Waqalle Page.

Waqalle Page. Waqalle Page Waa Madal Loogu Tala Galay Shacab Soomaaliyeed.

02/08/2021

Wuxuu ahaa ruux yaab leh!RW Cali Khaliif Galaydh oo safar ku maraya Djibouti ayaa waxaa si kedis ah looga keenay mooshin...
11/10/2020

Wuxuu ahaa ruux yaab leh!

RW Cali Khaliif Galaydh oo safar ku maraya Djibouti ayaa waxaa si kedis ah looga keenay mooshin uu xilkiisi ku waayay October 28, 2001. Waxaa laga waraystay BBC, waxay dad badani la yaabeen ammaanta uu huwiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka ee ku dhawaaqay xil ka qaadistiisa AUN Cabdalla Deerow Isaaq, wuxuu xil ka qaadistiisa ku sheegay in uu yahay go'aan Cabdiqaasim, oo la fulin waayay asagoo xaadir ah, oo la la sugay illaa uu ka safro.

Maalintaasi waxay ahayd Axad. Idaacadaha Muqdisho sida Horn Afrik, Banaadir iyo STN, waxaa laga baahiyay hadalo kul kulul oo ay is dhaafsanayaan xildhibaanada. Doodda dowladnimo, ee ku cusbeyd dalka awgeed, dad badan ayaa la yaabannaa sabab xildhibaanada Daarood ay ugu ololeynayeen mooshinka, halka kuwa Hawiye ee hadlaya ay Dr. Galaydh u difaacayeen. Xil walaal ka-ridasha aad loo ma aqoon.

Xildhibaanno kale oo labada beelood aan ahayn ayaa sidoo kale ka mid ahaa dhinacyada doodda. Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo ahaa xildhibaan doodaha aad uga muuqday ayaa RW. Cali Khaliif ku eedeeyay inuu musuq baahsan ku kacay, iyo inuu gabay doorkiisa dib u heshiisiinta. Marka faahfaahinta musuqa la weydiiyay xildhibaanada qaar waxay sheegeen in 1,600 oo taleefanno Nokia ah uu dad gaar ah u qeybiyay, oo lagu qiyaasayo in lacag nus milyan la badan ay ku baxday.

Doodaha socday waxaa ka mid ahaa in xukuumadda ay ka gaabisay dib u heshiisiinta. Eeddaas waxaa xoojinayay is casillaaddii RW h**e Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku magacawnaa Guddoomiyaha guddi dib u heshiisiin, oo 25 xubnood ka koobnaa.

Dr. Galaydh wuxuu dhisay xukuumad, oo uu wasiirkeeda arrimaha dibadda ahaa Ismaaciil Buubaa. Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu sheegay in uu Somaliland siiyay RW, iyo wasiiro muhiim ah oo uu Buubaa ku jiray. Madaxweyne Cigaal oo waraysi siiyay wargeys ka soo baxa South Africa ayaa qiray doodda Cabdiqaasim, balse sheegay in xil la siiyay qof Somaliland ah iyo qaddiyad ay kala duwan yihiin.

Maalmo kor inta aan xilka laga qaadin, 19 October 2001, Dr. Galaydh wuxuu la kulmay beesha caalamka, sida David Stephen oo uu ka codsaday in lagu kaalmeeyo howl-gal nabad ilaalin. Xantu waxay ahayd in madaxweyne Cabdiqaasim uu diidanaa.

Xiligaasi adduunku is bedel weyn baa ka dhacay oo uu sababay weerarkii Twin Towers ee Sept 11, 2001. Soomaaliya waxay ka mid ahayd waddamo la hadal hayay in ay argagixiso ku dhuumaalaysanayso, Itoobiyana waxay sheegaysay in baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliyaba ay kooxo diimeed yihiin. Dr. Galaydh wuxuu sida afyaheenka xukuumad oo kale la hadlayay warbaahinta caalamka si uu uga difaaco Soomaaliya eedeymahaas.

Dr. Galaydh muddadii koobneyd ee uu RW ahaa wuxuu ka badbaaday ugu yaraan 2 weerar. Mid lagu qaaday hotelka Ramadaan oo uu degannaa March, 2001, iyo mid ka dhacay Belidoogle oo ahaa isla horaantii 2001.

Wuxuu ka tagay taariikh culus, wuxuu ahaa aqoonyahan, khabiir dowladeed, Prof. jaamacadeed, oo ka mid ahaa Soomaalidii fara ku tiriska ahayd ee Maraykan PhD ka qaata 1960-70-meeyadii.

Wuxuu geeriyooday October 8, 2020, Ilaahay ha u naxariisto RW Cali Khaliif Galaydh. Maalmaha iyo bilaha mararka qaarkood si bay isugu aadaan, laakiin middani waa wax kale. Wuxuu ka tagay raadad kala duwan, taariikho kala duwan, oo haddana isku waqti ku soo aaday.

Isla maanta uu geeriyooday oo kale, October 8, 2000 ayaa madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu Dr. Cali Khalif Galaydh u magacaabay RW. Sida aan taariikhda ku arkay wuxuu dhashay October 14, 1941, baarlammaanka Soomaaliyana wuxuu xilka ka qaaday October 28, 2001.

Maanta dalka waxaa ammaankiisa ilaaliya ciidamo nabad ilaalin; wuxuu ahaa fikirkii Dr. Galaydh uu soo jeediyay 20 sanno ka hor ee uu xilkiisa ku waayay.

W/Q Hassan Adam hasow

Markab alaab xamuul ah waday ayaa wuxuu bilaabay inuu liico uu ku dhawaado inuu gadoomo,dadkii meesha wada saarnaa waxay...
28/07/2020

Markab alaab xamuul ah waday ayaa wuxuu bilaabay inuu liico uu ku dhawaado inuu gadoomo,dadkii meesha wada saarnaa waxay dhaheen aan tuurno alaabta hal nin si aan u bad baadno,nin mesha fadhiyaa wuxuu yiri ma wanaagsana hal qof alaabtii uusoo gatay in biyaha lagu wada tuuro ee qof walbo xogaa aan ka tuurno alaabtiisa si aan u bad baadno, dadkii meesha saarna waxay isku raaceen asaga iyo alaabtiisa in la tuuro madaama uu ahaa qof aan awood badan lahayn lagana baqeynin,sidii ayaa lagu soo tuuray.

Mawjadii hirka ayaa qaaday siday u waday Jaziirad ayay ka tuurtay aan qofna joogin,meeshii ayuu aqal ka helay yar oo mesha ka dhisan iyo biyo yar oo macaan,kalluunka ayuu soo qabsan jiray wuuna karsan jiray sidaas ayuu ku noola.

,maalin asagoo dabka sh*tay oo kalluunkii rabo inuu soo qabsado ayaa gurigiisa dab ka qabsaday wuuna wada gubtay,markaas ayuu murug daran dareemay wuxuuna yiri ilaahow muxuu yahay dhibkaan i daba taagan, wuu iska seexday , mise xogaa kadib waxaaba dul taagan doon, wana la toosiyay wuu yaabay wuxuu yiri maxaad ahaydeen,waxay ku yiraahdeen soo fuul doonta,wuxuu waydiiyay mudo badan ayaan meshan joogee sidee ku ogaateen in meshaan aan daganahay,waxay ku yiraahdaa Qaaca ayaan aragnay waxaan dareenay dad inay joogaan meeshan sidaas ayaan ku imaanay ,wuxuu ka wareystay markabkii alaabta waday meshuu ku danbeeyo,waxay usheegeen inuu quusay asagoo dhan oo lagu wada dhamaaday qofna uusan ka bad baadin.

Mararka qaar wax badan oo kugu dhacaayo oo aad u maleysid wax xun, ayaa ilaahay wuxuu kaaga dhigayaa wax wanaagsan.
..

    .
20/07/2020


.

13/07/2020
Beeldaaje Mohamed Ismail X.A/llaahi ayaa Marti galiyay Shirweyne Nabadeed oo lagu xalinayo Xurguf dhex Martay Beelo Wala...
12/07/2020

Beeldaaje Mohamed Ismail X.A/llaahi ayaa Marti galiyay Shirweyne Nabadeed oo lagu xalinayo Xurguf dhex Martay Beelo Walaalo ah oo ku diriray Deegaanka cowsane ee Gobolka Sanaag

Waqalle Page...

04/07/2020

Puntland Maanta waxaa imitixaanka Shahaadiga ah u fariisan doona 16,500 oo Arday oo isugu jira fasalka 4aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe.

Baaq :Xaaladda kala Guurka JFS,Khilaafka  Puntland iyo Dawladda Dhexe.
03/07/2020

Baaq :Xaaladda kala Guurka JFS,Khilaafka Puntland iyo Dawladda Dhexe.

02/07/2020
Ninkii dilay madaxweynihii h**e ee Masar Maxamed Anwar saadaat ayaa markii maxkamadda la keenay waxuu garsoorihii maxkam...
02/07/2020

Ninkii dilay madaxweynihii h**e ee Masar Maxamed Anwar saadaat ayaa markii maxkamadda la keenay waxuu garsoorihii maxkamaddu wayddiiyay: Maxaad u dishay Madaxweyne Saadaad? Wax uu ku jawaabay: Calmaani buu ahaa? Wax uu sii wayddiiyay: Calmaani waa maxay? Wax uu ku jawaabay: Ma garanayo.

Qoraagii reer Masar ee Najiib Maxfuud ninkii is ku dayay in uu toorray ku dilo ee dhaawacay ayuu qaaddigii maxkamaddu wayddiiyay: Maxaad qoraaga u middiyaysay? Wax uu ku jawaabay: Buuggiisa "Awlaad Xaaratinaa" dartii. Wax uu xaakimkii sii wayddiiyay: Oo ma akhriday buugga "Awlaad Xaaratinaa"? Wax uu yiri: Maya.

Dilaagii argagixisada ahaa ee dilay qoraagii reer Masar ee F***j Fowdah ayuu qaaddigii maxkamaddu wayddiiyay: Maxaad u dishay F***j Fowdah? Wax uu ku jawaabay: Waayo gaal buu ahaa. Wax uu sii wayddiiyay: Maxaad ku ogaatay in uu gaal ahaa? Wax uu yiri: Kutubtiisa ayaan ku ogaaday. Wax uu sii wayddiiyay: Oo waa kee kitaabkiisa aad akhriday ee aad gaalnimadiisa ku ogaatay? Wax uu yiri: Anigu kutubtiisa maba akhriyo. Waxaa la sii wayddiiyay: Maxaad u ga jeeddaa? Wax uu ku jawaabay: Anigu wax ma akhriyo waxna ma qoro.

Saddexda qisaba waa taariikh ka dhacday Masar sannadihii 1981, 1992 iyo 1994.

Dhacdooyinkan oo uu wax ka qoray qoraaga Soomaaliyeed Ibraahim Hawd ayaa waxaa halkaa ka muuqata in ragga dembiyadaa culus ee dilalka ah gaystay ficiladaa ay sameeyeen ay u gaysay jaahilnimo isla markaana la adeegsaday.

Waxaa la yiraahdaa jahligu waa cadaw iyo weliba mugdi, aqoontuna waa iftiin.

Dulucdu waxa ay tahay bulshadeena gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed yaan la idinkaga faa'iideysan jahli oo ha ku dhecina inaad gaysataan dembiyo waaweyn sida dil.

Waxaa loo baahan yahay dhalinyaradu in ay bartaan culuunta diiniga iyo tan maadiga ah oo aqoontooduna kor ay u qaadaan si aan loo qaldin.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho :Colombo.

02/07/2020

Ra'iisul wasaarihii h**e ee Britain Winston Churchill wuxuu buuggiisa xasuus qorka ku qoray dhacdadaan wuxuu yiri:
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan gaari Taxi ah waxaan usoo raacay xarunta BBC-da si aan wareysi usoo siiyo, markii aan soo gaaray xafiiska ayaan dareewalkii ka codsadey inuu i sugo Afartan daqiiqo, Dareewalkii wuu iga cudurdaartay wuxuuna igu yiri: Ma awoodi karo waayo gurigayga ayaan rabaa inaan aado si aan raadiyaha uga dhagaysto wareysiga uu BBC-da siinayo ra'iisul wasaaraha dalka Winston Churchill, dareewalku ma uusan garaneyn in qofka uu wado ee la socda uu yahay ra'iisul wasaarihii Churchill, Churchill wuxuu yiri Aad ayaan ugu farxay ninkaas sida uu heeganka ugu yahay inuu hadalkayga iyo wareysigayga dhageysto, waxaan usoo saaray lacag toban Pound ah, markii uu lacagtii arkey ayuu si farxad ku dheehantahay u yiri: Churchill iyo wareysigiisaba naarta ha aadaan, Saacado ayaan ku sugayaa ilaa aad danahaaga kasoo dhameysaneyso mudane.
"When it comes to money, Everyone is of the same religion". Voltaire.
Source: Ahmed ..

02/07/2020

FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO TUUNKA- TOONTA ( GARLIG ). Tuunku waxa uu leeyahay taariikh fog oo kumanaan sano ah waxaana isticmaali jiray Masaaridii h**e, Babylonians-ki, Giriigii h**e, Roomaanka iyo Shiinaha waxaana loo isticmaali jiray Dawo ahaan iyo in cuntada lagu carfiyo, Tuunka waxuu ka kooban yahay isku dhis lagu magacaabo Allicin. Tuunka waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa Eeshiyada dhexe waxuuna xiriir dhow la leeyahay Basasha, iyo Dhega yaraha ( Qalin furka), Seynis yahankii reer France Sir Louis Pasteur oo ahaa caalimkii daah furay habka Baasjuureynta ( Pasteurization ) ayaa 1880-kii Tuunka u isticmaalay Anti Bacteria, sidoo kale dhakhaatiirta Qaliinka ayaa intii uu socday dagaalkii koowaad ee aduunka 1914 - 1918 Tuunka u isticmaali jiray in ay ku daweeyaan dhaawacyada dagaalka. FAA’IID CAAFIMAAD EE LAGA HELO TUUNKA WAXAA KAMIDAH : • Tuunku wuxuu saameyn qoto dheer ku leeyahay yareynta DHIIG KARKA. • Tuunku wuxuu kor u qaadaa caafimaadka WADNAHA. • Tuunku waxa uu yareeyaa heerka SOKORTA jirka. • Tuunku waxa uu yareeyaa CHOLESTROLKA. • Tuunku wuxuu caawiyaa ka hortaga CUDURADA MASKAXDA ku dhaca sida Al zheimer’s. • Tuunku waxa uu ka hortagaa KANSARKA. • Tuunku waxa u wanaagsan yahay BEERKA. • Tuunku wuxuu aad iyo aad muhiim ugu yahay difaaca jirka wuxuuna si buuxda u dilaa BAKTEERIYADA. • Tuunku waxa uu ka hortagaa XINJIROWGA dhiiga. • Tuunku waxa uu caawiyaa daweynta INFECTION-KA. • Tuunka waxa uu caawiyaa ka hortaga in cudurka NEEFTA kusoo weerarto. • Tuunku waxa uu daweeyaa DHAAWACYADA, HARGABKA iyo QUFACA. • Tuunka waxa ilaaliyaa caafimaadka INDHAHA. . Muse Mohamed Osman. E- Mail :[email protected]

Ethiopia waxay sheegayaan dad puntland ka tegay inay ka heleen Covid 19, Firfircooni ayaa looga bahaan  yahay puntland w...
29/04/2020

Ethiopia waxay sheegayaan dad puntland ka tegay inay ka heleen Covid 19, Firfircooni ayaa looga bahaan yahay puntland waxay u muuqataan xanuunkani inuu ka baahay gobolada .

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo ...
19/03/2020

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada .

''Waxaa Golaha wasiiradu isla garteen in aniga iyo wafdi aan hogaaminayo aan tagno caasimada dalka ee muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada si aan gogol xaar ugu samayno inuu miro dhal noqoto gogosha nabada ee uu ku baaqay shirka wadatashiga Puntland''

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waqalle Page. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waqalle Page.:

Share


Other Gaming Video Creators in Garowe

Show All