Haylaan press

Haylaan press Xog sugan iyo Tabin Hufan Horumarinta Bulshada

11/05/2024

Fadlan ka qayb-qaado dhismaha Masjidka deegaanka (Ex.Dhabansaar).
Laxiir numbaradan:
■Gollis:0907618323
■Telesom : 0638034168
■Edahab: 667718323

Xukuumada madaxwayne Xasan Sheikh ayaa Maamulka SSC-Khatumo  ka reebtay madasha wadatashiga Qaran ee Somalia.Mamulkan ay...
17/04/2024

Xukuumada madaxwayne Xasan Sheikh ayaa Maamulka SSC-Khatumo ka reebtay madasha wadatashiga Qaran ee Somalia.
Mamulkan ayaa ka taliya Dhul ka baaxad wayn inta Gobolka Banaadir kataliyo sidoo kale leh haykalkii dawladnimo oo dhamaystiran kana tayo wanaagsan kan kajira Gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada kale ee Somalia.

Reer SSC-khaatumo waxba uma oga Somaliyada maanta waayo waa dad dhulkooda iyo dadkooda maamusha.

16/04/2024
Dhismaha masjid jaamaca Xingalool oo meel fiican maraya waxaana loo gudbi doona dhismaha dabaqa koowaad ee masjidka.
16/04/2024

Dhismaha masjid jaamaca Xingalool oo meel fiican maraya waxaana loo gudbi doona dhismaha dabaqa koowaad ee masjidka.

15/04/2024

Qiimaha kabka miisanayada ay dawlada faderaalku siiso Maamul goboleedyada Somalia ee sanadkii 2023.
SSC-khaatumo ayaa lafilayaa inay kujiri doonta sanadkan 2024 insha-alah.
1-Somaliland = $28,000 Million
2-Puntland = $6,528,636 Million
3-Jubbaland = $17,518,935 Million
4-K-galbeed = $15,659,062 Million
5-Banaadir = $ 28,853,784 Million
6-Galmudug = $11,466,183 Million

iyo ayaa ugu badan kabka miisaaniyada oo ay dawlada federalku siiso maamulada xubnaha ka ah dawlada federaalka.

15/04/2024

Calanka Maakhir

Calanka waxa leh dalka    lakin marka Baraha bulshada ee Somalida lajoogo wxa isticmaala oo leh reer Maakhir (Warsangeli...
11/04/2024

Calanka waxa leh dalka lakin marka Baraha bulshada ee Somalida lajoogo wxa isticmaala oo leh reer Maakhir (Warsangeli).
adigu reerkiinu calankee isticmaalaa ?????

Yaa Maakhir nimada jecel oo wadaniyiin dhab ah ???Dhahar iyo Xingalool.
09/04/2024

Yaa Maakhir nimada jecel oo wadaniyiin dhab ah ???
Dhahar iyo Xingalool.

  Sanaag oo ku ciidaysa calanka Maakhir State.
09/04/2024

Sanaag oo ku ciidaysa calanka Maakhir State.

08/04/2024

Gobolada iyo degmooyinka xilligii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliyeed
======================
Inta aadan ka jawaabin qoraalkan hordhaca ah laba jeer akhri.

2002 ayaan booqday xarunta UNDP Nairobi oo ay yaalaan kayd badan oo Soomaaliya leedahay, oo ay lahaayeen wasaaradihii Soomaaliya oo ahaa in la badbaadiyey.

Waxaa la ii ogolaaday dhawr warqadood in aan koobiyeysto. Waxaa ka mid ahayd warqad ay ku qornaayeen gobolada iyo degmooyinka Soomaaliya.

Sideedii ayaan u qoray, waana faafiyey. Hadda Warqaddii ma hayo, laakiin dad badan oo qoraalkii aan qoray 2002 weli ka akhriya webkii aan berigaa geliyey waxay ku doodayaan in degmooyinka qaar ka maqan yihiin qoraalkan, kuwo aan rasmi loo shaacina aan ku daray. Waxaana la sheegaa in ay jireen degmooyin miiska saarnaa oo iyaga oo aan lagu dhawaaqin dawladii dhacday oo kuwan ku jira.

Arrin kale oo dhallinta xilligani aad isu weydiiyaan ayaa jirta maalmahan oo ah: Sidee isugu beegmi karaan Degmo Muqdisho ka mid ah iyo magaalo kale oo gobol caasimad u ah? Sida Laascaanood iyo Xamarweyne.

Nidaamka Soomaaliya u yaalaa wuxuu dhigayaa in ay Laascaanood iyo Xamarweyne laba Degmo yihiin oo midna ka tirsan tahay Gobolka Sool , midna Gobolka Bannaadir.

Su‘aashu waxay tahay miyey jirtaa Degmo lagu daray ama laga tagay qoraalkan?

Su‘aashani waxay ku socotaa dadkii xilligii dawladda soo jiray, iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

1. Gobolka Awdal wuxuu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah:

1.Baki
2.Boorame ,oo caasimada gobolka ah
3.Lughaya
4.Saylac

2- Banaadir oo magaalo madaxda Muqdisho
waxay ka kooban tahay sidaan anigu u hayo 15 degmo waana kuwan:

1.Cabdicasiis
2.Boondheere
3.Xamar jajab
4.Xamarweyne
5.Hawl wadaag
6.Heliwaa ama Huriwaa
7.Hodan
8.Kaaraan
9.Shangaani
10.Shibis
11.Waaberi
12.Wada jir
13.Wardhiigley
14.Yaaqshiid
15.Dharkeynley

3- Bari oo isaguna wuxuu ka kooban yahay 10 degmo:

1.Boosaaso oo caasimada ah
2.Caluula
3.Badarbeyla
4.Rako
5.Ufayn
6.Waaciya
7.Qandala
8.Qardho
9.Xafuun
10.Isku shuban

4.Togdheer oo isaguna ka kooban afar degmo:

1.Burco waa caasimada
2.Buuhoodle
3.Shiikh
4.Oodweyne

5.Sool wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo:

1.Laas caanood waa caasimada gobolka ah
2.Caynabo
3.Xuddun
4.Taleex

6- Galguduud wuxuu isna ka kooban yahay sideed degmo:

1.Dhuusamareeb oo caasimada gobolka ah
2.Cadaado
3.Balanbale
4-Ceelbuur
5.Ceeldheer
6.Caabudwaaq

7.Hiiraan wuxuu isna ka kooban yahay shan Degmo:

1.Baladweyne waa caasimada gobolka
2.Buulabarde
3.Jalalaqsi
4.Masax
5.Matabaan

8.Gedo wuxuu isna ka kooban yahay lix degmo:

1.Garbahaarey oo caasimada gobolka ah
2.Baardheere
3.Beledxaawo
4.Doolow
5.Ceelwaaq
6.Luuq

9. Waqooyi Galbeed wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo:

1.Hargeysa oo caasimada gobolka ah
2.Dacar-budhuq
3.Berbera
4.Gebiley

10.Mudug isaguna wuxuu ka kooban yahay shan degmo:

1.Gaalkacayo oo caasimada gobolka ah
2.Galdogob
3.Xarar-dheere
4.Hobiyo
5.Jiriiban

11.Shabeelada Dhexe wuxuu ka kooban yahay todobo degmo:

1.Jawhar oo caasimada gobolka ah
2.Balcad
3.Mahadaay
4.Cadale
5.Aadan yabaal
6.Warshiikh
7.Run-rugood

12.Shabeelada hoose wuxuu ka kooban yahay todoba degmo:

1.Marka oo caasimada gobolka ah
2.Afgooye
3.Aw-dhiigle
4.Baraawe
5.Kuntiwaarey
6.Qoryooley
7.Sablaale

13.Bay wuxuu ka kooban yahay shan degmo:

1.Baydhabo waa caasimada gobolka
2.Buurxakabo
3.Diinsoor
4.Qansaxdheere
5.Bardaale

14.Bakool wuxuu isna ka kooban yahay shan degmo

1.Xudur waa caasimada gobolka
2.Ceelbarde
3.Rabdhure
4.Tiyeglow
5.Biyooley

15. Jubada dhexe wuxuu ka kooban yahay afar degmo

1.Bu'aale oo caasimada gobolka ah
2.Dujuma
3.Jilib
4.Saakow

16.Sanaag wuxuu ka kooban yahay shan degmo:

1.Ceerigaabo waa caasimada gobolka
2.Ceel-afweyn
3.Laasqoray
4.Badhan
5-Dhahar

17- Jubada hoose wuxuu ka kooban yahay shan degmo:

1.Kismaanyo oo caasimada ah
2.Afmadow
3.Badhaadhe
4.Xagar
5.Jamaame

18- Nugaal wuxuu ka kooban yahay afar degmo:

1.Garoowe waa caasimada gobolka
2.Dan-gorayo
3.Ayl
4.Burtinle

EUTM Somalia EUTM held the closing ceremony of the 3rd Reconnaissance and 4th Combat Engineer Courses. Twenty-nine stude...
08/04/2024

EUTM Somalia
EUTM held the closing ceremony of the 3rd Reconnaissance and 4th Combat Engineer Courses. Twenty-nine students, all from the Somali National Army (SNA), were awarded at the presence of the Ambassador of the European Union Delegation to Somalia, Ms. Karin Johansson, the European Union Training Mission in Somalia (EUTM-S) Force Commander, Brigadier General Fulvio Poli, the Commander of the SNA GDTC, Brigadier General Mohamed Mohamud Saney, the Commander of the 14th October Brigade, Col. Nuur Farey Gabow, the Commander of the 23rd Military Police Brigade, Major Adan Jelle Ali, the Head of SNA Training Department, Col. Essa Ahmed Wehliye. After the awarding ceremony, Ms. Johansson and BGen Poli commended the four best students with special certificates of excellence. Well done guys!
The completed courses were organized by EUTM-S upon specific request of the General Staff of the Somali Armed Forces, to train selected troops in specific subjects. The presence of Ambassador Karin Johansson emphasizes the European Union's constant commitment to delivering its support to the Somali Security Sector Reform.
***************
EUTM waxay qabatay xafladii xiritaanka koorsooyinkii 3aad ee sahanka iyo 4aad ee Sancada. 29-arday oo dhamaantood ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la abaal mariyey, waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson, Taliyaha Ciidanka Midowga Yurub ee Tababarka u jooga Soomaaliya (EUTM-S). S/Guuto Fulvio Poli, Taliyaha Ciidanka XDS GDTC S/Guuto Maxamed Maxamuud Saney, Taliyaha Ururka 14-ka Oktoobar Col. Nuur Fareey Gaabow, Taliyaha Ururka 23-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Aadan Jeelle Cali, Madaxa Waaxda tababarada XDS, Col. Essa Ahmed Wehliye. Abaalmarinta ka dib, Ms. Joahnsson iyo Sareeye Guuto Poli ayaa bogaadiyay 4-ta arday ee ugu wanaagsanaa shahaado heer sare ah. Wax fiican ayaa sameyseen saxiibayaal! Koorsooyinka la soo gaba gabeeyay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay EUTM-S ka dib codsi gaar ah oo ay ka dalbadeen Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, si loo tababaro ciidamo la soo xulay oo maadooyin gaar ah loo tababaro. Joogitaanka Ambassador Karin Johansson waxa ay xoojinaysaa sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay had iyo jeer in ay gacan ka geystaan dib-u-habaynta laamaha amniga ee Soomaaliya

Gudoomiyaha  Dowlada Hoose ee Degmada Dhahar  ayaa dhagax dhigay Ceel biyood laga hirgalin doono deeganka Booda oo katis...
07/04/2024

Gudoomiyaha Dowlada Hoose ee Degmada Dhahar ayaa dhagax dhigay Ceel biyood laga hirgalin doono deeganka Booda oo katisan deegamda Dhahar.

Ceelaayo ma waxaa la booqdaa marka arimo siyaasiya laga hadlayo iyo taageero koox ???iyadoo baahiyihii aas-aasiga ah ay ...
05/04/2024

Ceelaayo ma waxaa la booqdaa marka arimo siyaasiya laga hadlayo iyo taageero koox ???
iyadoo baahiyihii aas-aasiga ah ay dagmada k**aqan yihiin sida Hospitaal-kii degmada, Aqalkii Dawlada hoose ee degmada,Saldhigii degmada iyo warshadii kaydka barafka oo muhiim u ah kaluumaysata degmada si ay waxsoosaarka kaluunka loo ilaasho bad qabkiisa iyo dhaqaalaha kaluumaysata degamada.

Ceelaayo dastuur iyo arimo siyaasiya waxba k**a galine bal Puntland-tan aad gudoomiyaha katahay xuquuqdooda uga doon oo adeegyadan muhiimka u ah noloshooda horta ha helaan dastuurkuna haynoo danbeeyee.

ma la odhan karaa maamulka gobolka Haylaan inuu xuquuqda reer Haylaan kasoo dhiciyo dawlada wuuu ku fashilmay ama fahan buuxa k**ahaysto dhaqada loo dirsaday???

05/04/2024

car intaa Duqbilow fahmay ha fahmo Hamza Abdi Barre ???

31/03/2024

Xukuumada Firdhiye xaqiiqatan way ku fashilantay fidinta iyo baahinta maamulka SSC-Khatumo iyadoo mudo xileedka madaxwayne furdhiye marayo hal sano wali gobolka Cayn k**a dhisna wax dalwad SSC-Khaatumo ah.
maanta amaanka iyo adeeg bixinta bulshada waxaa gacanta ku haya maamulka Puntland.

Qofka Warsangeli-ga ah ee maanta taageersan Xamse iyo Xasan oo diidan Garoowe sidoo kale tusaya digasho iyo in wax ka xu...
30/03/2024

Qofka Warsangeli-ga ah ee maanta taageersan Xamse iyo Xasan oo diidan Garoowe sidoo kale tusaya digasho iyo in wax ka xumadeen Majeerteen iyo mareexan waa qof aan jirin habeen sababtoo ah isagu horta somalia muxuu kasoo dhacsan karaa muxuuse kayahay ???
Dhulkiisa ayaaba ah dhul lagu muransan yahay ,Dhulkiisa ayaaba ah dhulaan dawlad kajirin oo bilaa nidaam iyo dawlad ah bal horta dhulkaaga u tali oo dhis yeelona siyaasad xor ah oo ka madax banaan beelaha kula dariska ah.

Darood inay hogaamiyaan Majeerteen iyo mareexan oo ay iyaga ku daba faylaan wax ku dhaama waayay wayo waa rag meeshay u socdaan iyo hadafkooda la garankaro.
Ogadeen maanta oo lagu tijaabiyay jagada u saraysa beesha darood wxay noqdeen qabiil dhaxal wareejiya oo qiimatira booskii daarood.

Halkani Waa Wadada Laamiga Ah Ee u Dhaxeeysa Laascaanood Iyo Garoowe Gaar Ahaan Tuulada Geedqaboobe  .Bad Qabka Reerkaa ...
30/03/2024

Halkani Waa Wadada Laamiga Ah Ee u Dhaxeeysa Laascaanood Iyo Garoowe Gaar Ahaan Tuulada Geedqaboobe .
Bad Qabka Reerkaa Laamiga Dhinaca Goostay Halis Waxeey Ugu Jiraan Baabuurta Xamuulka Ah Ee Habeenkii Guurada Ku Mara Wadada ineey Dusha Ka Maraan Maamulka SSC-Khatumo Iyo Ciidanka Taraafikada Wadooyinka Waxaan Jeclaan Lahaa Arintaan Halisteeda Leh ineey Si dhakhso Ah Wax uga Qabtaan Wabi laahi Towfiiq."

Abdiasiis Hadhiye .

29/03/2024

Curadka harti ee Majeerteen Salaan gobeed baan u dirayaa boqortooyada.

Xildhibaanada ka doortay danaha dalkooda iyo dalkooda  dan shaqsiyadeed oo bariba dhamaanaysa.SSC-Khatumo  waxay u baaha...
26/03/2024

Xildhibaanada ka doortay danaha dalkooda iyo dalkooda dan shaqsiyadeed oo bariba dhamaanaysa.

SSC-Khatumo waxay u baahan yihiin xildhibaano wadaniyiin ah oo difaaca xuquuqda State-kooda iyo dadkooda.

26/03/2024

Halkee ayaa Noqon karta Caasimada Somalia ileen muqdisho ma qaadi karto caasimadnimo.
1-Ceeri-gaabo 2-Galkacyo

Xukuumada Hassan Sheikh Mohamud  iyo Hamza Abdi Barre  waxay dagaal kula jiraan Maamulka SSC-Khatumo  kuwaas oo  mashaar...
24/03/2024

Xukuumada Hassan Sheikh Mohamud iyo Hamza Abdi Barre waxay dagaal kula jiraan Maamulka SSC-Khatumo kuwaas oo mashaariicdii horumarinta ay muwaadiniinta reer SSC-khaatumo xaq u lahayeen may siiin.
Waxaa ugu danbeeyay mashruucan oo horumarinta waxbarashada oo ay SSC-khaatumo ka qadiyeen.

"" Dayacii oo ay daryeel ka dhigeen ma aragteen."Maakhir waxay u baahan tahay hogamiye dayaca iyo dhulka lagu muransan y...
24/03/2024

"" Dayacii oo ay daryeel ka dhigeen ma aragteen."
Maakhir waxay u baahan tahay hogamiye dayaca iyo dhulka lagu muransan yahay kasaara.
Dayaca ugu wayn ee Dhulwaynaha Maakhir kajiraa waa in 2024 kujiro dhulka lagu muran sanyahay oo aanay wax mashaariic iyo horumar lataaban karo kasocon iyo sidoo kale dawladnimo iyo kala danbayn.

Sida ugu fudud aad ku ogaan kartid in aynu kujirno dhulka lagu muransan yahay waa

Imisa maayir iyo dawlad hoose ayay leedahay dagmadaadu ????

24/03/2024

Caroolay

22/03/2024

.

Mashruuca Waxbarashada Dowladda Federaalka ah iyo SSC-Khaatumo.————————————————Waxaa jira mashruuc deeq waxbarasho ah, k...
21/03/2024

Mashruuca Waxbarashada Dowladda Federaalka ah iyo SSC-Khaatumo.
————————————————

Waxaa jira mashruuc deeq waxbarasho ah, kaas oo uu ciwaankiisu yahay Deeqda horumarinta nidaamka Waxbarasho ‘System Transformation Grant’ oo yaala Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda JFS.

Sida ku cad warqadda lagu sharraxay mashruuca ‘Concept Note’ ee la faafiyey, waxaa ka maqan qoondadii Dowladda SSC-Khaatumo ku lahayd, sida xogta lagu helay ay deeq bixiyeyaashu raaciyeen Somaliland.

Xiriir aan la sameeyey Wasaaradda Waxbarasbada iyo xubno si hoose ula socda mashruucan waxaan ku soo uruurinayaa xogta saxda ah sidan; 👇

Mashruucan waxaa ku baxaya dhaqaale dhan USD 87,915,494 (Sideetan iyo toddobo milyan, sagaal boqol iyo shan iyo toban kun iyo afar boqol sagaashan iyo afar).

Deeqdan waxaa loo sii kala jabiyey laba qeybood

Qeybta kowaad: USD 60, 760, 000 oo loo asteeyey Maamulada; Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubaland iyo Galmudug.

Qeybta labaad na Somaliland oo loo qoondeeyeyey USD 27, 155, 494.

Hadaba sidee Dowladda SSC-Khaatumo uga maqnaatay shaxdan, yaase raaciyey qoondadeeda Somaliland, waa maxay se go’aanka Dowladda Federaalka ah?

Sida aan ogaaday qoondada SSC-Khaatumo waxaa la raaciyey Somaliland. Waxaa sidaas yeelay Deeqa bixiyeyaasha oo ay qeyb ka tahay Dowladda Ingiriiska ama si ula kac ah ha u sameeyeen ama il-duuf haka noqotee. Dadka qaar ayaa iigu macneeyey in wali aysan la qabsan nidaamka cusub ee ka dhashay gobollada Waqooyi oo uu wali ku qufulan yahay Somaliland.

Go’aanka Dowladda Federaalka ah?

Xiriir aan ka helay xubno sare oo ka tirsan xafiiska Wasiirka Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Cabdiqaadir iyo xubno ka tirsan kuwa SSC-Khaatumo ku metela BJFS waxa ay ii sugeen in Wasiirka arrintani ka carooday, laba tallaabo midoodba ay Xukuumaddu qaadi doonto

1-In Wasaaradda Waxbarashada u jarto SSC-Khaatumo qoondadeeda

2- In gebi’ahaanba Wasaaraddu hakiso mashruucan

Intaas waa xoogta aan helay, SSC-Khaatumo ka Maamul ahaan, siyaasiyiinta ku metela DFS iyo saxaafadaba waxaa saaran mas’uuliyadda dabagalka mashruucan iyo halka uu ku dambeeyo ballan-qaadka Dowladda Federaalka ah.

waxaa Qoray
Mohamed Kaafi
Adoon-Alle

Allah Mahad leh.

Guulaha uu gaadhay maamulka SSC-Khaatumo:1• Qaramaynta 10,000 oo ciidan ah, oo ku gaashaaman 700 oo gaadiid dagaal ah.2•...
14/03/2024

Guulaha uu gaadhay maamulka SSC-Khaatumo:

1• Qaramaynta 10,000 oo ciidan ah, oo ku gaashaaman 700 oo gaadiid dagaal ah.

2• La wareegida garoonka diyaaradaha ee Laascaanood kaas oo diyaarada qaadka sida laga qaado $6,000 oo cashuur ah maalin walba. Diyaaradaha qaadka ayaa sanadkii bixinaya $2,200,000. Maanta ayaana toos looga qaaday lacagta cashuurta.

3• Sugida amaanka caasimada Laascaanood, maamulka ayaa ciidanka Xasilinta ku kordhiyey ciidan wata 20 gaadiidka dagaalka ah.

4• Maxk**adaynta dembiilayaasha dagaalka.

5• Kor-u-qaadista xidhiidhka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo.

6• Ilaalinta xuduudaha iyo amniga shacabka SSC-Khaatumo.

7• Hogaan wanaaga iyo ka feejignaanta hagardaamooyinka siyaasadeed ama waxyaabaha maamulka ku keeni kara fashil.

Bal akhristow adna qodob ku soo dar.

Sow lama odhan karo madaxweyne Firdhiye - waa ‘Pioneer-ka’ SSC-Khaatumo waayo dhulkiisa waxaa dhuuxiisa u shuba ninka og meesha ay xuduntiisu taal.

Address

Wadada
Dhahar

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haylaan press posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Dhahar

Show All