Bursaalax Media

Bursaalax Media Ciid Media waa warbaahin ka hadli doonta wararka, ciyaaraha, ganacsiga iyo riwaayadaha. Ciid Media

Bursaalax iyo xalay
12/12/2023

Bursaalax iyo xalay

Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka ee FEIT Muuse Geelle ayaa goordhow gaaray Baydhabo, waxaa la socda Wasiir Khadiijo Di...
13/04/2022

Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka ee FEIT Muuse Geelle ayaa goordhow gaaray Baydhabo, waxaa la socda Wasiir Khadiijo Diiriye iyo xubno kale iyadoo lagu wado in xal laga gaaro khilaafka taagan.

LACAG INTEE LE’EG AYAA LAGA QAADAY ARDAYDA PUNTLAND EE LOO SIXI WAAYAY IMTIXAANKA FASALKA 8AAD?Sannad-dugsiyeedka iskuul...
03/08/2021

LACAG INTEE LE’EG AYAA LAGA QAADAY ARDAYDA PUNTLAND EE LOO SIXI WAAYAY IMTIXAANKA FASALKA 8AAD?

Sannad-dugsiyeedka iskuulada Waxbarashada Puntland, ayaa furmaya maanta oo Isniin ah, xilli aan weli la sixin imtixaankii shahaadiga ahaa ee laga qaaday Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe.

Markii ugu horreysay taariikhda waxbarashada Puntland, dugsiyada sare ma heli doonaan arday ka gudubtay imtixaanka fasalka siddeedaad oo billaabi kara fasalka kowaad ee dugsiga sare, sida ku jirtay warbixin Ciid Media qortay maalmo ka hor.


In ka badan 12,000 oo arday ayaa u fariistay Imtixaankan Shahaadiga ah, oo sida wararku sheegayaan loo waayay dhaqaale lagu saxo, inkastoo aysan weli Wasaaraddu ka hadlin arrintaas.

Imtixaanka ka hor, arday kasta oo kamid ah 12,000 kun waxa laga qaaday lacag dhan $20 Dollar, waxaana lacagtaas wadar ahaan u dhigantaa $240,000 kun oo Dollar, haddii lagu dhufto tirada guud ee ardayda.

Haddaba, sideee u aragtaa in Imtixaanka dhaqaale loo waayay, iyadoo ardayda laga qaaday $240,000 kun oo Dollar?

Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa maanta si buuxda ula ware...
18/07/2021

Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa maanta si buuxda ula wareegay degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, ayaa weerar xooggan ku qaaday degaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaallamay.

Dagaallamayaasha Al-shabaab oo laga qabsaday degaanka , ayaa u jihaystay dhinaca degmada Xarardheere oo ku taalla koonfurta Gobolka Mudug, islamarkaana saaran xeebta badweynya Hindiya.

War Deg Deg ah Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda oo Garab Ka Helaya Daraawiishta Galmudug iyo Ciidan uu Wato Generaal...
18/07/2021

War Deg Deg ah Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda oo Garab Ka Helaya Daraawiishta Galmudug iyo Ciidan uu Wato Generaal Saadaq joon ayaa hadda Alshabaab kula Dagaalamaya Deegaan u dhow Camaara.

Ciidamada ayaa Weerar ku ekeeyey Alshabaabkii halkaasi joogay Xabada ayaa si xoogan u dhecaysa.

Saraakiisha Dagaalkan Hogasminaysa waxaa ka mid ah General Saadaq Joon .

DAD LAGU AF-DUUBTAY DEGAANKA TUKARAQWararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas xalay ...
18/07/2021

DAD LAGU AF-DUUBTAY DEGAANKA TUKARAQ

Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan ay gaari kala dageen dadkaas islamarkaana af-duubteen.

Dadka la af-duubtay ayaan ilaa iyo haatan la aqoon meel la geeyay waxaana dadka degaanka laga soo xigtay in af-duubkan daba socday kadib markii Somaliland xirtay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur.

Cabdikariin Cali Nuur ayaa Laascaanood lagu xiray kadib markii uu taageero u muujiyay madaxweyne Farmaajo waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera.

Deg Deg;Madaxweynihii Haiti oo lagu dilay weerar gurigiisa lagu qaadayMadaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, ayaa lagu dila...
07/07/2021

Deg Deg;
Madaxweynihii Haiti oo lagu dilay weerar gurigiisa lagu qaaday

Madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygiisa gaarka ah, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah Claude Joseph.

Mr Joseph wuxuu sheegay in guriga madaxweynaha ay weerareen niman hubeysan oo aan haybtooda la garanayn abaare 01:00 waqtiga ee maxaliga ah.

Marwada Koowaad ayaa la sheegay inay iyaduna ku dhaawacantay weerarkaas.

Xulka Kubada Cagta ee Talyaaniga  ayaa iskaa xaadiriyey ciyaarta kamadambaysta ah ee koobka yurub kadib markay rikoodhay...
06/07/2021

Xulka Kubada Cagta ee Talyaaniga ayaa iskaa xaadiriyey ciyaarta kamadambaysta ah ee koobka yurub kadib markay rikoodhayaal kaga adkaadeen Xulka Spain oo wada ciyaareen 120 daqiiqo ciyaartaasi oo ku dhamatau 1 iyo 1.
Talyaanigu wuxu sugaya ingiriiska iyo denmark kasoo badiya.

Boorama;Wiil ka mid ah ardaydii dhiganaysay Jamacadda Camuud ee Boorame ayaa lagu toogtay bartamaha Jaamacadda.Goob joog...
06/07/2021

Boorama;

Wiil ka mid ah ardaydii dhiganaysay Jamacadda Camuud ee Boorame ayaa lagu toogtay bartamaha Jaamacadda.

Goob joogayaal aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in ardaygaas la toogtay kadib markii uu ku labistay calanka Somaliya.

Ardaygaan ayaa ka soo jeeday maamulka Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso.

Dowladda Puntland K**a mid aha mana aqoonsana Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority”, sidoo kale Pun...
05/07/2021

Dowladda Puntland K**a mid aha mana aqoonsana Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority”, sidoo kale Puntland ma aqoonsana heshiisyada iyo shaqada xaruntaasi (SPA). DFS maadaama uu wakhtiga uga eekaa 8, February 2021, hadda oo ay xil gaarsiin uun yihiin awood uma lahaa in ay heshiisyo caalami ah galaan.

Puntland waxay u soo jeedinaysaa Shirkadaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada Hydrocarbon-ka in ay sugaan inta dalku doorashada ka baxayo, oo ay dowladd cusub imanayso, waayo iyada awood u leh oo laga raba in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka si heshiis lagu wadayahay.

WAR DEG DEG AH:Baarlamanka Puntland ayaa u codeeyey in Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada ay   xasaanadda xildhiba...
04/07/2021

WAR DEG DEG AH:

Baarlamanka Puntland ayaa u codeeyey in Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada ay xasaanadda xildhibaannimo ku waayi karaan codadka 44 xildhibaan oo kamid ah 66-da Wakiil ee Puntland, si lamid ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Tallaabadan ayaa la sheegey in ay meesha ka saarayso Guddoomiyayaasha Wakiillada Puntland oo ay badnayd in mooshinno lagu rido, h**e waxaa lagu ridi karay 34 cod oo ahayd tiro yar.

27/06/2021

18 nin oo ka tirsanaa ururka xagjirka Alshabaab oo lagu toogtay saaka caska Galkacyo.

 : Dowladda Puntland ayaa Saaka oo Axad ah Gaalkacyo ku toogatay 18 xubnood, oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin ururka...
27/06/2021

: Dowladda Puntland ayaa Saaka oo Axad ah Gaalkacyo ku toogatay 18 xubnood, oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada Puntland, ayaa h**e xukun dil ah ugu ridday raggan oo ka kooban shabakado Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Gobolka Mudug, gaar ahaaanna magaalada Gaalkacyo.

Xukmanayaasha la toogtay waxa ku jira, horjoogayaal sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay, in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah horjoogayaasha saaka lagu toogtay Gaalkacyo.

Sidoo kale, caasimadda Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay hal xubin oo Shabaab ah.

Dhulka ciidkaa aad ayaa looga isticmaali jirayHaddaba maxaa u taqaan?
25/06/2021

Dhulka ciidkaa aad ayaa looga isticmaali jiray
Haddaba maxaa u taqaan?

W A R A A B A H AW/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.Waraabuhu waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhab...
18/06/2021

W A R A A B A H A

W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

Waraabuhu waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordate), gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Sidoo kale wuxuu ku jiraa dugaaga hilib cunka ah ee ugu caansan qaaradda Afrika (Carnivora) qoyska weyn ee Waraabaha (Hyaenidae). Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Hyaenidae). Asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa qaaradaha Afrika, Aasiya iyo jasiirada carabta. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Hyena), Carabidana (ضَبْع). Afka Soomaaligana guud ahaan waxaa looyaqaanna Waraabe ama Dhurwaa, dheddigiisa candhadheer, dhashiisana Wishiir.

Waraabaha cimrigiisu waxa uu gaadhaa 20-25sanno, Culayskiisuna 30-80 kiiloo, halka uu dhererkiisuna gaadho 95 ilaa 150 sentimitir. waxa uu leeyahay 40 hiddo-side iyo 34 ilkood. Sidkiisu waxa uu udhaxeeyaa 90-110 maalmood, isagoo badanaa dhala 2 ilaa 4 ilmood, kuwaas oo ku qaangaadha sannad ama sannad iyo badh. waraabuhu saacaddii wuxuu jari karaa 64 kiiloomitir, waxa uu caan ku yahay qaab dhismeedka jidhkiisa oo ah, inuu u weyn yahay qaarka h**e, una gaaban yahay qaarka danbe. Waraabuhu waxa uu kamid yahay xayawannaada leh dhiigga diirran (warm blooded) iyo kuwa leh halka calool (Monogastric), sidoo kale waa xaabqaad aan dhaafin bakhtiga, qudhunka iyo cuntooyinka hadhaadiga ah ee uu la kulmo (Scavergers), isagoo ku jira xayawaannada dad cunka ah (Man eaters).

Dad badan ayaa aamaaninsan in uu waraabuhu yahay labeeb ama uu leeyahay labada xubnood ee taranka, balse arrinkaasi waa mid been ah. Nooc ka mid ah afarta jaad ee waraabaha looqaybiyo, ayaa leh xubin u eeg ganaca ama xubinta taranka ee waraabaha lab, taas oo ah halka ay ka dhasho, kana rimiyo waraabaha dheddig. Taas oo loogu yeedho qoodho-la-mood (pseudo p***s). Ugu danbayntii inkastoo jiro xadiis uu nebigu NNKH ku xalaaleeyay cunida hilibka waraabaha, haddana waxa jira xadiis kale oo uu Nebigu NNKH ku xarimay cunida hilibka duurjoogta leh miciyo ay ka waxku ugaadhsadaan, arrinkaasi waxa uu dood culus ka dhex dhaliyay culimada islaam oo ay qaar ka mid ahi ku doodaan in waraabihii uu Nebigu xalaaleeyay ahaa mid bilaa miciyo ah, halka ay qolo kalana ku doodo inuu isaga yahay. Hadal iyo dhammaan waxaa isweydiin mudan maxaa uu qof soomaali ahi, kaas oo uu alle siiyay shanta meesi ee xoolaha uu uga baahan yahay hilib waraabe ama dhurwaa? jawaabta idinkaan idiin dhaafay.

Mayeedhaan Magazine.
[email protected].

14/06/2021

Bur-Saalax, Mudug, Puntland Soomalia.

Ciid Media

Share

Maxay kula tahay sababta riyahaan sidaas loo yeelay?ku soobiir Ciid Media  LIKE SAAR
08/06/2021

Maxay kula tahay sababta riyahaan sidaas loo yeelay?

ku soobiir Ciid Media LIKE SAAR

Subaga inta aan caanaha laga saarin. Magaciise soo sheeg, maxaase loo yaqaan?
07/06/2021

Subaga inta aan caanaha laga saarin. Magaciise soo sheeg, maxaase loo yaqaan?

Deegaanka  Axmed faysto HD📸
02/06/2021

Deegaanka
Axmed faysto HD📸

01/06/2021

Halkani waa Ciidka Gobolka Mudug ee Puntland.. waa dhul aad u qurxoon, Ciid Media waxay idiin soo gudbinaysaa quruxda dhulkaas ee la wadaag asxaabtaada.

Fadlan nagu soo biir.

Ciid Media

Address

Main Road
Beyra

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bursaalax Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bursaalax Media:

Share

Category


Other Beyra media companies

Show All