Hiiraan Media

Hiiraan Media Independent Humanitarian Media
News,Talk

Ciidanka isku dhafka Booliska Gobolka Mudug  ayaa maanta ku guulaystay soo qabashada laba nin oo kasoo jeeda Galmudug oo...
09/12/2023

Ciidanka isku dhafka Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta ku guulaystay soo qabashada laba nin oo kasoo jeeda Galmudug oo soo dhacay geel 15 halaad oo geel ah kasoo laga soo dhacay dhanka puntland Sabansabdhada oo udhow Deegaanka godod.

Qaar kamida dadka ku dhaqan deegan oo ah xoolo dhaqato kasoo jeeda Galmudug ayaa ciidanka booliska isku dhafka kuso waegaliyay Raga dhaca uso geestay Xoolaha isla markaana suurta galiyay in ciidanka ay kaga hortagaan deeganka SANGADUUD ooo hoostagta Galmudug.

Waxaana Ragii dhaca soo gaystay iyo ciidanka Dhaxmaray is rasaaseyn kooban Taas oo aan wax khasara ah gaysan.

soo qabashada labadaas nin ayaa waxaa hogaaminayay Taliye ku xigeenka ciidanka isku dhafka Dhame Cabdi Fitaax Cali Dabaadi

Ciidanka isku dhafka Booliska Gobolka Mudug ayaa mudooyinkii danbe waxay gobolka ka wadeen howl galo lagu xaqiijinayo amniga wada daganashaaha dadka xoolo dhaqatada ah ee kasoo kala jeeda puntland iyo Galmudug.

Taliye ku xigeenka ciidanka isku dhafka Dhame Cabdi Fitaax Cali Dabaadi ayaa baaq udirey bulshada gobolka sidii looga wada shaqeyn lahaa nabada iyo xasiloonida wada daganashaha dadka

MADAXWEHNAHA DOWLADDA GALMUDUG & WAFDI UU HOGGAAMINAYO AYAAGAARAY DEGMADA HOBYOHobyo, 8-12-2023; Madaxweynaha Dowladda G...
08/12/2023

MADAXWEHNAHA DOWLADDA GALMUDUG & WAFDI UU HOGGAAMINAYO AYAAGAARAY DEGMADA HOBYO

Hobyo, 8-12-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya wafdi sare ayaa soo gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga madaxweynaha ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee Dowladda Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.

Dhammaad.

MADAXWEHNAHA DOWLADDA GALMUDUG AYAA LA KULMAY MADAXA HAY’ADDA IOMMogadishu, 7-12-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mu...
07/12/2023

MADAXWEHNAHA DOWLADDA GALMUDUG AYAA LA KULMAY MADAXA HAY’ADDA IOM

Mogadishu, 7-12-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxa ha’adda IOM, Frantz CELESTIN iyagoo ka wada hadlay mashaariicda IOM ay ka fuliso Galmudug oo ka midyihiin barnaamiijka xasilinta iyo barnamijyada kale ee adeegyada bulshada sida caafimaadka & waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay ka wadaan Galmudug. Dhanka kale Mr Frantz CELESTIN ayaa ballan qaaday iney sare u qaadi doonaan mashaariicda ay ka wadaan Galmudug, maadaama ay ka jirto xasillooni siyaadeed isla markaana ay Dowladdu qorsheyneyso in deegaanno horleh la xoreynayo.

Dhammaad.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO OO QAABILAY XILDHIBAANNADA LAGA SOO DOORTO GALMUDUGMogadishu, 30-11-2023; Madaxweynaha...
30/11/2023

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO OO QAABILAY XILDHIBAANNADA LAGA SOO DOORTO GALMUDUG

Mogadishu, 30-11-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qado sharaf ugu sameeyay Magalaada Muqdisho xildhibaannada DFS laga soo doorto Galmudug. Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga warbuxiyay xaaladda guud ee dalka, isagoo ka codsaday meelmarinta qodobbadii kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.

Ugu dambeyb kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfahan guud, iyadoo xildhibaannadu ay soo dhaweeyeen codsiga Madaxweynaha.

Dhammaad.

Dhuusamareeb, 23 November 2023Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug ahna ku Simaha Madaxweynaha Galmudug Dr Maxamed Nu...
23/11/2023

Dhuusamareeb, 23 November 2023

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug ahna ku Simaha Madaxweynaha Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa shir-gudoomiyey Shirka Guddiga Amniga Galmudug

Shirka ayaa Warbixin looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Galmudug, kuwa Qaranka, Guddoomiyaha Gobalka iyo Wasiirka Caddaladda Galmudug, Xaaladda guud ee Amniga Galmudug, gaar ahaan Amniga Caasimadda Dhusamareb,

Warbixinta iyo Qiimeynta Xaaladda Amniga kadib waxaa la go'aamiyey, dardargelinta hawlaha Amniga, xiriirinta iyo iskaashiga qeybaha ciidanka ku hawlan hawlaha Amniga, ka feejignaanta dhagaraha cadawga iyo joogteynta kala xog-qaadashada

Kulanka inta uu socday waxaa Warbixin la xiriirta qaar ka mid ah deegaanada Galmudug oo xal laga gaaray khilaaf beeleedyo ka jiray looga dhageystay Taliya Booliska Galmudug.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dardar-gelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ahna Ku Simaha Madaxweynaha ayaa kusooXuray Shirka in la joogteeyo heeganka iyo adkeynta Amniga.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifitax Mukhtar Ayaa Kamid Ah Masuuliyiin Kuhowlan Gurmadka Dadka Fatahada Ay Samaysay...
21/11/2023

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifitax Mukhtar Ayaa Kamid Ah Masuuliyiin Kuhowlan Gurmadka Dadka Fatahada Ay Samaysay

Cid sawiri kartaa illaa ay arkaan qoysaska kumannaanka ah ee kasoo cararaya biyaha iyo Fatahaada ma jiraan. Jubbaland illaa 1,600 qoys ayey maanta gaarsiiyeeen raashin, boco iyo adeeg caafimaad.

Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa olole nadaafadeed ka sameysay jidadka Muhiimka ah ee Magaalada Gaalkacyo si loo...
21/11/2023

Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa olole nadaafadeed ka sameysay jidadka Muhiimka ah ee Magaalada Gaalkacyo si loo nadiifiyo goobaha biyo mareenada ah ee ku yaala hareeraha Wadooyinka halbowlaha ah ee Gaalkacyo.

Gaalkacyo , November 21 , 2023 : Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Gaalkacyo oo isugu jira Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada , Agaasimayaal iyo xubno kale ayaa ka qeyb qaatay olole nadaafadeed oo lagu nadiifinayay biyo mareenada Wadooyinka ku yaala faras magaalaha Degmada Gaalkacyo oo ay saameeyeen roobab-kii xoogganaa ee dhawaan da'ay oo kaga tagay qashin iyo carro madow waxaana ololahaan ka qeyb qaatay Agaasimayaasha Hawlaha Guud iyo Warfaafaafinta , Madaxa Fayo dhawr-ka , Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka , hooyooyinka waaxda arimaha bulshada dhanka bilic soo celinta magaalada kala shaqeeya iyo xubno ka socday Maamulada Xaafadaha Degmada Gaalkacyo.

Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa ololahaan sii wadi doonta tan iyo inta laga nadiifinayo dhamaan Jidadka Halbowlaha ah ee ay roobabku saameeyeen .

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo  oo  Sheegay in toos loo bilaabayo Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise ka dib marki...
14/11/2023

Duqa Degmada Gaalkacyo oo Sheegay in toos loo bilaabayo Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise ka dib markii lasoo gaban gabeeyay qorshihii bilowga Dhismaha Garoonka.

Gaalkacyo , Novemeber 14 , 2023 : Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eng: Maxamed Cabdi Cilmi iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa la kulmay xubno ka socday xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed , gudiga Dhismaha Garoonka Cabdullaahi Ciise ee HAB iyo Hay,adda NISA ayaa sheegay in toos loo bilaabayo dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise oo in muddo ah lasoo waday qorshaha iyo naqshada dhismihiisa.

Maayarka Magaalada Gaalkacyo ayaa gudiga Hab , xubno ka socday Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Hay,adda NIS kala hadlay qaabka dhismaha garoonka , xilliga shaqada bilaabanayso iyo doorka bulshada iyo Maamulka ee dhismaha Garoonka Cabdullaahi Ciise oo baahi weyn loo qabo dhismihiisa si loo horumariyo Ciyaaraha , nabada iyo isdhexgalka bulshada reer Gaalkacyo.

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo.

14/11/2023

Gudomiyaha Degmada Guriceel Ee Gobalka Galgaduud Oo Kawaramaya Soqabashada Edaysane Loo Haysto Dil Dhawadaan Kadhacay Guriceel

Dhusamareb, 12 November 2023Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug ayaa Galabta ...
12/11/2023

Dhusamareb, 12 November 2023

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug ayaa Galabta Dhaggax-dhigay Dhismaha Cusub ee Aqalka Golaha Wakiillada Galmudug

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Galmudug, Xildhibaanno, Hawl-wadeennada Golaha, Maamulka Caasimadda Dhusamareb iyo Marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Geeda-Qorow ayaa ammaanay kaalinta Baarlamaanka ee dawlad-dhiska iyo midnimada Galmudug, isaga oo xusay horumarka ay ku tilaabsatay Caasimaddu muddadii uu shaqeynayey Baarlamaanku.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey Madaxweynaha Dawladda Galmudug dawrkii uu ku lahaa guulihii uu gaaray Baarlamaanku Xilligii uu jiray iyo in uu Gacan-weyn ka geysanayo hir-gelinta dhismahaan aan Maanta Dhagaxa-dhigayno.

Kadib Guddoomiyaha ayaa faah-faahiyey qeybaha uu dhismuhu ka koobnaa-doono sida; Hoolalka Shirarka, Xafiisyada Guddoonka iyo Adeegyadooda, kadibna waxaa ku xigi doona dhismaha Xafiisyada Maamulka Golaha iyo Dhismaha Deegaanka Xildhibaanada oo laga hirgelin-doono Xarunta Golaha ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

Mudanayaasha Golaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Galmudug ayaa balan-qaaday in ay ka hawl-gali doonaan dedejinta iyo xaqiijinta in lagu guuleysto dhameystirka dhismahaan mudda kooban Inshaa Allah.

02/11/2023

Jowhar 02/11/2023 waxaa maanta Baarlamaanka Hirshabelle la horkeenay soojeedinta ansixinta 6 Degmo oo kala ah 1. Buq-aqable 2. Burweyn. 3. Moqokori. 4. Ragacelle. 5. Masajidka Ali Gadud. Iyo 6. Xawadley.

Waxaa si mug iyo miisaan leh loogu gacantaagay ansixinta Degmo ineey noqdaan laga bilaabo maanta magaalooyin ama Degmoyin lamid ah degmoyinka kale.

Waxaan leyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo, si gaar ah waxaan maanta farxadda lawadaagaa Bulshada reer Buq-aqable, inshallah waxaan rajeynaa muddo gaaban in aay lamid noqondoonto magaaloyinka casriga ah.

Gudomiye Adan Ali Raxajecel
Shaqo adag ayaa kuutaalo ilaah hakuu fududeyo.

Dhusamareb, 29 October 2023Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal iyo Xubnaha Guddiga Joogtada Go...
29/10/2023

Dhusamareb, 29 October 2023

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal iyo Xubnaha Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu Madaxweyne Galmudug ku saxiixay Shuruuc uu Golaha Wakiilladu horay usoo ansixiyey.

Munaasabadda ayaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ku saxiixayay afar sharci oo kasoo gudbay Golaha Wakiillada, ayna Goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha, Xubnaha Guddiga Joogtada Golaha iyo Wasiirro katirsan Xukuumadda

Shuruucdaas oo kala aheed;
1-Sharciga Maareynta Dhulka GM
2-Sharciga Xakameynta Hubka GM
3- Sharciga Doorashooyinka GM
4-Miisaaniyad-Sanadeedka GM ee 2024.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga Mahad-celiyey Golaha Wakiillada Galmudug iyo Khubaradii kasoo shaqeeyey ee dadaalka dheer soo geliyey Shuruudaan dhaxalka u noqon-doonta Bulshada Galmudug.

28/10/2023

Wasiirkii H**e Ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Ahmed Shariif Omar Mohamud Ayaa Shacabka Galmudug Ugadigay Qatarta Kadhalankarta Roobabka Dabaylaha Wata Ee Kacurtay Qaybo Kamid aah Goballada Galmudug

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO DAAH FURAY SHIKRA CAAFIMAADKA WASAARADAHA CAAFIMAADKA DFS & DOWLADAHA XUBNAHA KA AH DF...
24/10/2023

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO DAAH FURAY SHIKRA CAAFIMAADKA WASAARADAHA CAAFIMAADKA DFS & DOWLADAHA XUBNAHA KA AH DFS.

Dhuusamarreeb, 24-10-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Dhuusamarreeb ka daahfuray shirka wasaaradaha caafimaadka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kaasoo oo socon doono muddo laba maalmood ah.

Shirkaan ayaa looga tashanayaa xaaladda guud ee caafimaad dalka, mashaariicda caafimaadka ee socda iyo adeegyada caafimaad ee horutabinta leh.

Dhammaad.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada oo daah furay hawlg...
21/10/2023

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada oo daah furay hawlgal biyo saaris iyo waddo furis isugu jira ka dib roobabkii xoogganaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay Gaalkacyo.

Gaalkacyo , October 21 , 2023 : Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay weheliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Eng: Maxamed Cabdi Cilmi , Agaasimayaal , qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Xaafadaha Magaalada iyo Xubno kale ayaa bilaabay Hawlgal biyo saaris ah oo ay Dowladda hoose ka bilowday qaar ka mid ah xaafadaha iyo kaaamamka Magaalada Gaalkacyo ee ay biyuhu ku xirmeen ka dib roobab xooggan oo Saacadihii ugu dambeeyay ka da'ay Magaalada iyo hareeraheeda.

Maayarka iyo masuuliyiinta kale ee la socday ayaa booqday Xaafadaha iyo kaamamka ay degan yihiin dadka danyartaa ee ay daadadku saameeyeen , iyadoo meelaha qaar ee ay biyuhu ku xirmeen ay gaadiidka Dowladda hoose hawlgal waddo furis iyo biyo saaris isugu jira ka fuliyeen si loo baneeyo meelaha ay biyuhu ka baxayaan ama marinada biyaha ee qaarkood la xirtay.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo hawlgalkaan horkacayay ayaa soo arkay saameynta ay reebeen roobabkii xoogganaa ee Gaallacyo ka da'ay wuxuuna sheegay in dowladda hoose mar kasta u taagan tahay bilicda iyo nadaafadda Degmada Gaalkacyo , ayna wadi doonto hawlgalada waddo furista iyo biyo saarista isugu jira.

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarun...
20/10/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Doorka Duqa Degmada Galkacyo Iyo Darenka DadkaDuqa Degmada Galkacyo Cabdiraxman Shekh Xasan Oo Mudda Kumaqnaa Safar Shaq...
18/10/2023

Doorka Duqa Degmada Galkacyo Iyo Darenka Dadka

Duqa Degmada Galkacyo Cabdiraxman Shekh Xasan Oo Mudda Kumaqnaa Safar Shaqo Ayaa Bilaabay Shaqadii Degmada Galkacyo

Gudomiyaha Degmada Cabdiraxmaan Oo Dalka Dibadisa Ugu Maqnaa Shaqa Qayb Ka Ah Gorumarinta Degmada Ayaa Solabashadisa Kadib Bilaabay Horumarinta Degmada Xilli Laguda Galay Xilli Roobaadkii

Qaybo Kamid Ah Degmada Ayaa Maamulka Degmada Waxa Ay Bilaabeen Sidii Loo Hagaaj8n Lahaa Wadoyinka Galkacyo

Qaybaha Bulshada Galkacyo Ayaa Duqa Degmada Ugu Mahadceliyay Shaqada Iyo Kaalinta Maamulka Uu Ku Hagajinayo Degmada Galkacyo

Galmudug Horumar Iyo DagaalMadaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Oo Muddo Kusugan Furimaha Dagaalka Ee Deegaanada Gal...
18/10/2023

Galmudug Horumar Iyo Dagaal

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Oo Muddo Kusugan Furimaha Dagaalka Ee Deegaanada Galmudug Ayaa Hormuud U'ah Xoraynta Deegaanada Al-shabaab Ay Haystaan Waxaana Madaxweynahu Uu Tagay Deegaana Farabadan

Inkastoo Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye Uu Kusgan Yahay Jiidaha Dagaalka Hadana Waxa Uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye Uu Wada Hirgalinta Kaabayasha Dhaaaalaha Waxa Uuna Xarig Jar Iyo Hirgalin Kawada Deegaanada Qaar

Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye Ayaa Xariga Kajaray Garoonka Diyaaradaha Degmada Baxdo Ee Gobalka Galgaduud Kaas Oo Dadka Deegaanka Ay Hirgaliyeen Waxaana Dhismaha Garoonka Uu Yimid Hirgalinrii Degmada Baxdo

Qaybaha Bulshada Ayaa Da Daalka Madaxweynaha Ee Xoraynta Iyo Horunarka Soo Dhaweyay Waxayna Sheegeen In Madaxweynahu Uu Kadhabeyay Balanqadkii Doorashadiisa

Sikastba Ha'ahatee Galmudug Ayaa Waxaa Kamuuqda Isbadal Dhan walba Ah Kadib Dorashadii Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye

18/10/2023

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Ayaa Xaruga Kajaray Garoonka Diyaradaha Degmada Baxdo Ee Gobalka Galgaduud

15/10/2023

Ciidamada Dowladda Iyo Ciidamada Deegaanka Ayaa Cashar Udhigay Malayshiyada Al-shabaab Kadib Werarkii Deegaanka Burujeed Ee Gobalka Galgaduud

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiqow Ayaa Kawaramaya Weerarka Iyo Jabkii Malayshiyada Al-shabaab Lagarsiiyay

13/10/2023

Dani Oo Durbab Dorasha Ugu Yeray Mucaaradka

13/10/2023

Madaxweyne Xasan Shekh Al-shabaab Waa Laga Adkaday

Xildhiban Yonis Maxamed Shaare Oo Kamid Ah Golaha Wakiilada Galmudug Ayaa Dhawaan Kusoo Wajahan Deegaanada Galmudug Xild...
13/10/2023

Xildhiban Yonis Maxamed Shaare Oo Kamid Ah Golaha Wakiilada Galmudug Ayaa Dhawaan Kusoo Wajahan Deegaanada Galmudug

Xildhibanka Oo Muddo Arima Caafimaad Kumaqnaa Dalka Dibadiisa Ayaa Lafilaya In Uu Qayb. Kaboqdo Dagaalka Kadhanka Ah Malayshiyada Al-shabaab Ee Kasocda Deegaanada Galmudug

Xildhiban Yonis Ayaa Kamid Ahaa Masuuliyiintii Abaabulka Dagaal Kawaday Degmada Wisil Intii Aan Arima Caafimaaf Dalka Dibadisa Uusan U'adin

Qaybaha Bulshada Gobalka Mudug Ayaa Wada Diyar Garow Lagu Sodhawaynayo Xildhiban Yonis

DHUSAMAREB 11/10/2023: GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG AYAA MAANTA KU ANSIXIYEY MIISAANIYADDA 2024 KULANKOODII 3AAD EE  KALFA...
11/10/2023

DHUSAMAREB 11/10/2023:

GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG AYAA MAANTA KU ANSIXIYEY MIISAANIYADDA 2024 KULANKOODII 3AAD EE KALFADHIGA 8-AAD.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dr Maxamed Nur Gacal.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa;
1. Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka 2024
2. Ansixinta Qodobada Wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa si kooban ugu soo bandhiga Mudnayaasha Golaha waxyaabaha u baahan wax ka beddelka ee Madaxyada Miisaanidda qaarkood, waxa ayna xuseen in Miisaaniyaddu korortay 10% tii sanakii h**e, kadib Golaha ayaa amray in la raaciyo lifaaq lagu saxayo Madaxyada qaarkood.

Mudanaayasha kulanka soo xaadiray oo ahaa 57 Mudane ayaa cod aqlabiyad gacan-taag ah oggol ugu codeeyay miisaaniyada Galmudug ee 2024.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyaddu ansax tahay isaga oo uga mahad celiyey Guddiga Maaliyadda iyo Golaha ansixinta miisaaniyadda 2024.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Galmudug ayaa dhakiisa uga mahadceliyay Golaha ansixinta miisaaniyadda 2024.

Sidoo kale Golaha ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay wax ka beddelka qodobo ka mid ah Xeer-hoosaadka Golaha oo fadhiyadii h**e laga yeeshay dood, kadib markii ay soo bandhigeen Guddiga Xasaanadda iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

DHUSAMAREB 10/10/2023: GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG AYAA MAANTA YEESHAY KULANKOODII 2AAD EE  KALFADHIGA 8-AADAjandaha kula...
10/10/2023

DHUSAMAREB 10/10/2023:

GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG AYAA MAANTA YEESHAY KULANKOODII 2AAD EE KALFADHIGA 8-AAD

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa;
1-Bandhigga iyo Akhrinta 1aad ee Miisaaniyad Sanadeedka 2024.
2- Dooda wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal oo furay kulanka ayaa u Hambalyeeyay Dadweynaha reer falastiin iyo Muslimiinta dunida guusha ay ka gaareen Dagaalka ay kula jiraan israel.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dawladda Galmudug Mudane Farxaan Cali Maxamud ayaa Golaha horkeenay miisaaniyada 2024 ee Galmudug, faahfaahinna ka siiiyey, kadib waxaa Golaha u guddoomay Guddiga Maaliyadda Golaha iyaga oo dib u eegis kusoo sameyn-doona miisaaniyada kuna soo celin doona Golaha..

Sidoo kale Golaha ayaa ka dooday wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha iyada oo loo balamay in kulanka danbe lagu ansixiyo.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO BOOQDAY CIIDAMMO LOO DIYAARIYAY LA DAGAALANKA KHAWAARIJTA.Guriceel, 08-10-2023; Madaxw...
08/10/2023

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO BOOQDAY CIIDAMMO LOO DIYAARIYAY LA DAGAALANKA KHAWAARIJTA.

Guriceel, 08-10-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka duulaya hoggaamintiisa la xariirta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda dalka isla markaana uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa booqday ciidamado ka tirsan kuwa DFS oo kasoo noqday
fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan iney ku biiraan howlgalka ka dhanka argagaxisada ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo ku xareyswn xerada Harqaboobe ayuu Madaxweynaha kula dardaarmay in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka khawaarijta, kuna daysadaan geesiyaasha maalmihii lasoo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay argagaxisada.

Dhammaad.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO SHIR GUDDOOMIYAY KULAN AAN CAADI AHEYN OO AY YEESHEEN GOLAHA WASIIRRADA. Dhuusamarreeb...
07/10/2023

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO SHIR GUDDOOMIYAY KULAN AAN CAADI AHEYN OO AY YEESHEEN GOLAHA WASIIRRADA.

Dhuusamarreeb, 07-10- 2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.

Sidoo kale ; kulanka waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Galmudug. Golaha wasiirrada ayaana dood dheer kaddib cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta howgalka wajiga labaad waxa uu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ka howl gali doona aagagga dagaalka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda 2024-ka.

Dhammaad.

20/09/2023

Hadal Jedintii Gudomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr.Maxamed Nuur Gacal

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023 Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Ma...
20/09/2023

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa maanta Furay Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug

Ugu h**eyn Gudoomiyaha ayaa u Hambalyo u diray Shacabka deegaanada Bacaadweyn, Camara, Qaycad, Qodqod iyo deegaanada hoos yimaad ee helay guusha neecawda Xorriyada

Gudoomiyaha ayaa furitaanka Kalfadhiga ka jeediyay khudbad uu kusoo koobay waxyaabihii u qabsoomay kalfadhigii h**e, isaga oo Sheegay in lagu jiro Halgan joogto ah oo marar badan sababay in uu buuxsami waayo Kooramka Fadhiyada Golaha haddana la gaaray guulo la taaban karo Kalfadhigii 7aad ee xirmay bishii Juun ee Sananakaan, waxaa ka mid ahaa;

1. Ansixintii iyo dhameystirkii dib u eegistii dastuurka Galmudug oo lasoo daacabacay.

2. Sharcigii Xakameynta Hubka Galmudug oo laf dhabar u ahaa dawladnimada iyo sarreynta Shuruucda Galmudug.

3. Ansixinta Sharcigii Maareynta Dhulka Galmudug oo muhiim u ahaa Maamulka Dhulka iyo Xallinta Khilaafaadka dhulalka Galmudug.

4. Ansixinta degmeynta degmooyin cusub oo ahmiyad u lahaa Galmudug sida; Afbarwaaqo, Ceelguula, Bandiiradley, Dhabbad iyo Gelinsoor.

5. Sharcigii doorashooyinka Galmudug oo horseed u ah in Galmudug ka baxdo doorasho dadban una guurto doorasho Qof iyo cod ah, xor iyo xalaal na ah.

6. Ansixinta Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo Madaxda dalku bishii May ee Sanadkaan ku daahfureen in dalku galo doorashooyin sedex heer ah, Qof iyo Cod ah, daah-furan laguna galo habka Xisbiyada badan Sanadka 2024.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in
Kalfadhiga 8aad ee Golaha ay horyaaliin halwo culus oo hortebin u leh Galmudug sida:

1. Dardargelinta Hawlaha Guddiyada Golaha oo ah Mishiinka dhaqaajiya Golah.

2. Hormuud ka noqoshada Hawlgalada Ciribtirka Khawaarijra iyo Xasilinta Deegaanada laga Xoreeyo.

3. Ansixinta Wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka Galmudug ee 2024 iyo Xisaab-xirkii 2022.

5. Dhameystirka Shuruucda iyo QaraaraadkavXukuumadda ee harsanaa Kalfadhigii h**e.

6. Gogol-xaarka iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka ka bilaaban-doona Galmudug bisha Juun 2024, ee Madasha Qaran ku heshiisay.

7. La Xisaabtanka Hay'adaha Dawladda Galmudug iyo Qiimeynta wixii ka fulay Qorshihii Xukuumadda 4 tii Sano ee lasoo dhaafay.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha ayaa u Mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug iyo Xukuumadiisa oo taageeray qabsoomidda hawlaha Golaha Wakiillada Galmudug.

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023 Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr Max...
20/09/2023

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta Furay Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Wakiilada Galmudug.

Ugu h**eyn tii Gudoomiyaha ayaa u Hambalyeey Shacabka deegaanada Bacaadweyn, Camara, Qaycad, Qodqod iyo deegaanada hoos yimaad oo helay guusha neecawda Xorriyada

Gudoomiyaha ayaa furitaanka Kalfadhiga ka jeediyay khudbad uu kusoo koobay waxyaabihii uqabsoomay kalfadhigii h**e

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in ayadoo lagu jiro Halgan joogta ah oo marar badan sababay in uu buuxsami waayo Kooramka Fadhiyada Golaha haddana lagaaray guula la taaban karo Kalfadhigii 7aad uuna xirmay bishii Juun ee Sananakaan oo ay ka mid ahaayeen;

1. Ansixintii iyo dhameystirkii dib u eegistii dastuurkeyna oo lasoo daacabacay.

2. Sharcigii Xakameynta Hubka Galmudug oo laf dhabar u ahaa dawladnimada iyo sarreynta Shuruucda Galmudug.

3. Ansixinta Sharcigii Maareynta Dhulka Galmudug oo muhiim u ahaa Maamulka Dhulka iyo Xallinta Khilaafaadka dhulalka Galmudug.

4. Ansixinta degmeynta degmooyin cusub oo ahmiyad u lahaa Galmudug sida; Afbarwaaqo, Ceelguula, Bandiiradley, Dhabbad iyo Gelinsoor.

5. Sharcigii doorashooyinka Galmudug oo horseed u ahaa in Galmudug ka baxdo doorasho dadban una guurto doorasho Qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah.

6. Ansixinta Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo Madaxda dalku bishii May ee Sanadkaan ku daahfureen in dalku galo doorashooyin sedex heer ah, Qof iyo Cod ah, daah-furan laguna galo habka Xisbiyada badan Sanadka 2024.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in
Kalfadhiga 8aad Golaha ay horyaalaan halwo culus oo hortebin u leh Galmudug sida:

1. Dardargelinta Hawlaha Guddiyada Golaha oo ah Mishiinka dhaqaajiya Golah.

2. Hormuud ka noqoshada Hawlgalada Ciribtirka Khawaarijra iyo Xasilinta Deegaanada laga Xoreeyo.

3. Ansixinta Wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka Galmudug ee 2024 iyo Xisaab-xirkii 2022.

5. Dhameystirka Shuruucda iyo QaraaraadkavXukuumadda ee harsanaa Kalfadhigii h**e.

6. Gogol-xaarka iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka ka bilaaban-doona Galmudug bisha Juun 2024, ee Madasha Qaran ku heshiisay.

7. La Xisaabtanka Hay'adaha Dawladda Galmudug iyo Qiimeynta wixii ka fulay Qorshihii Xukuumadda 4 tii Sano ee lasoo dhaafay.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug iyo Xukuumadiisa oo taageeray qabsoomidda hawlaha Golaha Wakiillada Galmudug.

17/09/2023

Dowladda Oo Kawarantay Dagalka Galmudug

11/09/2023

Malayshiyada Al-shabaab Ayaa Cawa Tira Madafiic Ah Waxa Ay Ku Rideen Deegaanka Ceel Lahelay Ee Gobalka Galgaduud

Wararka Laga Helayo Sarakiil Katirsan Ciidamada Ayaa Sheegaya In Malayshiyada Al-shabaab Ay Dhowr Madafac Kurideen Deegaanka Ceel Lahelay Islamarkana Aysan Jirjn Wax Khasaara ah

11/09/2023

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Ayaa Kahadlay Qabsashada Ceelgaras

انا لله وانا اليه راجعونGudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoysaska...
11/09/2023

انا لله وانا اليه راجعون
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoysaska, Qaraabada, Xubnaha Baarlamaanka Galmudug iyo dhammaan Bulshada Galmudug oo ay Maanta ka baxeen Xildhibaan Maxamed Maxamud Axmed (Maxamed Yare) oo katirsanaa Baarlamaanka 2aad ee Galmudug iyo Xildhibaan Cabdulaahi Ibraahim oo katirsanaa Golaha Deegaanka Caasimadda Dhusamareb oo maanta ku Shahiiday Deegaanka Ceelgaras iyaga oo qeyb ka ahaa hawlgalka saaka looga xoreynayey Cadawga Khawaarijta deegaankaas.

Gudoomiyaha ayaa Shuhadada Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdawsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan Bulshada Galmudug, Allena naga dulqaado Fidnada Khawaarijta.

07/09/2023

Xildhiban Farxiyo Cali Ciid Waa Caqabad Galmudug Kudhx Jirta

07/09/2023

Wasiir Wayeel Cali Ciid Wuxuu Wada Iska Horken Bulsho

GUDOMIYAHA BAARLAMAANKA GALMUDUG AYAA  KA QAYB GALAY DHAARINTA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE.Dhuusamarreeb, 23-08-2023, G...
23/08/2023

GUDOMIYAHA BAARLAMAANKA GALMUDUG AYAA KA QAYB GALAY DHAARINTA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE.

Dhuusamarreeb, 23-08-2023, Gudomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr.Maxamed Nuur Gacal ayaa ka qayb galay dhaarinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Galmudug oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug

Guddoomiyaha baarlamaanka Dowladda Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa dhaariyay Mudane Daauud Cali Caddow, guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Dhammaad.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG AYAA KA QAYB GALAY DHAARINTA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE.Dhuusamarreeb, 23-08-2023, Mada...
23/08/2023

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG AYAA KA QAYB GALAY DHAARINTA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE.

Dhuusamarreeb, 23-08-2023, Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay dhaarinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Galmudug oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynuhu.

Guddoomiyaha baarlamaanka Dowladda Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa dhaariyay Mudane Daauud Cali Caddow, guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Dhammaad.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire  oo safar shaqo ku jooga gobolka Mudug ayaa kulan ku...
23/08/2023

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire oo safar shaqo ku jooga gobolka Mudug ayaa kulan ku saabsan dardar-galinta Amniga laqaatay saraakiisha Booliska Gobolka.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliyaha Qeybta Gobolka Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yusuf ,Kuxigeenkiisa Cabdi Siciid Xuseen Jaamac (Koomaad),Saraakiisha laanta nabad galyada wadooyinka iyo CID.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa Saraakiisha u sheegay in Ciidanka loo bahanyahay inay kor u qadaan sugida Amniga Gobolka Mudug maadaama ay fooda nagu soo hayso Tartanka Ciyaaraha Puntland.

Hogaanka Galmudug Iyo HorumarkaInkastoo Heerar Kala Duqan Ay Somartay Galmudug Hadana Lagana Han Jabin Waxaana Hogaankas...
19/08/2023

Hogaanka Galmudug Iyo Horumarka

Inkastoo Heerar Kala Duqan Ay Somartay Galmudug Hadana Lagana Han Jabin Waxaana Hogaankasta Oo Qadayay Tilaabo Wax Ku Ol Ah

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Oo Mudda Haya Xilka Qaxa Uu Qaday Tilaabooyin Waxaana Lagu Gulaystay Wax Qabad Muuqda

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kaqayb Galayay Xafladdi Galmudug Ayaa Sheegay In Dhismaha Galmudug Laga Soomaray Marxalado Kala Duwan Hayeeshee Horumarka Hadda Kajira Galmudug Lagu Gaaray Xasiloni Siyaasadeed Oo Hogaanka Galmudug Hormuud U'ahaa

Dorashadii Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye Kadib Galmudug Waxay Udhaqaaqday Hirgalinta Adeegyada Bulshada Waxaana Xarunta Galmudug Laga Dhisay Xarunta Madaxtoyada Xarumaha Wasaradaha Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Iyo Dhismaha Gooba Ganacsi Oo Horay Anu Uga Jirin Galmudug

Qaybaha Bulshada Ayaa Hogaanka Galmudug Ku Amaanay Dhismaha Ciidamada Xoraynta Deeganada Qaar Iyo Sal Udhigidda Siyaasadda Galmudug

Galmudug Waxaa Hadda Kasocda Guluf Kadhan Ah Malayshiyada Al-shabaab Waxaana Dhawaan Lafilaya In Deegaanada Ay Kusugan Yihiin Al-shabaab Laga Xoreeyo

Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye Ayaa Sanadguradii 17aad Ee Galmudug Kasheegay In Dhamaan Howlaha Galmudug Lajoojiyay Inta Laga Xoraynayo Deegaanada Ay Malayshiyada Al-shabaab Kusugan Yihiin Waxaana Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye Uu Muhiim U'arkaa Dagaalka Iyo Xoraynta

Address

Gaalkacyo
00252

Telephone

+252907253838

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiiraan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies


Other Broadcasting & media production in Gaalkacyo

Show All