Baahiye Media Group

Baahiye Media Group Waxaan Nahay War-arag, aaminsan aragti kasta oo wanaagsan inay tahay dan-guud iyo dan-wadaag.

"CABAADAHA AAN KA CABAADIN CULAYSKA CALMISKAAD".!!!Lama moodo, mana muujiyo inuu xil-sarre hayo, beddelkeeda wuxuu xoogg...
07/01/2026

"CABAADAHA AAN KA CABAADIN CULAYSKA CALMISKAAD".!!!

Lama moodo, mana muujiyo inuu xil-sarre hayo, beddelkeeda wuxuu xoogga saara shaqada uu xil saarran yahay inuu qabto inta looga baahnaa in ka badan 100%.

Wuxuu kulansaday daacadnnimo, karti, samir, geesinimo, deeqsinnimo, waddaniyad, cibaado badni iyo hal-adayg. Waa maddaale kaalin lama ilawaana ka qaatay daryeelka iyo ka warqabka Ciidammada difaaca DPL in ka badan intii laga rabay tan iyo intuu socday hawl-galka guulaystay ee

Ciidammada ugu darajada sarreeya iyo kuwa ugu darajada hooseeya jaal ayuu la noqday.

Dherrarka Buuraleyda oo lagu tilmmaamo kuwa ayuu muddadaas sannadka ayuu goob & goor walba oo loo baahdo uu deg-deg u tegaa xitaa ma dhibto oo lagama darreemo culays inay ku hayso xilliyada qaar oo masaafo dheer oo aan Gadiidku geli karin uu lugeeyo.

Ninka aan ka hadlayo waa Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirisaaq Cali Cartan Sanweyne Cabaade isla markaana ka mid ah masuuliyiinta Puntland State House u qaabilsan qaddiyada masiiriga ah ee dagaalka caalamiga ah buraleyda Calmiskaad looga sifaynnayo Argagixisada Daacish ee Ajaaniibta iyo Somalida iskugu jira.

Jid, jaddiin & jabbad la joogis ayaa mid ka mid ah xikmadaha Somalidu ay shegaan inad la qaadato inay wacan tahay qofka aad rabto inaad si wacan u barato si aan ku tala-gal ahayn ayaan intaas u wada marnay.!

Safar aan dhawan ku tegay degaanka ayaan ninkan si fiican iskugu barranay waxaana ku arkay masuulkan sifooyinkaas aan soo xusay kuwasoo xilligan ay Dunida ku yartahay qof kulansada .

Arrin kele oo xusid mudan waa inuu waxa uu qabanayo uu qabto hor & ahaanba isagoo iska qarriya & la isku bogaadiyo.

Samirkii Nebi Ayuub (NNKHN), geesinnimadii Khaalid Binu-waliid (RC), karti & caddaaladdii Cumar Binu-khaddaab (RC) iyo daacadnnimadii Abubakar Siddiiq (RC) inkastoo aan la gaari karin haddanna iyagoo ayuu ka shabaha waana arrimaha igu sababay qormadan kooban.

:-Qormo keliya & tobannaan qormo laguma koobi karo wanaaggiisa mana sii faah-faahin oo hoos ugama sii deg-degin waase xusid keliya . Ujeedka qormadani waa inaan haddan Somali nahay inaan barrano in Qofku intuu nool yahay la dhiirigeliyo, la bogaadiyo, loona mahadceliyo, la iskana daayo falsafadda gurracan ee qofku markuu dhinto bogaadin uusan u baahnayn lagu miiso.

Macluummaad faah-faahsan oo faallooyin safarka aan wada galnay oo maqal & muqaala ayan idanka Rabbi jeclahay inaan ka soo diyaarsho dhawaan.

21/12/2025

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baahiye Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Baahiye Media Group:

Share