Heegan Tv

Heegan Tv Heegan Tv

27/05/2023

Asc asxaabta habeen wanaagsan

04/03/2023

Faleenbo dhibadanaa😀😀😀😀😀😀

الحمدلله على كل حالWarbixin kooban, xaaladayda Caafimaad."""""""""" """""" """ """""" """ """"" """ """ "" """ """14-01-...
18/01/2023

الحمدلله على كل حال
Warbixin kooban, xaaladayda Caafimaad.
"""""""""" """""" """ """""" """ """"" """ """ "" """ """
14-01-2023 Waxaa laygu sameeyey Qaliin kaasoo noociisu yahay " Surgical Urinary bladder traumatic and urethra" qaliinkaan waxaa ka h**eeyey qaliin kale oo aan kusoo maray Muqdisho 2021 dii Cusbitaalka Shaafi, balse sida ay cadeeyeen dhakhaatiirtu ma aheyn qaliin sax ahaa ama lagu guulaystay balse waxay ii geysteen dhaawac ka daran midkii aan qabay oo halis badan, waxaa gabi ahaanba dhaawac culus ay u geysteen bladder-ka sidoo kalena waxaa xiran tuubada urethra-ha iyo xidido kale oo soo gala kaadi haysta, Waxaa infection daran ayaguna dareemaya kalida righta-ka iyo Prostate-ka raganimada.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen inaan u baahanahay laba qaliin mid in Dalka lagu sameynkaro, midka kalena inaan Dalka waxba lagaga qaban karin gabi ahaanba. xaaladayduna tahay mid aad u daran, laakiin hada ay ii sameeyeen in kaadi haysta gumaarka looga dhaco oo catheter la sudho, sidaasna kaadida kalyaha ku laabanaysa ay halis galin karto inay gabi ahaanba kalyuhu joojiyaan shaqada. waxayna ku taliyeen in si deg deg ah Hindiya la iigu qaado, balse awooda iyo tabarta qoyska oo xadidan iyo dhaqaale aan horay ugu sii tabaabushaystay midna ma haysan, waxaan codsanayaa cid kasta oo xaaladayda Caafimaad igu taageeri karta inay garab istaag ii muujiso!!

Dhaqaalaha lagu qiyaasay inuu ku baxayo qaliinkan waa lacag dhan $8000 oo aysan ku jirin Visaha iyo baxnaada kale ee caafimaad.
Mudada visaha lagu helayo oo ayaduna mid Emergency ah ayaa u baahatay laaluush in wadooyin badan oo adag loo maro dhaqaalo farabadana ku baxayo, qiyaastii lacag dhan $5000, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in shan bari gudahood laygu geeyo hindiya balse Visaha Hindiya ayaa qaadanaysa wax ka badan 15 bari mana aha mid aan sugi karo!

Cid kasta oo naga caawin karta in waqtiga lasoo gaabiyo waan u baahanahay!

La xidhiidha fadlan gudida hawsha gacanta ku haysa oo wata nambarada kala ah: 7787496-- 7705820 --77

Sheeg Mirahaan magocood
22/12/2022

Sheeg Mirahaan magocood

19/12/2022

Greatest of all time 🐐

😭😭waar Alhajiyoow Hada ictiraafkii ma sidaas buu nagu daayay 😭😭😭😭
15/12/2022

😭😭waar Alhajiyoow Hada ictiraafkii ma sidaas buu nagu daayay 😭😭😭😭

27/11/2022

Taliska Nabad sugidda Gobolka mudug ee ka howlkala deegaanada galmudug iyo Booliska Gobolka Mudug ee hobyo Galmudug ayaa saakay gacanta ku dhigay ku dhawaad 20 nin oo ajnabi ah kuwaas oo ka yimid Xarardheere

Raggaan oo ay gawaari kooxda Alshabaab leedahay ku dajisay meel aan sidaas uga fogeyn Xeebta Hobyo si ay halkaas Doon uga raacaan ayey ciidamada NISA ee Galmudug ka war heleen xogtooda, waxeyna ka kor dhaceen iyagoo sugaya doonta.

raggaan ay qaarkood u dhasheen waddamada Bakistaan, Bangaaladheesh iyo America, waxeyna kooxda alshabaab u qabilsanayeen Miinooyinka gowricida dadka in muddo 7 sano ka badan waxey ku sugnaayeen degmada Xarardheere

24/11/2022
Cabdulle iyo Cumar oo ka tirsanaa argagixisada ayaa saakay la geeyey tiirka toogashada, 13-kii November 2019 ayaa lagu q...
03/11/2022

Cabdulle iyo Cumar oo ka tirsanaa argagixisada ayaa saakay la geeyey tiirka toogashada, 13-kii November 2019 ayaa lagu qabtay Suuq Boocle - Dharkenley, iyagoo dad soo dilay.

14/10/2022

Maanta oo kale markii aan dib u xasuusto 14ka October Waxaa ii Muuqdo wiilkeyga oo si xun Nafta ugu baxeyso iyo Aniga oo sii cararaayo Qaraxana ka sii ordaaya balse dib ayan ka ogaday.

Maxay Nolosha ii taree oo aan u noolahay hadda ? Subaxanllah dib u xasuuso maanta .

07/10/2022

Maxaa qaldan😄😄

04/10/2022

Ciidamadi uugu h**eye ayaa Saakay Gaaray Degmada Cadale Waxana Hogaminayo Xildhibaan Maxamed Cajiib Xildhibaan abuukaaate Xildhibaan Xaadoole Sarakiil Sarsare

Allaah ha u naxriisto Gen. Farxaan Maxamuud Aadan ( Qaroole) oo ku geeriyooday qarax miino ah oo jidka lagu aasay isaga ...
30/09/2022

Allaah ha u naxriisto Gen. Farxaan Maxamuud Aadan ( Qaroole) oo ku geeriyooday qarax miino ah oo jidka lagu aasay isaga iyo kolonyo ciidan ah oo la socotay oo howlgal u joogay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil ku sugan goobta ay Miinada kula qaraxday ayaa warka la xariira geeridda Gen. Farxaan Qaroole ii xaqiijiyay. Farxaan halka lagu qarxiyey waa goobta Dagaalka.

Cali Aadan Muumin.

24/09/2022

Sheikh Cabdi Xayi "Majiraan wax Layiraah Culuma Awdiin"

21/09/2022

Waa shayga kaliya ee Somalidu dhaqanka ma guuraanka ah u leedahay waxaana loo adeegsadaa Xiliyada Arooska.
Deegaankaaga magacee looga yaqaan..?

21/09/2022

Gen. odawaa guul insha allah 🫡

20/09/2022

Odayaasha Beesha Odow Oo Ka Hadley Xirnaanshaha Koontoroolka Galkacyo Ayagoona Fariin U Direy Madax Wayne Qoorqoor.

Maah-maah ku soo Koob Sawiirkan!!!
20/09/2022

Maah-maah ku soo Koob Sawiirkan!!!

25/08/2022

Axaxaxaxax
Alla dhibadanaa tahriibku
🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲😋🤫🤫🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲🥲😋😋🥲🥲🥲🥲🥲

21/08/2022

Maanta Kaddib Baarlamaan Sharci Umadeed ilaaliya iima muuqdo, iyagaa gacantooda isku toogtay, ee Shantaay iyo reer Tiktok goob doodahooda lagu dhageysto ha laga dhigo!!

18/08/2022

Wax ka ogoow taariikhda Abwaan Hadraawi oo maanta ku geeriyooday isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Sheikh Mukhtaar Rooboow Abu Maasuur oo si rasmi ah  maanta ula wareegay xilkii Wasaarrada Diinta & Awqaafta DFS.
10/08/2022

Sheikh Mukhtaar Rooboow Abu Maasuur oo si rasmi ah maanta ula wareegay xilkii Wasaarrada Diinta & Awqaafta DFS.

29/07/2022

Rag iyo Dumar goobtan ayay wada seexdaan...!

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Hambalyo  waxa halkan Hambalyo uga diraya wllky qliya  Lozz Japiipa Håššåñ oo usoo idladay he...
22/07/2022

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Hambalyo waxa halkan Hambalyo uga diraya wllky qliya Lozz Japiipa Håššåñ oo usoo idladay herka 1aad ee jamacada wll cilmiga baratay allha kugu anfaco Hambalyo ayuu ku leyhy Mar labad wllky keep going

Saddexdaan fanaan mid ucodèeye si aan u ogaano midka taageero badan1 Fartuun Balbalaarka loove 💖 ❤❤❤❤2 mursal faladagan ...
20/07/2022

Saddexdaan fanaan mid ucodèeye si aan u ogaano midka taageero badan
1 Fartuun Balbalaarka loove 💖 ❤❤❤❤
2 mursal faladagan like 👍👍👍👍👍 saare
3 Socdaal wow 🥰🥰🥰saaare

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ilmeeyay xilli uu warbixin siinayay waaliddiinta dhalay wiilashii ciidanka ahaa ee...
14/07/2022

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ilmeeyay xilli uu warbixin siinayay waaliddiinta dhalay wiilashii ciidanka ahaa ee uu ku booqday Eratareeya.

Haddaba maxaad is leedahay Madaxweynuhu wuu la ilmeeyay ma silica uu kusoo arkay Eratareeya mase wax kale?

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH IYO DHIGGIISA DALKA ERETERIYA OO HESHIIS IS-AFGARAD KALA SAXIIXDAYMuqdisho, Luulyo ...
12/07/2022

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH IYO DHIGGIISA DALKA ERETERIYA OO HESHIIS IS-AFGARAD KALA SAXIIXDAY

Muqdisho, Luulyo 12, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan. Qodobbada heshiiska is af-garad ee ay labada dowladood kala saxiixdeen ayaa ka kooban qodobbada hoos ku xusan:

1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.

2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.

3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.

5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.

6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

7- In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Ereteriya waxa uu booqday xeryaha ay tababbarrada ku qaataan ciidamada kala duwan ee dalkaas jooga, isaga oo ugu dambayntiina booqday magaalada Massawa oo ay tababbar u joogaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku bogaadiyey tababbarrada adag ee ay qaateen isaga

MADAXWEYNE  XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA ERETERIYA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal...
09/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA ERETERIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Explore Villa Somalia’s 5,605 photos on Flickr!

09/07/2022

DEG DEG: Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta lagu wadaa in uu u duulo dalka Eritrea, ujeedka safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu booqan doono Askarta tababarka u jirta halkaas, lana soo qeybsan doono farxadda Ciidda.

Markii ugu horreesay ayaa galabta laga yaabaa in la arko muuqaalka askarta ku maqan Eritrea.

Soomaaliya; Jinaca / Jilaca (Wariiri weynaha) ayaa kamid noqday Maandooriyayaasha sida Khamriga & Xashiishka.Dawladda So...
08/07/2022

Soomaaliya; Jinaca / Jilaca (Wariiri weynaha) ayaa kamid noqday Maandooriyayaasha sida Khamriga & Xashiishka.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Xayawaanka Jinaca loo yaqaana uu kamid yahay maandooriyayaasha loo isticmaalo in lagu sakhraamo sida Khamriga & Xashiishka.

Taliye Mire Mataan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa yidhi; "Dadka isticmaala waxay sameeyaan Jinaca qaarkiisa dambe ayaa lasoo jarayaa kaddib intaa gadaale ee lasoo jarey ayaa dab la saarayaa oo lagu daboolayaa, markuu qaaco ama qiiqo ayaa sanka la saarayaa sidaas ayaana lagu sakhraamayaa. Dhalinyaradu waxay ku odhanayaan kaasi wuu jinacaysan yahay..."

Dhowaan ayay ahayd markii cilmi baadhayaal caafimaad sheegeen in sunta jinacu daawo u noqon karto xanuunada qaar.

Aragtidaada.?

Ra'iisal wasaarahii h**e ee dalka Japan ayaa u geeriyooday maanta dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday saakay xilli u...
08/07/2022

Ra'iisal wasaarahii h**e ee dalka Japan ayaa u geeriyooday maanta dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday saakay xilli uu la hadlayay dad shacab ah.

Shinzo Abe ayaa bulshada kula hadlayay fagaare ku yaala gobolka Nara, waxaana rasaaas ku furay nin ku hubeysan qori macmal ah oo uu sameystay sida warbaahinta gudaha dalkaasi ay tabiyeen.

Isbitaal ku yaala magaaladda kashihara oo la geeyay dhaawaciisa ayuu ku geeriyooday, waxaana uu ahaa ra'iisal wasaarahii ugu waqtiga dheera ee soo mara dalkaasi.

Waaa caado dhaqameed ka jirta qaar ka midaDalalka Carabta in Ninku gabadha uu  guursanaayo meel fagaare ah Iskaga eedo I...
06/07/2022

Waaa caado dhaqameed ka jirta qaar ka mida
Dalalka Carabta in Ninku gabadha uu guursanaayo meel fagaare ah Iskaga eedo Iskana hubiyo inay Inan gashaanti tahay iyo In kale ( Bikro ) Tahay.

Gabadhu hadii ay qodobka ka gudubto ayaa la guursanayaa loona xidhaya dahab iyo dinaar.

Laakiin haday ku dhacdo gabadha Reeroodii baa dib loogu celinayaa joornalada waa lagu soo qoraya maliinta.

Alle ha u naxariiste, Fanaanadda weyn ee Soomaaliyeed Khadra Daahir Cigge ayaa hada ku geeriyootay magaalada Hargeysa.AU...
03/07/2022

Alle ha u naxariiste, Fanaanadda weyn ee Soomaaliyeed Khadra Daahir Cigge ayaa hada ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

AUN Fanaanadda Khadra Daahir Cigge ayaa waxaa ay ka mid aheyd fanaaniinta hobolada Waaberi.

Address

00252
Gaalkacyo
[email protected]

Telephone

+252617382113

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Heegan Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Heegan Tv:

Videos

Share

Category



You may also like