Faahfaahin: Shaqaaqooyin Geel lagu kala dhacay oo ka taagan gobolka Mudug
uddoomiyaha degaanka Carra-gaduudshe, Mudug ee Galmudug Axmed Cabdi Aadan(Caaqil Dhiin), oo u warramay Radio Dhuusamareeb ayaa ka hadlay shaqaaqooyin geel lagu kala dhacay oo waayadii dambe ka taagnaa degaannada bariga fog.
Wuxuu sheegay in dhacdooyinka soo laablaabtay ee geela lagu kala dhacayo ee ka taagan bariga gobolka Mudug ay muhiim tahay in wax laga qabto.
Wasaaradda amniga iyo tan arrimaha gudaha Galmudug ayuu usoo jeediyay in ay arrimahaa wax ka qabtaan.
Dhanka kale, xaaladda abaareed ee gobolka oo weli taagan ayuu ugu baaqay hay'adaha inay gurmad canno, biyo iyo mid caafimaadba la gaadhaan degaannadaasi.
Radio Dhuusamareeb,
#Galmudug, #Soomaaliya
Xildhibaan Sanbaloolshe oo baaq u diray beelaha Shabeellaha Dhexe ayaa ka mahadceliyay gurmadkii ciidan ee Galgaduud.
Radio Dhuusamareeb,
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarunta dowladda hoose ku soo dhoweeyay Ra'iisul wasaaraha xukuumadda FS Xamsa Cabdi Barre.
Radio Dhuusamareeb,
Degaanka Carra-gaduudshe oo ka tirsan degaannada dhaca bariga gobolka #Mudug ee Galmudug ayaa laga soo warinayaa xaalado dhanka nolosha ah.
Guddoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay degaankaasi Axmed Cabdi Aadan(Caaqil Dhiin), ayaa sheegay in adeegyada bulshada oo gabaabsi ku ah halkaasi ay saameyn ku yeesheen nolosha qoysas badan oo reer guuraa ah.
Waxaa uu sheegay in degaanku uusan lahayn adeeg caafimaad, islamarkaana qofka xannuunsada Gaalkacyo la geeyo taasoo culays ku ah qoysaskaasi.
Guddoomiye Caaqil Dhiin ayaa tilmaamay ceelbiyood dhowaan degaanku uu yeeshay in ay iminka heystaan caqabado farsamo iyo agabyo ka maqan, isagoo gurmad u dalbay dadka iyo duunyada halkaa ku nool.
Radio Dhuusamareeb,
Dhismaha masjidul Nuur ee ka soconaya magaalada Bandiiradley
Dhismaha masjidul Nuur iyo madrasadiisa oo ka soconaya degmada #Bandiiradley ee gobolka #Mudug ayaa maraya meel wanaagsan
Macallim Cabdirisaaq Nuur Guuleed oo ah hormuudka howshan horkacaya ayaa ka warramay waxa u qabsoomay iyo inta dhiman.
Waxaa uu wasaaradda diinta Galmudug, umadda Soomaaliyeed iyo dadka jaaliyadaha ah ugu baaqay inay ka qeyb qaataan howshaasi khayriga ah ee ka socota magaalada Bandiiradley.
Radio Dhuusamareeb,
Waxgarad baaq u diray MW maamulka Galmudug
Qaar ka mid ah waxgaradka iyo nabadoonnada gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye #Qoorqoor inuu ka qeyb qaato xal u helida ka iyo tabashooyinka ay qabaan mid ka mid ah beelaha gobolkaasi Mudug.
Radio Dhuusamareeb,
Heshiis laga gaaray colaaddii Galgaduud
Odayaasha dhaqanka beelaha #Cadaado iyo #Dhabbad ayaa isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda degaannada beeluhu deriska ka yihiin.
Radio Dhuusamareeb,
Madrsada Daaru Salaam ee Caabudwaaq
Guddiga wada abaabulka dhismaha madrasada Daaru Salaam Caabudwaaq ayaa ka warbixiyay halka ay howsha u marayso.
Dugsigan oo ay dhigtaan ku dhowaad 100 arday, ayaa u baahan dhisme, sida guddigu sheegeen.
Culimo isxilqaantay oo u kacday arrintan ayaa baaq u diray umadda Soomaaliyeed iyo dadka jaaliyadaha ah ee degaanka u dhashay.
Radio Dhuusamareeb,
Gud. Aadan Madoobe oo ka hadlay arrimo kale duwan
Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira qeybo ka mid gobollada dalka ayaa waxaa uu baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay'adaha deeqda bixiya in ay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu samatabixinayo dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.
Radio Dhuusamareeb,
Daawo; Faahfaahinta MW Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Washington, USA
Daawo; Faahfaahinta MW Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Washington, USA
Washington, Sebteembar 15. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa halkaas ka bilaabaya kulammo uu la qaadanayo masuuliyiinta dalkaas iyo Hay’adaha caalamiga ah, isagoo xoogga saaraya soo bandhigidda xaaladda adag ee ay la tacalaayaan kumaannanka qoys ee ay saameysay abaartu, khatarta argagixisada iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso xasilinta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka.
Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.
Radio Dhuusamareeb,
Koofur Galbeed oo qaaday guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab
Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen oo amar dul-dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka maamulkaasi
Waxaa uu faray maamullada degmooyinka inay u diyaar-garoobaan la dagaallanka Alshabaab si la isugu furo waddooyinka xiran ee gobolladaasi.
Radio Dhuusamareeb,
MW Xasan oo la kulmay dhiggiisa Kenya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah.
Radio Dhuusamareeb,