Saadasha Nolosha

Saadasha Nolosha Saadasha Arimaha Saamaeynta Ku leh Bulshada Sida Dhaqaalaha,Amniga iyo wixii la hal maalla.

Guusha Geeska.Heshiiska Maanta Ay kala saxeex-deen M.Muuse biixi iyo R.abey Axmed waa Guul labada Dawladood ba u soo hoy...
01/01/2024

Guusha Geeska.
Heshiiska Maanta Ay kala saxeex-deen M.Muuse biixi iyo R.abey Axmed waa Guul labada Dawladood ba u soo hoyatay.

Maxay Ku kala Duwan Yihiin.
Somaliya Waxay siisay Dekada Berbera 1962 Midawga Sawfiyeeti ( soviet Union) Somaliya Waxay ku Bedalatay Deyn Dhan Laba iyo Sodan Milyan oo doolar $32million iyo 50 Askari oo loo qaado wadamada (soviet Union) Laysku Odhan Jiray.

Guusha Siyaasi.
Somaliland laga soo bilaabo 1991 waxa ay Raadinaysay Aqoonsi Caalamiya Xukuumadihii Kala Dan-Beeyey mid ba meel Ayeey soo Gaadh Siinaysay Waxaase Jiray Caqabado Ay Ka kaw tahay Dawallada somaliya.Siyaasada Xukuumada Somaliland Dabaqday Waa mid Indhaha caalamka Ku soo jeedisay Somaliland.

Yaanu Ku Dagin.
Ninka Aamin san G.sool Wuu ka go'i karaa Somaliland ee Hishiiska maanta Dhacayna Qaran Dumis Ku Tilmaamaya Isagoon Wax Dood Cilmiyeey-san Hayn Waa isla Kii Dp-world Diidanaa.

W.Q/Cabdisamad Maxamed.

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Wasiirka cusub ee Wasaaraadda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland ayaa Maanta X...
12/04/2022

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Wasiirka cusub ee Wasaaraadda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland ayaa Maanta Xilkii kala wareegay Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) Wasiirkii h**e ee Wasaaraddaas.

Shirkadda Telesom oo Guddida Ganacsatada iyio Culimada ee Gargaarka Suuqa Waaheen Guddoonsiiyey Nus Malyuun Dollar ($500...
10/04/2022

Shirkadda Telesom oo Guddida Ganacsatada iyio Culimada ee Gargaarka Suuqa Waaheen Guddoonsiiyey Nus Malyuun Dollar ($500,000) oo ay bixiyeen Shirkaddaha Telesom Group iyo $100,000 oo Shaqaalaha weynaha Telesom ku deeqeen.

Ra'iisul Wasaarihii Pakistan Imran Khan ayaa xilka laga tuuray kadib markii uu lumiyay codka kalsoonida ee baarlamaanka.
09/04/2022

Ra'iisul Wasaarihii Pakistan Imran Khan ayaa xilka laga tuuray kadib markii uu lumiyay codka kalsoonida ee baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa caawa kulan  ballaadhan oo Afur ah, laguna daah-furayo w...
08/04/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa caawa kulan ballaadhan oo Afur ah, laguna daah-furayo wejiga koowaad qaadhaan ururinta masiibadii suuqa Waaheen la qaatay ganacsatada kala duwan ee dalka.

Kulankan oo u jeeddadiisu ahayd sidii loo ururin lahaa lacago qaadhaan ah oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay masiibadii dabka ee dhawaan ka dhacday suuqa weyn ee Waaheen, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsato iyo madax ka socotay shirkadaha kala duwan ee dalka, guddiyada Gurmadka iyo taakulaynta Suuqa Waaheen, culimaa’udiin, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah.

Kulan ka dhacay madaxtooyada Somaliland ayaa caawa lagu ururiyay 8 Malyuun oo Dollar si loogu gurmado dadka waxyeeladu k...
08/04/2022

Kulan ka dhacay madaxtooyada Somaliland ayaa caawa lagu ururiyay 8 Malyuun oo Dollar si loogu gurmado dadka waxyeeladu ka soo gaadhay Suuqa Waaheen.

Lacagtan waxa lagaga dhawaaqay Afur iyo Casho uu Madaxwayne Muuse Biixi caawa u sameeyay qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland sida uu shaaciyay Agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile.

Dowlada soomaali oo 48 u qabatay in uu dalka ka baxo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, Do...
06/04/2022

Dowlada soomaali oo 48 u qabatay in uu dalka ka baxo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira,

Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.

Dawlada hoose ee Degmada Burco  ayaa saaka bilaabay calamadinta meelaha waddo banaynta laga samaynaayo ee suuqa wayn ee ...
05/04/2022

Dawlada hoose ee Degmada Burco ayaa saaka bilaabay calamadinta meelaha waddo banaynta laga samaynaayo ee suuqa wayn ee magalada burco,waxana hawlgalkan horkacaayey Maayir Ku Xigeenka Degmada Burco Mukhtaar cabdi maxamuud baaryare iyo qaar kamid ah mudanayaasha golaha deegaanka degmada Burco,waxayna soo dhawayn balaadhan kala kulmeen masuuliyiintani bulshada ka ganacsata suuqa wayn ee Burco.

Ganacsadaha Maalqabeenka ah Reer Somaliland Xaaji Maxamed Aw Siciid Geedi ayaa yidhi,"Aniga oo ah ganacsade Maxamed Aw S...
04/04/2022

Ganacsadaha Maalqabeenka ah Reer Somaliland Xaaji Maxamed Aw Siciid Geedi ayaa yidhi,

"Aniga oo ah ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanaya ganacsatada suuqa Waaheen, ee meherradahoodii dabku qabsaday, sababayna khasaaraha maaliyadeed.

Waxaan Ilaahay uga baryaya in uu dadkaa hantidoodii baaba’day beddel khayr qaba ugu beddelo.

Shirkaddayda MSG Group waxa ay harreer taagan tahay ganacsatadaa waxyeellada maaliyadeeed haleeshay."

04/04/2022

"Xildhibaanada Aanu Saxiibka Nahay Waxaan U Sheegaynaa Maanta Oo Kale Wakhtigii Olalaha Inaynu Garab Joognay Dhalinyarada Maantana Waa Inaan Sidii U Barbar Joogna Si Aan Loo Moodin Wakhtigi Codka Oo Keliya Inaan U Baahnayn" Xildhibaan Mustafe Calas Oo Kamid Ah Golaha Degaanka Burco

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadha...
03/04/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Mudane Siciid Nuur Xasan.

Waxaanu ujeedka safarka weftigani daarranaa farriin ay ka sideen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahayd tacsi iyo tiiraanyo uu u soo diray shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee masiibada dabku ku habsatay iyo in ka dawlad Jabuuti ahaan ay diyaar ula yihiin shacbiga Somaliland wixii karaankooda ah ee ay gacan kaga geysan karaan taakulada masiibada dabkii baabiiyey suuqii weynaa ee Waaheen.

Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa. "Waxaan aad uga xumahay i...
02/04/2022

Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa.

"Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan degdega isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee...
02/04/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan degdega isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka, rugta ganacsiga iyo xubnaha guddida heer qaran ee loo igmaday masiibada dabkii baaxadda lahaa ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ganacsatadu gacan uga geysan lahaayeen taakulaynta dhibaatada ka dhalatay dabkii baabi’iyey suuqa weyn ee Waaheen.

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mada...
02/04/2022

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar ayaa dhammaantiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Khadka Telephone ka kala soo xidhiidhay dareenkoodana la wadaagay shacabka masiibadu asiibtay Xalay.

Sidoo kale ra’iisal wasaaraha itoobiya ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey masiibda ku habsatay suuqa waaheeen.

Maayar Mooge oo hadlay:-"Waxa Allaah mahaddii ah illaa hadda xogta aannu hayno inaanay Dad ku dhintay Dabka jirin. Hanti...
01/04/2022

Maayar Mooge oo hadlay:-

"Waxa Allaah mahaddii ah illaa hadda xogta aannu hayno inaanay Dad ku dhintay Dabka jirin. Hantidii taallay way baabbaday. Laakiin, hantida, waa laga soo kaban doonaa, Dadkani baabba iyo burbur badan bay soo mareen oo ay ka soo kabteen." Sidaa ayuu yidhi Maayerka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.

Maayer Mooge waxa uu sheegay inay Dadweynaha isugu yimi Suuqa gubanayaa ay caqabad ku noqdeen in si degdeg ah loo dambiyo Dabka amma loo Xakameeyo. Haseyeeshee, hadda lagu guulaystay in la Xakameeyo oo aanu ku sii fidin qaybaha kale ee magaalada, isagoo xusay in la dhimay awoodda iyo xawaaraha uu Dabku ku socday hadda ka hor.

Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu ugu baaqay Dadweynaha isugu yimi Suuqa inay iskaga baxaan, si Ciidammada Dab-demiska iyo Ciidammada kale ee Qaranka iyo Booyadaha Dadweynaha ee soo gurmaday ay ugu fududaato hawsha la tacaalidda Dabka.

Madaxwayne Biixi ayaa hadda gaadhay goobta caawa uu ka kacay Dab qasaare badan gaystay oo wali aan la xakamayn.
01/04/2022

Madaxwayne Biixi ayaa hadda gaadhay goobta caawa uu ka kacay Dab qasaare badan gaystay oo wali aan la xakamayn.

Sheikh Umal "Berri waa soon, waa maalintii koowaad ee bisha Ramadaan.."
01/04/2022

Sheikh Umal "Berri waa soon, waa maalintii koowaad ee bisha Ramadaan.."

Sawirrada suuqii weynaa ee Hargeysa oo gubanaya.
01/04/2022

Sawirrada suuqii weynaa ee Hargeysa oo gubanaya.

Suuqa weyn ee Waaheen ee Hargeysa ayaa caawa dab qabsaday.Ciidamada Damdamiska ayaa ku hawlan bakhtiinta dabkaasi.
01/04/2022

Suuqa weyn ee Waaheen ee Hargeysa ayaa caawa dab qabsaday.

Ciidamada Damdamiska ayaa ku hawlan bakhtiinta dabkaasi.

Waa kuma groupka geerida ee  qatar 2022 ?
01/04/2022

Waa kuma groupka geerida ee qatar 2022 ?

Xukuumada Somaliland ayaa sheegta in maalinimada Berri ah aanay ahayn ramadaan isla markaasina aan laga soomi doonin dee...
01/04/2022

Xukuumada Somaliland ayaa sheegta in maalinimada Berri ah aanay ahayn ramadaan isla markaasina aan laga soomi doonin deegaanada Somaliland.
Maalinta Axada ayay bilaabmaysaa Bisha Ramadaan Sida uu wasiirka diinta iyo awqaaftu sheega.

01/04/2022

WAR DEGDEG AH: Sucuudiga ayaa xaqiijiyay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan, iyadoo meelo kala duwan oo dalka Sucuudiga ah laga arkay Bisha.

Shil ayaa saaka mar kale ka dhacay burco ka dib markii bajaaj xawaare ku socotaa ay dhinaca danbe ka gashay gaadhi maray...
30/03/2022

Shil ayaa saaka mar kale ka dhacay burco ka dib markii bajaaj xawaare ku socotaa ay dhinaca danbe ka gashay gaadhi marayay laamiga cusub ee xaafada october.

Laba qof ee tigta(bajaaj)ta la socday ayaa mid kamid ah dhaawaciisu culus yahay.

Alle sw ha caafiyo.

**  Bismilaahi Raxmaani Raxiim **Mudooyinkii u Dambeeyay waxa baraha Bulshada (Socail Media) ku faafaayay Warar Been abu...
29/03/2022

** Bismilaahi Raxmaani Raxiim **

Mudooyinkii u Dambeeyay waxa baraha Bulshada (Socail Media) ku faafaayay Warar Been abuur ah kaas oo wax lagaga sheegaayay Xaalad Amaan Daro oo ku soo fool leh Somaliland.

Hadaba Guud ahaan Xaalada Nabad galyo Ee Somaliland waa Nabad waana ILAAHAY MAHADII ka sokow waxa gacanta ku haya Ciidanamada Kala duwan Ee Somalilnad Siiba Ciidanka Booliska, Oo sidii awalba ay heeganka buuxa ugu jiraan Imikana ugu jira.

Waxaanan uga digaynaa cid kasta oo Social media ku fidinaysa oo buunbuunisa wararkaa Cadowga in ay ka waantoobaan.

Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa in aan Dheg Jalaq loo siin Dadka ku foogan beenaha aan salk iyo raadka lahayn ee la iska dhex qaadaayo.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Boolisk JSL

Shilkan gaadhi ayaa waxa ku naf wayey 2  qof oo shacab ah,waxana sababay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi booyad ah i...
29/03/2022

Shilkan gaadhi ayaa waxa ku naf wayey 2 qof oo shacab ah,waxana sababay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi booyad ah iyo tig ( bajaaj).

Shilkan ayaa ka dhacay xaafada plaza ee magalada burco waxa sido kale ku dhaawacmay 4 qof oo kale oo lagu dabiibaayo cisbitaalka wayn ee magalada burco.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa maalinta khamiista ah ...
28/03/2022

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa maalinta khamiista ah ku dhawaaqaya Urur-siyaasaddeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi.

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo maalmihii u dambeeyey kulamo is daba joog ah la yeelanayey Aqoonyahannada, siyaasiyiinta, Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ah, oo uu kala tashanayey damaciisa Urur-siyaasaddeed, ayaa waxa uu ka dib kulamadan si rasmi ah u shaacin doonaa Urur-siyaasaddeedkan Waaberi, maalinta khamiista ee 31-bishan March.

U diyaargarowga xafladda shaacinta Urur-siyaasaddeedka Waaberi, ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Hargeysa, iyada oo ku dhawaaqista Ururkan ay ka qayb geli doonaan dadweyne kala duwan oo ka kala iminaya gobollada dalka.

El-Classico Burco Goodir Vs Gashaan Arbacada.Kulankan ayaa Waxaa iskaga hor Iman Doona laba Koxood Oo Kamid ah quwadaha ...
28/03/2022

El-Classico Burco Goodir Vs Gashaan Arbacada.

Kulankan ayaa Waxaa iskaga hor Iman Doona laba Koxood Oo Kamid ah quwadaha Kubada Cagta Ee Gobolka Togdheer

Haddi Alle Ka Dhigo Maalinka Arbacada 30/03/2022 Ciyaaraha ugu Xamaasada Iyo Xiisaha Badan ayuu Marti Gelin Doona Almzay Stadium Burco

Adigu Yaad Taageersan Tahay U Yeedh Mid Kamid Ah Ciyaartoyda Labada Koxood

Caruur walaalo ah oo laga been sheegtay.Fadlan ka taxadaroo ha rumaysan been kasta oo lagu faafiyo baraha bulshada, ehal...
28/03/2022

Caruur walaalo ah oo laga been sheegtay.

Fadlan ka taxadaroo ha rumaysan been kasta oo lagu faafiyo baraha bulshada, ehalada ubadkan yar yar oo soo hadlay ayaa sheegay in caruurtooda laga been abuurtay oo la yidhi way is guursadeen,

Marwo Edna Aadan, ayaa loo doortay Madaxweynaha UNPO, oo ah Urur Caalami ah oo ay ku bahoodeen Waddamada iyo Hay'addaha ...
28/03/2022

Marwo Edna Aadan, ayaa loo doortay Madaxweynaha UNPO, oo ah Urur Caalami ah oo ay ku bahoodeen Waddamada iyo Hay'addaha Caaalamiga ah ee aan metelaada dhabta ah ku lahayn Fagaareyaasha Caalamka, isla markaana waxa uu u dooddaa aayo ka tashiga dadka iyo Dawladdaha

Golaha Guud ee UNPO, oo xaruntooda ay tahay Hague, Netherland ayaa u doortay Dr.Edna Aden in ay noqoto Madaxweynaha UNPO.

Yurub Abiib Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland Waxa ay iyada oo yar qayb ka noqotay SNM oo iska caabin kala...
26/03/2022

Yurub Abiib Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland Waxa ay iyada oo yar qayb ka noqotay SNM oo iska caabin kala hortagtay Dawladii Siyaad Barre,

Maantana waxa uu ilaahay ku simay sodon sano ka dib hablo ay dhashay oo ka mid ah ciidamada Somaliland.

Address

Burco
33602

Telephone

+252634076417

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saadasha Nolosha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Saadasha Nolosha:

Videos

Share