Bosaso Daily News

  • Home
  • Bosaso Daily News

Bosaso Daily News By The People For The People

Dhammaan kooxii matalayay gobolka Bari ee ka qaybgalayay koobka horyaalka Puntland ayaa guuladarrooyin la kulmay, haddab...
17/05/2024

Dhammaan kooxii matalayay gobolka Bari ee ka qaybgalayay koobka horyaalka Puntland ayaa guuladarrooyin la kulmay, haddaba Maxaa hortaagan in la dhiso garoonka kubadda cagta ee degmada Bosaso?

 : Marxuum SAALIM oo kasoo jeeda beelaha somalidu hayb soocdo oo habeen h**e si bareer ah ciidanka PMPF iyo kuwa degmadu...
09/05/2024

: Marxuum SAALIM oo kasoo jeeda beelaha somalidu hayb soocdo oo habeen h**e si bareer ah ciidanka PMPF iyo kuwa degmadu ugu dileen Bosaso ayaan la aasin iyadoo meydkiisi wili ku jiro Talaagadda Meydka.

Illaa hadda qoyska marxuumku cadaalad ma helin, Maamulka PL iyo kan degmada Bosaso oo uu ugu h**eeyo Duqa degmada ayan booqan qosyka kana tacsiyayn geerida.

Faafi oo nagala qayb qaado cadaalad u raadinta SAALIM

 : Shil gaadhi oo ka dhacay dalcadda Dureera oo Magaalada Boosaaso u jirta  20 km ayaa lasoo tabinayaa inay ku dhinteen ...
09/05/2024

: Shil gaadhi oo ka dhacay dalcadda Dureera oo Magaalada Boosaaso u jirta 20 km ayaa lasoo tabinayaa inay ku dhinteen 3 qof halka 6 kale ku dhaawacantay.

Dhawaan waxaa soo badanayay shilalka isdabajoogga ah ee hareeraha jidka weyn ee isku xidha Bosaso iyo gobolada kale ee Puntland ka dhacayay iyadoo loo tirinayo dayac baaxad weyn leh oo ku habsaday wadooyinka halbowlaha u ah Degmada. Dhawaan ayay ahayd markii Duqa Degmada Boosaaso Cabdifataax Shanle uu ku faanay in golihiisu waxqabad muuqda ka sameeyay dib u dayactirka dariiqyada degmada muhiimka u ah, haseyeeshee taasi hadda waxay u muuqata mid aan dhab ahayn.

 : SAALIM AYUUB oo ahaa nin dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa kala soo baxa mid kamid ah kaalimaha shidaalka ee dhaca...
07/05/2024

: SAALIM AYUUB oo ahaa nin dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa kala soo baxa mid kamid ah kaalimaha shidaalka ee dhaca jihada bari ee magaalada Boosaaso ayaa kamid noqday dadka ku nafwaayay ishor-imaadkii caawa ka dhacay degmada Bosaso.

Marxuumka ayaa kasoo rawaxay goobtiisa shaqo kadibna la kulmay rasaas wiifto ah oo haleeshay qayb kamid ah jidhkiisa. Alle ha u naxariisto marxuumka.

 : Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalkii caawa ka dhacay degmada Bosaso, ilo-wareedyo ayaa tilmamaaya in dagaalku ...
07/05/2024

: Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalkii caawa ka dhacay degmada Bosaso, ilo-wareedyo ayaa tilmamaaya in dagaalku ka bilowday kaddib markii malayshiyaad ay isku dayeen inay bilaabaan dejinta doonni hub sidday oo u iyaga u rarnayd taas oo kusoo xiratay meel aan ka fogeyn xeebta Bosaso.

Ciidamada PMPF ee uu hogaamiyo Abdi-rabbi oo ay qaraabo dhowyihiin md Deni ayaa howlgal ka dhan kooxdaas go’aamiyay. Dhawaqa rasaasta ayaa xoogeysatay kaddib markii PSF ku biirtay dagaalka iyagoo garab istaagay dableydii hubaysnayd.

 :  Waxaa cisbitaalka Weyn ee Bosaso iyo kan AYAN HOSPITAL ee magaalada Boosaaso dhiig la’aan ku ah gabadh iyo wiil ku w...
07/05/2024

: Waxaa cisbitaalka Weyn ee Bosaso iyo kan AYAN HOSPITAL ee magaalada Boosaaso dhiig la’aan ku ah gabadh iyo wiil ku waxyeeloobay dagaalkii Caawa ka dhacay Boosaaso. Dhiigaga loo baahanyahy waa O+ iyo B+

Fadlan sii faafi

 : Dhaawacyada in ka badan 6 qof ayaa la gaarsiiyay cisbitaallada weyn ee magaalada Bosaso kaddib waxyeelo kasoo gaartay...
07/05/2024

: Dhaawacyada in ka badan 6 qof ayaa la gaarsiiyay cisbitaallada weyn ee magaalada Bosaso kaddib waxyeelo kasoo gaartay dagaal 1 saac ka socday gudaha Bosaso.

Sawiran waxaa Hadda laga soo qaaday Bosaso hospital.

07/05/2024

Degdeg: dagaal ka qarxay magaalada Bosaso

 : Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa culus ayaa 45 daqiiqo Hadda ka socda magaalada Bosaso. Dagaalka...
07/05/2024

: Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa culus ayaa 45 daqiiqo Hadda ka socda magaalada Bosaso. Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada PMPF iyo kuwa PSF.

01/05/2024

Sidee u dhacay shilka ay ku geeriyootay AUN Hodan oo kamid ahayd gabdhaha caanka ka ah baraha bulshada?

 : Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ayaa saaka hakad galiyay dhammaan adeegyadii uu bixin jiray. Kaddib Isku-dha...
29/04/2024

: Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ayaa saaka hakad galiyay dhammaan adeegyadii uu bixin jiray. Kaddib Isku-dhac ciidan oo sababi gaaray khasaare oo garoonku maanta martigaliyay. Ciidamada kala duwan ee deggan Bosaso ee kala ah PSF iyo PMPF ayaa xiisad dagaal ka aloosantay iyagoo ku sigtay inay is-rasaasayn iyo tacshiirad ishuwiyaan. Khilaafka ayaa ka dhashay kaddib markii la isku qabsaday cidda xaqa u leh inay soo dhaweyso wafdi Maraykanka ka socday oo Bosaso iman lahaa saaka balse baaqday markii ay ka warheleen ismaandhaafka ka taagan Bosaso.

Maamulka Degmada Bosaso, gaar ahaan Duqa degmada Mr Cabdifataax Shanle ayaa lasoo warinayaa inuu dalxiis ugu maqnaa meel ka baxsan Bosaso markii falku dhacay, iyadoo markale laga cabsi qabo in labada ciidan isku dhacaan.

 : Ha yaabin haddii aad maalmaha soo socda ciwaannada Wararka ku aragto Duqii Bosaso oo karkaarka la weydaariyay.Guuxa i...
29/04/2024

: Ha yaabin haddii aad maalmaha soo socda ciwaannada Wararka ku aragto Duqii Bosaso oo karkaarka la weydaariyay.

Guuxa iyo mooshinnada is-hareer socda ee ka dhanka ah Duqa degmada Boosaaso ayaa xadhkaha goostay. Mooshinka waxaa abaabulaya xubno golaha degaanka saameyn ku dhex leh, iyadoo Duqa degmadu uu u muuq egyahay mid jaranjarada kasii dhacaya.

Muddo xileedkii Duqa Degmada Mudane Abdifataax Shanle waxay degmada Bosaso la ildarnayd amni darro, labo canshuur oo dadweynaha laga qaado, kaabaayasha dhaqaale oo uu burbur xooggan ku yimid, b**b hantida dadweyne iyo musuqii abid ugu folxumaa oo lagu geystay shaarka dowladnimada oo la diiwaangaliyay.

Maxaad Adigu ku xasuusan doontaa duqa xilka ka tagaya?

 : Ciidamo hubaysan oo ay si wadajir ah amar usoo siiyeen taliyaha qaybta gobolka Bari iyo Duqa Degmada Bosaso Abdifataa...
24/04/2024

: Ciidamo hubaysan oo ay si wadajir ah amar usoo siiyeen taliyaha qaybta gobolka Bari iyo Duqa Degmada Bosaso Abdifataax Shanle ayaa hadda xabsiga u taxaabay Nabadoon Cabdiqaadir Xarago oo ah afhayeenka nabadoonnada Gobolka Bari.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa soo warinaya in Nabadoonka jirdil loo geystay islamarkaana lagu xadgudbay. Xadhigiisa ayaa kusoo beegmaya Kaddib markii mar aan fogeyn uu dhaliilay Madaxweyne Deni iyo maamulka degmada Bosaso oo uu ugu h**eeyo Duqa Degmada iyo laamaha Amniga Gobolka.

Duqa Degmada Bosaso Abdifataax Shanle oo Sida ka muuqata sawirkan dhoollacadeynaya sidoo kale dhexdu u dhuuqsantahay aya...
24/04/2024

Duqa Degmada Bosaso Abdifataax Shanle oo Sida ka muuqata sawirkan dhoollacadeynaya sidoo kale dhexdu u dhuuqsantahay ayaa goor dhow gaaray deegaanka Kalabayr oo hoos timaadda Bosaso si uu markhaati uga noqdo waxqabadkiisii mudadii halka sanno ahayd ee uu xukunka Bosaso joogay taas oo ah in 3 buundo oo ku yaal Kalabayr ay burbureen kaddib daadad kusoo rogmaday awgood, dadkuna daadsanyihiin hareeraha laamiga saacado badan maadaama jidku go’ay.

Duqa Degmada ayaa dhawaanahanba lagu eedaynayay inuu musuqay mashaariic dhowr ah halka qaar kalena uu ka gaabiyay inuu hirgaliyo.

 : In ka badan 2 buundo (Bridge) oo waaweyn oo ku yaalla deegaanka Kalabayr oo hoostagta degmada Boosaaso ayaa dumay kad...
24/04/2024

: In ka badan 2 buundo (Bridge) oo waaweyn oo ku yaalla deegaanka Kalabayr oo hoostagta degmada Boosaaso ayaa dumay kaddib roobabka gu’ga oo ka curtay aaggaas. Isu-socodka dadweynaha iyo gaadiidka adeegsan jiray jidka weyn ee Bosaso iyo Garowe isku xidha ayaa go’an, iyadoo dayac badan laga warinayo bulshada ku safraysa halkaas ee daadadku kusoo rogmadeen.

Maamulka degmada Bosaso ayaan wili wax tallaabo ah qaadin iyadoo wararka aan helayno tilmaamayaan in Duqa degmada Bosaso Cabdifataax Shanle uu qorshaynayo Safar nasasho ah oo uu ku tagi doono mid kamid ah dalalka dariska la ah Somalia, badalkii uu uu kuur-gali lahaa xaaladda cakiran ee degmadu la liicayso.

24/04/2024

Daawo: 25 sanno ay Puntland dhisnayd, Dekedda Bosaso ma laha wax qalab casri ah ah sida wiishashka si lamid ah Berbera iyo Muqdisho wilina dhabarka iyo tuurta ayaa lagu xamaala adeega dekedda.

 : MASHRUUCII DHISMAHA GAROONKA KUBADDA CAGTA EE BOSASO OO FASHILMAY.Magaalada Boosaaso waxaa ku nool dad lagu qiyaaso n...
23/04/2024

: MASHRUUCII DHISMAHA GAROONKA KUBADDA CAGTA EE BOSASO OO FASHILMAY.

Magaalada Boosaaso waxaa ku nool dad lagu qiyaaso nus milyuun (500+), dadka ku nool Boosaaso 70% waa dhalinyaro. Boosaaso waa magaalada xarunta u ah Ganacsiga Puntland, 80% dhaqaalaha Dowladda Puntland ay ku shaqayso ayaa ka soo xarooda. Sidaas oo ay tahay dhalinyarada Boosaaso ma helaan dhiragelin iyo madadaalo, waxaa ku hareeraysan caqabado badan oo ay ka mid yihin amni xumo, shaqo la'aan iyo ineysan haysan goobo ay ku ciyaaraan waqtiyadooda kuqaataan.

Maayirradii kala danbeeyay ee Degmada Bosaso ayaa ballanqaaday dib u dayactirka garoonka kubadda cagta ee Bosaso, laakiin taasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisay. Baadhis aan sameynay ayaan ku ogaannay in dib u dhiska garoonka Bosaso uu u joogsaday muddo 5 bilood ah musuq awgii kaas oo lagu eedaynayo Guddiga gacanta ku haya iyo Duqa degmada Bosaso. Dhalinta Bosaso waxay ku hanweynaayeen waqti dheer inay helaan garoon ay ku ciyaaran si ay uga nabad galaan maandooriyaha iyo tahriibka.

Duqa Degmada Boosaaso oo ah masuulka ugu sarreeya degmada ayaa halkii uu waqti galin lahaa dhammeystirka dhismaha garoonka magaalada wuxuu ku mashquulsanyahay u safridda Nairobi iyo duubista muuqalo lagu baahiyo TikTok.

 : Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Duqa Dowladda Hoose ee Degmada Boosaasowaxaa Magaalada ganacsiga Puntland haree...
22/04/2024

: Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Duqa Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso
waxaa Magaalada ganacsiga Puntland hareerayay dayac amni oo aad u daran, waxaana la diiwaangaliyay inay fuleen dilal, kiisas kufsi iyo weeraro argagaxiso oo qorshaysan.

Maamulka Degmada oo uu ugu horreeyo maayirka degmada Bosaso iyo laamaha amniga ee degmada sida taliyaha qaybta Gobolka iyo kuxigeenkiisa ayaa fadeexad kala kulmay bulshada iyagoo ku guuldarraystay sugidda Amniga magaalada ee faraha kasii baxaya. Duqa degmada Boosaaso ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya adeegsiga baraha bulshada iyo qorista dhalinyaro ka difaacda fashilka haysta.

Ma lajoogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa maamulka degmada?

Address

Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bosaso Daily News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share