaa hawada ku soo noqaan, isla markaana soo afjaray dadkii ujeeddadoodu ahayd in xidhiidhkan bulshada bartan aan kula leeyahay uu go’o.

Waxa aan sidoo kale u mahadnaqayaa bulshada reer Somaliland ee ay farriintaydu halkan ka gaadho iyo guud ahaanba bulshada reer Hargeysa ee aan adeegga biyaha u hayo.

WA BILLAAHI TAWFIIQ”.

11/01/2025

Dhacdo layaab leh oo aan ku arkay Maka, magaaladii Nebi Muxammad CSW.

Address

Road Number 1
Hargeisa

Telephone

+252634010272

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Seeko Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Seeko Media:

Share