27/12/2024
Siyaasi C/Raxman M Ismaaciil ( Cabqari) oo la yaaban koox la yiraahdo Team F tik tok neceeb ka dhex abuuraysa Shacabka Puntland iyo Khatumo ee walaalaha ah.
Waxaan rabaa in aan u garnaqo koox la yiraahdo F tik tok iyo Khatumo.
KHATUMO sababta loo asaasay Waxay eheed in laga xoreeyo codowgii SNM ee ku habsaday gobolada Sool, Sanaag, iyo Cayn. SNM Somaliland waxay xasuuqday shacabkii khatumo waxay burburisay hantidii Khatumo.
Khaatumo looma asaasin in lagu burburiyo Puntland.
Team F edebdaro iyo dulmiga ummadda kala agtaga.
Team F waxaad wadaan waa Bull s**t hasha ayadaa wax qaniinta oo cabaada. Beenta iyo neceeb abuurista joojiya. Puntland CID aad ka xigtaan maleh. SNM baa mushahar ka qaadataan. Dhulbahante waligood mucaarad kuma noqon Madaxweene Puntland waligood. Dad xukun raadiyo ma ahan. Waa dad dowladnimada daacad u ah.
Alle ka cabsada Reer khatumo codow Kuma aha Puntland. Bal wax bay taraan. Ciidanka ugu badnaa ee
C/Laahi Yusuf u raacay meel walbo Waxay ahaayeen Dhulbahante
Waxay ganacsatooda bixiyeen canshuur
Xoolahooda ayaa laga keenaa howdka
Goormay Cadow Puntland ku noqdeen Puntland.
Walgood dowlad jirta mucaarad kuma noqon. Munaafaqad mayaqaanaan
Waayo lama gumeesan.
Ingiriis baa habraha Isaaq , gedobiirssi iyo Ciise gumeestay
talyaani baa gumeestay habar majeerteen. Musuqa, munaafaqda, iyo beenta gumeesiga ayaad ka barateen gumeestihii. Ka dib waxaad ku tilmaantaan dhulbahante inay yihiin dad badow ah oo calibeesteen ah oo aan is maamuli karin.
Dadka Khaatumo cadow baa dulaan ku ah way dhiig baxayaan Maamul bay suubsadeen waa curdun. Culees idinkuma hayaan. Dhib idinkuma hayaan. Sidaa owgeed walaalkaa ha dhabar jabinin. Dulmiga ma fiicna. Alle dulmiga wuu xarimay.
Team F hadalo maangaabnimo ah bay yiraahdaan. Garaadka ayaa 17 Sano kohor yiri gabdhaha Majeerteen ha guursanina. Adiguba waad Oran leheed Hadii lagu dulmiyo codowga lagugu fiirsado. It is human nature. Waa bini aadam hadii la dulmiyo wax walbo ayaa afkiisa ka soo baxaya.
Gunaanad
Team F iyo kuwa maal galiya Alle ka cabsade dad aan Deen iyo Godob idinka gelin ha dulmin. Bini aadam ama ummadd balaaran oo tashaday lama juujuubi karo. Digaag qoorqabad biyo laguma siin karo. Ummadda waa la kasbadaa waa lala shaqeeya waa la caawiyaa. Kaba soo qaad xaaskaaga inay tahay Bisad. Hadii aad bisada aad caawiso oo aad wax tarto way ku aaminaysaa way ku jeclaanaysaa
Lakiin Hadii aad dhibaateyso way ku qaniinaysaa oo way iska kaa difaacaysaa. Bini aadamka waa Sidaas oo kale.
Waxaan kula talinayaa Reer Khaatumo
Nimankaas Reer Muduga ee geela dhaqda ee dekada garacad dhistay nimankaas waa GOB. Hiil iyo waxtar iyo walaaltimo ayaad ka helaysaan. Nimankaas La macaamila. Munaafaqad mayaqaanan. Reer bari kaluun buu Cunaa. Reer nugaaleed Ari buu dhaqdaa isma fahmaysaan. Wax idin tarimayaan.