02/02/2022
Fashilka Ahmed QoorQoor labadii sanno ee uu Galmudug joogay!
Waxaan soo qaadanayaa sideedaan qodob uu sheegay inuu wax ka qabtay.
1.Dib-u-hishiisiinta: QoorQoor waxaa farta laga saaray galmudug midaysan inteeda badan, dadka reer galmudug si aan kala har lahayn ayey u soo dhaweeyeen iyadoo uusan ku imaan rabitaanka dadka galmudug, khilaaf badan oo ragaadiyey maamulka ayna dabada ka riixaysay Villa Somalia, asaga laftiisuna ahaa qofkii loo adeegsanayey burburinta maamulka, haddana waxii dhacay cidna gadaal uguma laaban oo waxaa la isla qaatay in maamulka la garab istaago Ahmed iyo xukuumadiisana lala shaqeeyo. Qoor-Qoor fursadaas k**a faai'daysan dib-u-hishiisiin siyaasadeed iyo mid bulshaba, waxaa la ogaa siduu u maareeyey khilaafkii Ahlu-suna dhiigo badana ku daatay iyadoo laga fursan karay, tabashada beela ay maamulka ka tirsanayaan oo meeshii ugu xumayd gaartay shirar badan oo ay aaayahooda oga tashanayaan meelo kala duwan ku qabteen, tabashadii oo wali taagan buu haddana ugu daray inuu kuraasta inta boobo ku ihaanaysto, dirirta beelaha oo korortay caasimada meel u jirta 30 km bay isku laayaan haddana wuu socdaa, wasaaraddii arimaha gudaha ee arintaas oo ku shuqul lahayd wasiirkii muddo hal sanno ku dhow xilkii laga qaaday ilaa hadda mid kale lama magacaabin.
2. Daadjinta maamulka: balan qaadyadii QoorQoor waxaa kamid ahaa inuu maamulka daadajin doono, Degmo ilaayo heer tuulo.
Labo sanno uu joogay waxuu ku guuladaraystay inuu hal degmo oo kamida uu ka hirgaliyo golle deegaan oo dadku soo doortaan, iskaba daa inuu ilaayo heer kasii hooseeya gaarsiiyee.
Gaalkacyo oo horay golle deegaan u lahayn kaliya baa ka jirto degmo dadkeedu dowladooda hoose soo doorteen.
3. Dhismaha hay'adaha Garsoorka: Galmudug hay'adaha garsoorka horay ayey u lahayd kaliya kuwa cusub ayuu magacaabay xagga tayada iyo u adeegida bulshadana kuwii h**e waxba ma dhaamaan.
4. Dekada Hobyo: Qoorta waxuu balan qaaday inuu kaabayaasha dhaqaale galmudug dhisi doono, dekada hobyana ugu horayso muddo laba sanno gudahood ayuu sheegay uu ku dhisi doono asagoo kaashanaya dadka reer galmudug ee wax haysta iyo cid kasta ka qayb qaadanaysa, dekad caalami ah oo haqab tirta baahida dadka galmudug iyo soomaalida kalaba, iskaa waxuu dhisee hadda amnigeeda baa qatar ku jira AS baana qabsan kara xilligay doonaan, meesha yar ee kaluumaysigana wax sidaa u nacfi badan maahan waa saas lagu leeyahay 7 million baa ku baxday dhisideeda.
5. Amniga iyo La dagaalanka Shabaab: amniga waa kan ugu daran oo faraha ayuuna ka baxay, Cunuq-cunuq markuu imaanayey wadada dheer waxay ahayd amni oo dadka isku u maraan madax iyo shicib Gaalkacyo ilaayo Matabaan. maantana Cadaado iyo Dhuusamareeb, Dhuusamareeb iyo Guriceel way go'een qof xil dowladeeda haya iska daaye qofka caadiga ah asagoo is leh goormee wax dhici doonaan ayuu maraa, dhanka kale gobalka Mudug waa lamid oo Wasil ilaayo Hobyo, waataa arkayseen Cali Ciid oo Gaalkacyo iyo Hobyo diyaarad u raacay.
Sababihii keenay in Fiqi xilka wasiirka iskaga tago waxaa kamid ahaa arimaha amniga, QoorQoor waxuu gacan bidixeeyey dagaalkii Gobalka Mudug AS looga xoraynayey, ilaa heer uu gaaro inuu ciidamada daraawiishta galmudug uu mushaarkii ka jarto mardambe cadaadis la saaray dib ugu fasaxay hadda ay wali furinta joogaana bilaha qaar mushaar ma helaan, hadda ogoow Wasiir Amni wali ma magacaabin.
6. Dib-u-habaynta dhaqaale: Labadii sanno uu joogay waxaa hirgashay nidaamka cashuur bixinta inta maamulku gacanta ku hayo, cashuurtaan la qaado cidna xisaab celin iyo daah-furnaan maaliyadeed midna ma samayso mana jiro hanti dhowre xukuumadda ka madax-banaan oo kula xisaabtama, taas ayaana keentay in si shaqsi loo isticmaalo waxii yaraa dadka laga soo aruuriray, masaaj iyo turkey lagu tamashleeyo.
7. Mashaariic Hormanideed: haku sheegin oo kaliya waxaad ka fiirisaa Garoomada diyaaraha sida-: Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel, Gaalkacyo iyo Degmooyinka kale, siiba muraayadii Maamulka laga arkyey ee Dhuusamareeb wuu awoodi waayey inuu Garoon kaliya ka hagaajiyo.
8. Dhismayaal xaruumo dowladeed: way jiraan dhowr xaruumood oo la dhisay iyo kuwa h**e oo la dayactiray oo xero ciiddan iyo xaruumo waxbarasho ah iyaguna wax sidaa u wayn maahan marka shaqadii laga sugayey loo eego.
Natiijada QoorQoor laba sanno waa inuusan waxba kusoo kordhin Galmudug, waxa kaliya uu meesha loo keensaday ama u yimid waa inuu nimanka uu gacan yaraha u yahay (F&F) kuraasta u boobo iyo dadaaliinta kale ee meesha wax ka keensaday [ waayo-arag].
Ahmedoow dadka been uma sheegin kartid oo waa soo jeedeen waxaad falaysid waa la wada arkayaa, waxaa isha kugu haya dad Galmudug kaaga lex-jeclo badan mustqabalkana raba inay arkaan Galmudug macno leh oo deegaankeeda iyo dadkeeda matasha.