12/09/2023
Raad-faneedkii iyo noloshii Axmed Naaji Sacad – 1939-2023.
Qalinka: Ibraahin Cali Axmed (Cuucuule) – 12 Sep, 2023.
“Maxay xabaali nin haysaa!”, Waa odhaah calaacal ah, oo si baraad la’aan ah dadka dibnahooda u soo jiidha marka uu nin weyni baxo. Dunidu waa dhiillo u joog, dhamaanteena geeri sugayaal uun baynu wada nahay. Todobaadkii h**e waxa guri aakhiro u hoyday Ustaad Axmed Naaji Sacad, waxaanan idhi – maxay xabaali nin haysaa! Eebbe-weyn ha u naxariistee Bishan September 5teedii ayuu Landhan ku geeriyooday, saddex maalmood ka dib oo 8dii bisha ku beegnayd na, godka ayaa la gu riday. Dad badan baa aaska ka qayb galay oo u duceeyay, Soomaali kale oo badani na dalka iyo debedda ba waa u ga ducaysay.
Marar badan, oo badan baa la yidhaadhaa fanaan weyn baa maanta geeriyooday, laakiin maanta oo kale ayuu hadalkaasi run ahaan dhab yahay. Fanaan weyn, macalin weyn, muusigiiste weyn, oo aladaha intooda badan tuma heesa, jilaa weyn iyo mulaxan weyn soo sare sare, masrax muneyee, intaba wuu ahaa, tilmaantaas na wax buunbuunin ahi ma ku jirto. Runtii geed weyn baa jabay. Qormadan waxa aan ku soo qaadayaa inta aan ka ogahay, bal hadda raadkii uu ku lahaa fanka Soomalaiyeed, iyo waxtarkii uu ku darsaday tacab-wadareedkaas umaddu wada leedahay, oo uu qofba in ku daray.
Axmed Naaji sida uu waa h**e BBC laanteeda afsoomaaliga u sheegay, waxa uu 1939kii ku dhashay degmada Shibbis ee Muqdisho, oo waagaas loo yaqaannay Bilaajo Carab. Magaalada Muqdisho ayuu badanka noloshiisii h**e ku qaatay, marar kooban na waxa uu joogay magaalada Baydhabo sida uu waraysi ku sheegay,
Muqdisho ayuu se iskuulka iyo malcaamadda ba ku dhameeyay, waagaas na afka Talyaani baa wax la gu baran jiray. Axmed Isaga oo 15 jir ah buu 1954kii fanka u ban-baxay, waagaas na afcarbeed baa la gu heesi jiray. La ga soo bilaabo wakhtigii ardaynimadiisa, ilaa la ga soo gaadhaayay xorriyaddii lixdankii, fanka Axmed waxa uu u badnaa heeso waddani ah oo xornimo doon ah, gaar ahaan dhinaca banaadiriga. Sidoo kale, Axmed waxa uu ka soo jeeday qoys faneed, walaladii Cantar iyo Cali oo ka yaraa ayaa iyaku na fannaaniin ahaa, taas oo dad badani aanay ka war qabin.
Si kastaba, wakhtiyadii fanka Axmed uu bilowga ahaa, Muqdisho waxa ka jiray hal koox-faneed Banaadiri ah Iyo kooxo yaryar Oo Musiga uun U khaas ah, oo caweysyo sameeya. Axmed waagaas waxa uu ku biiray koox La Odhan jirey LUNA SOMALO, oo macnaheedu yahay Dayaxii Somaaliyeed. Waayadaas idaacadda Muqdisho waxa la ga sii deyn jiray barnaamij todobaadle ah oo maalinta Axadda la baahiyo, kaas oo la odhan jiray lugo-fidsi. Barnaamijkaas waxa la gu soo ban dhigi jiray dadka hibada faneed leh, oo kartidooda la gu tijaabin jiray, waxaanu la mid ahaa kii waagii dambe loo bixiyay Heesaha Hirgalay. Sanadkii 1962kii ayuu Axmed Naaji barnaamijkaas ku soo baxay, si rasmi ah baanu u ga mid noqday fanaaniintii Raadyow Muqdisho.
Tan iyo maalintaas idaacadda loo qaatay, Axmed naaji waxa uu ahaa xidig fanka Soomalaiyeed u soo baxay, hibadiisa faneed na sida cadceedda ayay u ga dhex iftay idaacadda, masraxyada iyo goobaha dadku ku kulmo oo dhan. Tumitaanka cuudka amaba k**anka ayuu wacdaro ka muujiyay, waagii dambe na, qalabka la tumo oo dhan, oo organku ka mid yahay ayuu meel is ka saaray, waxaanu ka mid ahaa fanaaniinta faro ku tiriska ah ee akhriya/qora farta muusigga gaarka u ah ee caalamiga ah. Waxa uu allifay riwaayado ay ka mid ahaayeen Jacayl Faqiir Galay ma Fududa, Sir iyo Socdaal Jacayl iyo Maxk**addii Jacaylka; heeso aad u badan ayuu laxanka u sameeyay, kuwo ka sii badan na muusigga ayuu u tumay, waxaanu ahaa madaxii Waaxda muusigga ee Golihii Murtida iyo Madadaalada.
Mudadii uu Axmed Naaji ku jiray fanka Soomalaiyeed, gaar ahaan wixii burburkii ka h**eeyay, waxa uu ka mid ahaa dhamaanba waftiyadii ay dalalka shisheeye ku tageen kooxihii fanku, waxaanu socdaladaas ka soo bartay khibrado dheeraad ah oo ku saabsan fanka guud ahaan, gaar ahaan dhinaca muusigga iyo masraxa. Dhinaca samaynta laxamada, Axmed Naaji waxa uu ka mid ahaa dad aad u kooban oo ay hawshaasi xoog u gu fududayd, heesaha waddaniga waxa u ahaa qofka labad marka laga rebo Cabdilaahi-qarshe.
Dhinaca heesaha Banaadiriga ah ee jacaylka iyo wadanigaba qofka koowad , in kasta oo kuwo jacayl ahi ku jireen, hadana mar walba waxa badnaa kuwa waddaniga ah Sido Kale Wuxuu Ahaa Fanaan Ku Heesa Heesaha Mayga.
Heesaha Waddaniga ah ee Axmed Naaji uu laxameeyay waxa ka mid ahaa:
1. Dadka Soomaaliyeed. Waxa allifay Prof. Axmed Nuur Yuusuf, waana heesta u gu laxanka dheer heesaha Soomaalida oo dhan.
2. Nin la gu seexdoow ha seexan. Waa codkii Magool iyo ereyadii Cali Sugule.
3. Wixii layna baday. Waa codkii Fadumo Qaasim iyo Caasha Cabdoo, ereyadii Cali Sugule.
4. Oktoobar waa daruur hilaacday. Codkii Axmed Naaji laftiisa iyo ereyadii Cali Sugulle.
5. Taariikhdu dadkay bartaa. erayadii Cabdi Muxumed Amiin.
6. Oktoobartaan sarakacnee, Soomaalidu maanta, iyo Samo ku waara. Saddexduba waa ereyadii Yuusuf Aadan Allaale.
7. Agoonkii waxan ahay. Erayadii Maxamuud Cabdilaahi Singub.
8. Soomaali diidow. Wadajir waxa u qaadi jiray Qadija Cabdilaahi (Dalays), Maxamed Aadan Shammuuri iyo Sahra-Dawo, waana ereyadii Cismaan Aadan, (Cismaan-askari)
9. Soomaalaay Garo Intaas. Codkii Hibo Maxamed iyo Cabdilqaadir Juba, ereyadii Maxamed Cali Kaariye.
10. Af Qalaad Aqoontu Miya? Ereyada Cali sugule.
11. Inay nabadu macaantahay… Laxanka iyo musiga ba waxa ku ladhay Axmed Naaji
Waxa jirta hees Wadani ah oo aad u wangsan oo laxaan iyo misig aad u laab badan u saray Axmed Naaji oo koox ahan lagu qadayo oo Sicid xarawo 6 sano ka hoor aan weydiiyay oo I sheegay inuu laha porf Cabdi sheekh Biixi oo aan ilaway Sicidan I xasusan wayay.
Hadii aan tusaale ka soo qaadno dhinaca heesaha ku saabsan mawduuca jacaylka, Kuwooda ugu caansan Waxaa Ka Mida:
1. Hoos-ka-guux. Waa ereyadii Xaaji Gujis, laxanka iyo codka Axmed naaji.
2. Heesta Tuuyo. Codka Xassan Aadan Samatar. Ereyada Sulub Cumar iyo laxanka Axmed Naaji.
(Fg: Labadan heesood waxa ay ku jiraan kuwa u gu laxanka iyo muusigga fiican heesaha Soomaalida, loo gu na jecelyahay.)
Geesta kale, dhinaca heesaha banaadiriga ah, waxoogay tusaale ah hadii aan soo qaadno, waxa aan Ka xusi karnaa:
1. Beer nin faalo, ma barye waligiis ma baabee. Ereyada Aways Geedaw, codkii Axmed naaji.
2. Caweyskii Ciyaarnee, ceelka Soo Biye, Codka Faadumo Qasim.
3. Caddey way iga cadhootay. Ereyada iyo laxamka Axmed Naaji.
4. Gineyeey . Ereyada Dr. Raafi, codka iyo Laxankii Axmed Naaji, waxaana la qaadday Faadumo Qaasim.
5. Abaabayooy Amaad Ig Uur Gadoontaa. Ereyada Cali Cismaan Daroog, laxanka iyo codka Axmed Naaji, waxa la qaadday Fadumo Qaasim.
6. Waa Muruge meel loo Rarine. Ereyada Aawyas Geeddow, laxanka Axmed Naaji.
7. Haan Iyo Haruubkeed. Ereyada Cali Cismaan Daroog, laxanka iyo codka Axmed Naaji, waxaana la qaadday Faadumo Qaasim.
8. Malableey. Waa ereyada, laxanka iyo codka Axmed Naaji, waxaana la qaadday Faadumo Qaasim.
9. Duqa Waa Taqaanaa. Ereyada Aweys Geeddow, laxankii iyo codka Axmed Naaji, waxaana la qaadday Casha Cabdow.
10. Ciil iyo Calaf. Ereyada Ikaar Sheikh Cali, laxanka iyo codka Axmed naaji, waxaana la qaadday Luul Jaaylani.
11. Gabdhahaan gacalkooda erayada Aweys Geesow laxnaka A.Naaji
12. Dila kabirow eryada iyo laxaanka A.Naaji
13. Xamaray ya ku xaal maarin eryada iyo laxaanka A.Naaji
Inta aan halkan ku xusnay waa tusaale ahaan uun, waxa se jira heeso aan tirokoobkooda la haynin oo fanka Banaadiriga ah, oo Axmed uu qaado, codeeyay, ereyadooda curiyay amma intaba is ku darsaday. Sidoo kale, intii uu waddanka ka baxay, Axmed qurbaha wuu ka sii waday fankiisii, waxaanu soo saaray heeso aan yarayn, haba u badnaadeen dhinaca waddaniyadda iyo guubaabada, gaar ahaan suugaanta ku saabsanayd nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Aniga oo og in fanka Banaadiriga la ii ga aqoon badanyahay, wixii qalad ah ee ku jira suugaanta aan kor ku xusay, waxa aan codsanayaa in la saxo oo la I soo war geliyo.
Si kastaba, Ustaad Axmed Naaji, sida aan kor ku tilmaanay waxa uu ahaa dadka fanka qaybihiisa ka la duwan oo dhan fahamka iyo xirfadda dheeraadka ah u leh, natiijo muuqata na ka keenay dhinac walba. Iyadoo aay jireen Shakhsiyaad kale oo aay isku heer yihiin amaba isku dhawayeen,
Waxa uu ahaan in aad u karti badan, shaqo badan, noloshiisa badankeedna ku bixiyay wax u sheegga iyo tusaalaynta umadda Soomaaliyeed meel ay joogto ba. Marka uu fankiisa ka hadlaayo, ma ahayn qof isagu keligii uun is ka sheekeeya, ee dadka kale ee ay kaalinta ku wada jiraan, ee shaqo-wadaagta yihiin na wanaagooda iyo waxtarkooda ayuu qiri jiray goor kasta.
Si gaar ah, Axmed Naaji waxa uu si weyn u ga dhex muuqan jiray kooxihii cawaysyada aadka loo jeclaa dadka ku madadaalin jiray, gaar ahaan kooxdii Somali Jaaz, iyo kooxdii Shareero oo isagu uu gudoomiye ba u ahaa. Axmed waxa uu ka mid ahaa fanaaniintii burburka bilowgiisii waddanka ka baxday, laakiin Isaga oo debedda jooga ayuu halkaas ka soo afuufaayay carooggiisii baraarujinta iyo wax-u-sheegga umadda Soomalaiyeed. Waxa uu ka qayb geli jiray shirarkii dhaqanka, fanka iyo kuwii nabadda Soomaaliya, fagaarayaashaas oo dhan na wacdaro ayuu ka muujin jiray.
Dhinaca dabciga, Axmed waxa uu ahaa qof macaan oo aanay dadka is diidin. Waxa uu ahaa ururiye bulsho, waxaanu ahaa macalin dhab ah oo si hagar la’aan ah dadka soo baxaaya u tababara. Maamulada Soomalaiyeed ee deegaamada Soomaalida ka jira waxa aan ka codsanayaa in Axmed-naaji taariikhdiisa iyo shakhsiyaddiisa aan la hilmaamin, dugsiyo iyo fagaarayaasha kaydka sugaanta na loo gu magac daro. Axmed oo cimri aad u dheer Eebbe ku galadaystay waxa uu u gudbay guri aakhiro, Eebbe na waxa aynu u ga baryaynaa in uu naxariistiisa balaadhan ku manaysto; qoyskii, qarabadii iyo umadda Soomalaiyeed oo dhan na, uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.