SIRTA Noloshu xoogmaaha

SIRTA Noloshu xoogmaaha Suxufi Mohamme haji timir

49 sano ka dib waxa dib u habayn lagu sameeye garoonka diyaaradaha ee magaalada caynaba
03/03/2023

49 sano ka dib waxa dib u habayn lagu sameeye garoonka diyaaradaha ee magaalada caynaba

16/01/2023

" Lama aqbali karo in Larry Andre oo ah danjiraha Muqdisho ee Maraykanku in uu si joogta ah uga dheeraado magaca saxda ah ee Somaliland isla markaana uu ka soo qaado gobol ka tirsan Soomaaliya isla markaana uu magaalada Berbera raaciyo Soomaaliya. Isaga oo og in aanay Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya” Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

14/01/2023
13/01/2023

Maalinteeyda 1aad ee shaqada

Soo dhawayntii urursiyaasadeedka kaah iyo degmada
12/01/2023

Soo dhawayntii urursiyaasadeedka kaah iyo degmada

Soo dhawayntii musharax  maxamud xaashi cabdi gudoomiyaha urur siyaasadeedka kaah ee degmada oog
08/01/2023

Soo dhawayntii musharax maxamud xaashi cabdi gudoomiyaha urur siyaasadeedka kaah ee degmada oog

04/01/2023
27/12/2022

Coldaan Waxaa lagula dagaalsan yahay waa Xaqa wuu guuleysanayaa insha allaah 🏆

27/11/2022

Aragtida Culumada ee ku saabsan Xeerka Dambiyada Jinsiga

بسم الله الرحمن الرحيم

Culumada soomaaliyeed ayagoo ka duulaya waajibka ka saaran ilaalinta diinta iyo danaha ummadda soomaaliyeed waxay soo gudbinayaan aragtidooda ku aadan xeerka dambiyada jinsiga ayagoo ku miisaamaya shareecada islaamka ee muqadaska ah kana fog caadifad iyo lab lakac.

Culumadu in mudda ah ayay u kuur galayeen xeerkaan una caddeeyeen masuuliinta ay khusayso sida uu u khilaafsan yahay shareecada , laakiin waxba lagama soo qaadin arinkaas.

Hadda , mar kale ayaan caddaynaynaa in xeerkaan uu si cad uga hor imaanayo shareecada islaamka , waayo :

1-xeerkaani asagoo cinwaankiisu yahay dambiyada jinsiga ,ayuu meesha ka saaray wax layiraa Sino, wuxuuna dambiga ku koobay haddii aan galmada raali la iskaga ahayn, oo macnaheedu yahay : haddii raali la iskaga yahay dambi ma aha ciqaabna ma laha , waana sida ay qabaan xeerarka gaalada ee laga soo tarjumay xeerkaan . waxa ilaahay xarimay oo la banneeyaana waa kufri.

2-xeerkaan wuxuu meesha ka saaray ciqaabta ilaahay u dajiyay kufsiga( oo ah Sino khasab ah) , wuxuuna ku badalay ciqaab kale oo gacan-ku-samays ah oo laga soo dheegtay xeerarka gaalada.

3-xeerkaan wuxuu meesha ka saaray ciqaabta adag ee shareecadu u dajisay kufsiga hubaysan(burcadnimo) si loo ilaaliyo sharafta dadka gaar ahaan dumarka ,ciqaabtaas oo ku xusan suuratu al-maa’ida, aayadda33:

إنما جزاء الذين يحاربون الله ورسوله ويسعون في الأرض فسادا أن يقتلوا أو يصلبوا أو تقطع أيديهم وأرجلهم من خلاف أو ينفوا من الأرض

(eeg, Qeybta 2, Qodobka 4)

4-xeerkaan wuxuu dambiyada jinsiga ku darayaa galmada dhex marta labada is qabta hadday ku dhacdo oggolaansho la’aan, ciqaabtuna waa 10-15 sano oo xabis ah.

Waana wax ku salaysan dhaqanka gaalada , kana soo horjeeda shareecada.

( eeg,Qeybta2, Qodobka 6.)

5-xeerkaani wuxuu dambi ka dhigay si aan kala saarid lahayn in qof la mehriyo oggolaansho al’aan , ayadoo la ogsoon yahay in shareecadu bannaysay arinkaas xaaladaha gaar, oo loogu danaynayo dadka aan go’aanka qaadan Karin,yaraan ama waali darteed.(eeg, Qodobka 12).

6-xeerkaan wuxuu dambiyada jinsiga ku daray xodxodashada dhex marta labada is qaba haddii uusan midkood doonayn, ciqaabtuna waa lix bilood –labo sano.(eeg, Qodobka 13).

7-xeerkaan wuxuu dambi ka dhigayaa guursiga ama mehersiga caruurta ayadoo shareecada islaamku aysan da’ gaar ah u xadidin mehirsiga.(eeg,Qodobka 27).

8- Waxaa layaab leh in xeerkaan marka uu ka hadlayo caddaymaha , uusan soo hadal qaadin caddeynta loo yaqaan Markhaati , oo shareecadeena islaamku siiso mudnaan weyn , gaar ahaan marka laga hadlayo waxa la xariira dambiyada jinsiga , taas oo muujinaysa in xeerkaan uusan ku salaysnayn shareecda islaamka.(eeg, Qodobka 54).

9-Intaas waxaa dheer , xeerkaani wuxuu aad u fududeeynayaa waxyaalaha kale ee caddeynta laga dhigan karo , sida: warbixin caafimaad … …. … mid kastana waxaa lagu gunaanday: haddaan la helin waa in aysan hor istaagin eedeynta.!! Waana arin khilaafsan shareecada oo aad u adkaysay isku-eedeynta falalkaan la xariira jinsiga.(eeg, Qodobka 54).

10-Xeerkaan wuxuu aad ugu janjeeraa dhanka mudaciga ama dhibanaha oo la aaminayo wixii uu sheegto lana tixgalinayo eedayntiisa si fudud.(eeg, Qodobka 54).

11-xeerkaan ma soo hadal qaadin xuquuqda qofkii ku eedeysnaa sino ama kufsi haddii lagu waayo eeddaas , xeerku ma sheegin wax caymo ah ama sharaf soo celin ah oo uu leeyahay qofkii la masabiday oo sharftiisa meel looga dhacay . xeerku wuxuu iska indha saabay xukunka shareecada islaamka oo ah in qofkii ku soo eedeeyay uu mutaysanayo waxa loo yaqaan XADU QADAF oo ah seddeetan jeedal , sida ku cad suuratu al-nuur, aayadad, 4).



12-xeerkaan wuxuu u sugayaa ninka sinaysta ama (kufsadaha) xuquuq waalidnimo haddii aysan maxkamaddu ka xayuubin. Waana wax ka fog shareecada islaamka lagana soo guuriyay dhaqanka gaalada.(eeg, qodobka 59).

13-xeerkaan wuxuu ku andacoonayaa inuu ka sareeyo uuna burinayo wax kasta oo ka soo horjeeda , ayadoo ay caddahay sida uu uga soo horjeedo shareecada iyo dastuurka dalka.(eeg, Qodobka 65).



Gunaanad

Fuulxumooyinka xeerkaan haddii lagu dhaqmo

1-wuxuu dhidibada u aasayaa aragtida gaalada iyo dhaqankooda ku salaysan in qofku xor u yahay jirkiisa haddaan la khasbin.

2-wuxuu meesha ka saarayaa eray bixinta shareecada islaamka iyo axkaamteeda.

3-wuxuu burburinayaa qoyska , iskana horkeenayaa labad is qabta.

4-wuxuu burburinayaa wilaayada waalidku ku leeyahay caruurtiisa.

5-wuxuu fududeynayaa in lagu hadaaqo laguna hadlo falal laga xeshoon jiray, taas oo dhaawacaysa anshaxa guud ee bulshada.

6-wuxuu fududeynayaa in si sahlan laysku eedeeyo layskuna qadfo, taas oo bulshada u keenaysa dagaal iyo amni-darro.

7-waxaa cibro iyo cashar noogu filan xaaladda anshax , qoys, iyo bulshadeed ee ay ku sugan yihiin wadama laga soo miin guuriyay xeerkaan.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

Sidaas darteed waxaan leenahay waa in la joojiyaa xeerkaan xaaraanta ah ee khilaafsan diinteena , halistana ku ah anshaxeena iyo ummaddeena.

27/11/2022

Fursad Muhima:

Hadii aad joogto Kenya fadlan ka faaiidayso Fursadan.

Ali Bussines Solution waxay ku fudaynaysaa dhaman acmaashada Cimrada waxaaana ku raacayo Culimo ka caawinaysa gudashada waajibaadkaga acmaashada Cimrada insha alah.

Waxaan alle ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwii Booqda Baydka Alle ee Barakaysan ee Makkah iyo Madina.

Kelitalis paramo malehOdaygii Kim John un baad moodaaye
18/11/2022

Kelitalis paramo maleh

Odaygii Kim John un baad moodaaye

Xogtan qaramada midoobay  ayaa  soo saaray
17/11/2022

Xogtan qaramada midoobay ayaa soo saaray

Address

Burco

Telephone

+252634052534

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SIRTA Noloshu xoogmaaha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SIRTA Noloshu xoogmaaha:

Share

Category