Galdogob Youth Development Organization GYDO

Galdogob Youth Development Organization GYDO Is non govermental Orgsnization that working Mudug region and it always focus on youth and Socail development

๐€ ๐—ฅ๐—ฒ๐˜€๐—ผ๐—น๐˜‚๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐Ÿ๐ซ๐จ๐ฆ ๐‘๐ž๐ฌ๐ฉ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐›๐ฅ๐ž ๐˜๐จ๐ฎ๐ญ๐ก ๐‹๐ž๐š๐๐ž๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ: ๐€ ๐‚๐š๐ฅ๐ฅ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐๐ž๐š๐œ๐ž ๐š๐ง๐ ๐‘๐ž๐œ๐จ๐ง๐œ๐ข๐ฅ๐ข๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง.God does not judge what is repented ...
29/12/2024

๐€ ๐—ฅ๐—ฒ๐˜€๐—ผ๐—น๐˜‚๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐Ÿ๐ซ๐จ๐ฆ ๐‘๐ž๐ฌ๐ฉ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐›๐ฅ๐ž ๐˜๐จ๐ฎ๐ญ๐ก ๐‹๐ž๐š๐๐ž๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ: ๐€ ๐‚๐š๐ฅ๐ฅ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐๐ž๐š๐œ๐ž ๐š๐ง๐ ๐‘๐ž๐œ๐จ๐ง๐œ๐ข๐ฅ๐ข๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง.

God does not judge what is repented and turned away from; He forgives and never judges, and we too not judge. We are all imperfect, and love remains the greatest gift we can offer one another. Let us choose to replace violence with compassion, conflict with peace, weapons with pens, and bloodshed with mutual respect and honor for one another, let us choose to spread love, kindness, and acceptance instead of judgment and hatred.

I extend this heartfelt plea for peace to the communities in the western Mudug region, particularly the Leelkase and Sacad clans. We are brothers and sisters, bound by shared humanity, and there is no justification for continuing this cycle of violence. For decades, we have shed each other's blood with no meaningful outcome. Sacad, you have gained no lasting victory, and neither have we.

Dear brothers and sisters, let us recognize the truth, seek justice, and work toward reconciliation. The year 2025 must not be another chapter of senseless bloodshed. It is not a noble cause to harm one another when peace and understanding are within our reach. Sacad please withdraw your forces from Lelkase's land and vacate the homes you have occupied for nearly half a century in Saaxa-Qurun and Bandiiradlay.

Let us build a future rooted in good neighborliness, unity, and mutual respect. Daris wanaag, walaalnimo, iyo is-jacayl baa na deeqa. Let love and compassion guide our actions, for they are far more powerful than weapons or hatred.

May peace, brotherhood, and justice prevail among us, so that we leave a legacy of harmony for the generations to come.

Writted by Omar Saed Mahamoud, Chairman of the Galdogob Youth Development Organization - GYDO.

Gudoomiye xigeenka dhalinyarada Galdogob ayaa caawa ku casuuman kulan dadweyne oo ku astaysan Habeenka Indheergaradka iy...
24/12/2023

Gudoomiye xigeenka dhalinyarada Galdogob ayaa caawa ku casuuman kulan dadweyne oo ku astaysan Habeenka Indheergaradka iyo falanqaynta siyaasada deegaanka.

Kasoo qaybgal wanaagsan.

Ururka dhalinyarada Galdogob wuxuu bogaadinayaa dadaallada bahda sportska degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Cabdi Cali...
30/10/2023

Ururka dhalinyarada Galdogob wuxuu bogaadinayaa dadaallada bahda sportska degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Cabdi Cali Xaashi. Ururka ayaa u arka muhiimad gaara sportska mar walbana niyad balaaran u haya akhyaarta ku hawlan ee jiif iyo joogba oga tagay u shaqaynta dhalinyarada.

Ururku wuxuu guud ahaan dhalinyarada Galdogob ugu baaqayaa inay taageeraan dadaalka dib-u-dayactirka garoonka oo ah goob u muhiim ah bulshada.

Ururka dhalinyarada Galdogob ayaa dhirayn ku sameeyay guriga bulshada ee Galdogob.Ururku wuxuu muhiimad gaara u arkaa da...
30/10/2023

Ururka dhalinyarada Galdogob ayaa dhirayn ku sameeyay guriga bulshada ee Galdogob.

Ururku wuxuu muhiimad gaara u arkaa dayactirka iyo qurxinta danta guud inay tahay qaaraan lagu darsan karo bilicda guud ee mustaqbalka degmada Galdogob.

Hiigsigeenu waa Galdogob cagaaran oo nadiif ah.

Gudoomiyaha dhalinyarada Galdogob waxuu wareegtadaan ugu magacaabay xoghayaha guud ee Galdogob Youth Development Organiz...
08/10/2023

Gudoomiyaha dhalinyarada Galdogob waxuu wareegtadaan ugu magacaabay xoghayaha guud ee Galdogob Youth Development Organization GYDO Mudane Cabdullahi Cabdiwali Faarax.

Shaqo wacan.

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO wuxuu doorkiisa sharafta leh ka qaadanayaa isu soobaxa sanadguurada 12A...
26/08/2023

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO wuxuu doorkiisa sharafta leh ka qaadanayaa isu soobaxa sanadguurada 12AAD ee aasaaska XIRIIRLAND ~ 27August. Fantasiyaha xiriirland ee caawa Galdogob Green Park wuxuu ururku ku casuumayaa cid walba oo reer Galdogob ah siiba dhalinyarada.

Dhalinyaro wayneeya maalintiina.

Ururka horumarinta dhalinyarada Galdogob oo haya qorshihiisa xoojinta tubaha wacyiga iyo waxbarashada ayaa xalay tabanta...
21/07/2023

Ururka horumarinta dhalinyarada Galdogob oo haya qorshihiisa xoojinta tubaha wacyiga iyo waxbarashada ayaa xalay tabantaabiyay bandhiga buuga "Liibaanta Baraha" ee uu qoray qoraa Maxamad Cabdikariin Warsame.

Kulanka oo si guud loogaga hadlay muhiimada tababarashada macalinka ayaa sidoo kale lagu xusay mucda buugga Liibaanta baraha, waxaana si kooban u falanqeeyay qoraaga buugga Maxamad Cabdikariin Warsame iyo Baraha Hiigsiga Nolosha Xil/Ust Ibraahim Xasan oo kamid ahaa haldoorkii buugga horay akhriyay.

Sidoo kale kulanka waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha waxbarasha Galdogob Ust Cabdi Ciise Cilmi, xildhibaano ,Macalimiin, abwaano, arday iyo dhamaan hormuudka dhalinyarada Galdogob.

20/07/2023

Aqoonyahanka iyo haldoorka reer Galdogob oo bogaadinayaa dadaalka iyo Hindisaha kobcinta aqoonta wuxuu hormuudka waxbarashada Galdogob ugu bishaaraynaa kasoo qaybgalka bandhiga buuga LIIBAANTA BARAHA.

Kasoo qayb-galkaagu waa muhiim .

Balanteenu waa guriga bulshada iyo bandhiga buuga Liibaanta baraha.
......mahadsanidin........

Mualim Madar
Cumar M Saciid - Biixi
Gacal Media Production GMP

Sawirro || Isu soo bixii munaasabada Luulyo oo ay Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob qabteen.
02/07/2023

Sawirro || Isu soo bixii munaasabada Luulyo oo ay Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob qabteen.

Galdogob, Luulyo 1, 2023; Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ayaa qabanqaabinaya Xuska Sanadguurada 63-aad ee Xori...
29/06/2023

Galdogob, Luulyo 1, 2023; Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ayaa qabanqaabinaya Xuska Sanadguurada 63-aad ee Xoriyada Soomaaliya.

Gudoonka ururka oo ay taageerayaan gudiga xasilinta Galdogob iyo madaxda degmada ayaa ku martiqaadayaa guud ahaan bulshada Galdogob Munaasabadda Xuska Xoriyada shacabka Soomaaliyeed, maalinta midnimada iyo xornimada, iyadoo lagu waynaynayo xaflada balaaran oo ka dhacaysa barxada Galdogob Green Park.

Habeenka sabtida soo galayso ~ 08:30 AM.

Tuurdibi | Wacyigalin.Adiga oon qoran askari Adiga oon qorina sidanQof kastow ba ciidan baadQaranka u tahee ogoow.Isdhex...
08/06/2023

Tuurdibi | Wacyigalin.

Adiga oon qoran askari
Adiga oon qorina sidan
Qof kastow ba ciidan baad
Qaranka u tahee ogoow.

Isdhexgalka ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka waa talaabo horu socod oo fariin togan u ah dadaalada xasilinta iyo adkaynta nabada deegaanka, si gaar ah dhalinyarada iyo ciidanka oo wada shaqeeya waxaa lagu gaari karaa horumar taabagal dhinac kasta ah maadaama uu amnigu fure u yahay nolosha aadamaha dhalinyaradeenuna ay dhibane u yihiin lidkiisa oo ah colaado ay keenaan khamrida iyo argagixisada oo ay dhiiranayaashaan dagaal kula jiraan, dadaalna ugu jiraan ciribtirkooda.

Gunaanadka ururka horumarinta dhalinyarada ee Galdogob Youth Development Organization wuxuu dhalinyarada reer Galdogob ku boorinayaa in dhiirigalin iyo taageero loo muujiyo gayfanayaasha maalmahaan ku hawlan dadaallada xasilinta amniga degmada Galdogob.

GYDO.

Gudoonka ururka horumarinta dhalinyarada Galdogob ee GYDO oo ay weheliyaan haldoorka dhalinyarada degmada ayaa ka qaybga...
08/06/2023

Gudoonka ururka horumarinta dhalinyarada Galdogob ee GYDO oo ay weheliyaan haldoorka dhalinyarada degmada ayaa ka qaybgalay kulan lagu bogaadinayo dadaalada adkaynta nabada deegaanka oo udub u ah negaanshiyaha gobolada Mudug iyo Doolo oo uu dhaco Tuurdibi Custam - isha dhaqaale ee ay reer Puntland sugayaan.

Kulanka oo ay marti ku ahaayeen gudiga xasilinta degmada Galdogob, maamulka santarka Tuurdibi iyo saraakiil ka tirsan hogaanka ciidanka booliska DDS ayuu gudoonku ku matalay dhalinyarada deegaanka oo ubuc u ah nabada aaga, hirgalka dekedda qalalan ee Tuurdibi iyo nayaayiro kasta oo horumar u abuuraysa degmada iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambayn ururku wuxuu u mahadceliyay musharax Gudoomiyaha Galdogob Xil Axmeddeeq Karaani oo hadimada iyo madashaba soo abaabulay, wuxuuna u rajeeyay guul ay tiir u tahay wada shaqayn dhow oo uu dhalinyarada iyo haldoorka la yeesho.

Ustaad Abdirahaman Ali Nur oo kamid ah aqoonyahan magaalada Galdogob ee gobolka mudug ayaa maanta shaaciyay inuu u taaga...
06/05/2023

Ustaad Abdirahaman Ali Nur oo kamid ah aqoonyahan magaalada Galdogob ee gobolka mudug ayaa maanta shaaciyay inuu u taagan yahay kamid noqoshada xildhibannada golaha deegaanka Galdogob kana sharaxan urur siyaasadeedka Ifiye ee Puntland.

Ustaad wuxuu kamid yahay dhallinyarada aqoonyanka degmada ee waqtigooda ku bixiyey arimaha Bulshada iyo horumarinta deegaanka.

Ururka hormarinta dhallinyarada degmada wuxuu bogaadinayaa in dhallinta aqoonyahanka ah ay u istaagaan kamid noqoshada Golaha deegaanka degamada ayna isbadel horseedaan.

Sawirro | Sagootin.Dhalinyarada Galdogob oo kulan sagootin ah u sameeyay Gudoomiye xigeenka Dalladda Dhalinyarada Puntla...
03/05/2023

Sawirro | Sagootin.

Dhalinyarada Galdogob oo kulan sagootin ah u sameeyay Gudoomiye xigeenka Dalladda Dhalinyarada Puntland PYAN Umbrella iyo saraakiil ka kala socotay hayโ€™adaha PDRC iyo FBA oo dadaallo ah ka qaybgalka bulshada iyo dhalinyarada ee doorashada qof iyo cod soo gaarsiiyay Galdogob.

Galdogob | Wacyigalin.Olole uu qayb ka ahaa Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ayna soo qaban qaabisay Dallada Dha...
03/05/2023

Galdogob | Wacyigalin.

Olole uu qayb ka ahaa Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ayna soo qaban qaabisay Dallada Dhalinyarada Puntland oo wada dadaalo wacyigalin oo dhalinyarada loogu abaabulayo ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha ee nagu soo food leh ayaa ku soo dhamaaday guul.

Dadaalladan oo dhalinyarada haldoorka reer Galdogob oga jawaabeen u istaagida matalaada bulshada ayaa looga niqaashay caqabadaha dhalinyaradu wajihi karaan iyo xalkooda, iyadoo la arkay muhiimada iyo wax soo saarka tababarkan.

Dalladda Dhalinyarada Puntland PYAN oo kaashanaysa Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO ayaa daahfuray maant...
08/03/2023

Dalladda Dhalinyarada Puntland PYAN oo kaashanaysa Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO ayaa daahfuray maanta olole lagu wacyigalinayo bulshada reer Galdogob si ay isu diiwaangaliyaan oo qayb oga noqdaan dadaalada dimuqraadiyaynta Puntland.

Ololahan oo dalladu abaabushay ururkana oga faaiidaysanayo dhaqdhaqaaq isxilqaan oo awal u qorshaysnaa ayaa socon doona maalmahan iyadoo laga duulayo dardargalinta isdiiwaangalinta haweenka iyo dhalinyarada xerudhaladka ah oo ay gaabis tahay muuqashadoodu.

GYDO ayaa ugu dambayn dhalinyarada Galdogob ku adkaynaya isdiiwaangalinta iyo ka faaiidaysashada xaqa dastuuriga ah ee aysan dib u haleeli doonin. Isdiiwaangaliya dhalinyaro oo ka qayb ka noqda kor uqaadista meqaamka degmadiina iyo taageerada hanaanka fursada u noqonaya haweenka iyo dhalinyarada oo awal aysan jirin wax door oo ay ku leeyihiin tubihii doorasho iyo xeryihii qaniinka yeeshay ee ay Puntland geediga ka tahay maanta.

Sawirro: Tababarka ๐“๐š๐› ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐“๐จ๐จ๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ง oo Proff, Abwaan Maxamad Cabdulqaadir Daud - Stanza soo jeedinayay. Waxaan jece...
15/01/2023

Sawirro: Tababarka ๐“๐š๐› ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐“๐จ๐จ๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ง oo Proff, Abwaan Maxamad Cabdulqaadir Daud - Stanza soo jeedinayay. Waxaan jecelnahay in aqoonyahanku reer Galdogob ka faaโ€™iidaysteen.

GYDO waxay rajaynaysaa Galdogob oo aqoonyahankeedu lasoo ban baxaan aqoontooda iyo iyada oo yeelata Qoraayo wax ka qora xalinta mushkilada deegaanka iyo wacyigalinta bulshada.

Bahda aqoonta iyo guud ahaan dhalinyarada horumarka jecel wuxuu Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO ku casu...
14/01/2023

Bahda aqoonta iyo guud ahaan dhalinyarada horumarka jecel wuxuu Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO ku casuumayaa kasoo qaybgalka tababarka ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐“๐จ๐จ๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ง oo Abwaan/Qoraa Mohamed Abdulkadir Daud - Stanza noo soo jeedin doono. Barnaamijku wuxuu caawa Axad, 14-01-2023 ka dhacayaa xarunta ๐†๐š๐ฅ๐๐จ๐ ๐จ๐› ๐๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐‹๐ข๐›๐ซ๐š๐ซ๐ฒ.

Address

@Galdogob Community Center
Galdogob

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galdogob Youth Development Organization GYDO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Galdogob Youth Development Organization GYDO:

Videos

Share