Kulmiye Post

Kulmiye Post Ku xirnow Kulmiye Post si aad u hesho wararka caalamka

Ciidanka Booliska Puntland oo gudanaya waajibaadka  ka saaran badbaadinta Nafta iyo Hantodooda ayaa ku guulaystay Inay g...
12/12/2023

Ciidanka Booliska Puntland oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta Nafta iyo Hantodooda ayaa ku guulaystay Inay gacanta ku dhigaan eedaysane Jaamac Aadam oo 25 November 2023 ka dhacay magaalada Garowe gaari nooca loo yaqaan Laylo.

Ciidanka Booliska oo markiiba bilaabay howlgal lagu sooqabanayo gaariga iyo eedaysanahii dhacay iyagoo gacanta ku soodhigay Waxaana la horgeyndoonaa Maxk**adda awooda u leh.

: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

Alle ha u naxariistee 4 qof ayaa ku dhintay 6 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhexeysa degmada...
11/12/2023

Alle ha u naxariistee 4 qof ayaa ku dhintay 6 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhexeysa degmada Sallaxley iyo Banka Qool-cadey.
Shilkan ayaa waxa sababay laba gaadhi oo isku dhacay kuwaas oo kala ahaa dhayne iyo calaawi.

Caafimaadku Waa Shay Qaali ah Runtii. Labadaan Sawir Markaad isku Fiirisid Maxaad Dareemaysaa 🥲 Alle Caafimaad Taam ah H...
11/12/2023

Caafimaadku Waa Shay Qaali ah Runtii. Labadaan Sawir Markaad isku Fiirisid Maxaad Dareemaysaa 🥲 Alle Caafimaad Taam ah Ha Siiyo Walaalkeen.

11/12/2023

Abwaan Faarax Cali Nuur : "SSC Daleel lagama helin oo Dollar lama siisan, Danabiyo halyeeyaa u baxay duub-cad aan curane, Kana da'a weyn wax lala Dhuunto oo lala Dilaashaaye ka Digtoonaada Barbaarey war baa idin ka diimooone"

Kulmiye Post

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, xubno ka...
11/12/2023

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda ayaa Caawo kulan is-xogwaraysi ah la qaatay Odeyaasha Dhaqanka iyo Haldoorka bulshada Degmada Widhwidh.

Odeyaasha iyo Haldoorka reer Widhwidh ayaa ugu horreyn Weftiga uga warbixiyay xaaladda Guud ee Demada Widhwidh iyo deegaannada hoos yimaadda. Iyagoo sidoo kalana Maamulka u jeediyay talooyinka iyo aragtiyada ku aaddan sidii adeegyada Maamulka looga hirgalin lahaa Widhwidh iyo deegaamada hoostaga.

Sidoo kale Bulshada reer Widhwidh ayaa hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin, horena ugu ahaayeen difaaca deegaannada SSC-Khaatumo iyo taageerada Maamulka SSC-Khaatumo.

Kulanka waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Xubno ka tirsan Golaha Fulinta, xildhibaano, Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha Maamulka ayaa dhankiisa reer Widhwidh warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegannadda iyo horumarka uu samaynayo Maamulku. Isagoo sidoo kalana ku ammaanay sida ay reer Widhwidh qayb lixaadleh uga qaateen halgankii deegaannada SSC-Khaatumo.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa shacabka iyo Haldoorka reer Widhwidh uga mahadceliyey soo dhawayntii diirranayd ee ay u sameeyeen weftigiisa, isagoona ballanqaaday in adeegyada iyo hay'daha maamul ee dawliga ahi ay si dhammaystiran uga hawl-geli doonaan Widhwidh.

Aqoonyahan daljoog ah, kana mid ah asaasayaasha mid kamid ah Jaamacadaha dalka, Eng.Maxamed Sh.Cali Cabdi ayaa shaaca ka...
11/12/2023

Aqoonyahan daljoog ah, kana mid ah asaasayaasha mid kamid ah Jaamacadaha dalka, Eng.Maxamed Sh.Cali Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in uu u sharraxan yahay xildhibaann Baarlamaanka 6'aad ee Puntland.

11/12/2023

DEGDEG : Ciidamo ka hor yimid Safarka Madaxweyne Firdhe, ee Gobolka Cayn.

Kulmiye Post

Mid kamid ah Aqoonyahannada wax ku soo bartay dalka Itoobiya (Cabdirisaaq Boqolle) ayaa ku dhawaaqay in uu sannadka u sh...
11/12/2023

Mid kamid ah Aqoonyahannada wax ku soo bartay dalka Itoobiya (Cabdirisaaq Boqolle) ayaa ku dhawaaqay in uu sannadka u sharraxanyahay Xildhibaan Golaha wakiilada Puntland ee Gobolka Bari laga soo doorto. .

11/12/2023

Riwaayad Gaaban : Cali Saleebaan & Siwaaqroon 17kii Dhulbahante waa ku wareereen .

Ololaha Doorashada Puntland: Nabadoonada, Odayasha, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta & shakhsiyaadka u sharaxan  barlamaanka ...
11/12/2023

Ololaha Doorashada Puntland: Nabadoonada, Odayasha, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta & shakhsiyaadka u sharaxan barlamaanka 6aad ee Puntland ee beesha Bah-awrtable ayaa gogol ay kaga codsanayaan xubin xildhibaan ugu dhigtay nabadoonadda iyo waxgaradka beesha Muuse Ciise, Ciise Maxamuud.

Nabadoonadda dhaqanka ee beesha Muuse Ciise ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay codsiga qabiilladu mudan yahay tixgelintiisa, iyada oo kuraastana si talo wadaag ah oo beeshu qayb ka tahay looga arinsandoon.

Gaalkacyo: Musharax Madaxweyne Dawlada Puntland Ambassador Axmed Ciise Cawed, ayaa kusoo wajahan magaalada Gaalkacyo ee ...
11/12/2023

Gaalkacyo: Musharax Madaxweyne Dawlada Puntland Ambassador Axmed Ciise Cawed, ayaa kusoo wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo Ololihiisa uu si rasmi ah ugu daahfuri doono.

Musharax Cawed ayaa si rasmi ah ugu daahfuri doona ololihiisa musharaxnimo gobolka Mudug isagoo socdaal ku tegi doona gobolo kala duwan oo Puntland ah.

Kulmiye Post

  Gudoomiyaha Gobolka Raas Casayr "Gabi ahaanba waa in aysan Gobolka soo galin cid aysan ogayn masuuliyiinta gobolku aja...
11/12/2023

Gudoomiyaha Gobolka Raas Casayr "Gabi ahaanba waa in aysan Gobolka soo galin cid aysan ogayn masuuliyiinta gobolku ajaaniib iyo hayadaba"

Hey'adda Tadaamun oo samaynaysa Indhofiiqis lacag la'aan ah, Boosaaso iyo Garoowe
11/12/2023

Hey'adda Tadaamun oo samaynaysa Indhofiiqis lacag la'aan ah, Boosaaso iyo Garoowe

Fanaan Axmed Cali Cigaal oo ka digay dadka heesihiisa copyright-ka ku Xidhinaya:-“Waa ayaan darro weyn in Fanaan nool iy...
11/12/2023

Fanaan Axmed Cali Cigaal oo ka digay dadka heesihiisa copyright-ka ku Xidhinaya:-

“Waa ayaan darro weyn in Fanaan nool iyo mid geeriyoodayba Suugaantooda "Copyright" lagu xirto waliba shaqsi aan lahayn uu ku xirto taas oo ah b**b cad.” Ayuu yiri Fanaanka Caanka ah ee Axmed Cali Cigaal.

Kulmiye Post

 : Waxaa Magaalada Wardheer ee xarunta Gobalka Doollo Galabta lagu soodhaweeyay arday dhan 150 arday oo Puntland ka timi...
11/12/2023

: Waxaa Magaalada Wardheer ee xarunta Gobalka Doollo Galabta lagu soodhaweeyay arday dhan 150 arday oo Puntland ka timid una Socda Jaamacadaha Dalka Itoobiya oo ay ka Heleen Deeq waxbarasho.

Shirkada SUPER ayaa fududaysay In ay Ardayda Qaado Garowe ilaa Jigjiga.

Wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha degmada Wardheer Cabdillaahi Deeq Beercad ayaa si wayn ugu soodhaweeyay banaanka magaalada ardayda.

📷 Sunni Gaagaab

The new generation of SSC Khatumo
11/12/2023

The new generation of SSC Khatumo

Jawaab celinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland  ee go'aankii ay soo saareen xubno kamid ah Maxk**adda Dastuuriga ah ...
11/12/2023

Jawaab celinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee go'aankii ay soo saareen xubno kamid ah Maxk**adda Dastuuriga ah ee DPL, kaas oo kasoo horjeeda Qodobada 25-aad, 89-aad iyo 94-aad ee Dastuurka DPL iyo xeerka Maxk**adda Dastuuriga ah Qodobadiisa 10-aad iyo 12-aad.

11/12/2023

Weriye, Xildhubaan mise Gudoomiye Xisbi Dhaashanae dhankee u raacnaaa?

Cabsi Cabsi ilaalada sida gaarka ah u tababaran ee Madaxweyne Firdhiye u galbiyey Buuhoodle.
11/12/2023

Cabsi Cabsi ilaalada sida gaarka ah u tababaran ee Madaxweyne Firdhiye u galbiyey Buuhoodle.

Kabatan Ayuub, oo shaaciyey inuu yaha Musharax Xildhibaan doorashada 2024-2029 ee PuntlandWaxaan u taaganahay matalaada ...
11/12/2023

Kabatan Ayuub, oo shaaciyey inuu yaha Musharax Xildhibaan doorashada 2024-2029 ee Puntland

Waxaan u taaganahay matalaada Gobolladayda ma ahi mid jifi matalaya ee waxaan ahay mid gobol matalaya, ma ahi mid masiirkiina gadan kara oo calooshiisa lafil ah sida aad igu taqaanan.

Hadaan waayey dimuqradiyad inaan dadkayga ku matalo miyaan waayi karaa inaan 66-da mid kamida noqdo oo aan gobolkayga ku matalo.?

Waxaan balan ku qaadayaa danta Puntland iyo danta Gobolkayga inaan u adeego.

Xasan Sheikh iyo Adeegayaashiisaba waxaan leeyahay balanteenu waa hoolka iyo 8/Jan/2024☝️

11/12/2023

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo ka hadlay ka bixista Puntland: “Go’aankeenii iyo taladdeenii soo baxday 6-dii february ee lagu gu’doonsadey inaan maamul dhisano waa halkiisi waa lama taabtaan, maamul aynu leenahay oo aan xaga iyo xaga toona laga jirin baynu haysanaa. Waxba ku beddelan mayno, meel kalana k**a mid noqonayno, cidna ula tegi mayno”.

11/12/2023

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland Xasan Maxamed Xasan Goodir, oo ka hadlayey Wareejinta Warshad soo saari doonata Calafka Xoolaha oo La Siiyey Iskaashatada Beeralayda Degmada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

11/12/2023

Wafdiga Madaxda SSC-Khaatumo oo lagu soo dhaweeyey deegaanada Dhabansaar iyo Balli-hadhac .

11/12/2023

Gudoomiyaha Dallada Mucaaradka Puntland Farax Cali Shire ii oo yaabsaday dadkii ka qeybgalay shirka Dawlad wanaaga Puntland ee PUNSAA

11/12/2023

Xildhibaano weeraray Gudoomiyaha Barlamanka iyo xiisad ka tagan barlamanka

DEGDEG: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa 'keligii talisnimo' ku eedeeyey iyo awood marooqsi' Madaxwey...
11/12/2023

DEGDEG: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa 'keligii talisnimo' ku eedeeyey iyo awood marooqsi' Madaxweyne Deni.

Tani waxa ay imanaysaa xilli laysku-mari la'yahay muddo-kororsi sannad ah oo ay Baarlamanku samaysteen ka dib guddoonkii isimmada SSC-khaatumo, iyada oo Guddoonka Baarlamanka & Karaash ay taageersan yihiin muddo-kororsiga.

Garaad Maxamed Garaad Cabdullaahi Cali-Ciid  oo kulan la qaatay  Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax  iyo Beeldaaje I...
11/12/2023

Garaad Maxamed Garaad Cabdullaahi Cali-Ciid oo kulan la qaatay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin .

Sawirro Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland   oo ku  Wareejisay Warshad soo saari doonta Calafka Xoolaha oo L...
11/12/2023

Sawirro Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland oo ku Wareejisay Warshad soo saari doonta Calafka Xoolaha oo La Siiyey Iskaashatada Beeralayda Degmada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

11/12/2023

Buuq ayaa hareeyey kulan Degdeg ah oo Baarlamaanku Puntland yeeshay.

Naadiga yar ee Girona ayaa xalay xasuuqday Naadiga weyn ee Barcelona ka dibnala wareegtay hogaanka Laligaha Spain.Barcel...
11/12/2023

Naadiga yar ee Girona ayaa xalay xasuuqday Naadiga weyn ee Barcelona ka dibnala wareegtay hogaanka Laligaha Spain.

Barcelona, iyo Macalinkooda Xavi, ayaa wajahaya guuldarooyin is daba joog ah Xilli Real Madrid iyadana Taako loo dhigay.

 : Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhammaystiray liiska xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo uu sh...
11/12/2023

: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhammaystiray liiska xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo uu shaacin doono saacadaha soo socda.

Guddiga ayaa sida la sheegayo u badan xubno ka tirsanaa hay'adaha kala duwan ee dowladda iyo xubno laga keenay guddigii doorashada ee PEC.

Xubnaha diyaarsan oo liiskooda la shaacin doono ayay qaarkood si weyn siyaasadda isugu hayaan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in la filan karo dhinaca Mucaaridku in ay diidmo ka muujiyaan guddiga maadaama ay ku jiraan xubno ay aad isu hayaan.

11/12/2023

DEG DEG: Baarlamaanka Puntland ayaa leh fadhi xasaasi ah kadib markii shalay maxk**ada dastuuriga ah burisay ansixintii mudo kordhinta 1 ka sano ahayd.

Send a message to learn more

11/12/2023

Madaxweyne Firdhiye iyo Dareenka Ardayda SSC Oo saaka Manhajka Waxbarashada loo daah Furayo

Siyaasi Axmed Siciid Aw-nuur oo xilal kala duwan ka qabtay Puntland ayaa shaaca ka qaadaya in uu u taagan yahay xilka Ma...
11/12/2023

Siyaasi Axmed Siciid Aw-nuur oo xilal kala duwan ka qabtay Puntland ayaa shaaca ka qaadaya in uu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Puntland.

Siyaasi Aw-nuur ayaa ahaa mucaarid madaxbannaan, intii uu taagnaa khilaafka doorashada.

Magaalada Garoowe, waxa lagu qabtay shir looga hadlay Dawlad wanaagga Puntland oo ay soo qaban-qaabiyeen Dallada Bulshad...
10/12/2023

Magaalada Garoowe, waxa lagu qabtay shir looga hadlay Dawlad wanaagga Puntland oo ay soo qaban-qaabiyeen Dallada Bulshada Rayidka ee PUNSAA iyo Ergooyinka Nabadaynta ka shaqaynaya.

𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝘅 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗙𝗮𝗿𝘅𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗫𝗶𝗿𝘀𝗶 𝗠𝗮𝘁𝗮𝗮𝗻 ayaa ku dhawaaqday inay u taagan tahay helida kursi ay bulshada ugu ade...
10/12/2023

𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝘅 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗙𝗮𝗿𝘅𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗫𝗶𝗿𝘀𝗶 𝗠𝗮𝘁𝗮𝗮𝗻 ayaa ku dhawaaqday inay u taagan tahay helida kursi ay bulshada ugu adeegto.

Mohamed Ahmed Yusuf (CAGEY ayaa shaaciyay in uu yahay Mushrax Xilibaan Puntland 2024.Aniga oo ah Mr. Mohamed Ahmed Yusuf...
10/12/2023

Mohamed Ahmed Yusuf (CAGEY ayaa shaaciyay in uu yahay Mushrax Xilibaan Puntland 2024.

Aniga oo ah Mr. Mohamed Ahmed Yusuf (CAGEY) waxa aan si rasmi ah ugu dhawaaqaya inaan ahay musharrax xildhibaan golaha wakiilada ee Dawladda Puntland ee (2024-2029).
In ka badan 14 sano oo aan bulshada reer Puntland ugu shaqaynayay doorar kala duwan waxa aan garawsaday baahida ay dadweynaha reer Puntland u qabaan matalaad leh aragti cusub iyo adeeg bulsho.

Markaan dhegaystay talo soojeedinti aqoonyahanada, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada, cuqaasha, ganacsatada, qurba joogta,sports iyo culumada. Waxaan go’aansaday inaan isu soo taago musharrax xildhibaan golaha wakiilada Dawladda Puntland.
Waxaan ahay aqoonyahan u dhuun daloola xaaladaha, Waxbarasho, Caafimaad, Amni, Deegaan, Dhaqan –Dhaqaale ee shacab weynaha Puntland. Waxa aan kaso shaqeeyay 22 Degmo iyo 48 tuulo 117 dugsiyo hoose, dhexe iyo sare, 3 Jaamacadood iyo 4 shirkado ganacsi gaar loo leeyahay.
Doorarki ugu mudnaa ee aan kaso qayb-qaatay wax aka mid ahaa horumarinta iyo maamulka shirkadaha ganacsiga, kobcinta Waxbarashada, Biyaha, Horumarinta Caafimaadka iyo gaarsiin adeegyada gargaar bini aadantinimo, taasi waxa ay awood iisiisay inaan baahiyaha shacabka Dawlada Puntland ka arko dhinacya kala duwan oo ay adag tahay in dadka badanki ay awoodaan.
Hadaba, waxa aan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan isimada dhaqanka, nabadoonada, cuqaasha, dhalinyarada iyo haweenka ka codsanaya in ay igu taageeraan xaqiijinta aragti cusub iyo adeeg bulsho oo aynu si wadajir ah u xaqiijino gaarista dimuqraadiyad taabagal ah Puntland oo dhan.

Mahadsanidiin

10/12/2023

Hooyo Wiil kaga Xanunsan yahay Turki🇹🇷 oo caawi maad ka rabta Soomalida iyo dadka Ilaahay Xoolo siyay.

+252904146822

Fadlan Walaal faa

Chelsea, oo si xun u kuftay iyo Cty oo dirqi ku badbaaday Premier league oo la isku dhagan yahay.
10/12/2023

Chelsea, oo si xun u kuftay iyo Cty oo dirqi ku badbaaday Premier league oo la isku dhagan yahay.

Ugaas Cabdifataax Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan  Oo munaasibad Hadhimo Sharafeed ah ugu sameeyay deegan dalxiiseedka ...
10/12/2023

Ugaas Cabdifataax Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan Oo munaasibad Hadhimo Sharafeed ah ugu sameeyay deegan dalxiiseedka Biyo kulule Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Faarax iyo Weftiga La Socday

Address

Garoowe

Telephone

+252907643170

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kulmiye Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kulmiye Post:

Videos

Share

Category