Dhahar tv

Dhahar tv Waa page aad ka helayso warar kala duwan oo la xiriira aduunka, caafimaadka, waxbarashada

24/05/2024
27/04/2024


23/04/2024

Sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun

20/04/2024

Somaliland

10/03/2024

Tafsiirka quraanka kariim ka
Suratu alfaatixa

UPDATE: Qorshaha looga hirgelinayo marinka Qasa dekedda sabaysa si gargaar maraakiibta ay qaadaan halkaa lagu gaarsiiyo,...
08/03/2024

UPDATE: Qorshaha looga hirgelinayo marinka Qasa dekedda sabaysa si gargaar maraakiibta ay qaadaan halkaa lagu gaarsiiyo, ayaa la sheegay inuu billaabanayo 10 bishan Maarso, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa sheegay inay kala shaqeynayaan arrintan Mareykanka , halka Qatar la sheegay inay oggalaatay qaar ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya maraakiibta lagu soo rarayo gargaarka ee la soo marsiinayo Qubrus, halkaa oo ah goob lagu tusayo Israa’iil oo dhankeeda soo dhaweysay hannaankan.

UPDATE: FBI-da Mareykanka ayaa maanta xirtay sarkaal darajada ciidan ee ugu sarreeya ka gaaray militariga Mareykanka , s...
08/03/2024

UPDATE: FBI-da Mareykanka ayaa maanta xirtay sarkaal darajada ciidan ee ugu sarreeya ka gaaray militariga Mareykanka , sarreeye Korbein Schultz, oo ah fallanqeeye sirdoon oo ka tirsan guutada 506-aad ee ciidamada lugta ( Fort Campbell) ee gobolka Kentucky, waxaa loo xiray 6-dacwadood oo isugu jira shirqool iyo laaluush,kaddib markii lagu eedeeyay in uu iibiyay sirta dawladda, oo ay ku jirto xogta difaaca Taiwan, istiraatijiyada dagaalka Ukraine, Difaaca Cirka, iyo Nidaamka Gantaalka Madaafiicda Sare ee Ciidanka Mareykanka ee M142 (HIMARS), xogtan ayaa la sheegay inuu ka iibinayay wakiillo ka socda sirdoonka Shiinaha, oo document-tiyada ka siisanayay mid kasta oo ka mid lacag ka badan $42,000.

UPDATE: Taliyaha hoggaamiya taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka , Jen. Michael Kurilla ayaa lagu warramaya inuu Congres...
08/03/2024

UPDATE: Taliyaha hoggaamiya taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka , Jen. Michael Kurilla ayaa lagu warramaya inuu Congress-ka la wadaagay warbixin la xiriirta xiisadda Bariga dhexe iyo halista ka imaan karta Iran.

Jen.Kurilla ayaa sheegay in wax soo saarka Iran ee 60% ee uranium-ka aadka loo xoojiyey uu kor u kacay 39% sannadkii h**e, taaso ku filan in loo beddelo hubka nukliyeer, wuxuu caddeeyay haddii ay Iran soo saarto hubkaa inay beddeli doonto xaaladda bariga dhexe, isagoo halis kale ku sheegay iskaashiga ka dhexeeya Iran, Ruushka iyo Shiinaha oo hadda isku beddelay mid dhab ah oo ay ku dhisayaan difaac wadajir ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Iran ee Shahed "mid ka mid ah khataraha ugu sarreeya" waxay weerarro ka gaysan karaan 2000 km, ayuu yiri. Isagoo ka hadlaya xaaladda Ciraaq iyo Suuriya , wuxuu sheegay in hadda ay jirto habab kumeel-gaar ah oo lagu joojiyay weerarrada, balse xilli walba ay suragal tahay in la weerarro saldhigyada Mareykanka , arrinta kale ee warbaahinta ka soo bandhigtay warbixintan ayaa ah Jen.Kurilla inuusan qarin inay ku dhibtoonayaan helitaanka bartilmaameedyada dhabta ah ee saldhigyada iyo goobaha lagu diyaariyo hubka Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.

Address

Horseed, Toosan Street, Highland
Dhahar

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 00:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252633399933

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhahar tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Dhahar

Show All

You may also like