Mahad Bile

Mahad Bile Muwaadin Dadkiisa Iyo Dalkiisa Jecel.

20/09/2024
CODEEYAYAASHII FARTOODA EEDAY!!Allaylehe Madaxweyne Muuse Markuu lahaa FARTIINA ayaad eedaysaan , mufasiririinta ayaan h...
03/07/2024

CODEEYAYAASHII FARTOODA EEDAY!!

Allaylehe Madaxweyne Muuse Markuu lahaa FARTIINA ayaad eedaysaan , mufasiririinta ayaan horay u fahmine waa kuwan muwaadiniinta fartooda Eeday.

Halkani waa dugsiga deegaanka SOGSOGLEY ee degmada BOON carruurta ku dhaqan deegaankani ma haystaan dhammaan adeegyadii Aasaasiga ahaa.
Dugsigoodu waa qabyo , biyo nadiifa ma haystaan, Waxbarasho ma hayaan, Adeeg caafimaad ma jiro, Korontana warkeedaba daa.
Iyada oo ay sidaas tahay dadka deegaankani waa codeeyayaal muwaadiniin ah qayb weyna ka soo qaatay doorashooyinkii horay u dhacay , kana mid ahaa dadkii keenay guusha ay ku naaloonayaan Madaxda hadda xukunka joogtaayi.
Xukuumada talada haysa waxba deegaankan kuma soo celin, dadka deegaanka iyo walaalo muxsiniin ah ayaa iska kaashaday oo dhismaha dugsigan halkan soo gaadhsiiyay, wax taageero ahna k**a ay helin xukuumadii ay codkooda siiyeen ee maalintii doorashada ay cuudkoodii cidlada ugaga soo tegeen. Macalinka dugsigani dhigaa waa bilaa Mushahar oo tabaruc ayuu ku baraa barbaartan biyo la'aanta ay u dheertahay baahida waxbarasho.
Haddaba dadka deegaankani waxa ay baaq dheer u direen Xukuumada xadhkaha goosatay iyo Xisbiyada Mucaaradka iyaga oo wacad ku maray in maanta codkoogu uu marayo hal meel kaas oo ah cidda ka soo jawaabta baahidoodaa.
Dadka deegaankan ayaa horay u Sacab tumi jirey iyaga oo aan dhafsiisan wax dheef ah.

Haddaba , Su'aashu waxa ay tahay Yaa doorkan qaadanaya madluumiintan ducadooda iyo codkoogu ba yahay dahabka?

Address

Buramo Boorama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahad Bile posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mahad Bile:

Videos

Share