
02/02/2025
Warbixin Kooban oo Ku Saabsan Bayaan Kasoo Baxay Dowladda Puntland
Dowladda Puntland ayaa maanta, 2-da Febraayo 2025, soo saartay bayaan rasmi ah oo ku saabsan dagaalka lagula jiro kooxda DCSH ee ka dagaalanta gobolka Bari.
Bayaanka ayaa xusay in bishii Diseembar ee lasoo dhaafay, dowladda Puntland ay billowday hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah Dcsh, gaar ahaan xarumahooda ku yaalla buuraha Al-Miskat ee Bari. Ciidamada Puntland ayaa guulo waaweyn ka gaaray wajigii h**e ee dagaalka, iyagoo sii wadi doona dadaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.
Dowladda Puntland ayaa uga mahadcelisay taageerada ay ka heleen waddamada caalamka, gaar ahaan Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo gacan ka geystay duqeymo lagu beegsaday xarumaha DCSH. Sidoo kale, dowladda ayaa xustay kaalinta ay dowladaha Itoobiya iyo Kenya ka qaateen diyaarinta wejiga koowaad ee howlgalkan.
Puntland ayaa sheegtay in duqeymihii ugu dambeeyay lagu beegsaday hoggaamiyayaal muhiim ah oo ka tirsan DCSH taasoo guul weyn u ah dagaalka lagula jiro argagixisada.
Dowladda Puntland waxay mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka argagixisada iyo xasillooni-darrada gobolka, iyadoo la kaashanaysa beesha caalamka si loo sugo amniga guud ee dunida.