Puntland Now

Puntland Now Puntland Now waa warbaahin madax banaan kuuna soo tabinaysa warar sugan oo xaqiiqo ah

01/10/2024

DEG-DEG: Taliyaha cusub ee booliska Somalia Gen Asad Osman Abdullahi oo booqdey xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

MUXUU AHAA MUHIIMADDA SAFARKII MADAXWEYNE DENI EE GAALKACYO?"Deni qorshihiisii Gaalkacyo wuxuu ahaa inuu Bosaso geeyo ci...
30/09/2024

MUXUU AHAA MUHIIMADDA SAFARKII MADAXWEYNE DENI EE GAALKACYO?

"Deni qorshihiisii Gaalkacyo wuxuu ahaa inuu Bosaso geeyo ciidamadii SSC ka soo noqday ee Cumar Maxamuud iyo Reer Bicidyahan, waa se lagu fahmay arrinkaas" | Nabadoon Xabiib Odey oo kamida odayaasha Gobolka Mudug ayaa sidaan ku yiri war ay ka duubtay warbaahinta Daljir.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo Axaddii shalay ka hadlayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub ...
30/09/2024

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo Axaddii shalay ka hadlayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo dhammeysay akadeemiyada Booliska ayaa soo hadal qaaday iskaaashiga cusub ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Cabdulfataax Al-siisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u taageerayaan sidii ay uga bixi lahayd xasilooni darrada haysata muddada 30 sano ah.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in qorshaha Masar uu yahay in Soomaaliya kula loolanto Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile.

Masar ayaa hadda sii xoojineysa saameynteeda gudaha Soomaaliya, waxaana dhowaan ay dowladda federaalka la gashay heshiis difaac, xiilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland, kaas oo ay ka hortimid Soomaaliya.

Sidoo kale todobaadkii h**e ayay ahayd markii uu magaalada Muqdisho uu kusoo xirtay markab siday hub, kaas oo ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya.

Puntland Now

Waayadii doorashadii kululayd xili ku dhaw ayaa Mohamed Abdullahi Farmaajo oo meel madal ah su'aalo lagu weydiinayo gaba...
30/09/2024

Waayadii doorashadii kululayd xili ku dhaw ayaa Mohamed Abdullahi Farmaajo oo meel madal ah su'aalo lagu weydiinayo gabadh ka soojeeda Khaatumo weydiisay sida uu arko ama waxa uu ka damcay goboladda SSC Khaatumo, wakhtigaas inta badan deegamadaas Somaliland oo sheegtay inay dalka intiisa kale ka go'day ayaa xukumaysay. Dabcana dadka deegaanka ee shacabka ahi ma rabin laakiin Eliteku waa ku kala aragti duwaanaayeen qadiyaddaas.
Farmaajo Su'aashaa k**a jawaabi karo oo waa adag tahay ayuu yidhi, dad badan oo deeganadaas ka soojeeda ayaa siweyn ugu dhaliilay Mohamed Abdullahi Farmaajo arintaas, mucaaridkii hubaysnaanana ee Muqdishina waa ku daba baroor qabsadeen, aad baa arintii loo buunbuunshey, waana hubaa in marar badan Mohamed Abdullahi Farmaajo loogu gogol dhigtay, dadka deegaankaasna waxa hada lafteeda xujo lagu beerlaxowsaddo looga dhigaa maxaad FARMAAJO u taageeraysaan waa ninkii yidhi su'aashaas jawaab uma hayo hadee!!!
Hadaba, shalay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa tv Carbeed weydiiyey in maadama Itoobiya aysan lahayn dhaqaalle ay badd na ku qabsato, dekedana ku dhisato inuu jiro wadankale oo arintan ku gargaaraya. Mudane Hassan Sheikh Mohamud wuxuu yidhi waa jiraa dalkaasi, waxa weriyihii weydiiyey maadama madaxweynuhu aad u hadlo hadalkiisuna gidaaro badan jiidho inuu shacabkiisa la wadaago dalkaas ileen taariikh baa qormaysee, madaxweynuhu arintaas wuxuu yidhi k**a jawaabi karo mana sheegayo.
Wax ka daba qayliyey ma arag, wax ku Yooyootamayna maqal, halkaas waxaa iiga cadaatay in Soomaalidu aysan haba yaraatee wadaniyad iyo dal lahaashihii shuqul iyo shaqo toona ku lahayn. Jariimo ka weyn garan maayo in Abeeso masiiri ah dalka iyo dadka loo qariyo, weliba ciidamo loo tababaro.
Waxa la ii sheegay in Boqor Mililiq mar yidhi Soomaaliga dukaan u fur, ka dibna iibi dheh, balse dal iyo dawladnimmo ka Raw.

W/Q: Weriye Suleemaan Hashi

Maxay kula tahay adiga?

Jabuuti ayaa beenisay wararka sheegay in madaxweyne Geelle uu geeriyooday balse waxa ay qirtay in jilib uu ka xanuunsada...
29/09/2024

Jabuuti ayaa beenisay wararka sheegay in madaxweyne Geelle uu geeriyooday balse waxa ay qirtay in jilib uu ka xanuunsaday, sida uu bartiisa X uu ku soo qoray Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.

Puntland Now

Hassan Sheikh oo sheegay inaysan jirin wax fara ugu jiraa, hal maalinna talaabo k**a uusan qaadin Itoobiyada uu ka caban...
29/09/2024

Hassan Sheikh oo sheegay inaysan jirin wax fara ugu jiraa, hal maalinna talaabo k**a uusan qaadin Itoobiyada uu ka cabanaayo hadal afka ah ayuu hayaa iyo hadba meel isku qaad.

Maxay kula tahay adiga?

Puntland Now

 : Laba diyaaradood oo sida hub iyo saanad ciidan oo xooggan ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso...
29/09/2024

: Laba diyaaradood oo sida hub iyo saanad ciidan oo xooggan ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah.
Saraakiil ciidan oo aan arrintani wax ka weydiiyay ayaa ii caddeeyay warkani balse waxay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaaan xogta ku saabsan hubkani oo aad loo ilaaliyay.
Wararka ayaa sheegaya in badi shaqaalaha laga saaray gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso halka inta yar ee ku hartay iyo ciidamadana Taleefonnada laga ururiyay markii ay dagayeen diyaaradaha hubka siday.

Xigasho: Abdoulrahman Isse

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay dood-sannadeedka Golaha loo dhan yahay ee Qaramad...
29/09/2024

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay dood-sannadeedka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si qoto dheer uga hadlay caqabadaha faraha badan ee maanta dunida ka jira, sida colaadaha sii faafaya, xasaradaha bini’aadantinimo iyo khatarta jirta ee isbeddelka cimilada.

Puntland Now

28/09/2024

DEG-DEG: Xisbullah oo xaqiijisay dilka hoggaamiye Nasrallah.

Israa'*l ayaa fulisay dhowr weerar oo cirka ah oo ay ku bartilmaansatay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla koonfurt...
28/09/2024

Israa'*l ayaa fulisay dhowr weerar oo cirka ah oo ay ku bartilmaansatay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla koonfurta Beirut weerarka lagu tilmaamay "mid aan horay loo arag", waxaana lagu soo warramayaa in carruur ay ku jiraan dadka la dilay iyadoo samatabbixiyeyaashu ay qodayaan burburka.

Milateriga Israa’*l ayaa mowjado weeraro ah ku qaaday Beyruut ka dib markii ay diideen baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta Xisbullah, taasoo sii xoojisay ololaha duqeynta oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof Lubnaan tan iyo Isniintii.

Maxaa ka dhacay duleedka koonfureed ee Beyruut maxaase ku dhacay Nasrallah? Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqe...
27/09/2024

Maxaa ka dhacay duleedka koonfureed ee Beyruut maxaase ku dhacay Nasrallah?

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen xarunta ururka Xisbullah ee koonfurta Beyruut kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay caasimadda Lubnaan. Sarkaal ka tirsan Israa’iil ayaa u sheegay NBC News in bartilmaameedku uu ahaa hoggaamiyaha awoodda badan ee kooxdan dagaalyanada ah ee Iran ay taageerto, Xasan Nasrallah, inkastoo aysan caddayn in la dilay iyo in kale.

Ciidanka Israa’iil ayaana maanta oo Jimce ahayd ku dhawaaqay inay qaadeen weerarkan ay duqeeyeen waxa ay ku tilmaameen xarunta dhexe ee Xisbullah oo ku taalla badhtamaha duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut, waxa ay sheegtay in diyaaradaha F-35 ay duqaymahaasi u adeegsadeen bambaanooyin dhufaysyo ah. Weerarka oo ahaa kii ugu cuslaa tan iyo dagaalkii ay labada dhinac ku dagaalameen xagaagii 2006 dii.

Horaantii maanta, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo wajahaya baaqyo caalami ah oo lagu doonayo in lagu heshiiyo xabbad-joojin, ayaa si adag u difaacay ficillada waddankiisa ee Marinka Gaza iyo Lubnaan khudbad uu u jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Jimcihii maanta, waxaana markuu soo istaagay memberka khudbadda ka isstaagay oo banneeyay guud ajaan shirka waddamo badan oo caalamka ka kala tirsan oo ay Somalia ku jirto maadaama ay u aqoonsan yihiin ninka dambiile dagaal oo laayay dumar iyo caruur badan.Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay ururka caalamiga ah, isaga oo ku tilmaamay "gurigii mugdiga ahaa"

Duulaanka cusub ee Israel ayaa sababay in lmagu dilay ilaa 700 oo qof koonfurta, badhtamaha iyo bariga Lubnaan tan iyo Isniintii, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan, iyadoo 92 dhimasho ah la soo sheegay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Hezbollah ayaa weli sii wada in ay rasaas ku furto Israa’iil, waxayna sii daysay seeriga gudaha iyo hareeraha waqooyiga magaalada Haifa ka dib markii ilaa 10 madfac la aqoonsaday oo ka soo tallaabay Lubnaan. Qaarkood waa la qabtay, qaarna waxaa la ogaaday inay ku dhaceen meelo bannaan.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in 27 shaqaale caafimaad ah lagu dilay kor u kaca rabshadaha dhawan bilowday, iyagoo ku tilmaamay dhimashada " mid aan la aqbali karin."

27/09/2024

Noloshu ma rabtaa inay kuu fududaato | Sheikh Mustafa Ismael

 : . War ay soo saareen Police ka Puntland ayaa u dhigna  sidan👇;  "Waxay saakay aroornimadii ciidanka Booliska Puntland...
27/09/2024

: . War ay soo saareen Police ka Puntland ayaa u dhigna sidan👇;

"Waxay saakay aroornimadii ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal iyo Ciidanka PMPF ay gacnta ay ku soodhigeen Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) kaas oo kamid ahaa Burcad badeedii qabsaday Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh.

Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Markabka MV Abdullah ayaa la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

Dowlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo badwabka deegaankaba".

26/09/2024

: Ciidamada PSF ayaa riday hub culus oo ay ugu dabaal degayaan magacaabista G. Asad Osman.

Aamin Guuled "Team Deni magacaabis Dad reer Puntland ayay ka dhigayaan wax Puntland duminaya, war Puntland Sumcad dilka ...
26/09/2024

Aamin Guuled "Team Deni magacaabis Dad reer Puntland ayay ka dhigayaan wax Puntland duminaya, war Puntland Sumcad dilka ka daaya, Dadka la magacaabay Waa reer Puntland Horayna Siciid Deni laftiisa wasiir ka ahaa Muqdisho xilli uu xasan ka khatar badnaa xasanka Maanta oo ka dagaal badnaa.
Waxna inakaga bi'maayaan Muqdisho sheegaysaan oo dadka bahalka uga dhigaysaan, shalayna Deni baa u rartay reero kuraastood uusan cidna wax ka waydiin miraheediina guranaya Maanta. Waliba hadda mar labaad u socda ee yuusan hadal kaaga Tagin Muqdisho dhowaan Siciid isu xirxiraya.
Hambalyo Mas'uuliyiinta Dalwada faderaalka magacawday waa rag Puntland wax ku ool u ah".

DEG-DEG: General Asad Diyaano ayaa hadda loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.
26/09/2024

DEG-DEG: General Asad Diyaano ayaa hadda loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Taliyihii h**e ee Booliska u magacaabay Wasiir Kuxigeenka Gaadiidka. Qadiyada General Sulub ...
26/09/2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Taliyihii h**e ee Booliska u magacaabay Wasiir Kuxigeenka Gaadiidka. Qadiyada General Sulub ayaa dhowr bilood ay iskufahmi la’aayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ugu dambeynse waxaa muuqata in wax uun la iskugartay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilka taliyaha boolisla ladoonayaa Asad Cismaan Diyaano.

~ Abdirizak Atosh

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in Qubaisi, oo sidoo kale loo yaqaan "Xaj Abu Musa", uu hogaaminayay tiro ka mid ah gant...
25/09/2024

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in Qubaisi, oo sidoo kale loo yaqaan "Xaj Abu Musa", uu hogaaminayay tiro ka mid ah gantaalada iyo dagaalamayaasha Hezbollah, wuxuuna mas'uul ka ahaa weerar 2000 dhacay oo saddex askari oo Israel ah lagu afduubay laguna dilay.

24/09/2024

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in Puntland ay diyaar u tahay in ay wada-hadal la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo Khilaafka labada dhinac.

"Puntland Hub ma keensan oo Baabuurta aad aragteen waxay sideen Baradho & Yaanyo," wasiirka warfaafinta Puntland
23/09/2024

"Puntland Hub ma keensan oo Baabuurta aad aragteen waxay sideen Baradho & Yaanyo," wasiirka warfaafinta Puntland

Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb-galay shir Sanadeedka Nabada PDRC kaas oo ka furmay magaalada Garowe ee caasimada Pun...
21/09/2024

Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb-galay shir Sanadeedka Nabada PDRC kaas oo ka furmay magaalada Garowe ee caasimada Puntland

War Dag Dag : Dowladda Federalka Somaliya oo walaac xoogan ka muujisay hubkii Puntland kasoo iibsatay dowladda Itoobiya,...
20/09/2024

War Dag Dag : Dowladda Federalka Somaliya oo walaac xoogan ka muujisay hubkii Puntland kasoo iibsatay dowladda Itoobiya, waxeyna ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Ninbaa laga sheegay; 'Dhurwaa dhurwaa ka gardsran markaan arko ma ugu tagtaa ayaa i qabata' .....

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka  ee Anadolu ayaa shaaca ka q...
20/09/2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo markii Seddexaad loogu balan sanyahay Ankara.

Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan kaas oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya.

Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii h**eysay shaaca ka qaaday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo lagu soo xadgudbay Midnimada iyo Madaxbanaanida Dalka.

19/09/2024

Bilicda iyo jawiga roobban ee degmada Carmo - Bari - Puntland.

Address

Wadada Meeraysane
Garowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Now posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland Now:

Videos

Share

Category