10/05/2024
TALO, TUSAALE & TUBTA TOOSAN
WQ: SULDAAN CABDISALAAN SULDAAN AXMED NUUR
Reer Ciideedku waa dad cajaaiba, oday adeerkay ahaa oo Cagoole la oran jiray ayaa meel tuulo ah oo ciid cantaruuq ah ayaa dadkii arkeen isagoo ku dhiban markaasay ku qosleen, waxa uu yiri, "Reer Hebel anna waxaan la yaabaa caqligooda iyaguna waxay la yaabaan cagahayga."
Nin la oran jiray Fyodor Mikhailovich Dostoevsky oo Journalist, Novelist, sheekooyinka yaryarna qori jiray, 1821-1881 kuna dhashay Ruushka, Qoraaladiisana ay ka mid ahaayeen, The Idiot, White Night, dream of dangerous man, crime and punishment, notes from underground iyo kuwa kale. Ninkaa waa waxa uu lahaa oraah ka yaab leh kadibse aan Aad iyo aad u garowsaday. “Waxaan qoraa ama ku hadlaa waxaad idinku ka baqdaan xataa inaad ku fakartaan”.
Masiibooyonka Soomalida ku soo kordhay dhawaan waxaa ka mida dhalintii meeshii ay cilmi, aqoon, akhlaaq, ilbaxnimo, Indheer-garadnimo soo kordhin lahaayeen, ayay barahiii bulshada cay, aflagaado, been, dacaayad, xamaasad, qabyaalad, xumo faafin iyo waxaan aakhiro aduunka midna wax tarayn ku waasheen. Jiilal hor leh oo soo horno-go’aya oo qabaail, ashkhaas, degaanno aflaadaynaya ama iyagu is caayaya. Is baddal akhlaaqeed iyo dhaqan toosin baynu u baahanahay. "Qof waalid fiican ama ehal fiican koriyey ma caytamo," ayaan maqli jiray, "haddalkaagu waxa uu astaan iyo shahaado u yahay gurigaa ka timid sida lagu ahaa," bay waayeelkeennii h**e ayana oran jireen | Najiib Xassan Fanax