Maxamud faysal xasan

Maxamud faysal xasan Soo dhowaada halakan waa Boga Rasmiga ah ee aan leeyahay.

02/08/2023

Caqabadaha waxbarashada iyo Talada Macalin Cismaan.
Episode 1

Waxaan Xalay ka qaybgalnay Gorfaynta buugga UMMADAHA JIRRABAN oo uu turjumay Aadan-badiic Salaad Dalboon.Waa buggii ugu ...
16/11/2022

Waxaan Xalay ka qaybgalnay Gorfaynta buugga UMMADAHA JIRRABAN oo uu turjumay Aadan-badiic Salaad Dalboon.

Waa buggii ugu horeeyey ee lagu gorfeeyo Maktabad Dadweyne oo ay Carmo Yeelanayso.

Waxa uu Qoraagu ku qaaraamay wax soo saarkiisa qoraal iyo dhiganayaashiisa.

Shirkadaha wax Daabaca ee Hiil Press iyo Qalinmaal Publishing oo dad badan oo macamiil ah Carmo ku lehna qaaraankooda ku aadan maktabada waa la sugaaya.

27/10/2022

Waxaan maanta booqday maktabad dadweyne oo Carmo laga hirgelinaayo,waxaan talo ahaan u soo jeediyey in loogu Magacdaro Maamulihii H**e ee Iskoolka Xaaji Salaad ahaana guddoomiyihii waxbarashada Degmada Carmo sidoo kalena soo noqday Agaasimihii Bosaaso Airport Axmed Siciid Saalax AHUN si loogu Xasuusto dedaalkiisi.

21/10/2022

Fanashada buuraha isku daranka Toga dhud iyo durdur .

Dhoodidii Bari .

16/10/2022

Waxaan soo dhoweeyey doorasho qof iyo cod ah oo Puntland ka dhacda.

Geedi Caano leh iyo Carmo.

08/09/2022

Si loo yareeyo samaynta ka dhalatay isbedelka Cimilada adduunka ,ma idiin qorshaysntahay in aad dhismaha waddooyinka Carmo aad dheeg wadaan hanaan lagu Cagaarinaayo waddooyinka?

Waxaan Su'aalahaas iyo kuwo kale hordhigay Nabadoon Siciid warsame oo ah Gudoomiyaha Dhismaha wadooyinka Carmo Qaybta guddiga Carmo.

17/08/2022

Ma kuu muuqata in dhisamaha wadooyinka Cusub la dheeg wado hanaan istaraatijiyadeed oo wadooyinka lagu Cagaarinaayo?

Waxaan Su'aasha iyo Su'aalo kale hordhigay xoghayaha magacaaban ee Deg Ceelaayo Hiirad Maxamud Salax oo Carmo ku sugan.

05/08/2022

Waraysi aan la yeeshay Cabdi jiir oo ku saabsan doorka ganacsatada ee horumarinta Waddooyinka Carmo.

05/08/2022

Waraysi aan la yeeshay barihii Banaanka oo ku Saabsan doorka Macalimiinta ee horumarinta Waddooyinka Degmada Carmo.

05/08/2022

Waraysi aan la yeeshay kabtan Xujaale oo ku saabsan doorka dhalinyarada ee horumarinta wadooyinka Carmo.

12/04/2022
13/02/2022

Sida moobil ilig uu ku hadhay,idil dabkiisiiba
Oo inuu iftiin waayo iyo damid ka ooyaaya
Oo jaajar aan kuba ogayn Aaga iyo meesha
Urugooday muunaay kolkaan waayay aragaaga

Cabdirisaaq-Anta Cali Xuseen

08/02/2022

"Mataaney
Ma seexdee
Mirtii baan
Muskiinii
Ku meeraa.."Maxamed A.Ciiraale

08/02/2022

Gobonimo kolkay baahatee guni wax siinayso
Wajigay gacmaha saarataa saana loo garan!

Af magaaxshe!

08/02/2022

"Tariikhdu waa qoran
Nin qaldaa ma sixi karo
Sida qalin rasaaskiyo
Qaajeerta lama tiro
Qoomaal ma xadi Karo
Qawlena ma dhici karo
Qallooc kii ku taartana
Qandho wawga kulushahay
Ninka maanta qooq wado
Berri qomamow taal" Maxamed.A.Ciiraale

06/02/2022

KHABIIR WAXBARASHO OO MAGACIISA LA YIRAAHDO KALBUNYAANI ,WARAYSI AAN LA YEESHAY.

Copy Right: Maxamud faysal xasan

30/01/2022

ABWAAN FARMAAJO TAGEERAY OO GABAYNA KU DIFAACAY OO AAN SU'AALO KULUL WEYDIIYEY.

26/12/2021

"Haaji salaad bay ku hoortay heegaduyee"

Ardayda Iskoolka Haji salad Carmo oo macalimiintooda hees ku dhiirigeliyay.

πŸ“ΉBarkhad Guul-San

23/12/2021

Booyadaha iyo Bakhaarda Carmo waa in ay Biyaha iyo Cuntada aanay Falis ku darin.

Boolisku waa in ay gudaha dhigaan ganacsdihii isku daya in uu shacabka soo barakacay ka macaasho.

23/12/2021

Maamulka iyo Shacabka Carmo waa in ay xil wayn iska saaraan dadka ka soo barakacay Colaada Bosaaso ee magaalada soo gaaray.

Waa in dhamaan goobaha dadweynaha ay furnaadaan si ay dadku u degaan.

Waxaa xiligakan sida caadada ah habeenkii iyo subaxdii Carmo ka dhaca dhaxan aad u daran waa in misaajidyadu ay furnaadaan si dhaxanta looga galo ,waa in aysan dhicin in misaajid la xiro dadkiina ay darbigiisa dhaxani ku hayso.

Ugu yaraan reer weliba waa in uu Reer kale madaxa saartaa si dareenka loola wadaago dadkaas colaadu saamaysay.

Qofkii laba buste haystay waa in uu ugu deeqo dadkaas ,kii jaakado haystayna sida oo kale.

JIMCE MUBARAK.
16/12/2021

JIMCE MUBARAK.

Address

Wadajir
Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxamud faysal xasan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maxamud faysal xasan:

Videos

Share

Category