Gidhays media1

Gidhays media1 BARTAAN kala soco warar runa Oo hufan iyo barnaamijyo aad kahesho inshaa allah

DEG DEG: Xamaas ayaa markii saddexaad saacado gudahood gantaallo ku riday magaalada Tel Aviv, sida ay ku warramayaan war...
10/10/2023

DEG DEG: Xamaas ayaa markii saddexaad saacado gudahood gantaallo ku riday magaalada Tel Aviv, sida ay ku warramayaan warbaahinta Yuhuudu.

Sidoo kale Xamaas ayaa galabta duqaymo hor leh ku bilowday magaalada Ashkelon oo 13 KM u jirta marinka Qaza.

Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud waxaa haatan ka da,aya Roob Xoogan oo muhiigaan ah Waxaana guud ahaanba lajaray ...
07/10/2023

Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud waxaa haatan ka da,aya Roob Xoogan oo muhiigaan ah Waxaana guud ahaanba lajaray Korantadii magaalada

05/10/2023

magaalada Baydhabo Musiibo ayaa ka taagan Roobab fatahaado wata ayaa ku dhuftay magaalada iyo deegaannada hoos yimaad

Sacuudiga ayaa hakiyay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera ee waddankiisa loo iib gayn jiray sida uu xaqiijiyay was...
04/10/2023

Sacuudiga ayaa hakiyay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera ee waddankiisa loo iib gayn jiray sida uu xaqiijiyay wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Wasiir Sulub, oo ku sugan xilligan Sacuudiga ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya carqaladaysay xoolaha Dekedda Berbera inkasta oo aannu sii faahfaahin sababta.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in ay filayaan in dedaallo ay wadaan ay guullaystaan dhawaan ,Xoolahana la furo.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Soomaliya.
Gidhays media1

03/10/2023

DEGDEG: Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeeyay gaari ay dad shacab ah saarnaayeen oo marayay meel u dhow degaanka Ugunji oo hoos taga Jannaale.

Gaariga ay duqeeyeen ayaa waxaa saarnaa nin nabadoon ah oo kasoo jeeda beesha Saleemaan waxaana xog ku heleynaa in nabadoonka iyo mid kamid ah dadkii la socday ay duqeynta ku nafwaayeen.

Nabadoonka uu Mareykanku duqeynta ku dilay caawa ayaa waxaa la oran jiray Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) wuxuu ahaa nin u nabadoon ah bulshada ka dhalatay Saleemaan ee ku nool degmada Afgooye.

Eehelada Nabadoon Biriq oo dhankooda inoo xaqiijiyay dilkiisa ayaa sheegay in uu ahaa nin shacab ah oo isaga kala goosha gobolada dalka islamarkaana aad ugu dadaala arrimaha xallinta khilaafaadka. #

i.

03/10/2023

Maamulka 'Puntland' oo Galmudug ku eedeeyay in uu soo abaabulay dagaalkii Balli Soofe.

wasiirka qorsheynta Puntland ee
Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanno hoos yimaad Goldogob.
Maxamed Saciid Faroole oo ah wasiirka qorshaynta maamul Puntland ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in maamulka 'Galmudug' oo soo abaabulay maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday deegaanka Balli-soofe.

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dowlada Jabuuti ayaa sheegay inay Soomaaliya geli doonto xaalad amni oo halis ah bi...
03/10/2023

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dowlada Jabuuti ayaa sheegay inay Soomaaliya geli doonto xaalad amni oo halis ah bilaha soo socda sababo ku aadan dhimista ciidamada Afrikaanta ee laga saarayo wadanka.

Hadalkan wuxuu ka sheegay wareysi uu siiyey TV lagu magacaabo TRT. #

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal ay dad badan ku dhinteen u...
02/10/2023

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal ay dad badan ku dhinteen uu ka qarxay deegaan hoos yimaad degmada Goldogob.
Ugu yaraan 6 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay iska hor’imaad culus oo saaka aroortii h**e ka dhacay tuulada Balli-soofe.

Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa ku dagaallamaya gacan ku heynta dhul daaqsimeed, goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaad dagaallamaya ay isku adeegsanayaan hubka fudud iyo midka culus.

Boqolaal qoys oo katirsan dadka deegaanka Balli-soofe ayaa billaabay in ay isaga barakacaan guryahooda sababa laxiriira colaadda dib usoo cusboonaatay, maleeshiyaadka isku haya duleedka Goldogob ayaa kala tirsanaya aanooyin h**e balse khilfaanka ugu daran wuxuu ka taaganyahay dhul daaqsimeed.

01/10/2023

Mushaarka shaqaalaha Gobolka Banaadir oo la heli jiray 25 bil kasta ayaan illaa hadda la siin shaqaalaha.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa bil ka hor sheegay in mushaarka shaqaalaha Gobolka Banaadir ee bisha September lagu taageeri doono dagaalka socda ee ka dhanka ah alshabaab #

Wardag daga Ankara. Jug loo malaynayo Qarax iyo rasaas ayaa laga maqlaya agagarka Aqalka Baarlamaanka.
01/10/2023

Wardag daga Ankara. Jug loo malaynayo Qarax iyo rasaas ayaa laga maqlaya agagarka Aqalka Baarlamaanka.

 :  Puntland ayaa markii u horraysay  soo daabacanaysa lacag u gaar ah kadib markii uu suuqa ka baxay shilin Soomaaligii...
30/09/2023

: Puntland ayaa markii u horraysay soo daabacanaysa lacag u gaar ah kadib markii uu suuqa ka baxay shilin Soomaaligii la waayayna bedelkiisa.

Iyado Xili doorasho lagu jiro in Dawladdu lacag samaysato sidee u aragtaa. #

29/09/2023

DEGDEG “ Suuqa Xoolaha Askari ka tirsan ciidmada dowladd aaya Hada lagu dilay waxaana dilay Askari kale oo ka baxsaday goobta uu falka ka dhacay . #

  Buuloburte: Inta la xaqiijiyay Lix qof ayaa ku dhimatay shan iyo toban kale ayaa ku dhaawacantay, Dhawaacyada ugu dara...
28/09/2023

Buuloburte: Inta la xaqiijiyay Lix qof ayaa ku dhimatay shan iyo toban kale ayaa ku dhaawacantay, Dhawaacyada ugu daran ayaa la sheegay in dhawaan loo qaaadi doono Magaalada Moqdisho.

Magaalada Buuloburte oo qarax ka dib Isgaarsiinta ka Maqneyd ayaa hadda dib loo sii daayay isgaarsiinta.

28/09/2023

Dagdag
Qarax xoogan oo goordhaw kadhacay suuqawayn ee
buulo barde

faaf faahin igafilo inshaa allah

27/09/2023

DEGDEG “ Xaafada Xoosh oo ka tirsan Dagmada Dharkenley Ayaa Hada lagu dilay Askari ka tirsan Milatariga Somalia .

Koox hubeesan ayaa dishay kadibna ka baxsatay goobtii Ay ku dileen Askariga . #

DEGDEG: 100 qof ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacmay 150 ruux oo kale, kadib markii Hool aroos uu ka socday oo ay joogee...
27/09/2023

DEGDEG: 100 qof ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacmay 150 ruux oo kale, kadib markii Hool aroos uu ka socday oo ay joogeen uu qabsaday dab aad u weyn, dalka Ciraaq.

Dhacdadan murugada badan waxay ka dhacday waa dalka Ciraaq oo dowlad ahaan soo kabsanayey muddadii ugu dambeysay, kadib burbur sanado ah oo dalkaasi ku jiray sida Soomaaliya oo kale.

27/09/2023

dag dag qarax ayaa hada ka dhacay muqdishu gaar ahaan d/dayniile taliyaha ha'ada nisa dagmada dayniile ayaa lala eegtay qaraxa sida wararku sheegayaan #

War cusub: Maleeshiyaadka Amxaarada Faano ayaa lawareegay degmada Wichale waxay xoog ku galeen xarumaha dowladda iyagoon...
27/09/2023

War cusub: Maleeshiyaadka Amxaarada Faano ayaa lawareegay degmada Wichale waxay xoog ku galeen xarumaha dowladda iyagoona saldhigga degmada kasii daayay 80 Maxaabiis ah oo uxirnaa nidaamka Abiy Axmed.
Iska hor'imaadyo culus ayaa lagasoo sheegayaa dhowr deegaan oo katirsan gobolka Wallow

26/09/2023

SHEEKADA JINNI DAACI AH.

Nin baa xaaskiisa Jinni ku dhacay. Wuxuu u geeyay Sheekh Qur’aan saara si uu jinniga uga bixiyo.
Sheekhii islaantii ayuu Qur’aan ku billaabay. Wax uu Qur’aankii ku aqriyo oo xoogaa markii uu wado “ka bax .. cadawgii Alloow, ka bax” yiraahdaba, ugu dambayn jinnigii ayaa hadlay.
Jinnigii: “Waan baxayaa, laakiin shuruud ayaan wataa!”
Sheekhii: “Shuruud la’aan ayaad baxaysaa, haddii kale Qur’aanka ayaan kugu wadayaa ilaa aad ka gubato”.
Sheekhii markii uu muddo kale Qur’aankii aqrinayay, jinnigii ayaa mar kale hadlay.
Jinnigii: “Sheekhoow marka h**e shuruuddayda maad maqashid”.
Sheekhii: “Soo daa. Waa maxay shuruuddaadu?”
Jinnigii: “Naagtaan ka baxayaa, balse ninkeeda ayaan gelayaa!”
Ninkii oo sheekha dhinaciisa fadhiyay: “War sheekhoow ha ka yeelin, ha ka yeelin”.
Sheekhii: “Kaa yeeli maayo, gabadha waad ka baxaysaa, cid kalena geli maysid”.
Sheekhii muddo kale ayuu Qur’aankii sii waday.
Jinnigii: “Sababta aan ninka u gelayo maad i weydiisid sheekhoow?”
Sheekhii: “Sheeg waa maxay sababtu?”
Jinnigii: “Ninka agtaada fadhiya ee naagta qaba salaadda ma tukado”.
Ninkii: “Waa beentiis, wallaahi sheekhoow waa beentiis oo waan tukadaa”.
Sheekhii oo jinnigii la hadlaya: “Gabadha inta aad ka baxdid, albaabka gurigooda fariiso. Haddii aad aragtid ninku in uusan salaadda tukanayn, markaas fasax baad tahaye dalaq dheh”.
JInnigii gabadhii waa uu ka baxay.
Sheekhii ayaa laba bilood keddib gabadhii soo wacay, isaga oo caafimaadkeeda ka waraysanaya.
Waxay u sheegtay inay fiican tahay, ninkeeduna uu masaajidka furihiisa haayo oo isagu salaad kasta dadka u furo.
Dad badan Jinnigaas xisbada ah waa u baahanyihiin ma is tiri? 😅
Habeen wanaagsan saaxiibayaal.

Ukraine oo sheegtay inay duqeyn ku dishay abaanduulihii ciidamada badda Ruushka.
26/09/2023

Ukraine oo sheegtay inay duqeyn ku dishay abaanduulihii ciidamada badda Ruushka.

Dagaal u dhexeeya ciidamada dawlada Itoobiya iyo maleeshiyada qawmiyada Amxaarada ee FANO ayaa ka dhacday  magaalada lab...
26/09/2023

Dagaal u dhexeeya ciidamada dawlada Itoobiya iyo maleeshiyada qawmiyada Amxaarada ee FANO ayaa ka dhacday magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Amxaarada ee Gondar. Maydad askarta maamulka Abiy Axmad ayaa lagu jiid-jiiday wadooyinka magaalada. Maleeshiyada FANO ayaa billawday weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Khasaare xooggan ayaana labada dhinac kasoo kala gaaray dagaallada.

25/09/2023

Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa in ay ka socdaan dhowr degmo oo katirsan ismaamulka Amxaarada, wariyaal ayaa soo sheegay in maleeshiyaadka Faano oo dib iskusoo abaabulay ay ladagaallamayaan ciidamada federaaliga ah

WAR CUSUB: SARAAKIIL ciidanka deegaanka AH OO LA DILAY.Labo kamid ah saraakiisha ugu caansan askarta ka dagaalanta gobol...
25/09/2023

WAR CUSUB: SARAAKIIL ciidanka deegaanka AH OO LA DILAY.

Labo kamid ah saraakiisha ugu caansan askarta ka dagaalanta gobolka Sh/Dhexe ayaa lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere ee duleedka degmada Mahadaay. Saraakiisha la dilay ayaa kala ah:
1- Cabdi Maxamuud Cali (Tooratoore) oo ahaa talihii amniga Degmada Mahadaay
2- Abshir Gaafow oabaab ee ay ciidamada dawladu ka wadaan Sh/Dhexe, gaar ahaan degmada Mahadaay. Waxaa sidoo kale lala dilay askar badan oo la socotay taliyaha macawiisleyda degmada Mahadaay.
Labadaan nin ayaa muhiim u ahaa ladagaalanka as

Hambalyo hambalayo hambalyo waxaan halkaan hambalyo aroos ugu diriya walkey   .cabdulaahi Dhoore iyo dumaashi     oo Aro...
25/09/2023

Hambalyo hambalayo hambalyo waxaan halkaan hambalyo aroos ugu diriya walkey .cabdulaahi Dhoore iyo dumaashi oo Arooskudu Kadhcay xalay magaalda waxaan Lee yahay will iyo caano gabar iyo caano ubad QayrQaba kalahelaha asxbata uduceeya reerka cusub

Madaxwaynaha dawlada Faraniiska ayaa  iclaamiyay in todobaadyada iyo bilaha soo socda ciidamadiisa uu kala soo baxayo da...
25/09/2023

Madaxwaynaha dawlada Faraniiska ayaa iclaamiyay in todobaadyada iyo bilaha soo socda ciidamadiisa uu kala soo baxayo dalka Nayjar oo inqilaab ay ku qabsadeen saraakiisha milatariga dalkaasi. #

24/09/2023

WAR DEG DEG AH" Mareykanka oo qirtay inay askar uga dhaawacmeen duqeyntii ay as ka fuliyeen Kulbiyow

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan wazaarada gaashaandhiga Mareykanka, xukuumada Washington ayaa qiratay in dhowr askari oo ka tirsan ciidankooda ku dhaawacmeen duqeyntii maalin kahor ay as ka fuliyeen saldhigga Kubiyow ee Jubooyinka.

Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada askarta kaga dhaawcantay weerarka, balse wuxuu qiray inay jiraan dhaawacyo goobta laga soo daabulay. #

23/09/2023

Xasan sheikh safar kedis ah ayuu ku aaday dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ka codsanayaa in uu Midowga Afrika ku qanciyo dib udhigista bixitaanka 3,000 oo askari ATMIS ah

22/09/2023

Diyaaradaha Mareykanka ayaa 8 ruux oo shacab ah ku dilay duqayn ay ka geysteen duleedka degmada Buurdhuxulle ee gobolka Bakool.
Dadka la dilay ayaa ka kooban 6 caruur ah iyo 2 dumar ah. Maraykanka ayaa sidaan oo kale dhawaan 5 caruur ah iyo ayeeyadood ku duqeeyay duleedka deegaanka Ceel La helay ee gobolka Galguduud.

Gaari noca xamuul ah ayaa shil ku galayinta u dhexaysa magaalada Dangorayo iyo Tuulada xaaji-khayr. Mana jiraan wax dhib...
22/09/2023

Gaari noca xamuul ah ayaa shil ku galay
inta u dhexaysa magaalada Dangorayo iyo Tuulada xaaji-khayr.

Mana jiraan wax dhibaato ah oo soo gaaragay dadkii saarna gaariga marka laga yimaado khasaaraha soo gaaray gaariga.

Waxaa isbitaalka guud ee degmada Balanballe hadda lagu dabiibayaa gabar qabalaha Ariqaruuf loogu gaystay kufsi wadareed ...
20/09/2023

Waxaa isbitaalka guud ee degmada Balanballe hadda lagu dabiibayaa gabar qabalaha Ariqaruuf loogu gaystay kufsi wadareed ayna gaysteen sida la sheegay ciidanka liyuu police ee dawlad deeganka soomaalida.

Gabadhaan oo ahayd gabar yar oo ku jirta da’da 13 jirka ayaa la kufsada shala subax galinkii h**e waxaana shala Rati looga soo qaada goobtii kufsiga loogu gaystay, waxaana xala saqdhexe gaari looga horgeeya aag dhexe ayada oo la keenay isbitaalka guud ee degmada Balanballe.

Qaar ka mid aha shaqaalaha oo aan la xariiray ayaa ii xaqiijiyay in ay gabadha xaaladeedu aad u darantahay sidoo kalena waxay ii xaqiijiyeen in la waayay dawooyinka loogu tala galay gabdhaha la kufsaday oo ay kamid yihiin dawooyinka looga hortago xanuunada galmada lagu kala qaado.

19/09/2023

Warcusub
Bandow ayaa la saaray dhamaan Ganacsiga Suuqayada kala duwan ee ku yaala Degaanka Ceelasha kadib markii xalay Boliska lagu weeraray Bom gacmeed .

Ciidmada Boliska waxay shegeen in Ay Albaabada iskugu dhufan donaan Ganacsiga Ceelasha oo dhan inta ay ka aamusayaan Shacabka ayna qarinayaan kooxda AS ee ku nool Ceelasha Biyaha. #

WAR CUSUB: 13 sargaal oo ka tirsan ciidamada Kenya aya ku dhintay diyaarad Helikobtar ah oo ku burburtay deegaan Kutumaa...
19/09/2023

WAR CUSUB: 13 sargaal oo ka tirsan ciidamada Kenya aya ku dhintay diyaarad Helikobtar ah oo ku burburtay deegaan Kutumaaleey ee ka tirsan degmada Badhaadhe ee Jubada hoose. Dawlada Kenya ayaa sheegtay in diyaaradaan ay kusoo dhacday gobolka Lamu ee xadka la wadaaga Jubada hoose, balse dadka deegaanka ayaa xaaqjiyay inay deegaanka ay diyaaradu ku burburtay uu ka tirsanyahay Soomaaliya, gaar ahaan Jubada hoose.

Dag Dag: Malayshiyaad Hubaysan Deegaanka Ahaan kasoo Jeedaa Cabudwaaq Ayaa Saaka Weerar Saf balaaran Ah Kusoo Qaaday Dad...
19/09/2023

Dag Dag: Malayshiyaad Hubaysan Deegaanka Ahaan kasoo Jeedaa Cabudwaaq Ayaa Saaka Weerar Saf balaaran Ah Kusoo Qaaday Dadka Xoolo dhaqata Kunool Deeganada balicad Iyo Bali Sonkor Oo Udhaxeeya Cadaado Iyo Dhabad Waxaana Socda Dagaal Xoogan.Waxaa Lagu Soowaramaha Dhowr Meelood Inuu Dagaalku Kasocodo

17/09/2023

Ciidamada Dowladda iyo kuwa deeganka ayaa saaka duulan kula wareegay degmada Bacaad-weyn ee gobalka mudug.

14/09/2023

DEGDEG “ Sadax Askari oo ka tirsan Bolis Milatariga Ayaa Hada lagu toogtay deegaanka Ceelasha Biyaha .

Koox ku hubeesan Bistoolada ayaa dilay kadibna kabaxdaday goobta uu falka ka dhacay.

Waqtigan oo kale Xalay sidan oo kale Askari ka tirsan Bolis Milatariga Ayaa lagu dilay Ceelasha Biyaha.

Ceelasha Biyaha saakay ilaa galabta ciidamada waxay ka wadeen Howlgal markii ay soo dhameyena waxa lagadilay sadax Askari Sidee ku dhaci kartaa arintan ?

Zakariye Timacadde

Deg Deg Wararka aan ka helayno Qabalaha Qoolax Ee Dhulka Ismaamulka dowlad deegaanka soomaalida ayaa Sheegaya in Halkaas...
14/09/2023

Deg Deg Wararka aan ka helayno Qabalaha Qoolax Ee Dhulka Ismaamulka dowlad deegaanka soomaalida ayaa Sheegaya in Halkaasi ay Ciidanka Layuu poolic ay mardhow Halkaasi ku Dileen Wiil dhalinyaro ah oo ku Sugnaa Qoolax Sidaan Xogta aan ku helnay wiilka dhintay Ayaa wax hub ah aan wadan markii ladilayay Isago Halkaasi u joogay baryahaan inuu Deegaanka ka aruursado ama Dad qaraabadiis ah Xoolo uu reer ku dhisto Dhawaan Balse ay Dileen Ciidanka Layuu poolic Ee Dowlad Deeganka Somalida

Ciidanka Layuu poolic iyo Ciidamada Fadaraalka Ethiopia ee Milatariga ayaa Halkaasi kawada Barakicinta Dadka birri magaydada ah ku Sugan deegano badna Hoos taga Qabalayaasha Fadhi-Garaadlle, Qoolax, Ari-Qaruuf, Buulalle iyo Deegaano badan oo dhaca Xaduudka dheer Ee Ay Wadagaan Gobolada Qoraxeey iyo Galgaduud iyagoo Dadka Rayidka ah Ee halkaasi Dagan Cabsi xoogan ku abuuray

11/09/2023

Ciidamada Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay degmada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud, halkaas oo ay isaga bexeen askarta DF oo saacado joogay degmadaas. #

11/09/2023

Qaraxyo culus oo ka dhacay degmada Ceel-garas ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay Xillibaanno katirsan maamulka Galmudug, waxaana xillibaannada la xaqiijiyay geeridooda ay kala yihiin: Maxamad Maxmuud iyo Cabdullaahi Ibraahim Shaaciye.

10/09/2023

DEG DEG: Xiisad culus oo ka taagan xerada Xalane kadib markii ay is dileen…
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay xerada Xalane, gaar ahaan ilinka h**e ee Madina Gate, kadib markii ay goobta ka dhacday shaqaqaaqo sababtay dhimasho.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in muran uu soo kala dhex-galay muwaadin Soomaaliyeed oo goobta ku sugnaa iyo askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kadibna uu ninka Soomaaliga ah toorey ku dilay askariga.
Sidoo kale ciidamada Uganda ee ku sugnaa goobta ayaa iyaguna sidoo kale toogasho ku dilay ninka Soomaaliga ah ee tooreyda wax ku dilay.
Xaaladda goobta ah ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamo fara badan oo isugu jiro Soomaali iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku sugan xerada Xalane.
Sidoo kale waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa waddadaan oo dhinac marta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah iyo jawaabta deg-degga ah ee ay bixiyeen ciidanka ATMIS.
Xerada Xalane ayaa waxaa ka shaqeeya shaqaale badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo subixii gala, galabtiina kasoo baxa, iyaga oo markasta mara baraha hubinta ee xarada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug oo been abuur kutilmaamtay xilka qaadistii maamulka dagmada cabuwaaq:Wasaar...
05/09/2023

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug oo been abuur kutilmaamtay xilka qaadistii maamulka dagmada cabuwaaq:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay ogaysiinaysa dhamaan Bulshada degmada Caabudwaaq iyo madaxwaynaha Dowladda Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye in aysan waxba ka jirin qoraalada iyo sawirada la soo galiyay baraha bulshada ee ka hadlahaya mooshinka iyo xilka qaadista madaxda degmada Caabudwaaq.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay cadaynaysaa in ay been abuur tahay qoraalada lagu xusay xilka qaadista gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka degmada Cabudwaq.

Waxay sidoo kale wax kamajiraan kadhigaysaa in wax mooshin ah oo waafaqsan sharciga golaha deegaanka, dastuurka dowladda Galmudug, kor joogtaynta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo xeerarka kale ee jira ay ka dheceen degmada Caabudwaaq.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayada oo fulinaysa sharciga golaha deegaanka ilaalinaysana dastuurka dowladda galmudug waxay tilaabo ka qaadidoontaa qaswadayaalkii ka dambeeyay been abuurka lagu faafiyay baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale wasaaraddu haayadaha dowladda u gudbindoontaa masuuliyiinta kulugyeelata abaabulka iyo xasiloodidarada Golaha deegaanka degmada caabudwaaq.

Ugu dambayn wasaaraddu waxay faraysaa maamulka degmada caabudwaaq in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda.

XAAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWAYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA GALMUDUG.

Address

Gidbays Media 1
Gaalkacyo

Telephone

+252615506651

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gidhays media1 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gidhays media1:

Share

Nearby media companies



You may also like