Puntland Online 24

Puntland Online 24 Welcom Maanhadal Media Pro

“Turkiga iyo Qatar waxay si toos ah dagaal ugu soo qaaday Puntland iyo Jubaland, balse shacabka Puntland iyo waxgaradkoo...
13/01/2026

“Turkiga iyo Qatar waxay si toos ah dagaal ugu soo qaaday Puntland iyo Jubaland, balse shacabka Puntland iyo waxgaradkoodu waxay xaq u leeyihiin in arrimahan si madaxbannaan uga tashadaan.

Go’aanka caawa lagu dhawaaqay ee lagu sheegay in lagu xirayo dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo waa cunaqabateyn kale oo culus, taasoo dhaawaceysa dhaqaalaha, nabadda, iyo horumarka bulshada.

Annaga oo ah Puntland, waxaan si cad u muujineynaa in dagaalkaas caalamiga ah uu sii kala fogeynayo Soomaaliya, waxaana ku baaqeynaa in xal nabadeed iyo wadatashi lagu gaaro arrimahan, halkii laga abuuri lahaa xiisad iyo khilaaf dheeraad ah.

Sidoo kale, waxaan si adag ugu baaqeynaa Turkiga iyo madaxda Qadar inay faraha kala baxaan arrimahan Soomaaliya ku saabsan, oo aysan faragelin ku samayn, gaar ahaan arrimaha uu Xasan u yeerayo.”

XIL. H**e CABDI BARE JABRIIL

Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood oo dhowaan laga qaaaday xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa  si ad...
03/01/2026

Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood oo dhowaan laga qaaaday xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa si adag ula hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya

"Dadka reer Sool iyo Sanaag waxay naf, maal iyo waqti ku bixiyeen midnimada Soomaaliya, waxayna si sharci ah u yagleeleen dowlad goboleed xubin ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Arrinka isi soo taraya ee ah in Dowladda Federaalku ku gorgortameyso dhameystirka aqoonsiga Waqooyi Bari waa dhiillo cusub oo haddii aan laga waantoobin aan la ciribteeda mahdin doonin. Haddii todobaadyada socda masuuliyiinta
Federaalku gaari waayaan go’aan k**a dambeys ah, shacabka iyo masuuliyiinta deegaankan oo hadda ubuc u ah loollanka gobolka ka billowday waxay si dhab ah uga tashan doonaan aayahooda,,

Dawladda Puntland ayaa xabsiga Boosaaso u dhaacisey ilaa sagaal qof oo laga soo qabtay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag...
16/12/2025

Dawladda Puntland ayaa xabsiga Boosaaso u dhaacisey ilaa sagaal qof oo laga soo qabtay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag, kuwaa oo ku eedaysan in ay abaabulayeen xaflad lagu taageerayo Somaliland.

Dadka la xidhxidhay ayaa waxa ku jira Taliyihii Booliiska Badhan ee SL, sawirqaade & dad kale.

Somaliland ayaa maalin ka hor degmooyinka Baran & Laasqoray u magacowday maayirro cusub balse waxa la xaqiijiyey in aysan ka mid ahayn dadka ay PL xir xirtay.

Waa markii u horreysey ee muddooyinkan danbe oo Puntland qaadayso tallaabo ka dhan ah dhaqdhaqaaqa Somaliland ee gobolka Sanaag.

CALMISKAD; Maxbuus "waxaan kasoo safray Tanzania, waxaan imid Puntland anigo markii h**e soomaray Kenya iyo Ethiopia, aw...
12/12/2025

CALMISKAD; Maxbuus "waxaan kasoo safray Tanzania, waxaan imid Puntland anigo markii h**e soomaray Kenya iyo Ethiopia, awoodayada maanta Waa dhamatay Dharjaale Naga sokaxaysen baalade nakeenteen, gaajo darana jirta dameeraha qalana, ciidamada Puntland waxaay noola mid yihiin yuhuuda" NASUR ALI JUMA xagjir wayn oo ISIS ah ayaa kawaranay meshu Somalia kaso galay waqtigu joogay isagoona fariin u diray Argagixisada DCSH.

Nasur ayaa muuqaal laga duubay maanta kaga waranay arimo Kala duwan waxaa uuna wali Ku sugan yahay calmiskad..

12/12/2025

Nasir Ali Juma waxa uu Argagaxisada ka tirsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxa uu ka mid ahaa 4 kooxda DCish ka tirsan oo Ciidankii saddexdii kale ay dileen, isaga ayaana loo soo dhaadhiciyay Bosaso.

Taliye Col Raage Qacle Oo Kasoo Kabtay Dhaawac kasoo gaaray Dagaaladii Baalade lagu galay ayaa Berri Kusoo Aadan Magaala...
10/12/2025

Taliye Col Raage Qacle Oo Kasoo Kabtay Dhaawac kasoo gaaray Dagaaladii Baalade lagu galay ayaa Berri Kusoo Aadan Magaalada Garowe , Kornaylka Ayaa Dhaawiciisa loo Qaaday Dalka hindiya Halkaas ayuuna ku Sugnaa 5-tii Bilood ee u Dambaysay.
Balidhidin Media

Deegaanka Dhidigale: Ciidamada difaaca Puntland ayaa dilay saddex kamid ah  Firxadka argagixisada DCSH oo u kala dhashay...
10/12/2025

Deegaanka Dhidigale: Ciidamada difaaca Puntland ayaa dilay saddex kamid ah Firxadka argagixisada DCSH oo u kala dhashay Moroco, Ethiopia iyo Somalia, ayagoona nolosha ku qabtay nin oo u dhashay Tanzania.

09/12/2025

SAWIRO ka turjumaya Nabadda Puntland iyo Ciidanka difaaca ee dagaalka kula jira Argagaxisada oo lagu xardhay,Sawiray Qaybo ka mid ah Garowe” .

06/12/2025

Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa Hab casriya udhisaysa laamiga Hal-bowlaha ah ee Garoowe gaar ahaan inta udhaxaysa Aargada Bangiga Dowladda ilaa Buundada Meeraysane.

Laamigaan ayaa loo samayn labo dhinac oo baaburtu marto, Dhirayn Casriya iyo goobtii dadwaynuhu mari lahaayeen.

Shirkada TTN ayaa dhisaysa Laamigaan casriga ah waxa uuna ka qeyb qaadan kor uqaadista Bilicda Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

03/12/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka dowladda Puntland Ahmed naxar ayaa magaalada Garowe ka daah furay shir ku saabsan isku dubaridka arrimaha bani-aadantinimada iyo Digniinta qadiman (area based coorndination for early warning systems).

“Intaad ku mashquulsan tahay, hadallo aan miis lahayn oo ku saabsan ‘Reer hebel baa kursi haysta”maxaa ka reebaya inaad ...
30/11/2025

“Intaad ku mashquulsan tahay, hadallo aan miis lahayn oo ku saabsan ‘Reer hebel baa kursi haysta”maxaa ka reebaya inaad ka hadasho dagaalka culus ee ka socda CALMISKAAT”

CALMSIKAAT waxaa lagu Xoraynayaa Xildhibaan Shiikh Aduun Walaalihiis,adeeradiis iyo shacabka deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Waa foolxumo siyaasadeed oo aan marmarsiiyo lahayn in dadka difaaca u huray dhiiggooda uu Shiikh Aduun ku galgasho sharaftooda,halkii uu hoggaan,garab iyo dhiirrigelin u siin lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada Daacish-cadawga ugu halista badan ee gobolka bari dhibka ku haya”. Ayuu yiri Xildhibaan h**e Abdibare Jabriil oo si adag u dhaliilay Xil.Shiikh Aduun. Aragtidaada?

"Caasimadda Puntland Garoowe.Garoowe kasokow inay tahay Caasimadda Dowladda Puntland sidoo kale waa magaalo ka tirsan Go...
30/11/2025

"Caasimadda Puntland Garoowe.

Garoowe kasokow inay tahay Caasimadda Dowladda Puntland sidoo kale waa magaalo ka tirsan Gobol’ka Nugaal Lana mid ah magaalooyinka Gobolada kale ee aynu qabiilka iyo reer reerka u deg’no, Garoowe waxaa ilaahay ku a buuray oo ‘majority’ ka ah tol’kay Ciise Maxamuud ceeb’na maaha inay iyagu ubataan xilal’ka Degmada si la mid ah magaalooyinka kale ee Bosaso ,Qardho,Badhan,Dhahar,Galkacyo iyo Caluula waana Sune la mid ah magaalooyinka kale marka lagama had’layo awoodaha Degmada.

Mid kale waa dhihi kar’naa hala sameeyo xeerka Caasimada kaas oo suurta galinaya in qabiilada kale ay si lamid ah tol’keen ay u helaan xilalka hoose ee Degmada ogow’na Garoowe “mayor” ku xigeen’ka , Agaasimayaasha Degmada iyo Talis’yada qayb’tood waxaa jooga qabiilo kale oo aan ahayn Ciise maxamuud, marka ay’nu buuqa ka yaray’no Caasimada.

W/Q: Aqoonyahan/Siyaaai Sayga Ruuska oo ka tirsan Xisbiga Kaag

Address

Garoowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Online 24 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

News and Entertainment

Ku soo dhawow Page kan walal waxaan kuu soo gudbinaynaa Wararka, Ganacsiga iyo Madadaalada.