16/09/2020
7 sanno ka hor maanta Oo Kale, ayaa la bud dhigay jidka Ceerigaabo-Burco.
Maanta oo kale 7 sanno ka hor, ayaa la dhagax dhigay mashruuc waddo kii ugu weynaa ee laga hir geliyo Somaliland, kaas oo ahaa jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo ahaa mid ay bulshada Gobolka Sanaag dhibaato iyo rafaad badan kala kulmi jirtay.
Madaxweynihii h**e ee Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa mashruucaasi dhagax dhigay 16 September 2013-kii, iyada oo wakhtigaasi loo arkayey riyo madaama oo jidkaas oo dhererkiisu yahay 275 KM uu Madaxweynuhu ku dhiiraday in xukuumaddiisii iyo shacabka Somaliland gunti giijis ku samaystaan jidkaas, iyaga oo aan helayn taageero shisheeye.
Jidkan ayaa intiisii badanayd la dhamaystiray, iyada oo Xukuumaddii h**e ee Kulmiye dhistay 94 KM, halka Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi hir gelisay 101 KM oo ka mid ah jidkan, taas oo ka dhigaysa cabirka Jidka inta dhisan 195 KM.
Marka laga qiyaas qaato dhisan waxa hadhsan 70 KM in ku dhow.
Inkasta oo muddo 7 sanno ah uu soo jiitamay dhismaha jidkan, ayaa haddana dadka deegaanku ka faa'ideen isticmaalka inta la dhisay, iyada oo wakhtigii dheeraad, rafaadkii iyo dhibtii lagala kulmi jiray jidkan ay ka raysteen dadka Gobolka Sanaag, waxaanay isticmaali jireen gaadiidku kolba inta shisan amma caro kaawaha la dhigo.
Mashruucan Jidka Ceerigaabo, ayaa haddii la dhamaystiro muddada uu xilka hayo Xisbiga Kulmiye, waxa uu noqon doonaa mid lagu xasuusto Xukuumaddihii Xisbiga Kulmiye ka soo baxay.
~Saxansaxo