Da'ud Media

Da'ud Media Wuxuu ka shaqeyndoonaaa Da'ud Media danaha Soomaali weyn insha allah waa page wadani ah.

Permanently closed.
08/09/2023
The Garowe Agreement  (Eyl District Issues 31_08_23).(Heshiiskii Garowe ee Arimaha Deg Eyl)             10 Articles.1. U...
08/09/2023

The Garowe Agreement
(Eyl District Issues 31_08_23).
(Heshiiskii Garowe ee Arimaha Deg Eyl)
10 Articles.

1. UJEEDO:- (31_08_23)

Waxaan Garowe ku gaarney is_afgarad Siyaasadeed ( Political Memorandum of understanding B/w) Da'ud Farah iyo G. Faysal Khaliif , Waxaana goob joog ka ahaa Waayeel Siyaasadeed ama Odayaasha Siyaasadda Nugaal ( Nugal Political Elders), Inla dhageysto Aragtida Dadweynaha waxay sumad Wanaagsan u tahay Doorashadii Dadweynuhu kusoo doorteen Xubnaha Gollaha Deegaanka Degmada Eyl, Inkastoo Doorashada aan walaac ka muujiyey habraacii loo marey soo xulista Council ka Degmada.

2. GARNAQSI:-

Waxaan isku haynay Gudoomiyaha waa Dan_Guud, Anigoo ka biyo diidanaa Arimaha qaarkood siduu u wajahay Gudoomiyuhu ayna iila muuqatey Waddo taas ka fudud talana aan ku siiyey qeybtood Gudoomiyaha balse u hareer maray, Mana jirto dangaara oo Aniga iyo Gudoomiyaha aan isku haynay kaliya Dan_Guud ayaan isugu nimi waana ka wadahadalnay waana isku fahanay Rag iyo Rabina waana ogaa oo markhaanti bey lahayd.

NB:- Waana inla helo Shan qodob (Five articles) oo kala ah Isla_Xisaabtan, Daahfurnaan Siyaasadeed, Adeeg daadajin, Xoriyatul qowka iyo Talada Dadweynaha oo la maqlo (Accountability, Political Transparency, Decentralization, Freedom of speech and the Advice of population to be heard ) qodobadaan waxay Hooyo iyo Aabe u yihiin nidaamka Doorashada Qof iyo Codka ah Democracy Election.

3. SOO DHAWEYN:-

Waxaan soo dhaweynayaa kulan kaa masiiraga ah, Waxaan rajeynayaa wixii kasoo baxay inay fulaan, Waana in la dhageysto tabashada Bulshada yadoo la tixgalinayo nadaamkii Doorasho ee ka dhacdey Degmada waan bogaadinayaa waana soo dhaweynayaa kulankaas.

4. TANAASUL:-

Markaan tixgaliyey codsigii Bulshada iiga yimi, Markaan arkey baahida ka jirta dhinacyo badan oo Eyl ah, Markaan arkey garnaqsiga Gudoomiyaha, Markaan dhageystey Baaqa iyo Talada Waayeelka Nugaaleed, Markaan la tashadey xubno ka mida Faamilkeyga oo aad muhiim igu ah, Markaan dhageystey qeyb ka mida Councilka, Waxaan go'aansadey inaan ka tanaasulo wixii igu jirey aana u tanaasulo Dadka iyo Deegaanka oo xilli adag ku jira.

5. CUDDA_DAAR:-

Waxaan ka cududaaranayaa wixii aan igu habooneyn cid kalena aan qoban Bulshaduna ka xumaatey oo xageyga ka yimi waan ka xumahay, Ma khaldame waa Ilaahay Aadame waa difiic oo waxaa mararka qaarkood ka awood badata caro iyo sheydaan, Wixii aan saxayna ilaahay ayaa I garansiiyey الحمد لله.

6. Talo:-

Waxaan kula talinayaa in Maamulka oo uu Gudoomiyuhu u horeeyo inay Shacabka u dhago nuglaadaan lana dhageysto tabashadooda.

7. MAHADCELIN:-

Waxaan ugu horeyn u mahadceliyey ALLAH ka sokowna intii soo qaban qaabisey Kulankaa, Sidoo waa ku mahadsanyahay Gudoomiyuhu inuu qaato Waddada wadahadalka uuna dhageysto Aragtideydi aan qabay ee ku aadanayd Arimaha Eyl iyo Taladeyda Odeynimo.

8. BALANQAAD:-

Waxaan balan qaadayaa dhankeyga inaan Maamulka Degmada la shaqeeyo wixii Talo iyo Hawl ah oo ay iga soo baahdaan inaan la qabto inta tabartey ah waliba hagar la'aan insha Allah.

9. BAAQ:-

Waxaan ugu baaqayaa Diaspora iyo Ganacsada Eyl kasoo jeeda waa inaad ka qeyb qaadataan dhismaha Waddada_Eyl, Wali ma arag idinkoo Waddada hadal haya iskadaa inaad wax ku darsataane Fadlan fadhiga ka kaca oo ka qeyb qaata dhismaha Waddada iyo waliba inta ajar doonka ah, Ma jirto meel ka Wanaagsan oo aad Maalkaaga u huri lahayd waa SADAQATUL JAARIYAH Aduun iyo Aakhiraba waa ku soconaysaa masha Allah.

10. GUNAANAD:-

Waxaan kusoo gabagabeynayaa firiina aan u dirayo Maamulka iyo Shacabka Eyl waa inaad hormarkiina u midowdaan ayna u horeyso Dhismaha Waddada_Eyl oo Degmada qiimo gaara ugu taal, Wadajir baa lagu macaashaa( Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan) Guuleysta.

Tariikhda: (07_09_23)
Mahadsanid
Da'ud Farah

Address

Engineer Khalid Street Garowe
Garowe

Telephone

+252907286464

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Da'ud Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Da'ud Media:

Share

Nearby media companies