Xushmo

Xushmo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xushmo, News & Media Website, Mogadishu, Banadir.

Deg deg: Mareykanka oo duqeymo ka geystay  Syria. Duqeymahan  ayaa lala beegsaday  ISIS si aysan ugu faaideysan xaalada ...
08/12/2024

Deg deg: Mareykanka oo duqeymo ka geystay Syria. Duqeymahan ayaa lala beegsaday ISIS si aysan ugu faaideysan xaalada Syria.

08/12/2024

Guul Soomaaliyeed

08/12/2024
08/12/2024

Dowladda Somali Oo Fariin adag udirtay Dowladda cadawga ee Ethiopia iyo Soomaalida la shaqeyso.

Abu Muhammad al-Julani, magaciisa dhabta ah oo la rumeysan yahay inuu yahay Axmed Xuseen al-Sharaa, waa hoggaamiyaha Hay...
08/12/2024

Abu Muhammad al-Julani, magaciisa dhabta ah oo la rumeysan yahay inuu yahay Axmed Xuseen al-Sharaa, waa hoggaamiyaha Hay’at Tahrir al-Sham (HTS), kooxda ugu awoodda badan mucaaradka Suuriya. Wuxuu ku dhashay Suuriya sanadkii 1982, isagoo si weyn ugu lug lahaa dagaalada ka dhanka ah nidaamka Bashar al-Assad tan iyo bilowgii kacdoonka Suuriya ee 2011.

Al-Julani wuxuu caan ku noqday markii uu aasaasay Jabhat al-Nusra sanadkii 2012, taasoo markii dambe isu beddeshay Hay’at Tahrir al-Sham sanadkii 2017 kadib markii ay xiriirka u jareen Al-Qaacida. Hoggaamiyahan waa xeel-dheer siyaasadeed iyo mid milatari, isagoo door weyn ku leh sidii HTS ugu xoogeysatay gobolka Idlib.

Inkasta oo uu isku dayay inuu kooxdiisa uga dhigo mid u muuqata koox mucaarad ah oo maxalli ah, HTS waxaa loo aqoonsan yahay urur argagixiso caalami ah. Hoggaanka al-Julani waxa uu weli ku soo jiitaa indhaha caalamka, isagoo caan ku ah qorshayaal istiraatiiji ah oo ah in uu difaaco waqooyiga Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, al-Julani ayaa weli wajahaya dhaleeceyn xooggan oo ah in kooxdiisu ay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Wuxuu ku jiraa liiska argagixisada caalamiga ah ee dalal badan. Taariikhdiisa iyo saameyntiisa ayaa ka dhigaysa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan xiisadda Suuriya.

08/12/2024

Horjooge Madoobe ayaa si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sar sare oo ka socota Itoobiya ay Sabtidii shalay diyaarad milatari ku tageen magaalada Kismaayo , halkaas oo ay wada-hadallo gaar ah kula leeyihiin Horjooge Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa casuuntay Horjooge ku xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan oo isna gaaray caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana diray Axmed Madoobe si uu wada-hadalo ula soo yeesho hoggaanka sare ee waddankaasi.

Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa nooca taageerada ay xilligan Itoobiya siineyso Horjooge Madoobe iyo kooxdiisa , maadaama ay wajaheyso dagaal uga imaanayo dhinaca dowladda Somalia iyo Shacabka Soomaaliyeed .

Wasaarada Gaashandiga Mareykanka The Pentagon oo sheegtay in bariga Syria ay joogayaan, sidoo kalana balanqaaday inay ka...
08/12/2024

Wasaarada Gaashandiga Mareykanka The Pentagon oo sheegtay in bariga Syria ay joogayaan, sidoo kalana balanqaaday inay ka hortagi doonaan in ISIS dib usoo laabato.

Syria in ay xur noqoto Waxaa si buuxda garab u siiyay Turkey 🇹🇷.
08/12/2024

Syria in ay xur noqoto Waxaa si buuxda garab u siiyay Turkey 🇹🇷.

Waa 3 dii Habeenimo saacada Syria, weli lagama seexan magaalada Homs. Dabaaldegyo ayaa ka socdo. Intaas ayaan kusoo geba...
08/12/2024

Waa 3 dii Habeenimo saacada Syria, weli lagama seexan magaalada Homs. Dabaaldegyo ayaa ka socdo.

Intaas ayaan kusoo gebagebeyneynaa tebinta tooska caawa. Waxii soo kordho halkan kala soco.

Taliyaha ciidanka Syria oo sheegay inaysan is dhiibeyn oo ay dagaalamayaan. Su'aasha la isweydiinaya ayaa ah ilaa meeqa ...
07/12/2024

Taliyaha ciidanka Syria oo sheegay inaysan is dhiibeyn oo ay dagaalamayaan. Su'aasha la isweydiinaya ayaa ah ilaa meeqa saac ama maalin ayay dagaalami karaan? Marba haddii lagu hareereysanyahay.

TEBIN TOOS AH: Warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in Bashar Al Assad uu u baxsaday Dubai.
07/12/2024

TEBIN TOOS AH: Warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in Bashar Al Assad uu u baxsaday Dubai.

Ciidanka mucaaradka oo kusii socda dimishiq.  Sawirkan waa goordhow.
07/12/2024

Ciidanka mucaaradka oo kusii socda dimishiq. Sawirkan waa goordhow.

Turkida waxa ka mun aafaqsan majirto. Diyaaradan oo ay leeyihiin yahuuda ayaa soo martay airportkooda waxayna ku leeyihi...
07/12/2024

Turkida waxa ka mun aafaqsan majirto. Diyaaradan oo ay leeyihiin yahuuda ayaa soo martay airportkooda waxayna ku leeyihiin inay xeriirka u jareen.

Waa siyaasad. Turki faaido ma lahan.

07/12/2024

Maxay kula tahay. Bashar Al Assad ma is dhiibi doonaa mise wuu baxsanaa?

07/12/2024

Donald Trump Madaxweynaha la doortay mareykanka waxa uu dhahay. Indhaha halaga fiirsado, yaanan la fara gelin. Taas oo ay ka dhigantahay in Mareykanka uu taageersanyahay in si toos ah loo jebiyo Assad.

Warar Dibloomasiyinta Qatar ay sheegen,Bashar Al Asad ayaa ka dalbaday Mareykanka caawinaaad isagaoo u balanqaaday in xeriirka uu u jarayo Iran iyo Hezbollah, balse cid ka aqbashay majirto.

Bashar Al Assad wuu dhacay. Waxa uu ku go'doonsanyahay caasimada.
07/12/2024

Bashar Al Assad wuu dhacay. Waxa uu ku go'doonsanyahay caasimada.

07/12/2024

Tebin toos ah:
Magaalooyinka ay mucaaradka xureeyen .

• Idlib
• Aleppo
• Hama
• Homs
• Daraa
• As-Suwayda
• Quneitra

07/12/2024

Xabsiga dowlada oo laga sii daayey dhamaan maxaabiista.
Xabsiga waxa uu ku yaala banaanka caasimada Dimishiq.

Mucaaradka waxay ku hareereysan yihiin caasimada oo ay geliyeen go'doon.

Address

Mogadishu
Banadir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xushmo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xushmo:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Banadir

Show All