Wariye Sayid Darwiish

Wariye Sayid Darwiish We research, write and report – that’s our job. Waxaan ahay qof dhinaca wanaagsan ka eegaya wax kasta oo nolosha ah. Danta guud inaa u hooalado ayaan jeclahay.
(1)

Waxaan jeclahay wax akhriska, waxaan jeclahay qoraalka, waxaan jeclahay allifaadda iyo halabuurka. Waxaan jeclahay in aan ogaado waxa ka baxsan xayndaabka soomaalida. Waxaan jeclahay in aan ogaado wixii cusub ee caalmaka ku soo kordha iyo sida ay u shaqeeyaan, waxaan rabaa in aan riyo yeesho, waxaan rabaa in aan fikiro oo aan wax is waydiiyo. Meelaha aqoonta lagaga hadlo, iyo dadka ku hadla aqoon

ta ayaan jaarkooda jeclahay. Waxaan u foogganahay dhagaysiga waay-aragnimda aadanaha, gaar ahaan marka uu xaalku yahay halgan-nolaanshaha - Survival. Waxa aan jeclahay quruxda deegaanka, cagaarka dhirta, daruuraha cirka, buuraha sare iyo di'itaanka roobka. Shaaca arooryaad iyo iftiinka dayaxa iiyo xidigaha ee habeenkii ayuu aragygu ku raaxeystaa. Waxaan jeclahay jimicsiga, ciyaarta caddoloolka caweyska. Suugaanta dhagaysigeeda iyo dhigaalkeedaba waan jecalahay. Nabadda, caddaaladda, iyo wada noolaanshaha aadanahaan jeclahay. Kolay xayawaanna ku tahay, waxaan jeclahay xuquuqda noolaha la ilaaliyo. Waxaan naxariis iyo farxad ku dareemaa akhriska Quraanka Kariimka ah,, korodhsiga cilmiga, oogidda cibaadada Alle SWT, caawinta bulshada, iyo ka soo dhallaanka camalkayga. Waxa ugu badan ee aan si maalinle ah u soo xasuustaa waa waaalidkay AHN. Waxaan ahay Soomaali, baadisoocdiisuna ay tahay Islaamnimo.

Guddida Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh oo hadda la magacaabay.
12/10/2024

Guddida Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh oo hadda la magacaabay.

12/10/2024

Wasiir Shugri X. Baandare ayaa Oodweyne xadhiga kaga jartay xafiisyo uu Xisbiga Kulmiye ka furtay Oodweyne

11/10/2024

"Waxaan u sheegayaa nimanka Daarood iyo Hawiye.... Halgamaa Cabdi Kaydsane

08/10/2024

Doorkii ay Gaariye iyo Maxamed Mooge ay ku lahaayeen halgankii SNM. Halgamaa Cabdi Kaydsane

Caydiid Axmed Xuseen ayaa hadda loo magaacabay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh
07/10/2024

Caydiid Axmed Xuseen ayaa hadda loo magaacabay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh

06/10/2024

Duleedka Oodweyne oo barwaaqo ah 🥦🌼🌵🐜🐝🐜

*Xaaladda pharo foundation &dulmiga ka jira*Waxaa Qorey Mid kamadi Macalinmiinta Somaliland oo dulmi ka tirsanaya Dugsig...
03/10/2024

*Xaaladda pharo foundation &dulmiga ka jira*

Waxaa Qorey Mid kamadi Macalinmiinta Somaliland oo dulmi ka tirsanaya Dugsigan.

"Waxaan kamid ahay waalidiinta carruurtoodu ku guuleysatay Imtixaankii la qaaday 15/Aug/024 imtixaankaas oo lagu qaaday Caasimadda Hargeysa

Waxaanay ahayd fursad qaali u ah Ardayda hamiga leh ee soo koraysa balse markii ay Examkii ku guuleysteen waan ku taageeray guushaas laakiin waxa soo baxday caqabado aan h**e loo sheegin oo ah inay bixiyaan lacag dhan ($450) oo qaddin ah oo afar bilooda oo semisterkii ah
Haddii kale ay iska joogaan lana badelo ciddii aan haysan lacagtaas waxaan isku dayey in aan la xidhiidho muddo dhan oo la isku kay tuur tuurayey oo kolba qofkaan is maqalnaa ilahaa hebel la hadal anigu maamulihii ma ihiye

Aakhirkii kuwa goobta jooga ayaan is helnay waxaan su'aalay

Maxay tahay lacagta qaddinka ah ee ka qaalisan jaamacadaha dalka & kuwa dibada ahba ?

"Waxay iigu jawaab celiyeen lacagta bixi ama booska fasax oo jees-jees ah oo dagaal ku jiro"

Waxaan ku idhi waar dugsigu haddii uu ahaa mid dawladeed qoladan gacanta ku haysa noola hadla oo lacagta kolba sidaan u helayno aan u bixino

Way diideen oo waxaan u diray ergo badan oo madax & mijaba leh oo ergadaas way ka diideen wax kasta markaa halkaas waxaan ka dareemay inay meeshani tahay meel ubadka hanka leh ee soo koraya lagu niyad jebiyo sida oo kale dugsigii dawlada ayaa lagu dhibayaa Ubadka danyarta ah iyo agoomaha ee helay imtixaankaas aan shuruuda lahayn ee beenta lagu qaaday ee aanla cadayn markii h**e shuruuda imtixaanka lagu galey

Waxaan odhan karaa maamulkaas pharo Foundation waa mid madow cidii la shuraaka ahina ubadka Somaliland god madaw ayey ku ridayaan mustqbalkooda ee aad haloo ogaado arrinkaas

Waxaana ka muuqda Exploitation robbery corruption &discrimination weyn

Fiiro gaar ah :Dugsiga ay hawshani ka socotaa waa dugsiga sheekh secondry ee SOS haysan jirtay oo haayada pharo foundation la wareegtay oo dulmiga aan loo meel dayin ka samaynaysa dugsigii
Waxaan ka codsanaynaa Wasaaradda Waxbarashada & haayadaha ay khusayso inay dabagal weyn ku samayso dugsigaa sheekh oo gacanta Dawlada kusoo celiyaan oo halaga qabto dadkaas ubadkeena kusoo duulay ee dhiig-miiratada ah."

*Qore: Mara-cadde

Sayid Xasan Nasrallaah, lama hilmaami doono intuu halgan jiro, hiil jiro, hal-adeygna yahay doorashada halyeeyada. 32 ji...
28/09/2024

Sayid Xasan Nasrallaah, lama hilmaami doono intuu halgan jiro, hiil jiro, hal-adeygna yahay doorashada halyeeyada.
32 jir ayuu hoggaanka ugu sarreeya ee Xisbullaah uu ku qabtay isaga oo 32 sanno la diriray mid ka mid maamuladda ugu saanadda, sirdoonka, saybarka iyo saameynta badan adduunka. Taas oo uu xoog kaga saaray dalkii ay ka haysatay, lagana saaray shuruud la’aan. Waxaa isaga oo loollan kaas daran ku jira uu haddana saameyn weyn ku yeeshay dalkiisa iyo mandaqadda bariga dhexe, taas oo uu ku noqday ninka loogu hadal haynta badan yahay adduunka. Waxaana xilliyo h**e qiimeeyay warbaahinta iyo waxgaradka aadanaha. Tusaale ahaan Wargeyska New York Times wuxuu Nasrallaah ku tilmaamay inuu yahay 'Ninka ugu awoodda badan Bariga Dhexe.” Mar kalena waxa uu ku sifeeyay, “Hoggaamiyaha kaliya ee Carbeed ee dhab ahaantii sameeya waxa uu sheegayo inuu sameyn doono'["most powerful man in the Middle East" and the "only Arab leader who actually does what he says he's going to do"]. Aljazeera ayaa iyaduna barbar dhigtay hogaamiyayaasha kale ee Carabta sida Yaasir Carafaat, Jamaal Cabdinaasir, iyo kacaanadii bidixda sida Che Guevara iyo Fidel Castro. Halka saxafiga Annia Ciezadlo uu ku tilmaantay inuu yahay “Astaanta Islaamka iyo isla waynida Carabta”. Sida oo kale Qoraa iyo falanqeeye Amal Sacad Qariib ayaa sheegtay in uu yahay qof xamaasad leh' laakiin sidoo kale 'hadal cad oo waxqabad leh'.
Sanadkii 2007-dii, heesaagii reer Lubnaan Calaa Zalzali ayaa sameeyay hees qaddarin ah oo cinwaankeedu yahay 'Ya Nasrallaah'. Hees kale oo caan ah oo isaga lagu ammaanayo ayaa waxaa qaaday fannaanada Kiristaan ​​ah oo u dhalatay Lubnaan, Julia Boutros, oo lagu magacaabo 'Ahebba'i' oo macneheedu yahay 'kuwa aan jeclahay'.

Alle ha naxariisto.

28/09/2024

Miyaa la dilay Hoggaamiyihii Xisbullaah Xasan Nasrullaah?

26/09/2024

Aaska Guddoomiyihii h**e ee Degmada Harosheekh AHN

25/09/2024

Maxaad ka Dadka haldoorka ah ee ku dhashay Magaalada Oodweyne?

23/09/2024

Ardayda dugsiga Alnasri Oodweyne oo wacdaro soo bandhigay.!

21/09/2024

Kooxda Telesom oo ku guulesatay Horyaalka Daadmadheedh

Waxaan  xaqiijineynaa in aanay Boqortooyadu xidhiidh diblumaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa inta qadiyaddaas (...
21/09/2024

Waxaan xaqiijineynaa in aanay Boqortooyadu xidhiidh diblumaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa inta qadiyaddaas (Falastiin) laga xallinayo. Dhaxalsugaha Sacuudiga

Maxamed Binu Salmaan ayaa khudbad uu ka soo jeediyay shirkii Guddida Golaha baycada ee Boqortooyada Sacuudiga ka sheegay inaanay xidhiidh la sameysan doonin Israa’iil illaa qadiyadda Falastiin meel la saaro. Isagoo sida oo kale na dhaliilo u soo jeediyay maamulka Israaiil, kuna eedayay xasuuqa ay ku hayso dadka Falastiin. Waxaanu yidhi.

"Walaalayaal, Qadiyadda Falastiin ayaa weli ah arrin muhiim u ah dalkeenna. Waxaan mar kale adkeyneynaa in Boqortooyadu si xooggan u cambaareyneyso gabboodfalada uu maamulka gumeysiga Israa’iil ku hayo dadka reer Falastiin, isaga oo iska indhatiraya sharciga caalamiga ah iyo kan bini’aadannimadaba. Tanina waa qayb kale oo murugo leh oo ku saabsan silsiladda dhibaatooyinka, balse Boqortooyadu ma joojin doonto dadaalka joogtada ah ee ay ku waddo sidii loo dhisi lahaa dawlad Falastiini ah oo madaxbannaan, caasimaddeeduna tahay Qudusta Bari.

Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa in Boqortooyadu aysan xiriir diblumaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa inta qadiyaddaasi (Falastiin) laga xallinayo. Waxaan u mahadcelinaynaa dalalka aqoonsaday dawladnimada Falastiin, iyadoo ay muhiim tahay in sharciyadda caalamiga ah la taageero, waxaana ku boorrineynaa dalalka kale inay qaadaan tallaabooyin la mid ah. "

Hadallada ka soo yeedhay Dhaxalsugaha Sacuudiga ayaan ahayn kuwo h**e loo ga bartay, waxaana uu MBS caddeeyay mawqifka ay Boqortooyadu ka taagan tahay Xidhiidhka Maamulka Yuhuudda, kaas oo ay in badan ba dad qaar u arkayeen jiro xidhiidh hoose oo ka dhaxeeya labada maamul.

20/09/2024

Subxaanallaah! Fadlan caawi walaalkan la intixaamay😭

20/09/2024

Guddoomiyaha Daadmadheedh ayaa xilkii u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xaajisaalax iyo guddoomiyihii h**e ee degmadaasi.

15/09/2024

"Haddii Sinwaar dishaan Xamaas kun Sinwaar ayaa ku jira" Sheekh Umal

14/09/2024

Oodweyne oo la isugu soo baxay xuska dhalashada Nebi Maxamed NNKH

11/09/2024

Maamulka Daadmadheedh oo baabi'iyay degsiimo cusub

01/09/2024

Maxaad ka og tahay Taariikhda Oodweyne?

31/08/2024

Dhismaha cusub ee Xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Oodweyne

30/08/2024

Oodweyne oo la iftiimiyay

29/08/2024

Oodweyne: Daladda Intifaac oo tababar u qabatay Macallinta Daadmadheedh

23/08/2024

Nin Faqiir ah naag ma guursan karaa? Sh. Umal

21/08/2024

Soo dhaweyntoi Ceerigaabo ee Madaxweyne Biixi

Address

2522
Oodweyne
0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wariye Sayid Darwiish posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wariye Sayid Darwiish:

Videos

Share

Nearby media companies