Biciid

Biciid Ururinta, keydinta iyo faafinta xogaha Soomaalida gaarka u ah. Badbaadi xogteenna oo ku keydi Biciid. Waxaa leh Soomaali, waxa uu na u adeegayaa ayaga.
(5)

Faa'iido doon ma ahan, waa keydiyeha, u adeegaha keydinta xogaha Soomaalida ee ku saabsan: deegaanka, duurjoogta, duunyada, sawraca, suugaanta, sooyaalka iyo dhirta, dhaqanka, hiddaha iyo afka.

Geedkani Daran miyaa mise waa Xabow?
11/12/2023

Geedkani Daran miyaa mise waa Xabow?

Sawirradaan waxaa laga qaaday lamadegaanka Nabiiya. Africa waa qaarad cajiib ah, meeshani iyada oo ah lamadegaanka labaa...
10/12/2023

Sawirradaan waxaa laga qaaday lamadegaanka Nabiiya. Africa waa qaarad cajiib ah, meeshani iyada oo ah lamadegaanka labaad ee Africa ugu weyn hadda ugaarta ku nool waa mid aan la koobi karin. Dalkeennu k**a maarmayo in uu helo seere duurjoog.

Sawirro: Solly Levi

YACAY/HARBOMagaca soomaaliga: Yacay/Geedcad/Harbo/Jambacaad/Murash/Raambi/YusurcadMagaca Sayniska: Sericocomopsis_pallid...
10/12/2023

YACAY/HARBO
Magaca soomaaliga: Yacay/Geedcad/Harbo/Jambacaad/Murash/Raambi/Yusurcad
Magaca Sayniska: Sericocomopsis_pallida
Qoyska geedka: Amaranthaceae

Yacay waa geed-gaab yar oo dhererkiisu le, egyahay 1.8 mitir ugu badnaan. qaab ahaan laamihiisu way isku cufan yihiin, waxaana geedka ku badan oo caleemaha, laamaha iyo ubaxa dushiisa ka muuqda walxo xaad la moodo oo jaalle ama cadaan ah.

Caleemaha geedkani way wareegsan yihiin qaab ahaan, ama waaba abuu beed, baaxada caleentuna k**a weyna 1.2 x6.5cm. ubaxyo jaalle iyo cadaan isku jira ah ayuu dhalaa geedkani waxayna le, egyihiin ubaxyadu 1.5 ilaa 13cm. qaybtii kasta ee ubaxyo ah waxaa ku kulma in lagu qiyaasay 4 ilaa 16 ubax. midho kuus kuusan ayuu dhalaa geedkani, iniinyahay gudaha ugu jira midhahana waa kuwo yar yar oo madow.

Yacaygu midhahan wuu ku tarmi karaa, waxaa kale oo uu ku tarmi karaa qaybo ka mid ah geedka hadii dib loo beero. midhuhu waxay baxaan hadii la beero waqtiga guga ama xagaaga, yadoo la siinayo qoyaan ku filan iniinta balse aan ahayn qoyaan saaid ah.

Yacaygu waa geed abaareed sanadka oo idil iska cagaaran, wuxuuna ka baxaa meelaha saxaraha ah, gaar ahaan dhulka dhaguxu ku badan yahay. mandiqada geeska afrika ayaa ah goobaha dabiiciga ah ee geedkan laga helo, gaar ahaan wuxuu ka baxaa soomaaliya, Djabuuti, keenya, itoobiya iyo tansaaniya.

Yacaygu wuxuu ka tirsan yahay qoyska noocyada badan ee (Amaranthaceae). waxaa kale oo qoyskan ka mid ah wancadka, carabonadhi, maraboob, xudhuun/dalluug. qaababka loo adeegsan karo yacayga waxaa ka mid ah:

1. In xooluhu daaqaan
2. In qurux loo beeran karo
3. Dawo dhaqameed waa looga faaiideystaa. Waxaa lagu daweeyaa xumada, madax xanuunka, iyo calool xanuunka.

WQ: Cabdicasiis Idiris

Dooxada Nugaal, waa dhulka ugu habboon ee geelu ku noolaan karo. Marka laga soo tago quudka xoolaha ee deegaanka waxaa u...
09/12/2023

Dooxada Nugaal, waa dhulka ugu habboon ee geelu ku noolaan karo. Marka laga soo tago quudka xoolaha ee deegaanka waxaa u dheer geed uu geelu aad u jecel yahay oo uu ku dhacarbaxo, ama ku jeelxooro. Waa geedgaabka dhanaan oo ay ka mid yihiin Daranta, Xabowga, Saraqa, Geedcadka, Daranmadowda, Darancadka, Darandawacada, Darandameeraadka iyo Haynka. Waa geedo dhanaan oo uu geelu uga maarmo cusbada iyo dhanada. Waxaa intaas u sii dheer ceelasha biyaha dhanaan oo ay ka mid yihiin;

1. Qalqallooc
2. Qabaal
3. Buqtuugo
4. Labo kallis (Kallis yar & Kallis weyne).
5. Shafgaras
6. Dabosagaaro
7. Sinujiifyo - hadda ka samaysantay tuulo ceelashaas loogu magac daray, oo uu aasaasay caalimkii weynaa ee Xaaji Cali Majeerteen (Fiqi Kheyre).
8. Soocad
9. Barkadaale
10. Xananley
11. Xabgaal
12. Shimbaaraaley
13. Kuudud
14. Qaxab
15. Booddo Yare
16. Buqgoroyo
17. Garboqabad
18. Xargaggooye

Haddii wax taariikh ah ka haysid ceelashaan nala wadaag mudane/marwo.

GOBOLKA AFDHEER IYO DHIDDINKA! Waa gobalka ugu qanisan sababtoo ah waa gobalka ugu dhiddin badan deegaanka. Balse hal mu...
09/12/2023

GOBOLKA AFDHEER IYO DHIDDINKA!
Waa gobalka ugu qanisan sababtoo ah waa gobalka ugu dhiddin badan deegaanka. Balse hal musiibo ayaa jirta oo geedkaasi haysata, waa 'Gudin'.

Xoolo dhaqatada miyiga waxaa ay xoolaha ku ootaan geedkaan dhiddinka ah,

Sababaha ay ugu oodaan xoolaha waxaa ka mid ah:-

~Waa geed jilicsan oo xitaa carruutu guri karto
~Waa geed qodxo filgin ah leh oo libaaxa iyo dhurwaagu ku dhiirranin in ay maraan.
~Waa geed ku badan meelaha ay reer miyigu degaan.

Haddaba {20000} labatan kun oo qoys oo seddexdii biloodba mar guura hadday geedkaas xoolaha ku oodaan, soo dhakhso uma dabar go'i karo?

Maaddaama aysan dowlad waddani ah jirin, waxgaradka iyo dhalinyarada aqoonta leh waxaan ku baraarujinayaa. In reer miyiga laga wacyigaliyo guritaanka geedaha qaar:-

Sababtoo ah, hadda ma jiro dugaaggii badnaa ee waayadii h**e halista ahaa.

WQ: Af-guun

Kulanweyne, Balcad, Shabbeelada Dhexe.
08/12/2023

Kulanweyne, Balcad, Shabbeelada Dhexe.

Waxaa jira geed "Qadaw" la yiraahdo oo aan asal iyo jinsi midna lahayn balse, ay dabeecada iyo dabaylaha xagaagu soo saa...
08/12/2023

Waxaa jira geed "Qadaw" la yiraahdo oo aan asal iyo jinsi midna lahayn balse, ay dabeecada iyo dabaylaha xagaagu soo saaraan. Geedkaasi calaamado yaab leh ayaa uu leeyahay. Marka u horraysa dhulka k**a uu boxo geedkaasi, ee jiridda geed kale ayaa uu ka baxaa. Noloshiisa oo dhan waxa ay ku xiran tahay geedkaas uu ka dul baxay. Biyaha iyo baadkaba waxa uu ka qaataa geedkaas uu ku dul noolyahay. Sidaas oo ay tahay geedkaasi waxa uu halgan ugu jiraa sidii uu uga takhalusi lahaa geedka uu ku dul noolyahay. Wakhtiga jiilaalka ee uu geedku caleenta iska daadiyo si uu u kaydsado biyaha iyo cunnadaba, geedkan Qadawga la yiraahdo waxa uu soo saaraa doogga iyo caleenta ugu badan si uu u lumiyo tamartii uu kaydsaday geedkii uu ku dul noolaa. Yoolkiisa ugu dambeeyaa waa in uu dilo geedkan uu ku dul noolyahay. Tan ugu yaabka badanise waxa ay tahay marka uu qalajiyo ee uu ka takhaluso geedkii uu ku dul noolaa isaguna waa uu la dhintaa oo k**a dambeeyo.

Geedkaani Soomaliya oo dhan waa uu ka baxaa, suugaanta iyo heesaha Soomaalidana aad ayaa uu ugu badan yahay iyada oo lagu tilmaamayo hadba qofka la ammaanayo. Waxa aynu tusaale usoo qaadan karnaa heeska caanka ah ee ay wada qaadaan Xaliimo Khaliif Magool iyo Beerdilaacshe. Waa heeska summaddiisu tahay "Qoortaada dheeree":

"Labadaada qaariyo
Dhexdoo qabashadeeda
Geenyo qayrabahoo
Loo qaaday heensaha
Qotonkeeda leedee
Dayax qadimmadiisii
Aan caadku qariniyo
Cirkoo sagal ku qeydmiyo
Qureeshtii haweenkaay
Qadow geed ku yaaliyo
Qawdhihii magoolaay

Qoortaada dheeree
Lagu qoray cabbaadhyada
Markii aad xaggayga
U soo qalloocisaba
Ma liqdaa i qabatee"

WQ: Cawil Cabdulle

Waagii baryow walalac!
07/12/2023

Waagii baryow walalac!

Wuu kaga hooriyey! Sannadkaan markii geelu dhalay cudur loo baxshay   baa ku dhacay. Waa khatar aad u weyn. Eebbow waa n...
06/12/2023

Wuu kaga hooriyey! Sannadkaan markii geelu dhalay cudur loo baxshay baa ku dhacay. Waa khatar aad u weyn. Eebbow waa nolosheennee noo badbaadi geela, aqoon uma lihin iyo awoode.


Check out Biciid's video.

Xidigta Betelgeuse waxay kamid tahay xidigaha ugu iftiinka badan cirka habeenkii. Waa xidigta tobonaad ee ugu ifka badan...
05/12/2023

Xidigta Betelgeuse waxay kamid tahay xidigaha ugu iftiinka badan cirka habeenkii. Waa xidigta tobonaad ee ugu ifka badan cirka habeenkii. Waxa ay kamid tahay xidigaha qaybta ka ah isku-rarankeenna. Waxa ay dhulka u jirtaa masaafo 640sannad-if. Waa mid kamid xidigaha ugu waaweyn ee kawnka ka jira.

In ka badan kun jeer ayay ka ballac weyn tahay qorraxdeenna, 1,200 oo qorraxood ayay u dhigmataa. Sidoo kale gudaheeda waxaa gali kara im ka badan 400 oo kun oo qorraxood. Waxa la tilmaama haddii ay bah qorraxeedkeenna ay kaga jiri lahayd booska qorraxda inay isku fidin lahayd illaa oogada Jubitar oo ugu fog. Taasi waxa ay ka dhigan gahay inay cuni lahayd meerayaasha mercury, venus, Mars, dhulka iyo iyo Jubitar.

Xidigaha aadka u waaweyn sida Betelgeuse si dhakhso ah ayay u gubaan gaasaska ay isticmaalaan taaso soo koobta jiritaankooda. Waxa ayna jiri karaan dhowr Milyan oo sano, halka xidigaha dhexe sida qorraxda oo kale ay jiri karaan illaa 10Bilyan oo sano.

Sidaa awgeed Betelgeuse waxa ay jirtaa qiyaas ahaan maanta 8.5milyan oo sano. Halka qorraxdeennu ay da'a ahaan jirto 4.5bilyan oo sano, tani waxa ay ka dhigan tahay in xidigteenna qorraxda ah ay ka weyn tahay Betelgeuse in ka badan 460jeer. Waxa ay ku dhowdahay xilligii ay dhiman lahayd oo ay qarxi lahayd. Xidigtan aadka u iftiinta ayaa luminaysay 100-kii sano ee u danbeeyay iftiinkeedii. Saynisyahannadu waxa ay tilmaameen in Betelgeuse ay nolosheedu soo gabagaboobi doonto inta u dhaxaysa 10-100-ka kun ee sano ee foodda inagusoo haya. Markasta waa macquul inay qaraxdo.

Marka ay qaraxdo (Supernova) iftiinka qaraxeeda waxa uu ka awood badnaan doona sida dayax buuxa oo kale, muddo isbuucyo ah ayay ifin doonta dhulka oo dhan maalinkii, halka ay muddo saddex bilood ah ay habeenkii ifin doonto sida dayax buuxa oo kale dhulka oo dhan. Qaraxeedu waxa uu sababayaa sii daynta radiation sun ah oo dilaa ah, balse fogaanta ay inoo jirto ayaa sababaysa inaysan wax dhibaata ah u gaysan dhulka.

Xidigtan marka ay cirka kaaga muuqato aadka u yar gudaheeda waxaa gali kara meeraheenna dhulka oo 600 oo tirilyan oo xabo ah. Magaceeda Betelgeuse waxa uu ka yimid afka carbeed, maadaama ay baxsheen dadkii h**e ee cilmi falagga yaqiinnay ee carbeed. Wax ayna kamid tahay xidigaha magacyada Carbeed sita. Sida sawirka ka muuqata wa tan cas ee geeska sare ka muuqata.

WQ:Maxamuud Daahir

QOOMAMMO (Sheeko)Waa saqdhexe, magaaladana waa laga hoyday. Waxaan u guuraynayaa dhanka gurigayga, aniga oo ka soo kacay...
05/12/2023

QOOMAMMO (Sheeko)
Waa saqdhexe, magaaladana waa laga hoyday. Waxaan u guuraynayaa dhanka gurigayga, aniga oo ka soo kacay marfash aan fadhiistay maanta duhurkii. Waxaan lugaynayaa jid madow, maskaxdaydana waxa ku soo hoobanaya mawjado fikir ah.

Maalintii koowaad ee aan caleenta qaadka afkayga geliyay waxaan ahaa 15 jir, caawana gu'gii 40aad ayaa ii buuxsamay. Ma garanayo maalintaas qalqaallinimo, dhaanraacnimo, waayo-ka-dhuumasho, fallaaganimo, ama faduulinimo midkii ii geeyay dhadhamintiisa, balse caawa waxaan hubaa dhaawaca uu noloshayda u gaystay.

25 sanno oo cimrigayga ka mid ah ayaa ku lumay fadhi. Maalin kasta oo noloshayda ka mid ahna waxaan ku qaataa shaxaad iyo sheeko, qabyaalad iyo qaylo, siyaasad iyo saamalayl, mirqaan iyo muudh, qatanaan iyo qadhaadh, iyo marfash iyo maqaaxi.

Laba iyo soddonkaygii ilig mid fayoobi kuma jiro —waa mid uu suus dhameeyay iyo mid uu dhantaalay. Haddii uu Ilig kastaa ku qiimaysan yahay shareecada Islaamka 5 halaad, 160 halaad ayaan marfash kaga kacay. Waa magtaydii oo lagu daray badh iyo dheeraad.

Ooridayda ma xasuusto maalin aan hadal wanaagsan ku idhi, ama habeen aan jewi fiican la qaatay. Waan qabaa, haddana ma qabo —waxa keliya ee aan hubo inaan qabo waa mijintayda qaadka ah. Maalintii aanu isguursannay waxay filaysay inaan u noqon doono wiilkii riyooyinkeeda, balse waxaan ku noqday waraabihii rafaadyadeeda. Habeenkii waxaan imaaddaa iyada oo hurudda, duhurkiina waxaan toosaa iyada oo shaqo ku maqan.

Carruurtayda weligood tusaale wanaagsan umaan noqon. Weligood aniga oo shaqo tegaya may arag, weligood dugsi umaan raacin, weligood dalxiis umaan kaxayn, weligood daryeel iga may helin, weligood dareen kalgacal iga may arag, weligoodna duunyo umaan dhiqin.

Noloshayda ma xasuusto xilli cibaado iigu danbaysay, salaadna weligay foodda maan dhigin. Ma xasuusto maalin aan hooyaday ka ducaystay, ama maalin aan aabbahay soo booqday. Waxaan ahay nin xidhiidhkii Ilaahay iyo xidhiidhkii qoyskiisaba jaray.

Ka warran haddii aan caawa dhinto maxaan Ilaahay la hortegayaa? Waxba. Noloshan gurracan, ee if iyo aakhiro seegga ah, waa inaan ka tashado, oo aan isbeddel sameeyo.

Berri waa inaan xaaskayga dhabanka ka dhunkado, oo aan raalligeliyo, uga na mahadnaqo dedaalkii ay reerka gelisay —ee ay nin iyo naagba iyadu ugu noqotay. Berri waa inaan carruurtayda waqti la qaato, oo aan ka warayso waxbarashadooda iyo waayaha noloshooda. Berri waa inaan hooyaday iyo aabbahay soo booqdo. Berri waan inaan salaadda tukado. Berri waa inaan qaadka iska joojiyo. Berri waa inaan nolol cusub bilaabo.

Waa maxay buuqan iyo hugunkan baxayaa.
Waa maxay dadkan meesha ku xoonsani.
Waa maxay dabdemisyadan iyo anbalaasyadan meesha taagani. Gurigan qiiqayaa miyaanu aaggii xaafaddaada ahayn. Qofkan murugaysan ee meesha taagani miyaanu ahayn wiilkii aan adeerka u ahaa. Ilaahayoow riyo ka dhig.

– Waar Axmed
– Hee adeer
– Maxaa meesha ka dhacay?
– Adeer gurigaagii ayaa gubtay.
– Gubtay aa?
– Haa
– Carruurtaydii ma badbaadeen?
– Maya, dhammaantood waxay ku dhinteen dabka.
– Oo xaaskaygiina?
– Way ku dhimatay.
– Inaa lilaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.

____________
Qalinkii: Cali Ileeye

05/12/2023

Maxaa u taqaannaa?

Sida uu baahiyay Journal ka uu soo saaro "School of artillery "ayaga oo Wareystey 2 Qof oo askarti Kubanka iyo Russia ka...
04/12/2023

Sida uu baahiyay Journal ka uu soo saaro "School of artillery "ayaga oo Wareystey 2 Qof oo askarti Kubanka iyo Russia ka galey Dagalki 1977 Somalia iyo Ethiopia goob jogayaalna u ahaa dagaalki Kharaaraa ee xiligaas.

Waxaa ay labada khabiir ee joornaalku wareystey laba xili oo aad u kala fog oo ay keydiyeen shegeen in Somalia ahayd khatar weyn oo adunka waji Cusub galin lahayd hadey sii jiri lahayd.

Mid kamida ayaa yiri "Qoryihii Russia Somalia siisey ee ku taba bartey ee Hubka Culus ahaa ayagaa naga badiyay oo noga sabcana, waxaan aad ula yaabney liishaanka sida ay ula helayen mesha Bartilmaamedka u ah" waa aan hakin weyney buu raaciyay.

Kan kale ayaa yiri "Soomalida ma moodeyn dad Xirfadda sidaas u sareysa leh, wixi iila yaabka badna waxay ahayen qaabka indha ka cabirka ah ee ayago ordaya oo adan xabada la heli karin ay ayagu madaxa nooga wada tooganayeen, qoriga AK 47 ka wuxu u ahaa sida marka ay qofka ku ridayaan sida Qof maroodi ag tagano dhagax inu ku dhufta raba meelna miyuu kala waayayaa?. Wey nala helayen oo nagu hub sanayen waliba xabada.

Kan Ruushanka ah ayaa yiri "Anigu 7 bari baan argagax sanaa, sababtoo ah Qoryaha nalaku ridayo iilama muqan kuwayagi aan naqaney, wuu igala cuslaa, sababtu wax kale ma ahayne waxay ahayd liishaanka saxan ee khuburada rideysey oo aad u yaqaney una fahamsanaa marba inta lagu darayo ama laga jarayo" , xaglaha ridada ayuu sheegayaa iyo liishanka shiishkisu fadhiyo.

Labada khabiir dagaal ayaa isku raacay in Soomalida cuna qabateynta la saarey ee dhanka hubka ah ay ahayd go'aanki ugu sax sanaa ee abid laga gaarey, hadi kale gobollo dhan baa guban lahaa bay isku raaceen.

Joornalka ayaa gadaal ka raaciyay cuna qabateyn tii hubka Somalia hadda ayaa la qaadey maxeyse keni karta?

Sawirka hoose schoolka uun baa baahiyay.

WQ: Gaaddayare

Cawsha sida la qirsan yahay waxa uu ku mid yahay xayawaannada aadka u yaqaanna caynka xiddigaha. Cawshu waxa ay la sid t...
04/12/2023

Cawsha sida la qirsan yahay waxa uu ku mid yahay xayawaannada aadka u yaqaanna caynka xiddigaha. Cawshu waxa ay la sid tahay idaha, waa na nugul. Sidaas awgeed ma oggola in dhalmada Masaashu ku soo aaddo xilli abaar ah.

Inta Jaxeerku miska Masaasha labada jeeni saaro buu cirka kor u eegaa maaddaama marka caadiga ah uu san kor fiirin karin.

Hadda ba xilliga ay rinto oo uu Jaxeerku Masaasha u curraafaysto waa xilligee mase maqashay arrinkaan?

FG: sawirku waa deero.

Geeleennii dhib aad u weyn baa haysta. Soomaaliyeey haddii aynaan maanta wacyogelintaan u kicin meel fog baa nalaka doon...
04/12/2023

Geeleennii dhib aad u weyn baa haysta. Soomaaliyeey haddii aynaan maanta wacyogelintaan u kicin meel fog baa nalaka doonayaa.


MAANDEEQDII SOOMAALIDA IYO WAAYIHII TAARIIKHEED EE WARSHADDII LAASQOREY, SANAAG SOOMAALIYA, 1969Waxay ku taalla cirifka ...
03/12/2023

MAANDEEQDII SOOMAALIDA IYO WAAYIHII TAARIIKHEED EE WARSHADDII LAASQOREY, SANAAG SOOMAALIYA, 1969

Waxay ku taalla cirifka waqooyi bari soomaaliya iyo badda cas , warshadda laasqoray waxa dhidibada loo taagey Sanadku markuu ahaa 1964-tii taas oo lagu dhisay heshiis dhex maray soomaaliya iyo midowgii soofiyeeti ( Ruushka ) xiligaa oo uu waddanka soomaaliya madaxweyne ka ahaa Adan Abdulle Cismaan .

Waxaa si buuxda loo dhameystiray warshadda 1968 ,waxaana lagu qiyaasa inay qiime ahaan ku kacday lacag u dhiganta 42 Million oo shillinga Soomaaliga ah , tacabkeeda wax soo saarna waxa uu bilowday 1970, iyadoo oo noqotay warshadda ugu weyn ee wax-soosaarka kalluunka noocyadiisa kala duwan ee dalkeenna Soomaaliya.

Warshadda laasqoray mar bay ahayd maandeeqdii soomaalidu manaafacaadsan jirtey , waxaa si weyn loogu xusuustaa mar bay ahayd saadkii ugu weynaa ee uu isticmaali jirey ciidankii soomaaliya dagaalkii sanadkii 1977 ee ina dhexmaray Ethiopia

Shaqaalihii iyo agabkii warshadda ayaa lagu qiyaasaa inay warshadda ka shaqeynayeen 800 boqol oo qof shaqaale ah , halka siximadaha lagu qiyaasay ilaa 100 siximadood oo kalluunka soo jilaabi jirey , sidokale wax- soo saarka warshadda ayaa ahaa waqtiyo kala duwan oo ay marba heer joogtey .

Haddaba sanadku markuu ahaa 1971 -1972 warshaddu waxay soo saartay 377,million oo qasaac , oo lacag ahaan u dhiganta 100 million oo shillinga Soomaaliga ah , 1972-1973 waxay warsahaddu soo saartay 435 Million oo qasaacadood oo u dhiganta 100 Million shillinga Soomaalia ah , haddana markii la soo gaarey 1974-1975 warshadda laasqoray waxay soo saartay 1533 Million oo qasacadood oo u dhigma 800 Million oo shilling Soomaaliya ah , taas oo la micno aha waxat warshaddu mar dabooli jirtey baahida kalluun ee waddankeenna Soomaaliya.

Ciidankii dagaalka ku jirey saadkii ugu badnaa waxaa u ahaa kalluunka qasacadaysan ee ay soo saarijirey warshaddii laasqoray , sidokale waxay ahayd ilaha dakhliga soomaaliya kuwoodii ugu waaweynaa ,

Warshadda laasqoray waxsoosaarkeedii ugu badnaa waxaa manaafacaadsan jirey dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogeen , sidokalena waxaa loo iib geyn jirey dalalka debidda ah . Kalluunka laasqoray waxa uu ahaa mid sareeya tayo ahaan iyo farsamo ahaanba , waxa uuna ka gudbey tijaabo kasta oo heer caalami ahayd , waxaana loo iib geyn jirey dalal badan oo qaaradaha adduunka ku fidsan.

Warshadda laasqoray ma ahan wax laga geyoon karo qoraal ahaan , marka la fiiriyo taarikh ahaan iyo waxtarkeedii waayo iyo inay ahayd maandeeqdii Soomaaliya mar.

WQ: Barre Adaani

Walaac aad u weyn baa isi soo taraya. Waa in wasaaradaha Xannaanada Xoolaha maammulaha iyo kuwa dowladda dhexe ay qaadaa...
02/12/2023

Walaac aad u weyn baa isi soo taraya. Waa in wasaaradaha Xannaanada Xoolaha maammulaha iyo kuwa dowladda dhexe ay qaadaan tallaabo degdeg, waa na in la ogaado asalka xanuunkaan. Waxa uu noqon karaa weerar lagu soo qaaday lafdhabartii dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed (GEELA) kaas oo la doonayo in lagu dabargooyo. Xanuunkani waa mid aad u faafaya, waxaa na suuragal ah in uu u gudbo dadka. Beerkuu asiibayaa, neefku na dhulka lama dhacayo.

Badbaada Alla.


Sida aad ka aragtid dhaqtarkani waxa uu gacanta ku hayo waa BEER neef geela. Geelasha ka imanaya dhanka Hawdka Ethiopia ...
02/12/2023

Sida aad ka aragtid dhaqtarkani waxa uu gacanta ku hayo waa BEER neef geela. Geelasha ka imanaya dhanka Hawdka Ethiopia ayaa uu xanuunkani aad ugu faafay ilaa laga gaaro Ximan iyo gobollada dhexe. Neefkii beeroaa googo’aya. Waa musiibo weyn oo u baahan wacyo gelin iyo ogaal weyn.


Waxa Jira Xanuun kusoo kordhay Geela Xanuunkaas oo ka yimi dhanka Ethiopia hadase uu soo fidayaa dhankeena Waxa la sheeg...
02/12/2023

Waxa Jira Xanuun kusoo kordhay Geela Xanuunkaas oo ka yimi dhanka Ethiopia hadase uu soo fidayaa dhankeena Waxa la sheegay qaybo kamid ah Gobolka Cayn in lagu Arkay.

Waxan Talo kuso jeedinayaa.

1. In la hakiyo Geela ka yimada Dhulka uu xanuunkani ka jiro si looga hortago (isu dhoofka xanuunnada).

2. In la sameeyo (Confirm Diagnosis) si loo xaqiijiyo nooca Xanuunka iyo Daawada ku haboon.

3. Galaha Geela mar walba inay yaalaan daawooyinka Antibiotics ah sida qandho jabinta iyo xanuun baa bi'iyaha.

4. Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha waa in lalatashado si loo helo daawayn sax ah (Good Treatment).

5. Neefka Xanuunsan waa inaan caanihiisa la cabin hilibkiisa la cunin si looga hortago (Zoonatic Disease).

6. Neefka Xanuunsan ama lagu arko Symptoms muujinaya Xanuun in la karantiilo lagaa dhex saaro Xoolaha kale.

NB. Ka hortaga ayaa ma Muhiimsan daawaynta Waxa Muhiim ah in loo raadiyo Xoolaha Talaal Sanad walba la talaalo Xoolaha kala duwan Bulshada la baro faa'idada uu lee yahay talaalku. ( Vaccine is the best Approach ).

Alle ha Ina ka hayo Xanuunada odhan.
WQ: Dr. Xil. Xuseen Muuse Nuux

XANUUN KHATAR AH! Digniin ⚠️Xoolihii noolaa ee geela Waxaa kusoo kordhay xanuun beer xanuun iyo qandho wada socda neefka...
01/12/2023

XANUUN KHATAR AH! Digniin ⚠️
Xoolihii noolaa ee geela Waxaa kusoo kordhay xanuun beer xanuun iyo qandho wada socda neefka sadex maalin kadib wuu baqtinaya Hawdka Sare ilaa gobalada dhexe waxaa dhintay kumanaan Geela xanuunka wuxuu si gaar ah u bartilmaansanaya geela magaynada ah sida Awrta iyo Geela dhalay oo uu laynayo

Xanuunka wuxuu kasoo fidaya hawdka Gobalka Cayn ilaa Nugaasha sare ciladaha aan soo arkay ee caqabada ku ah geela in la badbaadiyo waxaa kamid ah dadka reer baadiyaha ah oo aan aqoon u lahayn in geelaa la daaweeyo iyagoo dhex taagtaagan ayuu geelii ku dal bakhtinaya marka laga reebo qolyaha caano teelada oo geela daaweeya

dawooyinka hoos ku xusan waxaa la kaashaday Dr-AbdiMajiid Diirshe Duwe oo ah dhakhtar ku taqasusay daweynta xoolaha xoolo geel ah oo aan soo duray wax weyn ayay ka tartay isbadal weyn ayaana laga dareemay

waxaan ku talin lahaa qofkasta oo geel haysta ama qaraabo la ah geel dhaqato haka qayb qaato badbaadinta geela oo sii le anaya

WQ: Axmed Gaas

Caawa dhaxanta Maygaag baan ka dugsaday.
01/12/2023

Caawa dhaxanta Maygaag baan ka dugsaday.

Lo’du waa meesiga ugu nugul. Haddii abaari gasho lo’i waa gamashiday. Xilliga abaarta lo’da ka soo harta waxaa loo yaqaa...
01/12/2023

Lo’du waa meesiga ugu nugul. Haddii abaari gasho lo’i waa gamashiday. Xilliga abaarta lo’da ka soo harta waxaa loo yaqaannaa SOODOOG ama KABAD.

30/11/2023

Saaka waxa aan kor istaagnah xeradii ariga. Barwaaqo weynaa! Eebbow mahaddaa. Sannadkaan waa sano aaranaad, nuro iyo naq ba waa leeyahay. Eebbow siyaadaan kaa idnay.

Geedkaan waxa la yiraahdaa Berde Xaammud, waxaana uu ka mid yahay geed-taleedka (geed lagu tashado) ugu faca weyn dhulka...
29/11/2023

Geedkaan waxa la yiraahdaa Berde Xaammud, waxaana uu ka mid yahay geed-taleedka (geed lagu tashado) ugu faca weyn dhulka Ceelcad iyo Doollo, ayna boqollaal gu' ku shiri jireen beelaha Cali Ibraahim, tolka kale iyo Soomaalida degaanka wada leh. Geedku waxa uu ku yaal dawda Gallaaddi.

Weynaanta geedka si aad u garatid eeg inta gaarigu ka le'eg yahay.

WQ: Gorod Jare

Deegaanka Ceelwacayseed oo ku yaalla gobolka Nugaal. Qurux, iyo qaayo buu isku darsaday.
29/11/2023

Deegaanka Ceelwacayseed oo ku yaalla gobolka Nugaal. Qurux, iyo qaayo buu isku darsaday.

Sawirka hoose waxaa lagu qaadey magaalada Tbilisi ee Georgia 1888-dii. Sawirka waxa ka muuqda nin ka mid ah kuwa khamrig...
29/11/2023

Sawirka hoose waxaa lagu qaadey magaalada Tbilisi ee Georgia 1888-dii. Sawirka waxa ka muuqda nin ka mid ah kuwa khamriga wine-ta ku wareejiya magaalada.

Sawirkan waxaan idinku la wadaagey inaad u fiirsataan agabka uu ku wado khamriga. Ma garateen?
Waa agab ilaa iyo hadda Soomaalidu adeegsatee!

WQ: AJ Abiib

Alifba’dii Maayga oo laga bilaabay Baydhaba. Waa arrin fiican balse, Biciid waxa ay aamminsan tahay faraha qoraal Soomaa...
28/11/2023

Alifba’dii Maayga oo laga bilaabay Baydhaba. Waa arrin fiican balse, Biciid waxa ay aamminsan tahay faraha qoraal Soomaalida la mideeyo.

Geel waa geel, wixii gooyana waa geel.
27/11/2023

Geel waa geel, wixii gooyana waa geel.


Check out Biciid's video.

Magacyada orgida qoorka ah loo bixiyo maxaa ka xusuusataa? QOOMISH, ma taqaannaa?
27/11/2023

Magacyada orgida qoorka ah loo bixiyo maxaa ka xusuusataa? QOOMISH, ma taqaannaa?

Fardoolay Soomaali ah.
27/11/2023

Fardoolay Soomaali ah.

Degmadda Xuddun, waa astaanta fardaha Soomaalida. Waa meesha keli ah ee ay weli ku sii harsan yihiin fardihii caanka aha...
26/11/2023

Degmadda Xuddun, waa astaanta fardaha Soomaalida. Waa meesha keli ah ee ay weli ku sii harsan yihiin fardihii caanka ahaa ee Nugaaleed. Cows waa kan Ximaneed, fardana waa Sunnaaridii Nugaaleed. Maxaa faras qooxan oo tabobar keli ah ka dhimman yahay meeshan ka muuqda.

25/11/2023

Dadka qaba gooryaanka, xanuunnada caloosha, shubanka, majiiradka, dhiigkarka iyo macaanka ba waxa ay daneeyaan in maalin uun ka laacaan kaadida geela. Ma u soo joogtay?

Kee u taqaan? - Qulul- Janjeer - Leexo- Hays- Kallay- ?
25/11/2023

Kee u taqaan?
- Qulul
- Janjeer
- Leexo
- Hays
- Kallay
- ?

Hal eray ka xus, shubaasha geela? Sawirka: Siciid Fadhaye.
24/11/2023

Hal eray ka xus, shubaasha geela?
Sawirka: Siciid Fadhaye.

Sidee kuula muuqataa ama aad u aragtaa farta loo dhidbay lahjadda Maayga? Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuw...
23/11/2023

Sidee kuula muuqataa ama aad u aragtaa farta loo dhidbay lahjadda Maayga? Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwa KGS, aqoon yahan iyo bulsho rayid ah ayaa soo bandhigay.

WAABAAYO/MARIID | Arrow poisonWiigan, mar aan ardey u sharxayey qaabka uu u shaqeeyo insaymka Na+/K+ ATP synthase yay sh...
23/11/2023

WAABAAYO/MARIID | Arrow poison
Wiigan, mar aan ardey u sharxayey qaabka uu u shaqeeyo insaymka Na+/K+ ATP synthase yay sheekadii ila gashay taariikh aan jeclahay inaan halkan idinkula wadaago.

Baayookimistiri idinku daalin maayo oo idiinka sheekeyn maayo muhimada iyo qaabka uu u shaqeeyo insaymkaa Na+/K+ ATPase laakiin taariikhdiisa qeyb ka mida.

In la fahmo qaabka uu insaymkani u shaqeeyo (mechanism of action) waxaa sahlay dhafane (molecule) magaciisa af faranjiga lagu dhaho Ouabain. Waa iskudhafane xilligan loo isticmaalo daaweynta cudurada wadnaha (congestive heart failure) iyo wixii la xidhiidha. Ouabain waa kalmad asal ahaan ka soo jeeda kalmada Soomaaliga ee waabaayo.

Waabaayahu waxay aheyd sun ay falaadha afkeeda mariyaan Soomaalidu markay dagaal galayaan ama ugaadhsanayaay. Falaadhaha iyo warankaba way marin jireen oo waa sun ay ilaa samanti coodhcoodhkii isticmaali jireen.

Badhtamaha ilaa iyo dhamaadkii qarnigii 19aad markay reer galbeedku yimaadeen geeska yay suntani naftii u keentay. Askar badan baa lagaga laayey. Aakhirkii, in bay qaadeen oo Yurub dib ugu celiyeen si loo baadho. Kiimeyste Faransiisa oo la dhaho Leon-Albert Arnaud yaa sheegay waxay aheyd. Magacii waabaayo saasaa loogu badaley ouabain oo loogu dhawaaqo ‘wa-ba-en’

Ardeyda markaan intaa u sheego yaan raaciyaa, “aniga laftaydu Soomaali baan ahayoo sankaan taagaa”.

WQ: Cabdirisaaq M. Warfaa

Dunidoo dhan baa daawasho u tagteeIndhadeeqaay deegaankeennu quruxsanaa!
23/11/2023

Dunidoo dhan baa daawasho u tagtee
Indhadeeqaay deegaankeennu quruxsanaa!

Check out Biciid's video.

Calmadow, haddii aad mar tegin dhaayahaaga waxbaa ka dhimman! Sawirro: Siciid Faysal
22/11/2023

Calmadow, haddii aad mar tegin dhaayahaaga waxbaa ka dhimman! Sawirro: Siciid Faysal

Calaamadaha ama Astaamaha Barwaaqada.Toban Qodob oo Cayn [C] ah:-▪︎Cir daruur leh.▪︎Cagaar doog leh.▪︎Calcalyo daad leh....
21/11/2023

Calaamadaha ama Astaamaha Barwaaqada.
Toban Qodob oo Cayn [C] ah:-

▪︎Cir daruur leh.
▪︎Cagaar doog leh.
▪︎Calcalyo daad leh.
▪︎Cood cayil leh.
▪︎Cad baruur leh.
▪︎Candho darar leh.
▪︎Caano subag leh.
▪︎Cadrad uur leh.
▪︎Ciyaal karriin leh.
▪︎Coobir turuq leh.

WQ: Goodirka Hawd.

21/11/2023

Saaka arigii baa naga caacay. Iduhu jac ba ma dhahaan, ri’yow illayn inkaari waa dhankiinna! Talo faro kuma jirtee bariisadii saaka na qabatay qubadkeedu mid h**ey loo arkay ma ahan.

Maxaa la sameeyaa arigu marka uu caacu, si looga bi’yo?

Address

Soomaali
Garowe
090

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Biciid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Biciid:

Videos

Share

Category

Biciid Magazine

Waa jariirad xoogga saaraysa soo saarista barnaamijyo bulshada mirodhal u ah, sida; Dabogallo (Investigative Programs), Cilmi-baarisyo (Researches), Lafogurka Siyaasadda (Political Analysis), Qiimeyn Sannadle ah (Yearly List), Faalleynta Buugaagta/Qoraallada (Book/Essay Reviews), Deegaanka (Environment), Xayawaanka (Wild), Xoolaha (Livestock), Sooyaalka (History) iyo Suugaanta (Literature). Waa magazine sannadle ah, ka soo bixi doona Soomaaliya. Bogasho wacan. Waxaa ku midoobay aqoon yahanno, dareemay in loo baahan yahay arrimahaan. Qeyb walba oo ka mid ah cutubyada lagu sargoyn doono jariiraddaan, waxaa qaadaadhigi doona xeeldheerayaal sida; dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, xoolaha, xayawaanka, deegaanka, iwm.

#BiciidMagazine


Other Magazines in Garowe

Show All