MADAR MEDIA TV

MADAR MEDIA  TV ku soo dhawaada saaxibayaal pagekeena oo aad ka heli doontaan Warar, Barnaamijyo ku xiisa galinaya iyo Madadaalo intaba. Plz Follow|Share|Like|Coments.
(1)

Saddex Masjid oo Jig-Jiga ku yaalla ayuu Sheekh Cabdinaasir Cismaan, ka billaabay Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah.Fiidki...
22/06/2024

Saddex Masjid oo Jig-Jiga ku yaalla ayuu Sheekh Cabdinaasir Cismaan, ka billaabay Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah.

Fiidkii: Masjidka Bilaal
Subaxnimadda Axadda: Masjidka Dalxa
Galabnimada Axadda: Masjidka Jaamaca.

Halaga faa'idaysto oo halla sii faafiyo fariintan.

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka ...
15/06/2024

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka.

Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda.

Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen.

Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Waxayna Alle ka rajaynayaan naxariistiisa iyo in ay xalay-dhalay ka noqdaan dambiyadii ka dhacay intii ay noolaayeen.

Dadkaas kala dhaqanka, kala midabka iyo kala luqadaha ah ee ka kala yimid dacallada dunida ayay Carafo maanta martigelinaysaa. Kuleylka qorraxdu aad ayuu u ku kulul yahay, oo heerkulku waa 45°, balse xamaasadda iyo dareenka haya ayaa ka tan badiyay kuleylka qorraxda oo ay qaarkood dallad uga gaashaanteen.

Maxabbo iyo isjaceyl walaalnimo ayaa ka wada muuqato, oo isku salaamayaan. Shanfaroofle isma fahmi waayo, oo af Carabi jajab ah ayay ku wada hadlayaan. Maanta lama kala labis qurxoona, oo isku dhar ayay xiran yihiin maalqabeenka sanad kasta Xajka ku laalaabto iyo waayeelka xoolihiisii soo xarraashay si uu sanadkaan ugu xajiyo. Qabka, kibirka iyo kala-sarreyntu halkan k**a shaqeeyaan oo cidna maanta ma leh mudnaan gaar ah, mana ku kala sarreeyaan xilal oo halkan k**a jiraan mid madax ah iyo mid loo yahay.

Xajku waa Carafa. Halkan ayay maanta xujeydu ku wada gudanayaan rukniga ugu weyn Xajka. Maanta waa dharaarta uu Alle addoomadiisa ugu badan ka xoreeyo naarta. Waa maalinka ay ducadu ugu fadli iyo barako badan tahay, sida uu suubbanuhu ﷺ i noo sheegay. Cunno maanta xoog uma helaan. Si aan kala joogsi lahayn ayay u duceysanayaan, waayo waxay la loollamayaan waqtiga, si uusan uga dhicin gabbalka maalinka fadliga badan.

Dad ka yar 1% ayaa sanadkan fursadda Xajka ka helay muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida oo ku dhow 2 bilyan. Balse fadliga maalinkan barakeysan ee Carafa kuma koobna xujeyda kaliya, ee waxaa maanta fursado dahabi ah oo loogu dabidhaafo u tahay muslimiinta aysan duruuftu u saamixin in ay xajiyaan, oo uu Rabbi soonka maalinkan darteed ugu deeqayo dambidhaafka sanadkii h**e iyo kan soo socda.

Gabbaldhaca ka dib ayay ka rogmanayaan Carafa, una dareerayaan Musdalifa, halkaas oo ay caawa ku baryi doonaan, berri aroortiina uga sii kallihi doonaan Mina, oo ay ka sameyn doonaan dhagaxtuurka koowaad, xiirashada timaha, gowraca Allabariga, dawaafka kacbada, iyo in ay ku soo wareegaan Safa iyo Marwa.

Maalin Jimco ah oo ku beegan 1435 sano ka hor maanta oo kale, ayuu buurtaan taagnaa Nabi Muxammad ﷺ. Maalinkaas ayay halkan kula soo degtay Aayaddii ugu dambeysay Qur’aanka, oo uu Alle ugu sheegay in ay Diintu sidaas ku dhan tahay. Halkan ayuu Nabigu ﷺ asxaabtii kula hadlay, oo ugu jeediyay khudbad sagootin ah.

Wuxuu saxaabada kula dardaarmay in ay Qur’aanka iyo sunnada marjic iyo tixraac ka dhigtaan, wuxuuna uga digay in sheydaanku duufsado. Wuxuu ka warramay xurmada dhiigga, sharafta iyo xoolaha muslimiinta, wuxuuna ku boorriyay in ay is walaashadaan, kana fogaadaan wax kasta oo kalafogeyn kara. Wuxuu uga digay dulmiga, tuugannimada, ribada, boobka xoolaha dadka, musuqa hantida muslimiinta, iyo in dadka danta yar loo xoogsheegto.

Wuxuu Nabigu ﷺ boorriyay ilaalinta amaanada, oofinta ballamaha, iyo adkeynta caddaaladda iyo sinnaanta. Wuxuu uga digay aafada qabyaaladda, aanada qabiilka, takoorka, iyo kalasarreynta. Wuxuuna sheegay in ay dadku siman yihiin, oo uusan Carabku ka fadli badnayn Cajamiga, cabsida Allena ay tahay waxa kaliya ee lagu kalahorreeyo.

Wuxuu Nabigu ﷺ baraarujiyay xoojinta xiriirka qoyska iyo xuquuqda ay lammaanuhu isku leeyihiin, wuxuuna ragga kula dardaarmay in ay u dhimriyaan, baarrina u noqdaan xaasaskooda, ayna siiyaan xushmadda iyo xuquuqda ay mudan yihiin. Wuxuu boorriyay xiriirinta ehelka iyo qaraabada. Wuxuuna dardaarankii ku soo gunaanaday: Allahayow marqaati iiga noqo in aan gaarsiiyay!

Eebbe acmaasha haka aqbalo walaalaha sanadkaan fursadda u helay xajka ee maanta taagan Banka Carafo, annagana ha naga aqbalo soonkii iyo acmaashii suubbanayd ee aan gudannay; hana i noo kaso in aan Carafo dul joogsanno sanadaha xiga.

W/Q: Hussein Sabrie.

MADAXWEYNE LAFTAGAREEN OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA KU TIMID ALLE HAUNAXARISTEE TALIYIHII GUUTADA 8-AAD CIIDANKA XOOGA DALK...
15/06/2024

MADAXWEYNE LAFTAGAREEN OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA KU TIMID ALLE HAUNAXARISTEE TALIYIHII GUUTADA 8-AAD CIIDANKA XOOGA DALKA.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ehelka Qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeyey geerida ku timid Alle Haunaxaristee Taliyihii Guutada 8-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii h**e Degmada Diinsoor a Abdisalaan Xaaji Siidow iyo Askartii La socotay

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah

Gaashanle Maxamed Dheere waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka Dalka gaar ahaan Deeganada Koonfur Galbeed iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoona lagu Xasuusto Howlgaladii lagu jabiyey Khawaarijta ee uu Hogaamiyey

Waxaan Alle uga baryayaa Sarkaal Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii h**e Degmada Diinsoor Abdisalaan Haaji Siidow Saraakiisha iyo Askartii la Shahiiday in uu hoygooda uu ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka tirsanaayen

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa k...
15/06/2024

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga, ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa wadashaqeynta labada dhinac, isla markaana la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga dalka, gaar ahaan horumarinta amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho. Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay u diyaargarowga bixitaanka ATMIS iyo marxaladda kala guurka ah.

Shirkadda Shiinayska ah ee shiidaalka Deeganka ku hawlan oo muddo dhawr sanno ah khilaaf kala dhaxeeyay Itoobiya ayaa la...
15/06/2024

Shirkadda Shiinayska ah ee shiidaalka Deeganka ku hawlan oo muddo dhawr sanno ah khilaaf kala dhaxeeyay Itoobiya ayaa lays fahmay.

Madaxda Shiinaha iyo Itoobiya ayay bishii h**e wadda hadalo dhex-marreen,waxayna keentay in shirkaddu shaqadii dib u bilawdo.

Magaalada Harta Sheekha goobaha imtixaanku ka socdo waa ku diyaarsan xirfadlayaal caafimad iyo gaadiidka gurmadka ah.Waa...
11/06/2024

Magaalada Harta Sheekha goobaha imtixaanku ka socdo waa ku diyaarsan xirfadlayaal caafimad iyo gaadiidka gurmadka ah.

Waa tallaabo wanaagsan oo muddan in lagaga daydo.

Gollaha Barlamanka Itoobiya ayaa la hor geeyay miisaniyadda dalka ee Sannadka 2017 taas oo gaadhaysa 971.2 Bilyan oo Bir...
11/06/2024

Gollaha Barlamanka Itoobiya ayaa la hor geeyay miisaniyadda dalka ee Sannadka 2017 taas oo gaadhaysa 971.2 Bilyan oo Bir, waxay miisaniyadii h**e ka baddan tahay 21.1%.[ Lacag laba boqol bilyan ku dhaw ayaa lagu daray]

Lacagta Itoobiya ayaa hadda 1Trillion ku dhaw.

VOSS TV

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u raadinta Colaadda W...
08/06/2024

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u raadinta Colaadda Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Gabar Soomaali ah oo ka yaabisey dhaqaatiirta Talyaaniga sidoo kalena sabab u noqotey in la hakiyo carruur Soomaaliyeed ...
08/06/2024

Gabar Soomaali ah oo ka yaabisey dhaqaatiirta Talyaaniga sidoo kalena sabab u noqotey in la hakiyo carruur Soomaaliyeed oo la caawin lahaa .

Gabadha sawiradeeda aad aragtaan magaceedu waa Almaas Maxamed Ibraahim, waxay kamid ahayd hooyooyinka carruurtooda u helay fursadaha naadirka ah ee caafimaadka dibada .

Iyada & 8 qoys oo kale waxaa Muqdisho ka dirtey Hormuud Foundation si qalliin dhanka wadnaha ah loogu soo sameeyo carruur dalka wax looga qaban waayay balse arinta yaabka leh ayaa ah in gabadhan oo ilmaheeda uu kamid noqdey 4 -ta qoys ee 1-Aad ee qalliinka lagu sameeyay ay kala baxsatey isbitaalka iyadoo weli ilmaheedii uusan bogsoonin si ay dalalka kale ee Yurub u gasho ama iskaga dhiibto.

Tani waxey amakaag ku noqotey dhaqaatiirta Talyaaniga oo u qaadan waayay falka hooyadan ay sameysay. Sidoo kale dhaqaatiirta ayaa joojiyay carruurtii kale ee qalliinka wadnaha lagu sameeyn lahaa oo afar ka kooban. Waxaa sidoo kale la hakiyay 7 carruur kale oo wadnaha ka xanuunsan oo Muqdisho laga soo qaadi lahaa.

Waalidiinta kale ee Soomaalida ah kuna jira Isbitaalka gabadhan ay ka dhuumatey ayaa codsanaya iney dib u soo noqoto oo ilmaha kale & keeda oo weli daawo u socoto ay ka fakarto badalka inta ay quud-dareyneyso Yurub.
Munasar Maxamed

Liibaan Axmed Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta saameynta leh ee kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa k...
08/06/2024

Liibaan Axmed Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta saameynta leh ee kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay dagaal maanta maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray G/Galguud gaar ahaan deegaanka Qalanqale.

Qoraal uu soo saaray ayuu kaga hadlay arrimo kala duwan dhinacyada dagaalamaya Odayaasha iyo waxgaradka iyo guud ahaan cid kasta oo wax ka qaban karta ayuu ugu baaqay ka qeyb-qaadashada daminta colaaddaas,Waxaana uu yiri:-

Sabti 08/06/2024 الموافق 02/ ذي الحجة / 1445.

يقول الله سبحانه وتعالى في محكم تنزيله عز وجل ( والفجر وليال عشر والشفع والوتر ) الحديث ( قال رسول الله ﷺ مامن ايام العمل الصالح فيهآ احب الي الله من هذه الأيام....يعني الأيام العشره ذي الحجة... رواه البخاري

ALLAH SW Wuxuu kitaabkiisa kuyiri Cazza Wajalla ( Waxaan ku dhaaranayaa Fajarka iyo Habeenada tobonka ) " 10 cishe h**e ee bisha Carafa" .
Rasuulkana wuxuu yiri NNK (Maalmo Camal wanaagsan laqabto oo uu Allah kajecelyahay majira Maalmahan ).

Waxaan aad uga xumahay dagaal beeleedka udhaxeeya beelaha walaalaha ah ee CABUDWAAQ IYO XERAALE -- WAQOOYIGA GALGADUUD ee deegaanka QALANQALE.
Dagaalkan oo sababay dhimasho , dhaawac iyo khasaare kale.

Waxaan walaalahan dirirta udhaxeysa ugu baaqayaa in xabadda joojiyaan ,arimaha dagaalada sababyna lagu xaliya Gogol- Nabadeed, Wadahadal iyo Walaalnimo.

Waxaa ayaan-darro ah in dagaalkan iyo deegaano kaloo Mudug iyo Galgaduud ay kasocdaan dagaal beeleedyo , Maamulka Galmudugna uunan xil iska saarin baajinta dhiiga daadanaya iyo colaadaha soo noqnoqday .

Nabadgalyada iyo bad-qabka shacabka Galmudug waxaa masuuliyadeeda iskaleh Hogaanka sare ee Dowladda Galmudug.

كلكم مسؤول ومسؤول عن رعيته ، والإمام راع ومسؤول عن رعيته



Mahadsanidiin

LIBAAN AXMED XASAN.

Kursigaan waa in aan Saaxiibo Cusub ku kasbanaa kuwii horana ku xajisannaa oo aysan naga lumin.Marka h**e waxaan Ummadda...
07/06/2024

Kursigaan waa in aan Saaxiibo Cusub ku kasbanaa kuwii horana ku xajisannaa oo aysan naga lumin.

Marka h**e waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa hanashada kursiga aan joogtada aheyd ee golaha Amaanka Qaramada midoobey.

Si gaar ah, waxaa mahadcelin iyo bogaadin naga mudan Madaxa Ergada Soomaaliyeed ee joogta Qaramada Midoobey, Amb. Abukar Dahir Osman (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa.

Xubinimadaan waa howl culus oo u baahan in kaalinteeda lagu buuxiyo si masuuliyadi ku jirto.

Xaaladaha qasan ee hadda dunidu dhex maquuraneyso, iyo loolanka awoodaha dunida, kursigaan waxaa laga dhaxli karaa eedo heer gobol, heer qaarad, iyo heer caalami ah, kuwaas oo sii kordhin kara cadowga ummadda Soomaaliyeed, saameyn karana taageerada aan dalalka qaar ka helno.

Bal qiyaas, marka dal miisaaniyaddeenu ku tiirsan tahey taageeradiisa dhaqaale ama amnigeena qeyb ka ah aan ka codeyno ama u codeyn weyno?

Waxaan dowladda Soomaaliyeed kula talin lahaa:

1) In khubaro dublaamsiyadeed oo gaar ah lagu xoojiyo ergada, waqtina la siiyo madaxda hadda ergada joogta, kuwaas oo wax badan qabtey, waxna kororsadey;

2) In miisaaniyad ku filan loo sameeyo ergada, tababaro joogta ahna la siiyo;

3) In aan caadifan loo adeegsan kursigaan, lagana fogaado in go’aamo shaqsi lagu saleeyo soo jeedinada iyo codka kursigaan;

4) In aan kursigaan uga faa’iideysanno dunida, kuna hana i saaxiibo iyo xariiro waxtar u leh qarankeena;

5) In go’aamada lagu gaarayo kursigaan ay noqdaan kuwo si fiican loo ruugey, lana jaan qaadi kara siyaasaddeena arimaha dibadda iyo danaheena dhul, dhaqan, dhaqaale iyo amni.

“Waa laba sano oo masuuliyad ah ee Alloow aysan nooga darin”

Guriga Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo caawa si weyn loogu xusay xuska 18 MAY .Xisbiga WADDANI ayaa caawa magaaladda Harg...
18/05/2024

Guriga Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo caawa si weyn loogu xusay xuska 18 MAY .

Xisbiga WADDANI ayaa caawa magaaladda Hargeysa ku qabtay xaflad ballaadhan oo ugu dabaal-degayo 33-guuradda ka soo ka wareegtay maalinta qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May 2024.

Xafladdan ayaa waxa ka soo qayb-galay murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiyaha xisbiga Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye ku-xigeenada xisbiga WADDANI, Xoghayaha guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, xoghayeyaasha xisbiga, hoggaanka garabada haweenka iyo dhalinyaradda, xildhibaanno ka kala tirsan golleyaasha qaranka iyo dadweyne aad u tiro badan.

xisbiga waddani.iyo caawa xuska 18 may
18/05/2024

xisbiga waddani.iyo caawa xuska 18 may

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ru...
18/05/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

SAWIRRO : Ciidamada kala Duwan ee Qaranka Somaliland
18/05/2024

SAWIRRO : Ciidamada kala Duwan ee Qaranka Somaliland

Allah ha u naxariisto Ayaanle Cabdisalaan Jaamac 12 sano jir kasoo jeeda Goldogob oo ku noolaa deegaan ku dhow Caabudwaa...
17/05/2024

Allah ha u naxariisto Ayaanle Cabdisalaan Jaamac 12 sano jir kasoo jeeda Goldogob oo ku noolaa deegaan ku dhow Caabudwaaq ayaa waxaa dilay dabley hubeysan oo kasoo jeeda Cadaado.

Ayaanle dilkiisa waxaa loo adeegsaday Faas, oo wey bireeyeen kadibna gacmaha ayaa laga jaray.

Arintaan ayaa daba socota dilal aano qabiil oo maalmihii u dambeeyay ka soconaya Mudug iyo Galgalgaduud

"Waxaa jiray wiil xidhiidh jacayl naga dhexeeyey oo ii iibiyey Mobile Iphone ah iyo dahab balse markii xidhiidhkeenii dh...
16/05/2024

"Waxaa jiray wiil xidhiidh jacayl naga dhexeeyey oo ii iibiyey Mobile Iphone ah iyo dahab balse markii xidhiidhkeenii dhamaaday oo aan kala hadhnay wuxuu dib iiga ceshaday Mobilkii iyo Dahabkii ba"

Fanaanada Rahma Hassan.

“Shacabka Somaliland’oow maanta awooda ugu weyn idinka ayaa leh si wanaagsan u xisaabtama, beri hays qoomamaynina oo ha ...
15/05/2024

“Shacabka Somaliland’oow maanta awooda ugu weyn idinka ayaa leh si wanaagsan u xisaabtama, beri hays qoomamaynina oo ha odhanina fartayadii ayaanu eednay, waar hadda aad u fiirsada oo isbedelka taageera”

Musharax Cabdiraxmaan Cirro , ayaa fariintan u diray shacabka Somaliland.

MUQDISHO: Maxk**ada Racfaanka Gobolka Banaadir  oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali oo lagu helay dambi ah inuu gu...
15/05/2024

MUQDISHO: Maxk**ada Racfaanka Gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali oo lagu helay dambi ah inuu gubay xaaskiisa oo ahayd marxuunad Luul Cabdicaziiz.

𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐃𝐮𝐚𝐥𝐞 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲  𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐥𝐥𝐚...
14/05/2024

𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐃𝐮𝐚𝐥𝐞 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐥𝐥𝐚𝐧𝐝.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray doorka ay ganacsatda soomalidu ka qaadato mashaariicda horumarinta iyo wax yaabaha kale ee muhiimka oo laga wada shaqayn karo, iminka, mustaqbalkaba taas oo kaalin weyn ka geysan karaan dhamaan ganacsatada iyo dowladaha iyo hayadaha caalamku si loo xoojiyo shaqo abuurka iyo horumarka.

14/05/2024

Wacdarihii xalay iyo Gabiley

Ururka Somali Youth Horizon, ayaa Abaabulay Si Isxilqaan ah Campaign ka Nadiifinta xeebta Magalada Bosaso Si looga horta...
14/05/2024

Ururka Somali Youth Horizon, ayaa Abaabulay Si Isxilqaan ah Campaign ka Nadiifinta xeebta Magalada Bosaso Si looga hortago qataraha caafimaad ee dhalan kara wasakhowga xeebaha,

Waxaa la daah-furay Warshada gawaadhida ee Suways Motors oo ay ku baxday lacag dhan 250 Milyan oo Birr.Madaxweynaha DDS,...
14/05/2024

Waxaa la daah-furay Warshada gawaadhida ee Suways Motors oo ay ku baxday lacag dhan 250 Milyan oo Birr.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa daah-furay warshada Suways Motors oo ah warshad soo saaraysa noocyada kala duwan ee baabuurta oo ay maalgeliyeen muwaadiniin udhashay Deegaanka Soomaalida.

Warshadan oo shaqada billowday 2019-kii G.c kuna billowday gaadiidka yar-yar ee saddex taayirayda iyo baajaajyada ayaa ballaadhisay shaqooyinkeedii taasi oo hadda udigo-rogotay inay farsamayso baabuurta raaxada iyada oo maalintii awooda inay soo saarto 5 gaadhi.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in daah-furka warshadani ay ka marag kacayso isbaddalka ballaadhan ee aynu ku talaabsanay sanooyinkii lasoo dhaafay.

"Kaddib markii aan aragnay furfurnaanta gancsi ee kajirta Deegaanka Soomaalida, amniga iyo xasiloonida guud ee ay bulshadu heleen isbaddalkii kaddib ayaannu kusoo dhiiranay in aanu maalgashano oo aanu ku aamino hantidaanada; dawladduna way ku mahadsantahay doorkeedii garab istaaga", Cabdi Nuur Xuseen Agaasinka Shirkadda Suways Motors.

Deegaanka Soomaalida oo h**ey uga aradnaa dhinaca Warshadaha waaweyn ayay isbaddalkii kaddib soo baxayaan ifafaalooyin la mahadiyo oo ah dhinaca warshadaha waxtarka uleh bulshada walow wali ay socdaan daddaalo kale oo kuwajahan maalgelinta dhinaca warshadaha waaweyn ee Deegaanka.

Turkey 🇹🇷Ankara Waxaa xalay ka qabsoomay doorashada ururka midawga ardayda somaliyed ee Turkiga (UMASET) kasoo uu cod aq...
13/05/2024

Turkey 🇹🇷Ankara Waxaa xalay ka qabsoomay doorashada ururka midawga ardayda somaliyed ee Turkiga (UMASET) kasoo uu cod aqlabiyad ah ku guulaystay Gadomiye *Omar abdi shire*

Shacbiga Ku Nool Gobolka Gabilay Oo Cawa Fagaare Isugu So Baxay
13/05/2024

Shacbiga Ku Nool Gobolka Gabilay Oo Cawa Fagaare Isugu So Baxay

“ Xukumaddu waxa ay maanta inoo caddeysay in aanay Balli-gubadle gobol iyo gar-gaar midna la rabin, Hoyga Halganku wuxu ...
13/05/2024

“ Xukumaddu waxa ay maanta inoo caddeysay in aanay Balli-gubadle gobol iyo gar-gaar midna la rabin, Hoyga Halganku wuxu mudan yahay horumar iyo hiil gobolnimo .

Reer Biligubadle haddii qallinkii Madaxweynuhu gobolnimo u quudhi waayey waa in codkooda sannadkani gobol u gooyaa, ka golle ahaan waxa aan hormuud u noqon doonnaa sidii reer Hawd gobol buuxa u noqon lahaayeen.
Caddaalad iyo Sinnaan ayaa Somaliland deeqda …”

Xildhibaan: Barkhad Batuun.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diy...
13/05/2024

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu so...
13/05/2024

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Qeybaha Kala Duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu Wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Address

Doon Soomaali

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MADAR MEDIA TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to MADAR MEDIA TV:

Videos

Share


Other Doon Soomaali media companies

Show All

You may also like