Waxka Ogow

Waxka Ogow ku soo dhawaada waxka Ogow, ujeedka yagu waa inaad soo gudbino dadka wax anfaca.

27/10/2022

Dhiirigalin sheekh mustafe.

27/10/2022

Jumca wanaagsan asxaapta.

15/10/2022
02/09/2022

Sid loo furto face book followers || Waxka Ogow

01/09/2022

Sida face book magaca looga badalo || Waxka Ogow

12/08/2022

3 bar naftaada oo ku dadaal
1. Salaada.
2. Qur'aan akhriska.
3. Cafiska.

NOQO QOF DADKA KA DUWANWaxaa jira wax yaalo aad kaga duwan tahay qof walba. Qof kasta waxa Allah siyey waxyaalo uu kaga ...
11/08/2022

NOQO QOF DADKA KA DUWAN
Waxaa jira wax yaalo aad kaga duwan tahay qof walba. Qof kasta waxa Allah siyey waxyaalo uu kaga duwan yahay dadka sida hab dhaqanka dabeecada fikirka iyo aragtiyaha.
Sidee ku noqon kartaaa qof bulshada ka dhax muuqda ama qof meeshuu ka maqan yahay laga tabo
Marka h**e naftaada maal gali xag aqooneed iyo kalsooni aad siisid naftaada jecloow markastana murumar samee dadkana haba yaratee wax u qabo
Markasta oo aad hurumar samayso kalsoonidada ayaa dhismaysa kalsoonidadada ayaa xoogaysanaysa
Hab fikirkaaga wanaagi oo xaga wanaagsan marwalba wax ka eeg intii macquul ah
Hana ku dayan dadka aragtidaada la how waxna ha u samayn in aad qof raali galisid waayo taasi waa riyo aan la gaarin
Noqo xidig ka dhex ifa xidigaha waayo xidigahaba qayb baan iftiin kooda si fiican loo arkin.
Kaalmee masaakiinta markasta gacanta saraysa ayaa fiican.
Wanaag rajee wanaaji malahaaga qofkasta wixi uu rajeeyo waa helaaa
Isku day inaa ka maaranto dadka oo baahi yahaaga aad ku filan tahay ina loogu talogalay waayo dadka inta badan waxay kuu arkaan muhiim maaaha waxaa kuu muhiimsan waxaad iska aaminsan tahay

07/08/2022

مولا يا صلي ...

07/08/2022

(waqti yarida waxaa ka sheegta qofka aan maareyn
Karin waqigiisa.)

Oraahyada Khaldan ee Caan Baxay:
 Waxba ma baran karo maxaa yeelay waqtigaa
igu yar.

01/08/2022
30/07/2022

Yaa dhalinyaro ah?

Muhiimada ay leedahay in lahelo hogaamiye tayo leh.Waxaa laga maarmaan ah in aan helo hogaamiye nahaga, noona jiheeya dh...
24/07/2022

Muhiimada ay leedahay in lahelo hogaamiye tayo leh.
Waxaa laga maarmaan ah in aan helo hogaamiye nahaga, noona jiheeya dhanka barwaaqada nagana rara abaarta. Nabigu (NNKH) waxa uu waajib ka dhigay isaga oo natusaya muhiimadda ay leehaday i lahelo hogaamiye, qof hormuud ah in saddexdii qof ee rabta in ay qabtaan howl ay samaystaan qof hogaamiya.

Maxaad moodaa marka bulsha dhan oo ka kooban malaayiin qof?

Hadana iyada oo ay saas tahay waxaa muhiim ah in aan helno dhalin yaro hormuuda, garanaya waajibka ka saaran hormarinta dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba.
Dhalin yaro hormariya naftooda, dhalin yaro tayaysan, dhalin yaro diyaar u ah in ay wax kasta oo naftooda qaali ku ah u huraan sidii ay u hormarin lahaayeen dalkooda.

19/07/2022

Sida loogu guuleysto hadaf yadaada (dhiirigalin).
1. Dooro hadaf aad dhiirigalin iyo farxad ka heli karto.
2. Biloow shaqada maanta.
3. La saaxiib guul darada.
4. Ha isku dilin hadaf yadaada .
5. Raadi qof ku caawiya.
6. Waa inaad joogtaysaa shaqada.
7. La saaxiib dad yar oo aad isku aragtitihiin.
8. Naftaada nawanaag kula dhaqan.
9. abaal mari naftaada mararkaqaar.

19/07/2022

Furaha saxda ah ee guusha
1. Shaqeyso: inta ay hurdaan.
2. Waxbari: inta ay ciyaarayaan.
3. Keydso: inta ay bixinayaan.
4. Noolow inta ay riyoonayaan.

18/07/2022

Dadku waxay isku badalaan sida xilliyada (Cimilada) oo kale.

18/07/2022

Waxaad ubaahan rahay 4 nooc oo hanti ah.
1. Hantida waqtuga.
2. Hantida lacagta.
3. Hantida muuqaalka.
4. Hantida bulshada.

18/07/2022

Qalbigaagu waa kori doonaa oo waxaad xasuusan doontaa maalin, naftu waa hurid waxaad xasuusan doontaa mar uun Rabbigaagu waa cafis badan yahay.
Aar goosi aar goosi ku hur.

Ka faa'iidayso 20jirkaaga1. Waxaa loo yaqanaa cimriga dahabiga ah.2. Wixii 20jirkaaga caado aad kadhigato ayaa dhaqan ku...
17/07/2022

Ka faa'iidayso 20jirkaaga
1. Waxaa loo yaqanaa cimriga dahabiga ah.
2. Wixii 20jirkaaga caado aad kadhigato ayaa dhaqan kuu noqda.
3. Ku dadaal inaad barato diintaada.
4. Ku dadaal inaad aqoon iyo xirfad barato.
5. Waa waqtiga mustaqbalkaaga aad dhisan karto ama aad burburin karto.
6. Ha isku murjin inaad lacag hesho( hadaysan dantu kugu qasbin.
7. Salaadaada ku dadaal.

21/06/2022

Siigudbi👍

GuushaMarka h**e waa maxay guul ? Guushu waa himilo iyo hiigsi aad ledahay oo aad gaadho ama fulinta qorshe aad h**e u d...
07/06/2022

Guusha
Marka h**e waa maxay guul ?
Guushu waa himilo iyo hiigsi aad ledahay oo aad gaadho ama fulinta qorshe aad h**e u dajisatay. Mar la waydiiyay Isaac alex phiri waxaay tahay guushu ayuu ku jawaabay anigu ma sheegi karo macnaha dhabta ah ee guusha laakiin waxaan ku soo koobi lahaa hab fudud oo ah:
1. Inaad gaarto barta riyadaada kuu tilmaamayso
2. Markaad hesho waxaa aad u baahantahay
3. Markaad ka talaabsato duruufaha iyo caqabadaha nolosha Guul qof walba oo raba waxaa ku haboon in uu ku dhaqmo erayada guul waxa ay xarfihiisu u taagan yihiin oo ah

G: go’aan in aad leedahay
U: u fakartid si qoto dheer
U: u dulqaad badantahay
L: leedahay hadaf iyo qorshe

Astaamaha lagu gaadho guusha

1. Kalsoonida.
2. Aqoonta.
3. Dhaqanwanaaga.
4. Iskaashi.
5. Daacadnimo
6. Uroonaantadadka.
7. Isxilqaan.
8. Rajo san.

Wadooyinka loo maroguusha

1. Wadadakoowaad: hanka.
2. Wadadalabaad:dhiirigalinta.
3. Wadadasaddexaad: isbadal.
4. Wadadaafraad: hadaf.
5. Wadadashanaad: qorshe.
6. Wadadalixaad: dadaal.
7. Wadadatadobaad: samiriyodulqaad.

Asbaabaha kuu diidan inaad guul gaadho.

2. Cabsida
3. Cudurdaarka
4. Quusashada
5. Dib udhigistaiyowahsiga.
6. Guuldarooyinkiih**eooaadkafakaraysid.

6 Talaabo oo aad ku noqon karto qof faraxsan nolashaFarxadu waa wax aad uga balaaran in qoraal kooban lagu sharaxo, dadk...
05/06/2022

6 Talaabo oo aad ku noqon karto qof faraxsan nolasha
Farxadu waa wax aad uga balaaran in qoraal kooban lagu sharaxo, dadka qaar waxay ku sheegaan farxada dareenka aad dareento marka aad xaqiiqsato in wax kasta ay kuu yihiin sidii aad rajaynaysay.
Kuwa kale waxa ay ku sheegeen dareenka aad dareento marka aad gaadhto hadaf yadaada.
Halka koox saddexaad ay ku qeexeen inaad gudaha xasilooni kadareento.
Balse farxada in laqeexo wax fudud ma ahan.

Farxadu qofkasta iskugu mid uma aha, farxadu waa dareen qofkasta iskugu mid u ahayn, macnaheedu wuxuu yahay wax adiga ku farxad galin kara ayaa laga yaabaa inuusan muhiim u ahayn qofkale.

Sida loo noqdo qof faraxsan nolasha
1: ka takhalus dareenka xun.
2: ogow waxa ku farxad galiya.
3: ku dadaal diinta.
4: yeelo dad ku jecel ehel iyo asxaaba.
5: sifiican useexo.
6: ka fogow dadka niyada xun.

05/06/2022

Goortay salaada iyo ducadu noqdaan dhaqankaaga, Guushu waxay noqon doontaa hab-nololeedkaaga.

Waxka Ogow fadlan followdaadu waa noo muhiim wll.

05/06/2022

Sariwo qaawan ayuu iga hayaa, Rakaato ayuu igu guursaday.

05/06/2022

Guushu waa socdaal ee ma ahaan go"aan qaadasho

Waxka Ogow follow nasoodhaha.

furayaasha guushaInaad noqoto qof guulaysta nolasha macnaheedu waa inaad ku guulaysato dhamaan ama inta ugu badan hadaf ...
02/06/2022

furayaasha guusha

Inaad noqoto qof guulaysta nolasha macnaheedu waa inaad ku guulaysato dhamaan ama inta ugu badan hadaf yaddaada waa weyn illaa aad noqoto mid dhab ahaan uqanacsan nolashiisa, sababta aysan dadka badan koodu ayna waligood guul ugaarin waa iyagoo fikrada khaldan ka aaminay guulsha, fikradahaasi oo ka horistaagaya inay qaadaan wadada saxda ah.
Qoraal kan waxaan kuugu sheegi doonaa furayaasha lagu gaaro guusha, ku waasi oo qof kasta usaamixi doona inuu gaaro hadafyadiisa oo uu noqdo mid guula gaara haddii uu raaco.

5 sirood oo Aad ku gaadhi karto hadaf kasta oo aad leedahay.

1. Tirada isku daygaaga:-
Haddii aad rabto inaad guul gaadhto waa inaad ku talagasha inaad marar badan guul daray sanayso, illaa aad ka helayso wax kuu shaqaynaya.

2. Isbad badal samee:-
Markaad guul daraysato isbadal samee oo badal xeeladii iyo habkii h**e ee aad raacaysay, waa inaad wadda cusub martaa oo tii h**e ka duwan, iskuday inaaad ogaato waxaad ku guul daraysatay si-aad wax uga badasho wadadii h**e.

3. 100% Aamin inaad gadhayso hadafydaada:-
Ninkii lambada hindisay ee toomaas adiisoon ayaa waxa lawaydiiyay sidii uu umaareeyay inuu kunjeer iskudayo inuu lambada hindiso isagoo markasta guul daraysanayay hadana aan rajadhigayn isagoo qof kastoo arkaa ku maadsanayo, waxa uu nayidhi “ markasta oo uu qof igu yiraahdo waad ku fashilantay samaynta lambada! Waxaan ugu jawabi jiray kumaan fashilmin bale waxa aan ogaaday dariiqo kale oo aan lagu samayn Karin lambad, sidaas daraadeed toomas wuxuu 100% hubay inuu guulaysanayo waxa uuna fahmay inay ka xigaan waqti iyo iskuday badan.

4. Baro sababta ka dambaysa guul daradaada:-
Markasta oo aad guul daraysato baro wixii kaa qaldamay, baro sida loo waydiiyo dadka khuburada ah waxa sababa guul darada sidoo kale baro sida xal-looga raaadiyo internet-ka.

5. Noqo mid niyad ahaan iyo nafsi ahaanba udiyaarsan:-
Dadku way ku dhaleecayn doonaan way kaa maadsan doonaan waana ay ku niyad qabin doonaan, waxa ay shaki galin doonaan waxaad ka aaminsan tahay naftaada waana ku diidi doonaan.

Waxka Ogow ayaa idiin soodiyaariyay qoraalkan fadlan followdu waa noomuhiim asxaapta.

xikmado1. Biyuhu waa waxa ugu jilicsan hadana waxay dilaaciyaan dhulka, waxayna dhaqaajiyaan dhagxaan, waxay dejin karaa...
01/06/2022

xikmado

1. Biyuhu waa waxa ugu jilicsan hadana waxay dilaaciyaan dhulka, waxayna dhaqaajiyaan dhagxaan, waxay dejin karaan Markab, tani waxay si cad kuu tusaysaa Mabda’a ah in dabacsanaan & deganaan aad kaga guuleysan karto wax aad u adag

2. Saburku ma aha ilaa waqtiga aad sugi karto, balse waa sida wanaagsan aad u dhaqmi karto inta aad sugeyso. Marnaba ha is oran way kaa daaheen wixi aad sugaysay ama weligaa ma helaysid.

3. Wax wanaagsan ayaa u muuqan kara xumaan hadii dhanka mugdiga ah ka eegto, wax xun ayaa u muuqan kara wax wanaagsan haddii aad ka eegto dhanka iftiinka ah. Sida dadku wax u arko ama u cabiro ayaa kala duwan

4. Ha ka caajisin hana is dhiibin, halganka aad Maanta ku jirto, wuxuu kuu diyaarinayaa Awooda aad Beri u baahan tahay. Dhib kasta oo ku soo martay waxay fursad u ahayd koritaankaaga qofnimo

5. Marnaba ha nicin dad kaa maseyrsan ama ku ximiya, xushmee maseyrkooda. Waa dad u arka in aad ka wanaagsan tahay

6. Qofna intuu Qabrigaaga soo istaago ma oranayo “Wuxuu wadan jiray Mobilo qaali ah, Waxay lahayd Sawiro qurux badan, Wuxuu lahaa Guri weyn, Waxay kaxeysan jirtay Gaari sare” laakiin inta God yar lagu geliyo ayaa lagaa soo dhaqaaqayaa, keliya waxaa ku raacaya Camalkaagi Aduun

7. Dad qaarkii waxa ay la yaabaan ama is weydiiyaan sababta dhibaatada ugu soo noq-noqoneyso, ma oga in Imtixaanka iyo casharada la soo cel-celiyo ilaa qofku wax ka barto ama wax ku qaato

8. Qof Maskiin ah ama baahan haddii uu wax ku weydiisto ha ka bakheylin, sii wax kasta aad awoodo. Ogow sabab baad ku kulanteen adiga ayaana laguugu eegayaa in Wixi Alle ku siiyay aad wax ka bixiso iyo in lagaa soo celiyo ama Barakada laga qaado

9. Yeelo Saaxiib iyo Asxaab laakiin Ha hilmaamin Dadki Aduunkan ku keenay oo ku soo saaray, Xusuusnow in ay ku sugayso in aad Dad koriso, tababarto, heerna gaarsiiso, Xiriiri qaraabada, Xaq-dhawr Deriska, Xushmee dadka

10. Haddii ukunta banaanka laga jebiyo, nolosheedi waa dhamaataa. Haddii laga jebiyo gudaha noloshi waa u bilaabataa oo digaagad yar baa dhalata. Noloshaada & wax kastoo sareeya waxay ka bilowdaan gudaha, marnaba ha sugin wax banaanka kaaga yimaada in ay ku bedelaan ama farxad kuu keenaan

Waxka Ogow fadlan follow and like.

MurugadaMurugadu waa dareen aad u adag qofka kusababa inuu niyad jabsanaado inuu gudihiisu madhnaan dareemo, inuu rajo l...
01/06/2022

Murugada

Murugadu waa dareen aad u adag qofka kusababa inuu niyad jabsanaado inuu gudihiisu madhnaan dareemo, inuu rajo la’aan dareemo, Illaa mararka qaar uu noqdo qofku mid-aan waxba danaynayn, waxaa jira daawooyin looqaato murugaada ku waasi oo qofka woxogaa nafis dareen siiya, balse daawooyikaasi xalwaara uma noqdaan dhibaatada murugada, waxaa jira habab kale oo badan oo aad kula tacaali karto murugada nafisna kudareemi karto islamarkaana gabi ahaanba murugada kaajoojinkara, qoraalkan waxaan kuugu sheegi doonaa qaar kamida ah hababka lagu daaweeyo murugada.

1. Jimicsiga iyo murugada:-
Waxa ugu h**eeya ee aad samayn karto si-aad murugada isga fudaydiso waa jimicsiga waxaa lacadeeyay in jimicsigu uu niyada sifiican sare uqaado uuna wanaajiyo haddii sijoogta ah loosameeyo, marka aad orodo waxaa ama aad jimicsi samayso jidhkaagu waxa uu sodayn doonaa maado looyaqaano indoofiinis taas oo aad uyaraysa xanuunka iyo dareenka murugada, waxaad dareemi doontaa tamar la’aan markaad jimicsi same istiraahdo balse isku qasab inaad jimicsi samaysayso.

2. Murugada iyo dareenka laysku celiyo:-
Murugada mararka qaar waxaa sababa dareemada laqarsado ee uu qofku dib isugu celiyo, haddii aad rabto inaad iska dawayso murugada oy ama qayli balse dareemadaada dib haysugu celin.
Cilmi baaris ayaa waxa ay cadaynaysaa indareenada laysku celiyaa ay dilaaci karaan islamarkaan a ysaamayn karaan unug yada hoose ee jidhkaaga inaad oy daa aad ayay caafimaad utahay sababtoo ah kiimikaada uu jidhu soosaaro markuu qofku uu ooyo ayaa waxay qofka ka waacisaa inuu aad unafiso.

3. Murugda iyo iimaanka:-
Inaad illaahay aaminyo oo aad aaminto inuu illaahay dhibaatada kaasaarayo waa mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad murugada kaga takhaluusi karto.

4. Murugada iyo stress-ka (diiqada)
Murugada mararka qaar waxa ay ka dhalankartaa diiqada ama stress-kugu batay haddii shaqada ama howlahaaga kale eed qabataa ay yihiin qaar diiqad badan kugu sababaya waa inaad waxka badan ka barataa sida loomaareeyo diiqada (stress-ka).

5. Qosolka iyo murugada:-
Qosolka waa caafimaad marka qososho jidhkaagu waxaa uu soodaynayaa kiimiko murugada yaraysa xitaa haddii aanad qosol niyad uhayn isku day inaad qososho taasi waxa ay kaa caawinaysaa inaad nafis dareento.

6. Murugada iyo iftiinka cadceeda:-
Aad isugu day inaad hesho iftiin qorexeed oo ku filan, iftiinka cadceedu wuxuu jidhkaaga ku carinayaa inuu soosaaro hormoon looyaqaano sotorotiin hormoonkaasi oo ah kaka masuulka ah inaad farxad dareento inaad maalintii 30 daqiiqo cadceeda socotaa waxay sara uqaadi doontaa niyada waxayna aad hoos kaaga dhigidoontaa murugada.

7. Murugada iyo fikradaha beenta ah:-
Mararka qaar sababta kadambaysa murugadaada waxay noqon kartaa fikrad been ah oo aad meel ka baratay, tusaale ahaan fikrada beenta ihi waxa ay noqon kartaa adiga oo umaleeya inaadan xalin Karin dhibaatooyinkaaga nolasha ama aad umalayso inaadan waligaa guulaysanayn, haddii adiga xaaladaadu sidan tahay nasiib ayaad leedahay sababtoo ah islamarka aad fikradaha beenta ah iska saarto murugadu way kaatagidoontaa.

8. Murugada iyo taageerada dadka:-
Cilmi baadhisyo badan ayaa waxa ay cadaynayaan indadka taageero bulsheed oo fiican haystaa ay horay uga bog sadaan murugada haddii sikale udhigo inaad qoys ku jecel ama saaxiibo runa oo ku taageera aad yeelato waxay kaa caawinaysaa inaad ka takhalusto murugada, cilmi baadhis kale ayaa waxa ay cadaynaysaa in dadka guursadaa ay ka muruga yaryihiin horayna ay uga bogsadaan marka loo-eego dadka aan guursa.

Waxka Ogow ayaa idiin soodiyaariyay qoraalkan
Fadlan follow& like& share waa noo muhiim asxaabta qaliga ah.

25/05/2022

Sida loo dhacsado waxaad xaqa uleedahay
Raac talaabooyinkan:-
1: Ka fikir ka hor inta aadan fal-samayn.
2: U istaag waxa aad xaqa uleedahay adiga oon qofna ee day-nayn.
3: Isticmaal luuqada jidhka ee kalsooniyada muujisa.
4: Ha xanaaqin Hana qayl-yin.

23/05/2022

Shaqooyinka mustaq balka ugu suuqa badanaan doona| Hada siibaro.

15/05/2022

Isbadal khayr qaba inshaa allaah

02/05/2022

Ciid mubaarak || Dhamaan muslimiinta.

26/04/2022

Ururkii ugu halista badnaa ee soomara taariikhda || kooxdii ugu horaysay ee Bilowday isbiimaynata

21/04/2022

Xikmado Nolashaada waxaka badalaya || qaybta 1aad

Address

Gaalkacyo

Telephone

+252907553588

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waxka Ogow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waxka Ogow:

Videos

Share

Category