Codka Shacabka Puntland

Codka Shacabka Puntland Hoyga Wararka xaqiiqada ah

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA IYO ABAANDUULAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA PUNTLAND.Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynah...
31/08/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA IYO ABAANDUULAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA PUNTLAND.

Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Maxay Puntland ka rabtaa dowladda Xasan Sheekh? Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Ga...
26/08/2022

Maxay Puntland ka rabtaa dowladda Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa wadahadal kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli ay 100 maalmood u buuxsantay dowladda Xasan Sheekh, tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

Madaxwenaha ayaa markii la doortay safarro ku tagay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka kooban tahay dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa socdaallada ay madaxtooyada ujeeddadooda ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo wadashaqeynta gudaha.

Waxaase durba soo baxay in ay jiraan arrimo ay Puntland ka tabanayso dowladda dhexe, iyadoo la xasuusto khilaafkii muddada dheer socday ee u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo dowladdii madaxweynihii h**e, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland ay xalay yeesheen kulan ay albaabbadu u xirnaayeen.

"Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kaddib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan oo ay labadooda keli ku ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa inay ka wada hadleen si wax la isula dhaadhaado inta aanu kulanka ballaaranin," ayuu yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa uu ka muuqday in Puntland aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo ayaa sheegay in ay dowladda federaalka ka doonayaan dhowr arrimood.

Wadashaqayn

Munaasabaddii xuska maalinta xorriyadda ee 1-dii July ayuu Siciid Cabdullaahi Deni ka sheegay in maamulkiisa Puntland uu si buuxda u taageersan yahay dowladda federaalka, uuna la shaqayn doono.

Deni ayaa ka mid ahaa murashaxiintii ugu cadcaddaa ee u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo loo arkayay in uu aad ug dhawaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dowladdiisii h**e kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee ay hadda mas'uuliyiinta Puntland ku dhaliilayaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa "wadashaqayn la'aan", sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedkaas.

"Puntland waxay dowladda dhexe ka rabtaa wadashaqayn buuxda. Mas'uuliyiin baa laga soo doortaa maamullada oo dhan, oo goleyaasha dowladda ku jira, sida Golaha Shacabka iyo Aalka Sare. Waa inay dowladdu u oggolaato matalaad ay dadkii yeeshaan oo ay ku matalaan heshiisyada la gaarayo.

Wasiirka u hadlay Puntland waxa uu sidoo kale sheegay inay dhaliilayaan hanaanka loo maamulay socdaallo uu dibeda ku tagay madaxweynaha. Isaga oo sheegay in aanan lago talo gelin maamulkiisa safaradaas iyo qorshehooda ba.

"Socdaallo aan ka yarayn sagaal buu galay madaxweynuhu, keligii buu ku ahaa, iyadoo waliba Wasiir Arrimaha Dibadda ah uu jiro."

Dhammaystirka Dastuurka

Muddo dheer waxaa qabyo ah dastuurka Soomaaliya oo dhinacyada uu quseeyo laga sugayo inay dhamaystiraan.

"Puntland waxay ka rabtaa dowladda cusub ee ay maanta boqol maalmood u tahay waqtigii ay jirtay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo sal dhigata, oo dastuurkii qabyada ahaa la dhammastiro si wadar oggol ah.

"Sida dastuurka ku meel gaarka ah ku qoran, guddiyada dhammastirayaa waa in dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo baarlamaanka iyo guddiyadoodu ay wadajir yihiin, waana in dowladda federaalka oo keliya aysan ku takrifalin," ayuu yiri wasiirka.

Deeqaha caalamiga ah

Waraysiga uu wasiirka warfaafinta Puntland siiyay BBC-da ayuu sidoo kale ku sheegay inay ka rabaan dowladda dhexe inay qeyb ka siiso kaalmada caalamiga ah ee dalalka dibeda bixiyaan. "Waxay Puntland rabtaa in deeqaha caalamiga ah ee la helo si caddaalad ah loo qeybiyo," ayuu yiri. Wasiirku waxa uu si gaar ah u magacaabay kaalmada dhanka amniga loogu talogalay, oo uu sheegay in aan waxna laga siin maamulka Puntland.

"Dowladda federaalku kaalmo ballaaran bay ku heshaa dhanka amniga, ama Talyaaniga haka hesho, ama Turkiga haka hesho, Mareykanka, Ingiriiska, mana jirto wax deeqahaas militeri ka mid ah oo ay Muranka la xiriirta maareynta deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya lasoo gaarsiiyo ayaa ka mid ah waxyaabaha saldhigga u ah khilaafyadii u dhaxeeyay dowladdii h**e ee dowladda federaalku soo gaarsiiso Puntland."

Muranka la xiriirta maareynta deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya lasoo gaarsiiyo ayaa ka mid ah waxyaabaha saldhigga u ah khilaafyadii u dhaxeeyay dowladdii h**e ee fedraalka iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Deeqda waxbarasho

Waxa uu wasiirka u hadlay Puntland sheegay in dowladda federaalka aysan waxba kasoo gaarsiinin deeqaha waxbarasho, dhibaatooyin kalena ay kala kulmaan.

"Waxaan rabnaa in deeqaha waxbarasho si caddaalad ah loo qaybiyo oo ay maamullada gaaraan. Xuquuqdii aan ku lahayn dowladda k**a helin. Waxaa tusaale kuugu filan in ardaydii dugsiyada sare ka baxday ay shahaadadooda u diidday dowladda federaalka, xubnihii laga doortay maamulka Puntland ee baarlamaanka ku jirayna ay waxba ka qaban waayeen, oo dowladdii ay waxba ka dhagaysan wayday."

Weli wax natiijo ah k**a soo bixin wadaxaajoodka u dhaxeeya Madaxweynaha federaalka iyo madaxweynaha Puntland, waxaana la filayaa in dhawaan lasoo saaro faahfaahin.

Haloo sarakaco Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Ahmed E. Osman Karaash.  .
27/04/2022

Haloo sarakaco Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Ahmed E. Osman Karaash.

.

Ciidanka ilaalada Madaxweynaha   oo shaqadooda gudanaya.
02/09/2020

Ciidanka ilaalada Madaxweynaha oo shaqadooda gudanaya.

Muqdisho: 01 September 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Safiir...
01/09/2020

Muqdisho: 01 September 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Muqdisho : 01 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay...
01/09/2020

Muqdisho : 01 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Muqdisho.

29/07/2020

Diiwaankaad ku taal Daweeya ogoseey
Erayada Abwaan Dhagaafe
Codka iyo Laxanka Abdirisaq Anshax

Share iyo love isugu dar Hadii Kale waa La idin Yaabaa...

20/07/2020
HODAN ABDIRAHMAN OO HEES AAD U MACAAN U QAADAY PUNTLAND & MADAXWEYNE DENI OO FADHIGA UGA KACAY.https://youtu.be/2nde7ipo...
19/07/2020

HODAN ABDIRAHMAN OO HEES AAD U MACAAN U QAADAY PUNTLAND & MADAXWEYNE DENI OO FADHIGA UGA KACAY.

https://youtu.be/2nde7ipohbU

Fanaanada Hodan Abdirahman oo Hees nooceeda aan h**ey loo arag u qaaday Puntland

11/05/2020

Waa markale iyo Qardho

11/05/2020

Rag tashtay cir way tolaan taako labadeeda,

, , , .

Go'doon ayaa la galiyay xaafada Easleight ee magaalada Nairobi. Lama soo gali karo lagamana bixi karo muddo 15 maalin ah...
06/05/2020

Go'doon ayaa la galiyay xaafada Easleight ee magaalada Nairobi. Lama soo gali karo lagamana bixi karo muddo 15 maalin ah.

Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa sheegay in xaafadaas Easleight, baaritaanadii la saneeyay lagu ogaaday in uu ku badan yahay Covi-19, taasna ay ka danbeesay go'doon kaas.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saartay diyaaraddii ...
05/05/2020

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saartay diyaaraddii maanta ku dhacday magaalada Bardaale.

Taliyaha cusub ee Booliska Puntland Gen: Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yarre) ayaa caawa xilka kala wareegay Taliyahii h**e ...
03/05/2020

Taliyaha cusub ee Booliska Puntland Gen: Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yarre) ayaa caawa xilka kala wareegay Taliyahii h**e ee Booliska Gen: Muxiyadiin Axmed Muuse.

03/05/2020
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ku s...
03/05/2020

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ku sheegay in khadka taleefonka uu kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, isagoona uga mahad celiyay garab istaagooda deg degga ah ee gargaarka qalabka iyo dawada isugu jiray si wax looga qabto xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo Soomaaliya farakulul ku haya.

08/03/2020

Fariinta shirka wadatashiga Puntland 15-ka Maarso 2020.

Madaxweynihii h**e ee Puntland Cabdiwali Gaas oo  maraya baaritaan qalabka xumada ee lagu ogaado coronavirus.
07/03/2020

Madaxweynihii h**e ee Puntland Cabdiwali Gaas oo maraya baaritaan qalabka xumada ee lagu ogaado coronavirus.

07/03/2020

Dawladnimo waa qaynuun ee mahan dictator-nimo iyo halka ku duul.

Professor Mohamed haji ingiriis

DIGNIIN IYO OGAYSIISSida ay saadaasha hawadu sheegtay waxaa jira dabeylo ka imanaya Badweynta Hindiya kuwaas oo ku wajah...
04/12/2019

DIGNIIN IYO OGAYSIIS

Sida ay saadaasha hawadu sheegtay waxaa jira dabeylo ka imanaya Badweynta Hindiya kuwaas oo ku wajahan qaybo ka mid ah deegaannada dhaca xeebaha Puntland, waxaana la filayaa inay maraan Eyl, Suj iyo Bayla.

Dabaylahan oo jaraya xawaare dhan 63 km saacaddii, waxay saameyn ku yeelan karaan xoolaha, beeraha iyo dadka, waxay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Deegaanka iyo saadaasha cimillada uga digayaan dadka deggan meelaha xeebaha ah inay ka digtoonaadaan dabeylahan ku soo wajahan deegaannada.

02/12/2019

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ayaa Buuxiyay Booski ay ka baxeen Gudoomiyayaashi Dagmooyinka Waaberi iyo Shangaani kuwaasi oo ku Geeriyooday Qaraxi 24ki July ee Sanadkan ka dhacay Xarunta Dowlada hoose ee Xamar.

Gudoomiyana Degmada Waaberi waxaa loo Magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac halka Gudoomiyaha Degmada Shangaani loo Magacaabay Aweys Sheikh Maxamed Amiin.

Sidoo kale Guddoomiye ku-Xigeenka Arimaha Bulshada ee Degmada Wadajir waxaa loo Magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka B...
02/12/2019

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi, iyadoo uu sameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaq dadka.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Gaasnaale Sare Xuseen Cali Maxamuud oo hoggaaminayey baaritaanadaasi ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay inay gacanta ku soo dhigay hub sharci darro ah iyo dadkii watay, kuwaas oo loo taxaabay xabsiga.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo gaadiid ay in mudo ah ku raad joogeen ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari in howlgalladu ujeedkooda uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, isagoo ciidanka Booliska uga digay ay hub ka dhex qaataan gudaha magaalada, iyagoo aan ku jirin shaqo.

Dhowaanahaan ciidamada Puntland ayaa xoojiyey baaritaanada ay ka wadaan Boosaaso, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada ee ka dhaca magaaladaasi.

01/12/2019

Daawo sida Muqdisho loogu soo dhaweeyay Xeer-Ilaaliyaha cusub ee uu dhowaan Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

01/12/2019



Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa saakay soo badbaadiyay nin weerar kala kulmay qoys uu gabar ka guursaday.

Ninka la wareeraray ayaa loogu tagay garaash gaadiidka lagu sameeyo oo ku yaala agagaarka isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid waxaana soo gaaray dhaawacyo kadib markii Mindi, Faas iyo agabyo kale ku dhaceen.

Ciidamo boolis ah oo ka agdhawaa goobta uu weerarka ka dhacay ayaa badbaadiyay ninkaan Alle ka Soke sida ay ii sheegeen dadka degaanka.

Saraakiil ka tirsan Booliiska degmada Yaaqshiid iyo maamulka degmada ayaa ii xaqiijiyay falkaan ka dhacay Fagax waxayna sheegeen in ay baaritaan wadaan.

Rag hubaysan oo la sheegay iney cabsanaayeen ayaa caawa rasaaseeyay shaqaale ka tirsan dowladda hoose, xilli ay xaaqayee...
30/11/2019

Rag hubaysan oo la sheegay iney cabsanaayeen ayaa caawa rasaaseeyay shaqaale ka tirsan dowladda hoose, xilli ay xaaqayeen laamiga bartamaha Gaalkacyo oo ciid badan qarisay.

Waaxda fayadhowrka dowlada hoose ee degmada Galkacyo ayaa bilowady olole Nadaafadeed oo lagu xaaqayo boorka  laamiga wey...
30/11/2019

Waaxda fayadhowrka dowlada hoose ee degmada Galkacyo ayaa bilowady olole Nadaafadeed oo lagu xaaqayo boorka laamiga weyn ee xili roobaadkuu saameeyay

waxana sida shaqadu usocoto kormeer ku tagay duqa degmada Gaalkacyo Sahid Mohamud Ali, taliayah Ciidanka Dawlada hoose ,qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka

Duqa Ayaa Sheegay in shaqadu xilkasta soconayso....

Waxaa Sidoo kale loogu baaqayaa Shacabka Gaalkacayana inay ka qayb noqdaan dareemaana Lahaanshaha Magaalada....

Wasiirkaa  Wasarada Hormarinta Biyaha Somaliland Sulayman Yusuf Koore Ayaa Maanta Si Baladhan Loogu Soo Dhaweeyay G.Xays...
30/11/2019

Wasiirkaa Wasarada Hormarinta Biyaha Somaliland Sulayman Yusuf Koore Ayaa Maanta Si Baladhan Loogu Soo Dhaweeyay G.Xaysimo Casimadiisa Magalada Tariikhiga Ah Ee Taleex Waxaana Soo Dhaweeyay Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan

Wasiirka Wasarada Hormarinta Biyaha Somaliland Ayaa Ugu Mahadceliyay Sida Bulshada Reer Taleex Ay U Sop Dhaweeyay Waxaana Uu Sheegay In Taleex Ay ka Socdaan Ku dhawaad 5 Mashruuc Oo Ay Wado Wasarada Biyaha

Waxa Kale Oo Wasiirku Sheegay In Mashariic Badan Ay Qorshaha Ugu Jirto Magalada Taleex Lana Keeni Doono

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax barre ayaa macalimiinta u diiwaan gashan wasaaradda waxa uu ku amray in Account...
30/11/2019

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax barre ayaa macalimiinta u diiwaan gashan wasaaradda waxa uu ku amray in Account cusub ay ka furtaan Bank Amana oo Niman qaraabadiisa ah (Qabiilkiisa) ay leeyihiin.

Goodax barre ayaa sheegay in macalliinkii aan ka furan Account Amana aan lacag lasiin doonin weliba qaab qasab ah.

Goodax Qaraabadiisa Bank ay leeyihiin ayuu si sandulle ah (Qasab ah) ugu qasbayaa in ay u furtaan si faa'iido macalimiinta looga helo Bank-gaas.

Macalimiintii ugu badnaa ayaa caawa isoo wacay iyagoo cabasho ka ah qaabka qabiilaysan ee loo qasbayo.

Meydkan Isbitaalku waa diiday in uu qabto.Waa qof shacab ah oo daqiiqado kahor ay dileen Ciidanka dowladda ee ilaaliya M...
30/11/2019

Meydkan Isbitaalku waa diiday in uu qabto.

Waa qof shacab ah oo daqiiqado kahor ay dileen Ciidanka dowladda ee ilaaliya Madaxtooyadda Soomaaliya, kadib waxaa dhacday in Moota Bajaajle uu soo qaaday alle dartiis maadaama wax qaada la waayey.

Kadib waxaa dhacday in isbitaalka uu keenay si ugu yaraan loo xanaaneeyo Meydka, balse isbitaalka ayaa diiday in uu qabto meydkaas.

Ciidankii falkaas dilka ah geystay ayaa weli si caadi ah isaga shaqeysanaya, xitaa ma moodaan dil iska daaye in xabadi ka fakatay oo way shaqeynayaan iyagoo qoslaya.

Haddii qof ka shaqeeya dhismaha oo ehelkaaga ah aad ku tabayso dhanka Sayidka raadso hadda waayo qofka la dilay maryihiisa waxaa ka buuxa shamiito, taasoo ugu yaraan muujinaysa in dhisme uu ka shaqeynayey.

DEG DEG RASAAS KA SOCOTA XARUNTA BAARLAMAANKA  . Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa sku rasaaseeyey xarunta baarlamaanka Pu...
06/11/2019

DEG DEG RASAAS KA SOCOTA XARUNTA BAARLAMAANKA .

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa sku rasaaseeyey xarunta baarlamaanka Puntland.

Ciidamada israsaaseyey ayaa ka kala tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo ciidamada ilaalada Baarlamaanka Puntland,.

Israsaaseynta ayaa timid kadib markii xarunta baarlamaanka ay weerareen ilaalada madaxtooyada.

Isku dhaca ciidamadaan ayaa imaanaya xilli la hadal hayo mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland kaas oo ay la sheegay inay horkacayso madaxtooyada Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta 3 Berri fasaxay Baarlamaanka, waxaana la sheegay in arrintaas looga hortagay mooshin la hor geyn rabay Baarlamaanka.

Weli ma jirto cid ka hadashay is rasaaseynta ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Puntland lamama helin Khasaaraha ka dhashay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan kala soco.

Address

Garowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Shacabka Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category


Other Media Agencies in Garowe

Show All

You may also like