09/12/2024
GHOSTING.
Ghosting wuxu dhacaa marka qof uu si lama filaan ah ujaro xariirki kala dhaxeeyay qof kale iyadoo qofkaan uu joojiyo kasoo jawaabida fariimaha iyo qabashada taleefanada iyadoo aysan jirin sabab cad oo waxaas uu usameeyo taasoo qofki kale ku ridaysa jahwareer, walwal iyo walbahaar badan.
Dadka ghosting sameeya waxaa la sheegaa inay ku sababaan dhowr waxyaalood oo ay kamid yihiin;
- Qofka oo diidaya inuu si toos ah umuujiyo dareenkiisa.
- Xiisaha oo yaraada.
- Qofka oo raba inuu xariirka jaro laakiin uusan aheyn qof awood uleh in uu si toos ah ujaro.
-Dadka ghosting sameeya waa dad inta badan ka carara wadda hadalada dooda ah.
Ghosting ka wuxuu ka dhex dhici karaa xariirada jacaylka, kuwa saaxiibtinimada iyo sidoo kale goobaha shaqada.
Qofka lagu sameeyo ghosting ka wuxuu dareemaa niyad-jab iyo xanuun badan isagoo intaas ka fakara waxa khaldamay, qofkana waxaa gaara saameyn wayn oo maskaxeed.
Talo yar oo ku socota dadka sameeya ghosting,
-Emotional intelligence giina oo aad dhistaan
-Dadka wakhtigooda iyo dareenkooda ixtiraama
-Communication skills kiina dhisa oo qofka si toos ah ula xariira.
- Sidoo kale joojiya ka fogaanshaha aad qofka ka foogaanaysid adiga oo ka cabsana waxaa ka imaan doona wadda hadalka aad galaysaan xilliyada ay taagan yihiin khilaafaadka.